< Boqorradii Kowaad 20 >
1 Oo Benhadad oo ahaa boqorkii Suuriya wuxuu soo urursaday ciidankiisii oo dhan, waxaana isaga la jiray laba iyo soddon boqor, iyo fardo iyo gaadhifardood; oo intuu soo kacay ayuu Samaariya hareereeyey, wuuna la diriray.
[本哈達得進攻阿哈布]阿蘭王本哈達得召集了自己所有的軍隊,帶同三十二個王子,乘坐戰馬戰車,前去圍攻撒瑪黎雅。
2 Markaasuu magaaladii farriin u diray oo wuxuu boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa ku yidhi, Anigoo Benhadad ah, waxaan kugu leeyahay,
他先派使者進城,來見以色列王阿哈布,
3 Lacagtaada iyo dahabkaaga anigaa iska leh, oo naagahaaga, iyo carruurtaada, xataa kuwa ugu fiican anigaa iska leh.
對他說:「本哈達得這樣說:你的金銀全應歸我,只是你的妻子兒女,仍歸於你。」
4 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil ugu jawaabay, Boqorow, sayidkaygiiyow, waa sidaad u tidhi, oo aniga iyo waxayga oo dhanba adigaa iska leh.
以色列王回答說:「我主大王,就依照你的話,我和我的一切都歸於你。」
5 Oo wargeeyayaashii haddana way soo noqdeen oo waxay yidhaahdeen, Benhadad wuxuu kugu leeyahay, Xaqiiqa waan kuu soo cid diray oo waxaan kugu idhi, Waa inaad ii soo dhiibto lacagtaada, iyo dahabkaaga, iyo naagahaaga, iyo carruurtaadaba,
不料,使者們又回答說:「本哈達得這樣說:我已派人通知你:將你的金銀和你的妻子兒女全交給我。
6 laakiinse berrito hadda oo kale waxaan kuu soo diri doonaa addoommadayda, oo waxay soo baadhi doonaan gurigaaga iyo guryaha addoommadaadaba, oo wax alla wixii kula wanaagsan gacantooday ku dhigi doonaan, wayna kaa soo qaadi doonaan.
須知,明天這時,我必派我的僕人到你這裏來,搜索你和你僕人的房屋,凡他們看中的東西,都要隨手拿去。」
7 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil u soo yeedhay odayaashii dalka oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye, bal eega oo ogaada sida ninkanu iiga belaayo doonayo, waayo, wuxuu u soo cid dirsaday naagahayga iyo carruurtayda, iyo lacagtayda, iyo dahabkayga, oo anna uma aanan diidin.
以色列王將國內所有長老召來,說:「你們想想看:這人要求是多麼無理! 他先派人要我的金銀,我沒有拒絕他;現在竟又派人來我這裏,要我的妻子兒女。」
8 Markaasaa odayaashii oo dhan iyo dadkii oo dhammu waxay isagii ku yidhaahdeen, Ha dhegaysan, hana oggolaan.
眾長老和全體人民對他說:「你不要聽從,也不要應允! 」
9 Sidaas daraaddeed wuxuu ku yidhi kuwii Benhadad warka ka keenay, Boqorka sayidkayga ah u sheega oo waxaad ku tidhaahdaan, Dhammaan wixii aad markii hore ii soo dirsatay anoo addoonkaaga ah, waan yeelayaa, laakiinse waxan yeeli kari maayo. Oo wargeeyayaashiina way ka tageen, oo haddana war kalay u keeneen isagii.
因此,他對本哈達得的使者說:「你們回去告訴我主大王說:你第一次派人向你僕人所要求的,我必全照辦;至於這另一要求,我卻不能照辦。」使者遂回去,向本哈達得回話。
10 Benhadad baa u soo cid diray oo ku yidhi, Sidaas iyo si ka sii daranba ilaahyadu ha igu sameeyeen haddii ciidda Samaariya sacab sacab u gaadho dadka ila socda oo dhan.
本哈達得於是派人對阿哈布說:「如果撒瑪黎雅的塵土,足夠跟隨我的人每人抓一把,願眾神明嚴厲,且加倍嚴厲地懲罰我! 」
11 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu ugu jawaabay, U sheega oo waxaad ku tidhaahdaan, Ka hubka dagaalka xidhaa yuusan u faanin sidii midka iska fura.
以色列王回答說:「有句俗話說:佩帶武器的人,不可像卸去了武器的人那樣自負。」
12 Markii Benhadad farriintii maqlay, isagoo khamri teendhooyinka kula cabbaya boqorradii ayuu addoommadiisii ku yidhi, War weerar isu diyaariya. Oo iyana markaasay magaaladii weerar isugu diyaariyeen.
