< Boqorradii Kowaad 11 >

1 Oo Boqor Sulaymaan wuxuu jeclaaday naago badan oo qalaad, oo aan gabadhii Fircoon ahayn, naagahaas oo ahaa reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Edom, iyo reer Siidoon, iyo reer Xeed.
Sarki Solomon ya ƙaunaci baƙin mata. Ban da’yar Fir’auna, ya auri Mowabawa, Ammonawa, mutanen Edom, Sidoniyawa da Hittiyawa.
2 Oo quruumahaasuna waxay ahaayeen kuwii Rabbigu reer binu Israa'iil ku yidhi, Idinku ha dhex gelina, iyana yaanay idin soo dhex gelin, waayo, hubaal qalbiyadiinna waxay u jeedinayaan xagga ilaahyadooda; oo Sulaymaan kuwaasuu caashaq u qabtay.
Sun fito daga al’ummai da Ubangiji ya ce wa Isra’ilawa, “Kada ku yi aurayya da su, domin tabbatacce za su juye zukatanku zuwa ga waɗansu alloli.” Duk da haka Solomon ya manne musu, ya nace, yana ƙaunarsu.
3 Oo wuxuu lahaa toddoba boqol oo naagood oo marwooyin ah, iyo saddex boqol oo naagood oo addoommo ah; oo naagihiisiina qalbigiisii way sii jeediyeen.
Ya auri mata ɗari bakwai, haifaffun gidan sarauta, da kuma ƙwarƙwarai ɗari uku. Matan nan nasa suka karkatar da shi.
4 Oo markii Sulaymaan gaboobay ayaa naagihiisii qalbigiisii u jeediyeen ilaahyo kale xaggood; oo qalbigiisuna kuma qummanayn xagga Rabbiga Ilaahiisa ahaa sidii qalbigii aabbihiis Daa'uud ahaa oo kale.
Yayinda Solomon yake tsufa, matansa suka juye zuciyarsa ga bin waɗansu alloli, zuciyarsa kuwa ba tă bi Ubangiji Allahnsa ɗungum kamar yadda zuciyar Dawuda mahaifinsa ta kasance ba.
5 Waayo, Sulaymaan wuxuu raacay Cashtored oo ahayd ilaahaddii reer Siidoon, iyo Milkom oo ahaa karaahiyadii ay reer Cammoon caabudi jireen.
Ya bi Ashtarot, alliyar Sidoniyawa, da Molek, allahn da aka hana na Ammonawa.
6 Oo Sulaymaan wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo dhammaantiis ma uu raacin Rabbiga sidii aabbihii Daa'uud.
Saboda haka Solomon ya yi abin da yake mugu a gaban Ubangiji. Bai bi Ubangiji gaba ɗaya kamar yadda Dawuda mahaifinsa ya yi ba.
7 Markaasaa Sulaymaan wuxuu meel sare uga dhisay buurtii Yeruusaalem ku hor tiil Kemoosh oo ahaa karaahiyadii reer Moo'aab, iyo Molokh oo ahaa karaahiyadii reer Cammoon.
A kan tudu, gabas da Urushalima, Solomon ya gina masujada a can domin Kemosh, allahn da aka hana na Mowab, da Molek, allahn da aka hana na Ammonawa.
8 Oo sidaasuu ugu wada sameeyey naagihiisii qalaadaa oo dhan kuwaasoo uunsi u shidi jiray, allabarina u bixin jiray ilaahyadooda.
Ya yi haka domin dukan baƙin matansa, waɗanda suka ƙone turare suka kuma miƙa hadayu ga allolinsu.
9 Oo Rabbigu Sulaymaan buu u cadhooday, maxaa yeelay, qalbigiisii ayaa ka jeestay Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ah, oo isaga labada jeer u muuqday,
Ubangiji ya yi fushi da Solomon domin zuciyarsa ya juye daga Ubangiji, Allah na Isra’ila, wanda ya bayyana masa sau biyu.
