< Boqorradii Kowaad 17 >

1 Oo Eliiyaah oo ahaa reer Tishbii, oo ka mid ahaa kuwii Gilecaad degganaa ayaa Axaab ku yidhi, Waxaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ee aan hortiisa taaganahay noloshiisa ugu dhaartay inaan dharab iyo roob midna sannadahan la arki doonin, sidaan leeyahay mooyaane.
И рече Илиа пророк Фесвитянин, иже от фесвии Галаадския, ко Ахааву: жив Господь Бог сил, Бог Израилев, Емуже предстою пред Ним, аще будет в лета сия роса и дождь, точию от уст словесе моего.
2 Markaasaa haddana waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga oo leh,
И бысть глагол Господень ко Илии:
3 Halkan ka tag, oo u leexo xagga bari, oo waxaad ku ag dhuumataa durdurka Keriid ee ku hor yaal Webi Urdun.
иди отсюду на восток и скрыйся в потоце Хорафа прямо лицу Иорданову:
4 Oo waxaad ka cabbi doontaa durdurka, oo tukayaashana waan ku amray inay halkaas kugu quudiyaan.
и будеши пити от потока воду, и враном заповедах препитати тя тамо.
5 Sidaas daraaddeed wuu tegey, oo wuxuu yeelay sidii erayga Rabbigu ku yidhi, waayo, wuu tegey oo ag joogi jiray durdurka Keriid ee ku hor yaal Webi Urdun.
И сотвори Илиа по глаголу Господню, и седе при потоце Хорафове прямо лицу Иорданову:
6 Oo tukayaasha ayaa subaxdii u keeni jiray kibis iyo hilib, fiidkiina kibis iyo hilib, oo biyona durdurkuu ka cabbi jiray.
и вранове приношаху ему хлебы и мяса заутра, и хлебы и мяса к вечеру, и от потока пияше воду.
7 Oo in yar dabadeed ayaa durdurkii iska engegay, maxaa yeelay, dalku roob ma lahayn.
И бысть по днех, и изсше источник, яко не бе дождя на землю,
8 Markaasaa waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga oo leh,
и бысть глагол Господень ко Илии глаголя:
9 Kac oo waxaad tagtaa Sarefta oo ay reer Siidoon leeyihiin, oo halkaas iska deg; oo bal eeg, naag carmal ah oo halkaas joogta waxaan ku amray inay ku quudiso.
востани и иди в Сарепту Сидонскую, и пребуди тамо: се бо, заповедах тамо жене вдовице препитати тя.
10 Sidaas daraaddeed wuu kacay, oo wuxuu tegey Sarefta, oo markuu magaaladii iriddeedii yimid waxaa halkaas joogtay naag carmal ah oo xaabo guranaysa; oo intuu u yeedhay ayuu ku yidhi iyadii, Waan ku baryayaaye, wuxoogaa biyo ah weel iigu keen aan cabbee.
И воста и иде в Сарепту Сидонскую, и прииде ко вратом града: и се, тамо жена вдова собираше дрова. И возопи Илиа вслед ея и рече ей: принеси ныне ми мало воды в сосуде, и испию.
11 Oo markay u sii socotay inay u keento ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye waxaad gacanta iigu soo qaaddaa in yar oo kibis ah.
И иде взяти. И возопи вслед ея Илиа и рече ей: приими убо мне и укрух хлеба в руце своей, да ям.
12 Iyana waxay tidhi, Waxaan Rabbiga Ilaahaaga ah noloshiisa ugu dhaartay inaanan kibis haysan innaba, laakiinse waxaan haystaa sacab muggiis oo jidhiidh ah oo weel ku jira, iyo in yar oo saliid ah oo kusad ku jirta, oo bal eeg, laba qori baan u guranayaa si aan intaan gurigayga galo ugu diyaariyo aniga iyo wiilkayga, dabadeedna aan cunno oo aan dhimannee.
И рече жена: жив Господь Бог твой, аще есть у мене опреснок, но токмо горсть муки в водоносе и мало елеа в чванце: и се, аз соберу два поленца, и вниду, и сотворю е себе и детем моим, и снемы е, и умрем.
13 Markaasaa Eliiyaah ku yidhi iyadii, Ha cabsane tag oo yeel sidaad tidhi, laakiinse marka hore ii soo samee in yar oo kibis ah oo ii keen, dabadeedna u samee adiga iyo wiilkaaga.
