< Boqorradii Kowaad 3 >

1 Markaasaa Sulaymaan xidhiidh la yeeshay boqorkii Masar oo Fircoon ahaa, oo soo kaxaystay Fircoon gabadhiisii, wuxuuna keenay magaaladii Daa'uud ilaa uu dhammeeyey dhismihii gurigiisa, iyo gurigii Ilaah, iyo derbigii Yeruusaalem ku wareegsanaa.
所羅門與埃及王法老結親,娶了法老的女兒為妻,接她進入大衛城,直等到造完了自己的宮和耶和華的殿,並耶路撒冷周圍的城牆。
2 Oo dadka ayaa ku allabaryi jiray meelaha sarsare oo keliya, maxaa yeelay, ilaa wakhtigaas ma uu jirin guri magaca Ilaah loo dhisay.
當那些日子,百姓仍在邱壇獻祭,因為還沒有為耶和華的名建殿。
3 Oo Sulaymaanna Rabbiga wuu jeclaa, oo wuxuu ku socday qaynuunnadii aabbihiis Daa'uud; laakiin meelaha sarsare ayuu ku allabaryi jiray, fooxna ku shidi jiray.
所羅門愛耶和華,遵行他父親大衛的律例,只是還在邱壇獻祭燒香。
4 Markaasaa boqorkii Gibecoon tegey inuu ku soo allabaryo; waayo, halkaasaa ahayd meesha sare ee weyn; oo meeshaas allabariga Sulaymaan wuxuu ku bixiyey kun qurbaan oo la gubo.
所羅門王上基遍去獻祭;因為在那裏有極大的邱壇,他在那壇上獻一千犧牲作燔祭。
5 Oo Gibecoon buu Rabbigu Sulaymaan habeennimo riyo ugu muuqday, markaasaa Ilaah ku yidhi, I weyddiiso wax aan ku siiyo.
在基遍,夜間夢中,耶和華向所羅門顯現,對他說:「你願我賜你甚麼?你可以求。」
6 Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Addoonkaagii Daa'uud oo aabbahay ahaa aad baad ugu roonaatay, sidii uu hortaada ugu socday daacadnimo iyo xaqnimo, iyo qalbi kula qumman; oo roonaantan weyn ayaad u sii dhawrtay, waayo, waxaad isagii siisay wiil carshigiisii ku fadhiista, sida ay maanta tahay.
所羅門說:「你僕人-我父親大衛用誠實、公義、正直的心行在你面前,你就向他大施恩典,又為他存留大恩,賜他一個兒子坐在他的位上,正如今日一樣。
7 Haddaba Rabbigayow, Ilaahow, anoo addoonkaaga ah, boqor baad iiga dhigtay meeshii aabbahay Daa'uud; laakiinse waxaan ahay wiil yar, oo garan maayo si loo baxo iyo si loo soo galo toona.
耶和華-我的上帝啊,如今你使僕人接續我父親大衛作王;但我是幼童,不知道應當怎樣出入。
8 Oo anoo addoonkaaga ahuna waxaan dhex joogaa dadkaagii aad dooratay, oo ah dad badan oo aan la tirin karin, lana xisaabi karin faro badnaantooda.
僕人住在你所揀選的民中,這民多得不可勝數。
9 Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah i sii qalbi wax garanaya oo aan dadkaaga ku xukumo, si aan ku kala garto xumaanta iyo samaanta, waayo, bal yaa kara inuu dadkaagan badan xukumo?
所以求你賜我智慧,可以判斷你的民,能辨別是非。不然,誰能判斷這眾多的民呢?」
10 Oo hadalkaasuna Sayidka wuu ka farxiyey markii Sulaymaan waxaas weyddiistay.
所羅門因為求這事,就蒙主喜悅。
11 Markaasaa Ilaah wuxuu ku yidhi, Weyddiisashada aad waxaas i weyddiisatay aawadeed, oo aadan cimri dheer i weyddiisan, oo aadan maal i weyddiisan, ama xataa aadan i weyddiisan nolosha cadaawayaashaada, laakiinse aad i weyddiisatay waxgarasho aad ku garatid xukunka,
上帝對他說:「你既然求這事,不為自己求壽、求富,也不求滅絕你仇敵的性命,單求智慧可以聽訟,
12 ayaan kuugu yeelay wixii aad i weyddiisatay, oo bal eeg, waxaan ku siiyey qalbi caqli iyo waxgarasho leh, sidaas daraaddeed mid kula mid ahu hortaa ma jirin, dabadaana mid kula mid ahu ma jiri doono.
我就應允你所求的,賜你聰明智慧,甚至在你以前沒有像你的,在你以後也沒有像你的。
13 Oo weliba wixii aadan i weyddiisanna waan ku siiyey oo ah maal iyo derejoba, sidaas daraaddeed boqor kula mid ahu ma jiri doono cimrigaaga oo dhan.
你所沒有求的,我也賜給你,就是富足、尊榮,使你在世的日子,列王中沒有一個能比你的。
14 Oo haddaad ku socoto jidadkayga sidii aabbahaa Daa'uud ugu socday oo kale oo aad dhawrtid qaynuunnadayda iyo amarradayda markaas cimrigaaga waan dheerayn doonaa.
