< Boqorradii Kowaad 6 >
1 Oo Sulaymaan wuxuu bilaabay inuu gurigii Rabbiga dhiso markay ahayd afar boqol iyo siddeetan sannadood, kolkii reer binu Israa'iil dalka Masar ka soo baxeen dabadeed, taasoo ahayd sannaddii afraad oo Sulaymaan boqorka u noqday dadkii Israa'iil, bisheedii labaad taasoo ah bisha Sif.
Kwa hiyo Sulemani akaanza kulijenga hekalu. Hii ilikuwa mwaka wa 480 baada ya wana wa Israeli kutoka katika nchi ya Misri, katika mwaka wa nne wa utawala wa Sulemani huko Israeli, katika mwezi wa Ziv, ambao ndio mwezi wa pili.
2 Oo gurigii Sulaymaan Rabbiga u dhisay dhererkiisu wuxuu ahaa lixdan dhudhun, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun, sarajooggiisuna wuxuu ahaa soddon dhudhun.
Hekalu ambalo mfalme Sulemani alimjengea BWANA lilikuwa na urefu wa mita 27, na upana wa mita 9, na kimo cha mita 13. 5.
3 Oo guriga meeshiisa quduuska ah horteedana waxaa ku tiil balbalo, oo dhererkeedu wuxuu ahaa labaatan dhudhun sida guriga ballaadhkiisa; oo xagga guriga hortiisana ballaadhkeedu wuxuu ahaa toban dhudhun.
Na ukumbi uliokuwa mbele ya hekalu ulikuwa na urefu wa mita 9 na upana wa mita 4. 5 sawa na upana wa sehemu kuu ya hekalu.
4 Oo gurigana wuxuu u yeelay daaqado shabag leh.
Lile hekalu alilitengenezea madirisha ambayo fremu zake kwa nje yalifanya yaonekane membamba kuliko ile sehemu ya ndani.
5 Oo guriga derbigiisa wuxuu ku xijisiiyey dabaqado ku wareegsan derbiyada guriga kaasoo ah macbudka iyo meesha ugu quduusanba; oo dhinacyadana wuxuu u yeelay qolal ku wareegsan.
Na ukuta wa nyumba aliuzungushia vyumba kuzunguka pande zake, kushikamana na vyumba vya nje na vya ndani ya hekalu. Akajenga vyumba katika pande zote.
6 Oo dabaqadda ugu hoosaysa ballaadhkeedu wuxuu ahaa shan dhudhun, tan dhexena ballaadhkeedu wuxuu ahaa lix dhudhun, tan saddexaadna ballaadhkeedu wuxuu ahaa toddoba dhudhun; oo inaan dogobbada sarsare ee guriga haya guriga gudihiisa soo gelin aawadeed ayuu guriga dibaddiisa ugu yeelay meelo la saaro.
Kile chumba cha chini kilikuwa na upana wa mita 2. 3, kile cha kati kilikuwa na upana wa mita 2. 8. na kile cha tatu kilikuwa na upana wa mita 3. 2. upande wa nje akaupunguza ukuta wa nyumba pande zote, ili boriti zisishikamane ukutani mwa nyumba.
7 Oo markii guriga la dhisayay waxaa lagu dhisay dhagxan lagu soo diyaariyey meeshii laga soo qoday; oo intii guriga la dhisayay guriga dhexdiisa laguma maqlin dubbe ama faas ama alaab kale oo bir ah.
Hekalu lilijengwa kwa mawe yaliyokuwa yamechongwa chimboni. Hakuna nyundo, wala shoka au chombo chochote cha chuma kilisikika wakati hekalu lilipokuwa likjengwa.
8 Oo qolalka dabaqadda hoose albaabkoodu wuxuu ku yiil guriga dhankiisa midigta ah; dabaqadda dhexena waxaa kor loogu fuuli jiray jaranjaro warwareegta iyo weliba marka laga baxo tan dhexe ilaa laga galo tan saddexaad.
