< Boqorradii Kowaad 15 >
1 Haddaba sannaddii siddeed iyo tobnaad ee Boqor Yaaraabcaam ina Nebaad ayaa Abiiyaam boqor ka noqday dalka Yahuudah.
[阿彼雅為猶大王]乃巴特的兒子雅洛貝罕王十八年,阿彼雅登極作猶大王,
2 Oo saddex sannadood ayuu boqor ku ahaa Yeruusaalem, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Macakaah ina Abiishaaloom.
在耶路撒冷作王三年;他母親名叫瑪阿加,是阿貝沙隆的外孫女。
3 Oo isna wuxuu sameeyey dembiyadii uu aabbihiis samayn jiray isaga hortiis oo dhan, oo qalbigiisuna Rabbiga Ilaahiisa ah uguma qummanayn sidii qalbigii awowgiis Daa'uud oo kale.
阿彼雅作了他父親在他以前所行的一切邪惡;他的心對上主他的天主,不像他祖父達味的那樣誠實。
4 Habase yeeshee Daa'uud daraaddiis ayaa Rabbiga Ilaahiis ahu Yeruusaalem ka dhex siiyey laambad inuu isaga dabadiis wiilkiisa dhiso iyo inuu Yeruusaalem adkeeyo aawadeed,
但是,上主他的天主,為了達味的緣故,仍使他在耶路撒冷,有一盞燈,立他的兒子接他的位,並保全耶路撒冷,
5 maxaa yeelay, Daa'uud wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, oo cimrigiisii oo dhanna kama uu leexan wax kasta oo uu ku amray, xaalkii Uuriyaah kii reer Xeed oo keliya mooyaane.
因為達味除了赫特人烏黎雅那件事以外,常行了上主視為正義的事,一生歲月從未違背上主所吩咐他的一切。
6 Oo Rexabcaam iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexeeyey cimrigiisii oo dhanba.
【勒哈貝罕與雅洛貝罕之間不斷發生戰事。】
7 Oo Abiiyaam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah? Oo Abiiyaam iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexeeyey.
阿彼雅其餘的事蹟,他的一切作為,都記載在猶大列王實錄上。阿彼雅與雅洛貝罕之間,常發生戰事。
8 Oo Abiiyaam wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aasaa.
阿彼雅與列祖同眠,葬在達味城;他的兒子阿撒繼位為王。阿撒為猶大王
9 Oo boqorkii dalka Israa'iil oo Yaaraabcaam ahaa sannaddiisii labaatanaad ayaa Aasaa boqor ka noqday dalka Yahuudah.
以色列王雅洛貝罕二十年,阿撒登極作猶大王,
10 Oo wuxuu Yeruusaalem boqor ka ahaa kow iyo afartan sannadood; oo hooyadiisna magaceedu wuxuu ahaa Macakaah ina Abiishaaloom.
在耶路撒冷作王四十一年;他的祖母名叫瑪阿加,是阿貝沙隆的外孫女。
11 Oo Aasaa wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa sidii uu awowgiis Daa'uud yeelay oo kale.
阿撒行了上主視為正直的事,像他的祖父達味一樣。
12 Oo makhnuudyadiina dalka wuu ka eryay, sanamyadii aabbihiis sameeyey oo dhanna wuu wada fogeeyey.
他將為神賣淫的男女由國內除掉,徹去了他祖先所立的一切偶像,
13 Macakaah oo hooyadiis ahaydna boqoradnimadii wuu ka dejiyey, maxaa yeelay, waxay sanam karaahiya ah u samaysay geed Asheeraah, oo Aasaa sanamkeedii wuu jebiyey, wuxuuna ku gubay durdurka Qidroon agtiisa.
並廢除了他祖母瑪阿加作太后的權位,因為她給阿舍辣立了可憎惡的柱像;阿撒把她所立的像砍倒,在克德龍谷焚毀。
14 Laakiinse meelihii sarsare lama baabbi'in; habase yeeshee Aasaa qalbigiisu waa ku qummanaa Rabbiga hortiisa cimrigiisii oo dhanba.