10 oo ku amray wax ku saabsan waxan kuwaasoo ah inuusan raacin ilaahyo kale; laakiinse isagu ma uu xajin wixii Rabbigu ku amray.
Ko da yake ya hana Solomon bin waɗansu alloli, Solomon bai kiyaye umarnin Ubangiji ba.
11 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu Sulaymaan ku yidhi, Waxan aad samaysay aawadiis ayaan boqortooyada kaaga xoogayaa, oo waxaan siinayaa addoonkaaga, maxaa yeelay, ma aadan xajin axdigaygii iyo qaynuunnadaydii aan kugu amray.
Saboda haka Ubangiji ya ce wa Solomon, “Da yake halinka ke nan, ba ka kuma kiyaye alkawarina, da ƙa’idodina da na umarce ka ba, tabbatacce zan yage masarautar daga gare ka, in ba da ita ga ɗaya daga cikin bayinka.
12 Habase yeeshee, intaad nooshahay saas yeeli maayo, aabbahaa Daa'uud aawadiis; laakiinse waxaan ka xoogayaa wiilkaaga.
Amma saboda Dawuda mahaifinka, ba zan yi haka a zamaninka ba. Zan yage ta daga hannun ɗanka.
13 Oo weliba boqortooyada oo dhan ka wada xoogi maayo, laakiinse qabiil ayaan wiilkaaga siinayaa, addoonkayga Daa'uud aawadiis iyo Yeruusaalem oo aan doortay aawadeed.
Amma ba zan yage dukan masarautar daga gare shi ba, zan ba shi kabila ɗaya saboda Dawuda bawana, da kuma saboda Urushalima, wadda na zaɓa.”
14 Markaasaa Rabbigu wuxuu Sulaymaan ku kiciyey cadow, kaasoo ahaa Hadad oo reer Edom ahaa, oo ka soo farcamay boqorka Edom.
Sai Ubangiji ya tayar wa Solomon wani abokin gāba, mai suna Hadad, mutumin Edom daga gidan sarautar Edom.
15 Markii Daa'uud Edom joogay, oo Yoo'aab oo ahaa sirkaalkii ciidankuna halkaas u tegey inuu soo aaso dadkii la laayay, kuwaasoo ahaa wixii lab ahaa ee uu Edom ku wada laayay oo dhan;
A shekarun baya Dawuda ya ci Edom da yaƙi. Yowab, shugaban sojojinsa ya tafi can domin yă binne Isra’ilawa waɗanda suka mutu a yaƙi. Sa’ad da suke a can, sojojin Isra’ila suka kashe kowane ɗa namiji a Edom.
16 (waayo, Yoo'aab iyo reer binu Israa'iil oo dhammu halkaasay iska joogeen intii lix bilood ah, ilaa uu wada jaray wixii lab ahaa ee Edom joogay oo dhan; )
Yowab da dukan Isra’ilawa suka zauna a can, wata shida, sai da suka hallaka dukan mutane a Edom.
17 waxaa cararay Hadad iyo dhawr reer Edom ah oo ahaa addoommadii aabbihiis inay tagaan dalka Masar, oo Hadadna kolkaas weli inan yar buu ahaa.
Amma Hadad yana ɗan yaro a lokaci, wanda ya gudu zuwa Masar tare da shugabannin mutanen Edom waɗanda suka yi wa mahaifinsa hidima.
18 Oo waxay ka ambabbexeen Midyaan, oo Faaraan tageen; oo rag bay Faaraan ka sii kaxaysteen, oo waxay yimaadeen dalkii Masar, kolkaasay u tageen Fircoon oo ahaa boqorkii Masar, oo isna wuxuu siiyey guri, cuntona joogtuu uga dhigay, dhulna wuu siiyey.
Suka taso daga Midiyan suka tafi Faran. Sa’an nan suka ɗauki mutane daga Faran suka tafi Masar, zuwa wurin Fir’auna wanda ya ba wa Hadad gida da ƙasa, ya kuma tanada masa da abinci.
