< Boqorradii Kowaad 8 >
1 Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu Yeruusaalem isugu soo shiriyey odayaashii reer binu Israa'iil, iyo qabiilooyinka madaxdoodii oo dhan, oo ahaa amiirradii jilibyadii reer binu Israa'iil inay sanduuqii axdiga Rabbiga ka soo qaadaan magaaladii Daa'uud oo Siyoon ahayd.
那時,所羅門將以色列的長老和各支派的首領,並以色列的族長,招聚到耶路撒冷,要把耶和華的約櫃從大衛城-就是錫安-運上來。
2 Oo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay u soo shireen Boqor Sulaymaan wakhtigii iidda ah bisha toddobaad ee Eetaaniim la yidhaahdo.
以他念月,就是七月,在節前,以色列人都聚集到所羅門王那裏。
3 Oo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu way yimaadeen, markaasay wadaaddadii sanduuqii soo qaadeen.
以色列長老來到,祭司便抬起約櫃,
4 Oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi waxay soo qaadeen sanduuqii Rabbiga, iyo teendhadii shirka, iyo kulli weelashii quduuska ahaa oo teendhada ku jiray oo dhan.
祭司和利未人將耶和華的約櫃運上來,又將會幕和會幕的一切聖器具都帶上來。
5 Oo Boqor Sulaymaan iyo shirkii reer binu Israa'iil oo isaga u soo ururay oo dhammu waxay wada joogeen sanduuqii hortiisa, iyagoo ku allabaryaya ido iyo dibi aan la sheegi karin ama aan farahooda la tirin karin.
所羅門王和聚集到他那裏的以色列全會眾,一同在約櫃前獻牛羊為祭,多得不可勝數。
6 Oo wadaaddadiina sanduuqii axdiga Rabbiga ayay meeshiisii keeneen, oo waxay soo geliyeen guriga qolkiisii quduuska ahaa oo ahaa meeshii ugu wada quduusnayd, taasoo ah keruubiimta baalashooda hoostooda.
祭司將耶和華的約櫃抬進內殿,就是至聖所,放在兩個基路伯的翅膀底下。
7 Waayo, keruubiimtu baalashoodii way ku kor fidiyeen meeshii sanduuqa, oo ku qariyeen sanduuqii iyo ulihiisiiba.
基路伯張着翅膀在約櫃之上,遮掩約櫃和抬櫃的槓。
8 Oo uluhuna aad bay u dhaadheeraayeen, sidaas daraaddeed dabadooda waxaa laga arkay meesha quduuska ah oo ka horraysa meesha ugu wada quduusan, laakiinse dibadda kama ay muuqan; oo halkaasay yaallaan ilaa maantadan.
這槓甚長,槓頭在內殿前的聖所可以看見,在殿外卻不能看見,直到如今還在那裏。
9 Oo sanduuqiina waxba kuma jirin labadii loox ee dhagaxa ahayd oo Muuse isagoo Xoreeb jooga ku riday, markii Rabbigu axdiga la dhigtay reer binu Israa'iil ee ay dalkii Masar ka soo baxeen mooyaane.
約櫃裏惟有兩塊石版,就是以色列人出埃及地後,耶和華與他們立約的時候摩西在何烈山所放的。除此以外,並無別物。
10 Oo kolkii wadaaddadii ka soo baxeen meeshii quduuska ahayd ayaa daruurtii ka buuxsantay gurigii Rabbiga,
祭司從聖所出來的時候,有雲充滿耶和華的殿;
11 oo sidaas daraaddeed wadaaddadii way taagnaan kari waayeen inay adeegaan daruurtii aawadeed; waayo, Rabbiga ammaantiisii ayaa ka buuxsantay gurigii Rabbiga.