只有丘壇沒有廢除;不過阿撒的心一生全屬上主。
15 Oo gurigii Rabbigana wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis quduuska ka dhigay iyo alaabtii uu isaga qudhiisu quduuska ka dhigay, waxayna ahayd lacag iyo dahab iyo weelal.
阿撒將他父親所獻的,和他自己所獻的金銀和器皿,都送入上主的殿內。
16 Oo cimrigoodii oo dhanna dagaal baa ka dhexeeyey Aasaa iyo Bacshaa oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil.
阿撒與以色列王巴厄沙之間不斷發生戰爭。
17 Oo Bacshaa oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil ayaa dalka Yahuudah ku kacay, oo wuxuu dhisay Raamaah, inuusan qofna u oggolaan inuu ka baxo ama u galo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.
以色列王巴厄沙上來進攻猶大,並在辣瑪修築工事,防止人民同猶大王阿撒來往。
18 Markaasaa Aasaa qaaday kulli lacagtii iyo dahabkii ku hadhay khasnadihii guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorka oo dhan, oo wuxuu u dhiibay addoommadiisa, oo Boqor Aasaa wuxuu iyagii u diray Benhadad ina Tabrimmoon oo ahaa ina Xesyoon, oo dalka Suuriya boqorka u ahaa oo Dimishaq degganaa, oo wuxuu ku yidhi,
那時,阿撒將上主殿內和王宮內寶庫中所剩餘的金銀取出,交給他的臣僕,打發他們去見住在大馬士革的阿蘭王,赫則雍的孫子,塔貝黎孟的兒子本哈達得說:「
19 Aniga iyo adiga axdi baa inoo dhexeeya, oo aabbahay iyo aabbahaana wuu u dhexayn jiray; haddaba bal eeg, waxaan kuu soo diray hadiyad lacag iyo dahab ah, saas aawadeed tag oo jebi axdiga aad la leedahay boqorka dalka Israa'iil oo Bacshaa ah, ha iga tagee.
我與你之間,我父親與你父親之間都立過約;現在我給你送來金銀作為禮品,請你廢除你與以色列王巴厄沙所立的約,使他遠離我! 」
20 Markaasaa Benhadad dhegaystay hadalkii Boqor Aasaa, oo saraakiishii ciidammadiisa ayuu u diray magaalooyinkii dalka Israa'iil, oo waxay dagaal ku dhufteen Ciyoon, iyo Daan, iyo Aabeel Beytmacakaah, iyo Kinnered oo dhan, iyo dalkii reer Naftaali oo dhan.
本哈達得聽了阿撒王的話,即刻派自己的軍長去攻打以色列的城市,攻下了依雍、丹、阿貝耳貝瑪阿加、基乃勒特全境和納裴塔里全境。
21 Kolkii Bacshaa taas maqlay wuu ka tegey Raamaah dhisiddeedii, oo wuxuu degay Tirsaah.
巴厄沙一聽說這事,就停止在辣瑪的工事,回到了提爾匝。
22 Markaasaa Boqor Aasaa wuxuu dalka Yahuudah oo dhan gaadhsiiyey naado ogeysiis ah, oo ninna lagama reebin; oo waxay wada qaadeen dhagxantii iyo alwaaxdii Raamaah ee uu Bacshaa ku dhisayay, kolkaasaa Boqor Aasaa wuxuu ku dhisay Gebac oo ku taal dalka reer Benyaamiin iyo Misfaah.
於是阿撒王召集全猶大人民,一個也不例外,吩咐他們將巴厄沙修築辣瑪所用的石頭和木料運走;阿撒王用來修建本雅明的革巴和米茲帕。
23 Haddaba Aasaa falimihiisa kale, iyo xooggiisii oo dhan, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo magaalooyinkii uu dhisay oo dhammuba sow kuma qorna kitaabka taariikhda boqorradii dalka Yahuudah? Laakiinse markuu gaboobay wuxuu ka bukooday cagaha.