本哈達得和眾王正在帳內飲酒,一聽見這話,就對他的臣僕說:「列隊進攻! 」他們即刻列隊攻城。阿哈布賴主獲勝
13 Oo bal eeg, nebi baa u soo dhowaaday boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa, oo wuxuu ku yidhi, War Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkan faraha badan oo dhan ma aragtay? Bal ogow, kulligood adigaan maanta kuu soo gacangelinayaa, oo markaasaad ogaan doontaa inaan anigu ahay Rabbiga.
這時,忽然有一個先知,來見以色列王阿哈布說:「上主這樣說:你不是看見這支強大的軍隊嗎﹖今天,我要將他們交在你手中,叫你知道我是上主。」
14 Markaasaa Axaab wuxuu yidhi, Oo yuu iigu soo gacangelinayaa? Isna wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Amiirradii gobollada addoommadooda ayaan kuugu soo gacangelinayaa. Oo haddana wuxuu yidhi, Oo dagaalka yaa bilaabaya? Wuxuu yidhi, Adiga.
阿哈布問說:「藉著誰﹖」先知回答說:「上主這樣說:藉著眾省長的少年軍人。」阿哈布又問說:「誰指揮作戰﹖」先知回答說:「你自己。」
15 Markaasuu tiriyey amiirradii gobollada addoommadooda, oo waxay ahaayeen laba boqol iyo laba iyo soddon; oo dabadoodna wuxuu tiriyey dadkii oo dhan, oo dadkii dalka Israa'iil oo dhammu waxay noqdeen toddoba kun.
於是阿哈布檢閱了眾省長的少年人,計有二百三十二人;然後又檢閱了所有軍人,即全體以色列子民,共七千人。
16 Oo duhurkii ayay baxeen. Laakiinse Benhadad khamri buu cabbayay oo teendhooyinkii ku sakhraamayay, isaga iyo boqorradii la jirayba, kuwaasoo ahaa laba iyo soddonkii boqor oo isaga caawinayay.
到了中午,他們出發,那時,本哈達得正和協助他的三十二個王子在帳中飲酒。
17 Oo waxaa markii hore soo baxay amiirradii gobollada addoommadoodii; oo Benhadadna cid buu diray, oo waxaa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Rag baa Samaariya ka soo baxay.
眾省長的少年軍人首先出發,本哈達得派出的探子回報他說:「有人從撒瑪黎雅出來了。」
18 Isna wuxuu yidhi, Hadday nabad u soo baxeen iyo hadday dagaal u soo baxeenba iyagoo nool qabqabta.
他遂吩咐說:「如果他們前來,是為求和,將他們活活捉住;如果他們前來,是為交戰,也將他們活活捉住。」
19 Sidaas daraaddeed kuwanu magaaladii way ka soo baxeen, waxayna ahaayeen amiirradii gobollada addoommadoodii iyo ciidankii iyaga daba socday.
眾省長的少年軍人和跟隨他們的軍隊衝出城來,
20 Oo kulligood mid waluba ninkiisii ayuu dilay; markaasaa ciidanka Suuriya cararay, oo ciidankii Israa'iilna way eryadeen; oo Benhadad oo ahaa boqorkii Suuriya faras buu fuulay oo rag fardooley ah la baxsaday.
個個見人便殺,阿蘭人逃走,以色列人在後面乘勝追趕;阿蘭王本哈達得急速上馬與騎兵一起逃走。
21 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil baxay oo baabbi'iyey fardihii iyo gaadhifardoodkii, oo ciidankii Suuriyana aad buu u laayay.
那時,以色列王出來,擄掠了許多戰馬和戰車,使阿蘭人大敗。
22 Markaasaa nebigii u soo dhowaaday boqorkii dalka Israa'iil oo wuxuu ku yidhi, Tag oo soo xoogayso, oo bal ogow, oo eeg waxaad samaynaysid, waayo, markii sannaddu soo wareegto ayaa boqorka Suuriya kugu soo duuli doonaa.
那為先知前來對以色列王說:「你要發奮圖強,留心認清你當作的事,因為明年春季,阿蘭王必要再來攻擊你。」阿蘭王整軍再戰
23 Oo boqorkii Suuriya addoommadiisii waxay isagii ku yidhaahdeen, War ilaahoodu waa ilaahii buuraha oo sidaas daraaddeed ayay inooga xoog bateen. Haddaba aynu bannaanka kula dirirno oo markaas hubaal waynu ka xoog badnaanaynaa.