甚至祭司不能站立供職,因為耶和華的榮光充滿了殿。
12 Markaasaa Sulaymaan hadlay oo yidhi, Rabbiyow, waxaad sheegtay inaad gudcurka qarada weyn dhex degganaanayso.
那時所羅門說: 耶和華曾說, 他必住在幽暗之處。
13 Hubaal waxaan kuu dhisay guri rug kuu ah, oo ah meel aad weligaa degganaanayso.
我已經建造殿宇作你的居所, 為你永遠的住處。
14 Markaasaa boqorkii soo jeestay, oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan u duceeyey, shirkii reer binu Israa'iilna way wada istaageen.
王轉臉為以色列會眾祝福,以色列會眾就都站立。
15 Markaasuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, oo afkiisa kula hadlay aabbahay Daa'uud, oo gacantiisa ku oofiyey isagoo leh,
所羅門說:「耶和華-以色列的上帝是應當稱頌的!因他親口向我父大衛所應許的,也親手成就了。
16 Tan iyo maalintii aan dadkayga reer binu Israa'iil ka soo bixiyey dalkii Masar, qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan kama aan dooran magaalo guri la iiga dhiso si magacaygu halkaas ugu jiro, laakiinse Daa'uud baan u doortay inuu dadkayga reer binu Israa'iil u taliyo.
他說:『自從我領我民以色列出埃及以來,我未曾在以色列各支派中選擇一城建造殿宇-為我名的居所,但揀選大衛治理我民以色列。』」
17 Haddaba aabbahay waxaa qalbigiisa ku jiray inuu guri u dhiso magaca Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
所羅門說:「我父大衛曾立意,要為耶和華-以色列上帝的名建殿。
18 Laakiinse Rabbigu wuxuu aabbahay Daa'uud ku yidhi, Qalbigaaga waxaa ku jiray inaad guri u dhisto magacayga aawadiis, oo taasu hadday qalbigaaga ku jirtay waad ku hagaagsanayd.
耶和華卻對我父大衛說:『你立意為我的名建殿,這意思甚好。
19 Habase yeeshee adigu guri ii dhisi maysid, laakiinse wiilkaaga kaa soo bixi doona ayaa magacayga gurigii u dhisi doona.
只是你不可建殿,惟你所生的兒子必為我名建殿。』
20 Oo Rabbigu wuu adkeeyey eraygiisii uu ku hadlay; waayo, meeshii aabbahay Daa'uud anigaa fuulay, oo waxaan ku fadhiistay carshigii reer binu Israa'iil, sidii Rabbigu ballanqaaday; oo gurigii baan u dhisay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisa.
現在耶和華成就了他所應許的話,使我接續我父大衛坐以色列的國位,又為耶和華-以色列上帝的名建造了殿。
21 Oo halkaasna meel baan uga sameeyey sanduuqii uu ku jiray axdigii Rabbiga ee uu awowayaasheen la dhigtay markuu ka soo bixiyey dalkii Masar.
我也在其中為約櫃預備一處。約櫃內有耶和華的約,就是他領我們列祖出埃及地的時候,與他們所立的約。」
22 Markaasaa Sulaymaan hor istaagay meeshii allabariga ee Rabbiga iyadoo ay wada joogaan shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu, oo intuu gacmihiisii xagga samada u kala bixiyey,
所羅門當着以色列會眾,站在耶和華的壇前,向天舉手說:
23 ayuu yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, Ilaah kula mid ahu kuma jiro samada sare ama dhulka hoose toona, adoo axdiga xajiyaa oo u naxariistaa addoommadaada hortaada ku socda oo kugu aamina qalbigooda oo dhan.
「耶和華-以色列的上帝啊,天上地下沒有神可比你的!你向那盡心行在你面前的僕人守約施慈愛;
24 Waad xajisay wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa; run ahaan afkaagaad kaga hadashay oo gacantaadana waad ku oofisay siday maantadan tahay.
向你僕人-我父大衛所應許的話現在應驗了。你親口應許,親手成就,正如今日一樣。
25 Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaji wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa, adoo ku leh, Hortayda laga waayi maayo nin carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista, hadday carruurtaadu isjiraan, oo ay hortayda ugu socdaan sidaad hortayda ugu socotay oo kale.