19 Hadadna raallinimo weyn buu ka helay Fircoon, oo xataa wuxuu u guuriyey naagtiisii walaasheed, taasoo la dhalatay boqoraddii Taxfenees.
Fir’auna ya ji daɗin Hadad har ya ba shi’yar’uwar matarsa, Sarauniya Tafenes, aure.
20 Oo Taxfenees walaasheed waxay isagii u dhashay wiilkiisii Genubad, kaasoo ay Taxfenees guriga Fircoon kaga gudhisay, oo Genubad guriga Fircoon ayuu joogi jiray, isagoo la jooga Fircoon wiilashiisa.
’Yar’uwar Tafenes ta haifi masa ɗa wanda ya kira Genubat, wanda Tafenes ta yi renonsa a fadan sarki. A can, Genubat ya yi zama da’ya’yan Fir’auna.
21 Oo markii Hadad Masar ku maqlay in Daa'uud dhintay oo la seexday awowayaashiis, Yoo'aab oo sirkaalkii ciidanka ahaana dhintay ayuu Fircoon ku yidhi, I sii daa aan dalkaygii tagee.
Yayinda yake a Masar, Hadad ya ji Dawuda ya huta tare da kakanninsa, ya kuma ji cewa Yowab shugaban mayaƙa ya mutu. Sai Hadad ya ce wa Fir’auna, “Bari in tafi, don in koma ƙasata.”
22 Markaasaa Fircoon ku yidhi, War intaad ila joogtay maxaad iga weyday oo aad u doonaysaa inaad dalkaagii tagto? Isna wuxuu ugu jawaabay, Waxba; laakiinse i sii daa aan tagee.
Fir’auna ya tambaye shi, ya ce, “Me ka rasa a nan da kake so ka koma garinka?” Ya ce, “Ba kome, amma ka dai bar ni in tafi!”
23 Oo Ilaah haddana wuxuu ku kiciyey cadow kale, oo kaasuna wuxuu ahaa Resoon ina Elyaadaac kaasoo ka cararay sayidkiisii Hadadceser oo boqorkii Soobaah ahaa.
Allah kuwa ya tayar wa Solomon wani abokin gāba, mai suna Rezon, ɗan Eliyada, wanda ya gudu daga maigidansa, Hadadezer sarkin Zoba.
24 Oo rag buu soo urursaday, guutona sirkaal buu u noqday markii Daa'uud kuwii Soobaah laayay; oo Dimishaq bay tageen oo halkaasay iska degeen oo Dimishaq wax ku xukumeen.
Rezon ya tattara mutane kewaye da shi, ya zama kuma shugaban’yan tawaye sa’ad da Dawuda ya hallaka mayaƙan Zoba;’yan tawayen suka tafi Damaskus, inda suka zauna, suka kuma yi mulki.
25 Oo wakhtigii Sulaymaan noolaa oo dhan cadow buu u ahaa reer binu Israa'iil, oo waxaa kaloo wehliyey belaayadii Hadad ku sameeyey; oo intuu reer binu Israa'iil u karaahsaday ayuu Suuriya boqor u noqday.
Rezon ya zama babban abokin gāban Isra’ila cikin dukan kwanakin mulkin Solomon. Ya ƙara rikici a kan rikicin Hadad. Rezon ya ƙi mulkin Isra’ila da dukan ransa. Saboda haka Rezon ya yi mulki a Aram ya kuma ƙi jinin Isra’ila.
26 Oo waxaa kaloo jiray Yaaraabcaam ina Nebaad oo ahaa reer Efraad oo Sereedaah degganaa, kaasu wuxuu ahaa Sulaymaan addoonkiisa, oo hooyadiis magaceeda waxaa la odhan jiray Seruucaah, waxayna ahayd naag carmal ah, oo isna gacantuu boqorka u qaaday.
Haka ma Yerobowam, ɗan Nebat, shi ma ya yi wa sarki tawaye. Shi ɗaya ne daga shugabannin Solomon, shi mutumin Efraim ne daga Zereda, mahaifiyarsa kuwa gwauruwa ce, mai suna Zeruwa.