阿撒其餘的事蹟,關於他的一切偉業和作為,並建造的城防,都記載在猶大列王實錄上。他年老時,患了足疾。
24 Markaasaa Aasaa dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii awowgiis Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooshaafaad
阿撒與列祖同眠,與列祖同葬在他祖父達味城內;他的兒子約沙法特繼位為王。納達布為以色列王
25 Oo Naadaab oo ahaa ina Yaaraabcaam boqor buu ka noqday dalka Israa'iil sannaddii labaad oo Aasaa boqorkii dalka Yahuudah; oo wuxuu dalka Israa'iil boqor ka ahaa laba sannadood.
猶大王阿撒二年,雅洛貝罕的兒子納達布登極作以色列王。他二年作以色列王,
26 Oo isna wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis, iyo dembigiisa uu dadkii Israa'iil dembaajiyey.
行了上主視為惡的事,走了他父親的路,犯了他父親使以色列陷於罪惡的罪。
27 Oo waxaa shirqoolay Bacshaa ina Axiiyaah oo ahaa reer Isaakaar, oo Bacshaa isaguu ku dilay Gibbetoon tan ay reer Falastiin lahaayeen, waayo, Naadaab iyo dadkii dalka Israa'iil oo dhammuba waxay weerarayeen Gibbetoon.
依撒加爾家族,阿希雅的兒子巴厄沙結黨背叛了他,在屬於培肋舍特人的基貝通將他殺死,那時納達布和全以色列人正在圍攻基貝通。
28 Oo isaga Bacshaa wuxuu dilay oo meeshiisii boqor ka noqday sannaddii saddexaad ee Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.
猶大王阿撒三年,巴厄沙殺了納達布,篡了他的王位。
29 Oo haddiiba markuu boqor noqday ayuu wada laayay reerkii Yaaraabcaam oo dhan, oo Yaaraabcaam uma uu dayn qof keliya oo neefsada, laakiinse wuu wada baabbi'iyey, sidii uu ahaa eraygii Rabbigu u soo dhiibay addoonkiisii Axiiyaah kii reer Shiiloh;
他登極後,立即殺了亞洛貝罕全家;凡屬於雅洛貝罕家中的人,沒有留下一個,都殺絕了:這正應了上主藉他僕人使羅人阿希雅所說的話。
30 waayo, waxay saas u noqotay Yaaraabcaam dembiyadiisii uu dembaabay, oo uu dadkii Israa'iilna dembaajiyey, iyo xanaaqii uu ka xanaajiyey Rabbiga ah Ilaaha dalka Israa'iil.
這是因為亞洛貝罕自己犯的罪和他使以色列犯的罪,激怒了上主,以色列的天主。
31 Haddaba Naadaab falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabka taariikhda boqorrada dalka Israa'iil?
納達布其餘的事蹟,他的一切作為,都記載在以色列列王實錄上。
32 Cimrigood oo dhan dagaal baa ka dhexeeyey Aasaa iyo Bacshaa oo boqor ka ahaa dalka Israa'iil.
【阿撒與以色列王巴厄沙之間常發生戰事。】巴厄沙為以色列王
33 Oo boqorkii dalka Yahuudah oo Aasaa ahaa sannaddiisii saddexaad ayaa Bacshaa ina Axiiyaah boqor dalka Israa'iil ugu noqday Tirsaah, oo wuxuu boqor ahaa afar iyo labaatan sannadood.
猶大王阿撒三年,阿希雅的兒子巴厄沙在提爾匝登極,作全以色列王,在位凡二十四年。
34 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis Yaaraabcaam, iyo dembigiisii uu dadkii Israa'iilna dembaajiyey.
他行了上主視為惡的事,走了雅洛貝罕所走的路,犯了使以色列陷於罪惡的事。