耶和華-以色列的上帝啊,你所應許你僕人-我父大衛的話說:『你的子孫若謹慎自己的行為,在我面前行事像你所行的一樣,就不斷人坐以色列的國位。』現在求你應驗這話。
26 Haddaba sidaas daraaddeed, Ilaaha reer binu Israa'iilow, waan ku baryayaaye eraygaagii aad kula hadashay aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa ha rumoobo.
以色列的上帝啊,求你成就向你僕人-我父大衛所應許的話。
27 Haddaba ma dhab baa in Ilaah dhulka degganaan doono? Xataa samada iyo samada samooyinku kuma qaadi karaan, haddaba bal gurigan aan dhisay sidee buu kuu qaadi karaa!
「上帝果真住在地上嗎?看哪,天和天上的天尚且不足你居住的,何況我所建的這殿呢?
28 Oo weliba Rabbiyow, Ilaahayow, aqbal tukashadayda iyo baryootankayga anoo addoonkaaga ah, oo maqal qaylada iyo tukashada anoo addoonkaaga ahu aan maanta hortaada ku tukanayo,
惟求耶和華-我的上帝垂顧僕人的禱告祈求,俯聽僕人今日在你面前的祈禱呼籲。
29 in indhahaagu ay habeen iyo maalinba la jiraan gurigan oo ah meeshii aad tidhi, Magacaygu halkaasuu ku jiri doonaa, si aad u maqashid tukashadayda anoo addoonkaaga ah oo aan meeshan xaggeeda u soo tukanayo.
願你晝夜看顧這殿,就是你應許立為你名的居所;求你垂聽僕人向此處禱告的話。
30 Bal maqal baryootankayga anoo addoonkaaga ah, iyo kan dadkaaga reer binu Israa'iil markaannu meeshan xaggeeda u soo tukanayno, kaas ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, oo markaad maqashid na cafi.
你僕人和你民以色列向此處祈禱的時候,求你在天上你的居所垂聽,垂聽而赦免。
31 Haddii nin deriskiisa ku dembaabo, oo dhaar la saaro oo la dhaariyo, oo intuu yimaado uu ku hor dhaarto meeshaada allabariga ee gurigan taal,
「人若得罪鄰舍,有人叫他起誓,他來到這殿在你的壇前起誓,
32 de markaa samada ka maqal oo yeel, oo addoommadaada xukun adigoo kii shar leh ciqaabaya si aad xumaantii jidkiisa madaxa ugu saartid, oo aad kii xaq ahna xaq uga dhigtid, oo aad ugu abaalguddid sida xaqnimadiisu tahay.
求你在天上垂聽,判斷你的僕人:定惡人有罪,照他所行的報應在他頭上;定義人有理,照他的義賞賜他。
33 Oo haddii dadkaaga reer binu Israa'iil cadowgoodu uu u laayo dembigii ay kugu dembaabeen aawadiis, oo ay soo noqdaan, oo magacaaga qirtaan, oo tukadaan, oo gurigan kugu baryaan,
「你的民以色列若得罪你,敗在仇敵面前,又歸向你,承認你的名,在這殿裏祈求禱告,
34 de markaas samada ka maqal oo dembiga dadkaaga reer binu Israa'iil ka cafi, oo iyaga ku soo celi dalkii aad awowayaashood siisay.
求你在天上垂聽,赦免你民以色列的罪,使他們歸回你賜給他們列祖之地。
35 Oo hadday kugu dembaabaan, oo aad sidaas aawadeed samada uga xidho, oo roob la waayo, oo ay meeshan xaggeeda u soo tukadaan, oo magacaaga qirtaan, oo dembigoodii ka soo noqdaan markaad dhibtid,
「你的民因得罪你,你懲罰他們,使天閉塞不下雨;他們若向此處禱告,承認你的名,離開他們的罪,
36 de markaas samada ka maqal, oo dembiga ka cafi addoommadaada iyo dadkaaga reer binu Israa'iil, markaad bartid jidka wanaagsan ee waajibka ku ah inay ku socdaan, oo roob u soo dir dalkaaga aad dadkaaga dhaxal ahaan u siisay.