27 Tanu waxa weeye sababtii uu boqorkii gacanta ugu qaaday: Sulaymaan wuxuu dhisay Millo, oo uu hagaajiyey dildillaacii magaaladii aabbihiis Daa'uud.
Ga yadda ya tayar wa sarki Solomon. Sarki Solomon ya gina madogaran gini, ya ciccika wurare a katangar birnin Dawuda mahaifinsa da ƙasa.
28 Oo ninkii Yaaraabcaamna wuxuu ahaa nin xoog leh; markaasaa Sulaymaan wuxuu arkay in ninka dhallintayaru yahay nin aad u shaqeeya, kolkaasuu madax uga dhigay hawshii reer Yuusuf oo dhan.
To, Yerobowam mutum ne mai fasaha. Sa’ad da Solomon ya ga yadda matashin yake aiki da himma, sai ya sa shi yă lura da dukan aikin gandu na gidan Yusuf.
29 Oo waagaas waxay noqotay, markii Yaaraabcaam Yeruusaalem ka tegey, inuu Nebi Axiiyaah oo ahaa reer Shiiloh isagii jidka ka helay, oo Axiiyaahna dhar cusub buu qabay, oo labadooda keliya ayaa berrin joogay.
Da Yerobowam ya fita Urushalima, sai annabi Ahiya, mutumin Shilo ya tarar da shi a hanya. Lokacin kuwa Ahiya yana saye da sabuwar riga, ba kowa a filin sai su biyu kaɗai.
30 Markaasaa Axiiyaah qabsaday dharkii cusbaa oo uu qabay, oo wuxuu u kala jeexjeexay laba iyo toban meelood.
Sai Ahiya ya kama sabuwar rigar da yake saye da ita ya yage ta gida goma sha biyu.
31 Kolkaasuu Yaaraabcaam ku yidhi, Toban meelood qaado, waayo, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ah wuxuu leeyahay, Boqortooyada waan ka xoogayaa Sulaymaan, oo toban qabiil ayaan ku siinayaa,
Sa’an nan ya ce wa Yerobowam, “Ɗauki gida goma wa kanka, gama abin da Ubangiji, Allah na Isra’ila ya ce ke nan, ‘Duba, zan yage masarauta daga hannun Solomon in ba ka kabilu goma.
32 (laakiinse qabiil isagaa u haysanaya addoonkaygii Daa'uud aawadiis, iyo Yeruusaalem oo ah magaaladii aan qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ka doortay aawadeed; )
Amma saboda bawana Dawuda da kuma birnin Urushalima, wadda na zaɓa daga dukan kabilan Isra’ila, zai sami kabila guda.
33 maxaa yeelay, way i dayriyeen, oo waxay caabudeen Cashtored oo ilaahaddii reer Siidoon ah, iyo Kemoosh oo ah ilaahii reer Moo'aab, iyo Milkom oo ah ilaahii reer Cammoon; oo jidadkaygiina kuma ay socon, inay sameeyaan waxa hortayda ku qumman, iyo inay dhawraan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, sidii aabbihiis Daa'uud yeeli jiray oo kale.
Zan yi wannan domin sun yashe ni, suka kuma yi wa Ashtarot, alliyar Sidoniyawa, da Kemosh, allahn Mowabawa, da kuma Molek, allahn Ammonawa sujada, ba su yi tafiya a hanyoyina ba, ba su kuwa yi abin da yake daidai a idanuna ba, ba su kiyaye farillaina da dokokina kamar yadda Dawuda, mahaifin Solomon ya yi ba.
34 Habase yeeshee boqortooyada oo dhan ka wada qaadi maayo; laakiinse cimrigiisa oo dhan amiir baan ka dhigayaa addoonkaygii Daa'uud oo aan doortay aawadiis, maxaa yeelay, wuxuu dhawray amarradaydii iyo qaynuunnadaydii.