你若效法你父親大衛,遵行我的道,謹守我的律例、誡命,我必使你長壽。」
15 Markaasaa Sulaymaan toosay, oo bal eeg waxay ahayd riyo; oo intuu Yeruusaalem yimid ayuu hor istaagay sanduuqii axdiga Rabbiga, oo wuxuu bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino, oo addoommadiisii oo dhan ayuu diyaafad u sameeyey.
所羅門醒了,不料是個夢。他就回到耶路撒冷,站在耶和華的約櫃前,獻燔祭和平安祭,又為他眾臣僕設擺筵席。
16 Markaasaa waxaa boqorkii u yimid oo is-hor taagay laba naagood oo dhillooyin ah.
一日,有兩個妓女來,站在王面前。
17 Oo naagihii middood baa waxay ku tidhi, Sayidow, aniga iyo naagtanu isku guri baannu deggan nahay, oo anigu gurigaan ku umulay iyadoo joogta.
一個說:「我主啊,我和這婦人同住一房;她在房中的時候,我生了一個男孩。
18 Oo maalintii aan umulay tii ka saddex ahayd ayay naagtanuna umushay, waannuna wada joognay, oo labadayada mooyaane cid qalaadi guriga nagulama jirin.
我生孩子後第三日,這婦人也生了孩子。我們是同住的,除了我們二人之外,房中再沒有別人。
19 Oo naagtan ilmaheediina habeenkii buu dhintay, maxaa yeelay, iyadaa ku dul seexatay.
夜間,這婦人睡着的時候,壓死了她的孩子。
20 Markaasay habeenbadhkii kacday, intii anoo addoontaada ahu aan hurday, oo ilmahaygii dhinacayga ka qaadatay, oo laabta gashatay, keedii dhintayna anigay laabta ii gelisay.
她半夜起來,趁我睡着,從我旁邊把我的孩子抱去,放在她懷裏,將她的死孩子放在我懷裏。
21 Oo markaan subaxdii toosay oo aan damcay inaan ilmahayga nuujiyo ayaan arkay inuu dhintay, laakiinse subaxdiiba markaan u fiirsaday ayaan ogaaday inuusan ahayn wiilkaygii aan dhalay.
天要亮的時候,我起來要給我的孩子吃奶,不料,孩子死了;及至天亮,我細細地察看,不是我所生的孩子。」
22 Oo naagtii kalena waxay tidhi, Saas ma aha, laakiinse kan noolu waa wiilkaygii, kan dhintayna waa wiilkaagii. Iyaduna waxay tidhi, Maya ee kan dhintay waa wiilkaagii, kan nooluna waa wiilkaygii. Oo sidaasay boqorka hortiisii ugu hadleen.
那婦人說:「不然,活孩子是我的,死孩子是你的。」這婦人說:「不然,死孩子是你的,活孩子是我的。」她們在王面前如此爭論。
23 Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Midu waxay leedahay, Kan noolu waa wiilkaygii, kan dhintayna waa wiilkaagii; tan kalena waxay leedahay, Maya, laakiinse wiilkaagii waa kan dhintay, wiilkaygiise waa kan nool.
王說:「這婦人說『活孩子是我的,死孩子是你的』,那婦人說『不然,死孩子是你的,活孩子是我的』」,
24 Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Bal seef ii keena. Kolkaasay boqorkii seef u keeneen.
就吩咐說:「拿刀來!」人就拿刀來。
25 Oo haddana boqorkii wuxuu yidhi, Ilmaha nool laba u kala qaybiya, oo middood badh siiya, badhka kalena tan kale siiya.
王說:「將活孩子劈成兩半,一半給那婦人,一半給這婦人。」
26 Markaasaa naagtii wiilka nool lahayd boqorkii la hadashay oo ku tidhi, Sayidow, wiilka nool iyada sii, laakiinse sinaba ha u dilin, waayo, waxay u calool jilicsanaatay wiilkeeda. Laakiinse tii kale waxay tidhi, Anigu yeelan maayo, adna yeelan maysid ee qaybi.
活孩子的母親為自己的孩子心裏急痛,就說:「求我主將活孩子給那婦人吧,萬不可殺他!」那婦人說:「這孩子也不歸我,也不歸你,把他劈了吧!」
27 Markaasaa boqorkii wuxuu ku jawaabay, Wiilka nool iyada siiya oo hana dilina, maxaa yeelay, iyadu waa hooyadiis.
王說:「將活孩子給這婦人,萬不可殺他;這婦人實在是他的母親。」
28 Oo dadkii dalka Israa'iil oo dhammuna way wada maqleen xukunkii boqorku wax ku xukumay, wayna ka baqeen boqorkii; maxaa yeelay, waxay arkeen in xigmaddii Ilaah ku jirto si uu wax u xukumo.
以色列眾人聽見王這樣判斷,就都敬畏他;因為見他心裏有上帝的智慧,能以斷案。

< Boqorradii Kowaad 3 >