求你在天上垂聽,赦免你僕人以色列民的罪,將當行的善道指教他們,且降雨在你的地,就是你賜給你民為業之地。
37 Oo hadday dalka ka dhacaan abaar, ama belaayo cudur ah, ama beera-engeeg, ama caariyaysi, ama ayax, ama diir, ama haddii cadowgoodu ku hareereeyo dalkooda magaalooyinkiisa, belaayo kasta iyo cudur kastaba ha ahaadee,
「國中若有饑荒、瘟疫、旱風、霉爛、蝗蟲、螞蚱,或有仇敵犯境圍困城邑,無論遭遇甚麼災禍疾病,
38 kolkaas haddii nin kastaaba amase dadka reer binu Israa'iil oo dhammu ay tukadaan oo baryootamaan oo nin kastaaba ogaado belaayada qalbigiisa ku jirta, oo uu gacmaha u soo fidiyo gurigan xaggiisa,
你的民以色列,或是眾人,或是一人,自覺有罪,向這殿舉手,無論祈求甚麼,禱告甚麼,
39 de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo iyaga cafi, oo yeel, oo nin walba ugu abaalgud siday jidadkiisa oo dhammu yihiin, adoo qalbigiisa og, (maxaa yeelay, adigoo keliya ayaa garta waxa binu-aadmiga oo dhan qalbiyadooda ku jira; )
求你在天上你的居所垂聽赦免。你是知道人心的,要照各人所行的待他們(惟有你知道世人的心),
40 inay kaa cabsadaan cimrigooda oo dhan intay ku nool yihiin dalkii aad awowayaashayo siisay.
使他們在你賜給我們列祖之地上一生一世敬畏你。
41 Oo weliba shisheeyaha aan dadkaaga reer binu Israa'iil ahaynna, hadduu dal fog uga yimaado magacaaga aawadiis,
「論到不屬你民以色列的外邦人,為你名從遠方而來,
42 (waayo, waxay maqli doonaan magacaaga weyn, iyo gacantaada xoogga badan, iyo cududdaada fidsan) markuu yimaado oo uu u soo tukado gurigan xaggiisa,
(他們聽人論說你的大名和大能的手,並伸出來的膀臂)向這殿禱告,
43 de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo shisheeyaha u yeel wixii uu ku weyddiisto oo dhan, in dadka dunida jooga oo dhammu ay magacaaga ogaadaan, oo ay kaa cabsadaan sida dadkaaga reer binu Israa'iil oo kale, iyo inay ogaadaan in gurigan aan dhisay magacaaga loogu yeedho.
求你在天上你的居所垂聽,照着外邦人所祈求的而行,使天下萬民都認識你的名,敬畏你像你的民以色列一樣;又使他們知道我建造的這殿是稱為你名下的。
44 Oo hadday dadkaagu dagaal u baxaan inay la diriraan cadowgooda, oo ay maraan jidkii aad ku soo dirtay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga magaaladii aad dooratay iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay,
「你的民若奉你的差遣,無論往何處去與仇敵爭戰,向耶和華所選擇的城與我為你名所建造的殿禱告,
45 de markaas samada ka maqal tukashadooda iyo baryootankooda, dacwaddoodana u yeel.