阿蘭王的臣僕對阿蘭王說:「以色列的神是山神,所以他們必我們強;但如果我們在平原上與他們交戰,我們必會得勝。
24 Oo waxaad yeeshaa, boqorrada nin walba meeshiisii ka saar, oo meeshoodii waxaad gelisaa taliyayaal.
這是大王應該作的事:廢除眾王子各人的職位,另立軍長代替,
25 Oo waxaad tirsataa ciidan le'eg ciidankii kaa le'day, oo faras kasta meeshiisii faras geli, gaadhifaras kastana meeshiisii gaadhifaras geli; oo markaasaynu iyaga bannaanka kula diriraynaa, oo hubaal waynu ka adkaanaynaa, oo isna codkoodii buu maqlay oo saasuu yeelay.
召募新軍,補充所損失的軍隊,照數補充戰馬戰車;然後在平原上與他們會戰,我們定能戰勝他們。」阿蘭王聽從了他們的建議,就這樣進行。本哈達得在戰再敗
26 Oo markii sannaddii soo wareegtay ayaa Benhadad tiriyey ciidankii Suuriya, oo intuu Afeeq tegey ayuu la diriray ciidankii Israa'iil.
過年以後,本哈達得檢閱了阿蘭人上到阿費克,進攻以色列。
27 Oo ciidankii Israa'iilna waa la tiriyey, oo saadkoodiina waa la siiyey, markaasay iyagii ka hor tageen; oo ciidankii Israa'iilna hortooday degeen iyagoo la moodo sidii laba xaymood oo yaryar oo waxarro ah, laakiinse ciidankii Suuriya dalkoo dhan bay buuxiyeen.
以色列子民也動員起來,攜帶軍糧,出來迎戰;以色列子民在他們對面紮營,好像兩群山羊;至於阿蘭人卻遍地皆是。
28 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil waxaa u yimid oo la hadlay nin Ilaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Reer Suuriya waxay yidhaahdeen, Rabbigu waa Ilaahii buuraha, laakiinse ma aha Ilaahii dooxooyinka, oo sidaas daraaddeed dadkan faraha badan oo dhan adigaan kuu soo gacangelinayaa, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga.
天主的人又前來對以色列王說:「上主這樣說:既然阿蘭人說:上主是山神而不是平原神,所以我必將這支龐大的軍隊交在你手中,叫你們知道我是上主。」
29 Oo intii toddoba maalmood ah ayay is-hor degganaayeen. Oo waxay noqotay in maalintii toddobaad dagaalkii bilaabmay, oo maalin keliya ayaa ciidankii Israa'iil waxay dadkii Suuriya ka laayeen boqol kun oo nin oo lug ah.
以色列人和阿蘭人相對紮營七天;第七天上,就交戰了;一天之內以色列子民殺死了十萬阿蘭步兵,
30 Laakiinse intoodii kale Afeeq ayay u carareen oo magaaladay galeen, oo toddoba iyo labaatan kun oo nin oo ka hadhayna waxaa ku soo dhacay derbigii. Markaasaa Benhadad cararay oo magaaladuu galay isagoo ugu gudbaya qol ilaa qol.
其餘的人都逃入阿費克城內,城牆倒塌,壓死了殘存的兩萬七千人。本哈達得也逃入城內,藏在極嚴密的暗室內。本哈達得投降
31 Oo addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, waxaannu maqalnay in boqorrada dalka Israa'iil yihiin boqorro naxariis badan, haddaba waannu ku baryaynaaye aannu joonyado guntanno, oo madaxana aannu xadhko ku duudduubanno, oo aannu boqorka dalka Israa'iil u baxno, waxaa laga yaabaa inuu naftaada badbaadiyee.
本哈達得的臣僕對本哈達得說:「看,我們聽說以色列家的君王,都是仁慈的君王,請你讓我們腰裏束上麻布,頭上繫上繩索,去見以色列王,或者他會保全你的性命。」
32 Sidaas daraaddeed waxay guntadeen joonyado, madaxyadana waxay ku duudduubteen xadhko, oo waxay u yimaadeen boqorkii dalka Israa'iil, oo ku yidhaahdeen, Addoonkaagii Benhadad wuxuu kugu leeyahay, Waan ku baryayaaye maanta i bixi. Oo isna wuxuu ku yidhi, War miyuu weli nool yahay? Isagu waa walaalkay.
於是他們腰裏束上麻布,頭上繫上繩索,去見以色列王說:「你的僕人本哈達得說:求你保全我的性命! 」阿哈布問說:「他還活著麼﹖他是我的兄弟。」
33 Oo nimankiina aad bay ugu dadaaleen inay calaamad wanaagsan ka maqlaan, oo waxay ku dhaqsadeen inay qabsadaan in taasu maankiisa ku jirto iyo in kale, kolkaasay waxay ku yidhaahdeen, Benhadad waa walaalkaa. Isna wuxuu yidhi, Taga oo ii keena. Markaasaa Benhadad isagii u soo baxay, oo isna gaadhifaraskiisii ayuu soo fuushiyey.