“‘Amma ba zan ɗauki dukan masarautar daga hannun Solomon ba; na naɗa shi sarki, dukan kwanaki ransa saboda Dawuda bawana, wanda na zaɓa, wanda kuma ya kiyaye umarnai da farillaina.
35 Laakiinse boqortooyada waxaan ka qaadayaa wiilkiisa oo adigaan ku siinayaa toban qabiil.
Zan ɗauke masarautar daga hannuwan ɗansa ne, in ba ka kabilu goma.
36 Oo wiilkiisana waxaan siinayaa qabiil keliya in addoonkaygii Daa'uud had iyo goorba hortayda laambad ku haysto Yeruusaalem dhexdeeda, taasoo ah magaaladii aan u doortay inaan magacayga halkaas dhigo.
Zan ba da ɗaya ga ɗansa don kullum Dawuda bawana yă kasance da fitila a gabana a Urushalima, birnin da na zaɓa in sa Sunana.
37 Oo waan ku qaadan doonaa, oo waxaad boqor u ahaan doontaa siday naftaadu doonayso, oo dalka Israa'iilna boqor baad ka noqon doontaa.
Amma fa, ga kai, zan ɗauke ka, za ka kuwa yi mulki bisa dukan abin da zuciyarka take so; za ka zama sarki a bisa Isra’ila.
38 Oo haddaad maqasho waxa aan kugu amro oo dhan, oo aad jidadkaygana ku socotid, oo aad samaysid waxa hortayda ku qumman, oo aad dhawrtid qaynuunnadayda iyo amarradayda, sidii addoonkaygii Daa'uud yeeli jiray oo kale, ayaan kula jiri doonaa, oo waxaan kuu dhisi doonaa reer ammaan ah, sidii aan Daa'uud ugu dhisay oo kale, oo weliba dalka Israa'iilna adigaan ku siinayaa.
In ka aikata dukan abin da na umarce ka, ka yi tafiya a hanyoyina, ka kuma yi abin da yake daidai a idanuna ta wurin kiyaye farillaina da umarnaina, kamar yadda Dawuda bawana ya yi, zan kasance tare da kai. Zan gina maka masarauta mai dawwama kamar wadda na gina wa Dawuda, zan kuma ba da Isra’ila gare ka.
39 Oo taas aawadeed Daa'uud farcankiisa waan dhibayaa laakiinse dhibka ku waarin maayo.
Zan ƙasƙantar da zuriyar Dawuda saboda wannan, amma ba har abada ba.’”
40 Sidaas daraaddeed Sulaymaan wuxuu damcay inuu Yaaraabcaam dilo; laakiinse Yaaraabcaam wuu kacay, oo wuxuu u cararay dalka Masar, oo u tegey Shiishaq oo ahaa boqorkii Masar, oo tan iyo markii Sulaymaan geeriyooday ayuu dalka Masar iska joogay.
Solomon ya yi ƙoƙari yă kashe Yerobowam, amma Yerobowam ya tsere zuwa Masar, zuwa wurin sarki Shishak, ya zauna a can sai bayan mutuwar Solomon.
41 Haddaba Sulaymaan falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xigmaddiisiiba, sow kuma qorna kitaabkii falimaha Sulaymaan?
Game da sauran ayyukan mulkin Solomon, da dukan abubuwan da ya yi, da hikimar da ya nuna, an rubuta su a littafin tarihin Solomon.
42 Oo wakhtigii Sulaymaan reer binu Israa'iil oo dhan Yeruusaalem boqorka ugu ahaa wuxuu ahaa afartan sannadood.
Solomon ya yi mulki a Urushalima, a bisa dukan Isra’ila, shekaru arba’in.
43 Markaasaa Sulaymaan dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii aabbihiis Daa'uud; oo wiilkiisii Rexabcaam ayaa meeshiisii boqor ka noqday.
Sa’an nan ya huta tare da kakanninsa, aka kuma binne shi a birnin Dawuda mahaifinsa. Sai Rehobowam ɗansa ya gāje shi a matsayin sarki.

< Boqorradii Kowaad 11 >