求你在天上垂聽他們的禱告祈求,使他們得勝。
46 Haddii ay kugu dembaabaan, waayo, nin aan dembaabinu ma jiro, oo aad u cadhootid, oo aad markaas cadowga u gacangelisid inay la tagaan oo maxaabiis ahaan ugu kaxaystaan cadowga dalkiisii, ama ha dhowaado ama ha dheeraadee;
「你的民若得罪你(世上沒有不犯罪的人),你向他們發怒,將他們交給仇敵擄到仇敵之地,或遠或近,
47 oo weliba hadday ku fikiraan dalkii maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay kuu soo noqdaan, oo ay kugu baryaan dalkii kuwii maxaabiisahaanta u kaxaystay, ee ay yidhaahdaan, Waannu dembaabnay, oo wax qalloocan baannu samaynay, oo si shar ah ayaannu u macaamiloonnay,
他們若在擄到之地想起罪來,回心轉意,懇求你說:『我們有罪了,我們悖逆了,我們作惡了』;
48 oo hadday kuugu soo noqdaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan intay joogaan dalka cadaawayaashoodii maxaabiis ahaanta u kaxaystay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga dalkoodii aad mar hore awowayaashood siisay, iyo xagga magaaladii aad dooratay, iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay,
他們若在擄到之地盡心盡性歸服你,又向自己的地,就是你賜給他們列祖之地和你所選擇的城,並我為你名所建造的殿禱告,
49 markaas tukashadooda iyo baryootankooda ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, dacwaddoodana u yeel;
求你在天上你的居所垂聽他們的禱告祈求,為他們伸冤;
50 oo cafi dadkaaga kugu dembaabay, oo ka saamax xadgudubyadooda ay kugu xadgudbeen oo dhan; oo kuwii maxaabiis ahaanta u kaxaystay raxmad geli si ay ugu naxariistaan,
饒恕得罪你的民,赦免他們的一切過犯,使他們在擄他們的人面前蒙憐恤。
51 maxaa yeelay, iyagu waa dadkaagii iyo dhaxalkaagii aad ka soo bixisay dalkii Masar iyo foornadii birta dhexdeeda;
因為他們是你的子民,你的產業,是你從埃及領出來脫離鐵爐的。
52 oo dhegahaagu ha maqleen baryootanka addoonkaaga iyo baryootanka dadkaaga reer binu Israa'iil si aad u maqashid mar alla markay kuu qayshadaanba,
願你的眼目看顧僕人,聽你民以色列的祈求,無論何時向你祈求,願你垂聽。
53 waayo, Sayidow, Rabbiyow, iyagaad uga soocatay dadkii dunida oo dhan inay ahaadaan dhaxalkaagii, siduu ahaa eraygaagii aad u soo dhiibtay addoonkaagii Muuse, markaad awowayaashayo ka soo bixisay dalkii Masar.
主耶和華啊,你將他們從地上的萬民中分別出來作你的產業,是照你領我們列祖出埃及的時候,藉你僕人摩西所應許的話。」
54 Oo markii Sulaymaan dhammeeyey tukashadan iyo baryootankan uu Rabbiga baryay oo dhan ayuu ka kacay meeshii Rabbiga allabariga loogu bixin jiray horteeda iyo jilbajooggii uu jilbo joogay isagoo gacmaha xagga samada u fidinaya.
所羅門在耶和華的壇前屈膝跪着,向天舉手,在耶和華面前禱告祈求已畢,就起來,
55 Markaasuu istaagay oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan cod weyn ugu duceeyey, oo yidhi,
站着,大聲為以色列全會眾祝福,說:
56 Waxaa mahad leh Rabbiga nasiyey dadkiisa reer binu Israa'iil siduu ugu ballanqaaday oo dhan, oo wixii uu u ballanqaaday oo dhan eray keliya kama baaqan ballankiisii wanaagsanaa oo dhan, ee uu ugu ballanqaaday addoonkiisii Muuse.
「耶和華是應當稱頌的!因為他照着一切所應許的賜平安給他的民以色列人,凡藉他僕人摩西應許賜福的話,一句都沒有落空。
57 Rabbiga Ilaaheenna ahu ha inoola jiro, siduu ula jiray awowayaasheen oo kale; oo yuusan inaga tegin, oo ina dayrin;
願耶和華-我們的上帝與我們同在,像與我們列祖同在一樣,不撇下我們,不丟棄我們,
58 si uu qalbiyadeenna xaggiisa ugu jeediyo inaynu ku soconno jidadkiisa oo dhan, oo aynu xajinno amarradiisa iyo qaynuunnadiisa iyo xukummadiisa uu awowayaasheen ku amray.