И рече к ней Илиа: дерзай, вниди и сотвори но глаголу твоему: но сотвори ми оттуду опреснок мал прежде, и принеси ми, себе же и чадом своим да сотвориши послежде,
14 Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weelka jidhiidha ahu idlaan maayo, kusadda saliidda ahuna idin gabi mayso ilaa maalinta Rabbigu dhulka roob ku soo daayo.
яко тако глаголет Господь Бог Израилев: водонос муки не оскудеет, и чванец елеа не умалится до дне, дондеже даст Господь дождь на землю.
15 Markaasay tagtay oo waxay yeeshay sidii Eliiyaah ku yidhi, oo iyadii iyo isagii iyo reerkeediiba maalmo badan bay wax cunayeen.
И иде жена, и сотвори по глаголу Илиину, и даде ему, и яде той, и та, и чада ея.
16 Oo weelkii jidhiidha ahaa ma uu idlaan, kusaddii saliidda ahaydna ma ay gabin, oo waxay ahaatay siduu ahaa eraygii Rabbigu u soo dhiibay Eliiyaah.
И от того дне водонос муки не оскуде, и чванец елеа не умалися, по глаголу Господню, егоже глагола рукою Илииною.
17 Oo waxyaalahaas dabadood ayaa naagtii guriga lahayd wiilkeedii bukooday, oo xataa neef keliyahu kuma hadhin, maxaa yeelay, bukaankiisu aad buu u xumaa.
И бысть по сих, и разболеся сын жены госпожи дому, и бе болезнь его крепка зело, дондеже не остася в нем дух его.
18 Markaasay Eliiyaah ku tidhi, War nin yahow Ilaah, maxaa inoo dhexeeya? War ma waxaad iigu timid inaad dembigayga i soo xusuusisid oo aad wiilkayga dishid?
И рече ко Илии: что мне и тебе, человече Божий? Вшел еси ко мне воспомянути неправды моя и уморити сына моего.
19 Markaasuu ku yidhi, Naa bal wiilkaaga ii keen. Oo intuu isagii ka qaaday xabadkeedii ayuu kor ula baxay qowladdii uu isagu degganaa, oo wuxuu saaray sariirtiisii.
И рече Илиа к жене: даждь ми сына твоего. И взят его от недра ея, и вознесе его в горницу, идеже сам почиваше, и положи его на одре своем.
20 Markaasuu Rabbiga u qayshaday, oo ku yidhi, Rabbiyow, Ilaahayow, naagta carmalka ah oo aan la degganahay ma shar baad ku soo dejisay intaad wiilkeedii dishay?
И возопи Илиа ко Господу и рече: увы мне, Господи, свидетелю вдовы, у неяже аз ныне пребываю, Ты озлобил еси еже уморити сына ея.
21 Oo saddex jeer ayuu wiilka korkiisii isku kala bixiyey, oo intuu Rabbiga u qayshaday ayuu yidhi, Rabbiyow, Ilaahayow, waan ku baryayaaye, wiilkan naftiisii mar kale ha ku soo noqoto.
И дуну на отрочища трижды, и призва Господа и рече: Господи Боже мой, да возвратится убо душа отрочища сего в онь.
22 Markaasaa Rabbigu dhegaystay Eliiyaah codkiisii, oo yarka naftiisii mar kalay ku soo noqotay, wuuna soo noolaaday.
И бысть тако: и возопи отрочищь,
23 Dabadeedna Eliiyaah yarkii buu soo qaaday, oo intuu qowladdii ka soo dejiyey ayuu gurigii keenay, oo u dhiibay hooyadiis; wuxuuna Eliiyaah iyadii ku yidhi, Bal eeg, wiilkaagii waa nool yahaye.
и сведе его с горницы в дом, и даде его матери его. И рече Илиа: виждь, жив есть сын твой.
24 Markaasaa naagtii waxay Eliiyaah ku tidhi, Haatan waan garanayaa inaad tahay nin Ilaah, iyo inuu run yahay erayga Ilaah oo afkaaga ku jira.
И рече жена ко Илии: се, уразумех, яко человек Божий еси ты, и глагол Господень во устех твоих истинен.

< Boqorradii Kowaad 17 >