這些人認為這話是個吉兆,急忙抓住他的話說:「本哈達得確是陛下的兄弟。」阿哈布說:「你們去領他來! 」本哈達得便出來參見君王;阿哈布請他上了自己的車。
34 Markaasaa Benhadad wuxuu ku yidhi, Waan kuu celinayaa magaalooyinkii aabbahay aabbahaa ka dhacay, oo waxaad Dimishaq ka samaysataa jidad sidii aabbahay Samaariya uga samaystay oo kale. Axaabna wuxuu ku yidhi, Axdiganaan kugu sii daynayaa. Sidaasuu axdi ula dhigtay, wuuna iska sii daayay.
本哈達得對君王說:「我父親從你父親手中搶去的城市,我都要歸還給你;並且你可在大馬士革設立市場,如同我父親在撒瑪黎雅所設立的一樣。」阿哈布說:「我就根據這條約放你走。」這樣,君王與他訂立了條約,放他走了。阿哈布失策受責
35 Oo nin qoonkii nebiyada ka mid ah ayaa saaxiibkiis ku yidhi, War i dil, waan ku baryayaaye, taasuna waxay ahayd eray xagga Rabbiga ka yimid, laakiinse ninkii waa diiday inuu dilo.
那時,有個先知的弟子奉上主的命,對自己的同伴說:「請你打我! 」那人卻拒絕打他。
36 Kolkaasuu ku yidhi, Adigu ma aadan addeecin Eraygii Rabbiga oo sidaas daraaddeed bal ogow haddiiba markii aad iga tagto waxaa ku dili doona libaax. Oo haddiiba markuu isagii ka tegey ayaa waxaa helay libaax, wuuna dilay isagii.
他就對那人說:「既然你不聽上主的命,看,你一離開我,就有一個獅子把你咬死。」那人一離開他,果然路上遇見一隻獅子,把他咬死了。
37 Oo haddana wuxuu helay nin kale, markaasuu ku yidhi, War waan ku baryayaaye i dil. Markaasaa ninkii intuu wax ku dhuftay dhaawacay.
以後,先知的弟子有遇見一個人,對他說:「請你打我! 」那人就動手打他,將他打傷了。
38 Markaasaa nebigii tegey oo boqorkii ku sugay jidka agtiisa, wuuna isku beddelay calalkiisii madaxa oo uu indhaha ku qariyey.
先知便站在路旁,用頭巾遮住自己的眼睛,等候君王。
39 Oo markii boqorkii soo ag maray ayuu boqorkii u qayliyey, oo wuxuu ku yidhi, Anigoo addoonkaaga ahu waxaan dhex galay dagaalkii, oo bal eeg nin baa igu soo leexday, nin buuna ii keenay, oo wuxuu igu yidhi, Ninkan dhawr; oo si kastaba ha noqotee haddii hadhow la waayo, naftaadaa loo qisaasayaa, ama haddii kaleto waxaad bixin doontaa talanti lacag ah.
君王從那裏經過時,他便對君王呼喊說:「你的僕人出來交戰,忽有一個人轉來,給我帶來一個人說:你要看守這個人,倘若失蹤了,定要你替他償命,或賠償一「塔冷通」銀子。
40 Oo anigoo addoonkaaga ah intii aan mashquul ku ahaa halkan iyo halkaas ayaa ninkii iska tegey. Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Xukunkaagu saasuu ahaanayaa, waayo, adaa goostay.
你的僕人正在東忙西亂時,那人不見了。」以色列王對他說:「這就是你的定案,你已經自下判決。」
41 Markaasuu dhaqsaday oo calalkiina indhihii ka qaaday, boqorkiina wuu gartay inuu isagu qoonkii nebiyada ka mid ahaa.
他於是急忙拉下他遮眼的頭巾,以色列王纔認出他原是一位先知。
42 Markaasuu isagii ku yidhi, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Ninkii aan baabba'a ku xukumay ayaad gacantaada ka sii daysay, oo sidaas daraaddeed naftaadu waxay u dhiman doontaa naftiisa, dadkaaguna dadkiisa.
先知對君王說:「上主這樣說:你既然親手放走了我所要消滅的人,所以你要替他償命,你的人民必意抵償他的人民。」
43 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu u kacay gurigiisii isagoo calool xun, oo xanaaqsan, oo Samaariya buu yimid.
以色列王悶悶不樂地回了撒瑪黎雅,進了自己的宮殿。