Upande wa kusini wa hekalu kulikuwa na lango la chini, ambalo mtu hupanda kwa madaraja mpaka juu kwenye chumba cha kati, na kutoka chumba cha kati hadi chumba cha tatu.
9 Sidaasuu gurigii u dhisay oo u dhammeeyey, oo wuxuu ku deday dogobbo iyo safaf alwaax kedar ah.
Kwa hiyo Sulemani akalijenga hekalu mpaka akalimaliza, akalifunika hekalu kwa boriti na mbao za mwerezi.
10 Oo dabaqadihii wuxuu ka wada dhisay guriga wareeggiisa oo dhan, oo mid kastaba sarajooggiisu wuxuu ahaa shan dhudhun; oo waxay kor saarnaayeen alwaax kedar ah.
Akajenga vyumba vya pembeni mwa hekalu, kila upande mita 2. 3 kwenda juu. Navyo vikaunganishwa na hekalu kwa mbao za mierezi.
11 Oo Sulaymaanna waxaa u yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi,
Neno la BWANA likamjia Sulemani, likisema,
12 Gurigan aad dhisayso waxaan kaa leeyahay, Haddaad qaynuunnadayda ku socotid, oo aad xukummadayda yeeshid, oo aad amarradayda oo dhan dhawrtid inaad ku socotid aawadeed, markaasaan kugu xoojin doonaa eraygaygii aan aabbahaa Daa'uud kula hadlay.
“Kuhusu hili hekalu ambalo unajenga, kama utatatembea katika maagizo yangu na kuhukumu kwa haki, na kutunza amri zangu na kuishi kwa hizo, ndipo ntakapozithibitisha ahadi zangu na wewe ambazo niliziahidi kwa baba yako Daudi.
13 Oo waxaan dhex joogi doonaa reer binu Israa'iil, oo kama tegi doono dadkayga reer binu Israa'iil.
Nitaishi kati ya watu wa Israeli nami sitawatupa.”
14 Sidaasaa Sulaymaan gurigii u dhisay oo u dhammeeyey.
Kwa hiyo Sulemani akalijenga hekalu mpaka akalimaliza.
15 Oo guriga derbiyadiisii gudaha ahaa wuxuu ka dhisay looxyo kedar ah; oo xagga gudaha salka iyo baarka inta ka dhex leh alwaax buu ku deday; oo dhulkii guriga dhexdiisa ahaana wuxuu ku deday looxyo beroosh ah.
Kisha akajenga kuta za ndani za hekalu kwa mbao za mwerezi. Kuanzia sakafu ya hekalu hadi boriti za juu, kwa ndani akazifunika kwa miti, na akaifunika sakafu kwa mbao za miberoshi.
16 Oo guriga xaggiisa dambe, salka iyo ilaa derbiyada labaatan dhudhun buu ku dhisay looxyo kedar ah, oo weliba wuxuu gudaha ka dhisay meel quduus ah, taasoo ah meesha ugu wada quduusan.
Alijenga mita 9 ndani ya hekalu kwa mbao za miberoshi kutoka sakafuni hadi juu. Hiki ni chumba cha ndani, cha patakatifu sana.
17 Oo guriga macbudka ah ee ka horreeyey dhererkiisu wuxuu ahaa afartan dhudhun.
Ule ukumbu mkuu, ulikuwa mahali pakatifu amabao ulikuwa mbele ya patakatifu sana, ulikuwa wa mita 18. hapo kulikwa na mbao za mwerezi ndani ya hekalu, zilizokuwa zimechongwa kwa sura ya vibuyu na maua yaliyochanua.
18 Oo guriga gudihiisa waxaa ku jiray qori kedar ah oo la xardhay oo ubbooyin iyo ubax furan loo yeelay; oo kulli wuxuu ahaa qori kedar ah, oo dhagax laguma arag.