使我們的心歸向他,遵行他的道,謹守他吩咐我們列祖的誡命、律例、典章。
59 Oo erayadaydan aan Rabbiga hortiisa ku baryay, habeen iyo maalinba ha gaadheen Rabbiga Ilaaheenna ah, si uu u yeelo dacwaddayda anoo addoonkiisa ah iyo dacwadda dadkiisa reer binu Israa'iil, sida maalin walba laga doonayo,
我在耶和華面前祈求的這些話,願耶和華-我們的上帝晝夜垂念,每日為他僕人與他民以色列伸冤,
60 si ay dadka dunida jooga oo dhammu u ogaadaan in Rabbigu Ilaah yahay oo aan mid kale jirin.
使地上的萬民都知道惟獨耶和華是上帝,並無別神。
61 Sidaas daraaddeed qalbigiinnu ha u qummanaado Rabbiga Ilaaheenna ah, inaad qaynuunnadiisa ku socotaan oo aad amarradiisa xajisaan sida maanta oo kale.
所以你們當向耶和華-我們的上帝存誠實的心,遵行他的律例,謹守他的誡命,至終如今日一樣。」
62 Markaas boqorkii iyo reer binu Israa'iil oo dhammaantood la jira ayaa allabari Rabbiga hortiisa ku bixiyey.
王和以色列眾民一同在耶和華面前獻祭。
63 Oo Sulaymaan qurbaannada nabaadiinada ee uu Rabbiga u bixiyey waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun oo dibi, iyo boqol iyo labaatan kun oo ido ah. Oo sidaasay boqorkii iyo reer binu Israa'iil oo dhammuba gooni uga dhigeen gurigii Rabbiga.
所羅門向耶和華獻平安祭,用牛二萬二千,羊十二萬。這樣,王和以色列眾民為耶和華的殿行奉獻之禮。
64 Oo isla maalintaasuu boqorku quduus ka dhigay barxaddii ka horraysay guriga Rabbiga dhexdeeda, waayo, halkaas wuxuu ku bixiyey qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo baruurtii qurbaannada nabaadiinada; maxaa yeelay, meeshii allabariga oo naxaasta ahayd ee Rabbiga hor tiil way ku yarayd oo ma wada qaadin qurbaanka la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka iyo baruurtii qurbaannada nabaadiinada.
當日,王因耶和華殿前的銅壇太小,容不下燔祭、素祭,和平安祭牲的脂油,便將耶和華殿前院子當中分別為聖,在那裏獻燔祭、素祭,和平安祭牲的脂油。
65 Oo wakhtigaas Sulaymaan sidaasuu iiddii u sameeyey iyadoo ay la joogaan reer binu Israa'iil oo dhammu kuwaasoo ahaa shir weyn, oo waxay ka yimaadeen meesha Xamaad laga soo galo iyo ilaa durdurka Masar, oo Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa waxay ku iidayeen toddoba maalmood iyo toddoba maalmood oo isku ah afar iyo toban beri.
那時,所羅門和以色列眾人,就是從哈馬口直到埃及小河所有的以色列人,都聚集成為大會,在耶和華-我們的上帝面前守節七日又七日,共十四日。
66 Oo maalintii siddeedaad ayuu dadkii diray, oo iyana intay boqorkii u duceeyeen ayay teendhooyinkoodii tageen iyagoo faraxsan oo qalbigoodu kaga rayraynaya wanaaggii oo dhan oo uu Rabbigu u sameeyey addoonkiisii Daa'uud iyo dadkiisii reer binu Israa'iilba.
第八日,王遣散眾民;他們都為王祝福。因見耶和華向他僕人大衛和他民以色列所施的一切恩惠,就都心中喜樂,各歸各家去了。