Zote zilikuwa za mierezi kwa ndani. Hapakuonekana chochote ndani kilichokuwa kimetengenezwa kwa mawe.
19 Oo gurigii dhexe badhtankiisa wuxuu ka diyaariyey meel quduus ah inuu dhigo sanduuqii axdiga Rabbiga.
Sulemani alitengeneza kile chumba cha ndani kwa lengo la kuweka sanduku la agano la BWANA.
20 Oo meesha ugu quduusan waxay lahayd meel dhererkeedu ahaa labaatan dhudhun, ballaadhkeeduna ahaa labaatan dhudhun, sarejooggeeduna ahaa labaatan dhudhun; oo wuxuu ku wada dahaadhay dahab saafi ah; oo meeshii allabarigana wuxuu ku deday qori kedar ah.
Kile chumba cha ndani kilikuwa na upana wa mita 9, na kimo cha mita 9. Sulemani alizifunika kuta kwa dhabahu na madhabahu aliifunika kwa mbao za mierezi.
21 Sidaasuu Sulaymaan gurigii gudaha ku yiil ugu dahaadhay dahab saafi ah; oo silsilado dahab ah ayuu ku xidhay meeshii quduuska ahayd horteeda, wuxuuna ku wada dahaadhay dahab.
Sulemani alifunika ndani ya hekalu kwa dhahabu safi na akaweka mikufu ya dhahabu iliyopita mbele ya chumba cha ndani, na kulifunika eneo la mbele kwa dhabahu.
22 Oo guriga oo dhanna wuxuu ku dahaadhay dahab jeer uu gurigii oo dhammu dhammaaday. Oo meesha ugu quduusan meesheedii allabarigana wuu ku dahaadhay dahab.
Akalisakafia kwa dhahabu eneo lote la ndani mpaka akamaliza hekalu lote. Pia akalisakafia kwa dhahabu madhahabu yote ya chumba cha ndani.
23 Oo meeshii ugu quduusnaydna wuxuu u yeelay laba keruub oo qoryo saytuun ah, oo mid walbana dhererkiisu wuxuu ahaa toban dhudhun.
Sulemani akatengeneza makerubi mawili kwa mbao za mizeituni, kila moja lilikuwa na kimo cha mita 4. 5 kwa ajili ya chumba cha ndani.
24 Oo keruubka baalkiisu wuxuu ahaa shan dhudhun, baalkiisa kalena shan dhudhun; oo baal caaraddiis iyo kan kale caaraddiisu waxay isu jireen toban dhudhun.
Bawa moja la kerubi wa kwanza lilikuwa na urefu wa mita 2. 3. Kwa hiyo kutoka ncha ya bawa moja hadi ncha ya bawa lingine kulikuwa na umbali wa mita 4. 5. Yule
25 Oo keruubka kalena wuxuu ahaa toban dhudhun, oo labada keruubna waxay ahaayeen isku qiyaas iyo isku qaab.
kerubi mwingine naye alikuwa na bawa lenye kipimo cha mita 4. 5 Makerubi hawa walikuwa wanafanana kwa umbo na kwa vipimo.
26 Oo keruubiimta midkood sarajooggiisu wuxuu ahaa toban dhudhun, oo kan kalena saasoo kaluu ahaa.
Kimo cha kerubi mmoja kilikuwa mita 4. 5 na yule wa pili alikuwa hivyo hivyo.
27 Oo keruubiimtiina wuxuu dhigay gurigii dhexe gudihiisa, oo keruubiimta baalashooduna way kala baxsanaayeen oo mid baalkiisu wuxuu taabtay derbiga, oo keruubka kale baalkiisuna wuxuu taabtay derbiga kale; oo baalashooduna waxay isku taabteen guriga dhexbadhtankiisa.
Sulemani aliwaweka hao kerubi kwenye chumba cha patakatifu sana. Bawa moja la kerubi lilikuwa limeenea kiasi kwamba bawa moja liligusa ukuta huu na bawa la yule wa pili nalo liligusa ukuta wa upande mwingine. Hayo mabawa yalikuwa yanakutana katikati ya chumba cha patakatifu sana.
28 Oo keruubiimtana wuxuu ku dahaadhay dahab.
Sulemani aliwafunika hao kerubi kwa dhahabu.
29 Oo gurigii derbiyadiisii oo dhan, gudaha iyo dibaddaba wuxuu ku xardhay sawirro keruubiim, iyo geedo timireed, iyo ubaxyo wada furan.
Akazinakshi kuta zote kwa sura za makerubi, miti ya mitende, na maua yaliyochanua, kwa vyumba vya nje na vya ndani.
30 Oo guriga dhulkiisana ayuu dahab ku dahaadhay gudaha iyo dibaddaba.
Sulemani akalisakafia hekalu kwa dhahabu, kwa vyumba vyote vya ndani na vya nje.
31 Oo meesha ugu quduusan iriddeedana wuxuu u yeelay albaabbo ah qoryo saytuun; fayaaraddu labadeeda dhinac iyo meesheeda sare waxay ahaayeen derbiga meeshiisii shanaad.
Sulemani akatengeneza milango ya mbao za mizeituni kwenye lango la kuingia ndani. Aliweka vizingiti na miimo kwenye pande tano.
32 Sidaasuu u sameeyey laba albaab oo qoryo saytuun ah, oo wuxuu ku xardhay sawirro keruubiim, iyo geedo timireed, iyo ubaxyo furan, oo wuxuu ku dahaadhay dahab, oo dahabkiina wuxuu mariyey keruubiimtii iyo geedihii timirta ahaa.
Kwa hiyo akatengeneza na milango miwili ya mizeituni, na akainakshi kwa makerubi, na mitende, na maua yaliyochanua. Akasakafia kwa dhahabu na akatandaza dhahabu kwenye makerubi na kwenye mitende.
33 Oo sidaas oo kaluu albaabkii macbudkana ugu yeelay fayaarad qoryo saytuun ah, kaasoo ku yiil derbiga meeshiisa afraad;
Kwa njia hii, akalitengenezea hekalu miimo miwili ya mbao za mizeituni yenye pande nne
34 iyo laba albaab oo qoryo beroosh ah; oo albaabbada midkood wuxuu lahaa laba qaybood oo laabma, kan kalena wuxuu lahaa laba qaybood oo laabma.
na milango miwili ya mbao za mierezi. Zile mbao mbili za mlango mmoja zilikuwa zikijikunja na mbao mbili za mlango wa pili nazo zilikuwa zikijikunja pia.
35 Oo wuxuu ku xardhay keruubiim iyo geedo timireed, iyo ubaxyo furan; oo wuxuu ku dahaadhay dahab la mariyey xaradhkii.
Akazinakshi kwa makerubi, mitende, na maua yaliyochanua, na pia akazisakafia kwa dhahabu juu ya zile nakshi.
36 Oo barxaddii dhexena wuxuu u yeelay saddex saf oo dhagax la qoray ah iyo saf alwaax kedar ah.
Akalijengs Korido la ndani kwa safu tatu za mawe ya kuchongwa na safu moja ya mhimili wa mierezi.
37 Oo gurigii Rabbiga aasaaskiisii waxaa la dhigay bishii Sif oo sannaddii afraad.
Msingi wa hekalu ulijengwa katika mwaka wa nne, wa mwezi wa Ziv.
38 Oo gurigii waxaa dhammaantiis la dhammeeyey isagoo wax waluba u dhan yahay sannaddii kow iyo tobnaad, bisheedii siddeedaad, taasoo ah bisha Bul, oo wuxuu dhisayay toddoba sannadood.
Mwaka wa kumi na moja mwezi wa Buli, ambao ndio mwezi wa nane, sehemu zote za hekalu zilimalizika na sharti zake zote. Sulemani alilijenga hekalu kwa miaka saba.