< 1 Yooxanaa 1 >
1 Waxaannu idiin soo qoraynaa wax ku saabsan wixii tan iyo bilowgii jiray, oo aannu maqalnay, oo aannu indhahayaga ku aragnay, oo aannu eegnay, oo ay gacmahayagu taabteen oo Ereyga nolosha ah.
Що було від почину, про що ми чули, що бачили очима нашими і на що дивили ся, і чого руки наші дотикали ся, про Слово життя -
2 Nolosha waa la muujiyey, oo waannu aragnay, waanan u marag furaynaa, oo waxaannu idiinka warramaynaa nolosha weligeed ah, ta Aabbaha la jirtay oo lanoo muujiyey. (aiōnios )
(бо життє явилось, і ми бачили, і сьвідкуємо, і звіщаєм вам життє вічне, що було в Отця, а явилось нам; ) (aiōnios )
3 Wixii aannu aragnay oo aannu maqalnay ayaannu idiinka warramaynaa, si aad idinkuna noo soo wehelisaan; oo wehelnimadeennu waa mid la jirta Aabbaha iyo Wiilkiisa Ciise Masiix ah.
що ми бачили і чули, звіщаєм вам, щоб і ви мали спільність з нами; а спільність наша з Отцем і Сином Його Ісусом Христом,
4 Oo waxaannu waxyaalahan idiinku soo qoraynaa si ay farxaddiinnu u buuxsanto.
І се пишемо вам, щоб радість ваша була повна.
5 Warkii aannu ka maqalnay oo aan idiinka warramayno wuxuu yahay, in Ilaah nuur yahay, oo isaga aan gudcur ku jirin innaba.
І се обітниця, котру ми чули від Нього, і звіщаємо вам, бо Бог сьвітло, і ніякої у Нього темряви.
6 Haddaynu nidhaahno, Wehelnimo ayaynu la wadaagnaa isaga, oo aynu gudcurka ku soconno, been baynu sheegnaa, oo runta ma falno.
Коли говоримо, що спільність маємо з Ним, а в темряві ходимо, то не говоримо по правді і не творимо правди;
7 Laakiin haddaynu nuurka ku soconno siduu isaguba nuurka ugu jiro, wehelnimo ayaynu isla wada wadaagnaa, oo dhiigga Ciise, oo Wiilkiisa ah, wuxuu inaga nadiifiyaa dembi oo dhan.
коли ж у сьвітлї ходимо, яко ж Він сам у сьвітлї, то маємо спільність один з одним, і кров Ісуса Христа, Сина Його, очищав нас од усякого гріха.
8 Haddaynu nidhaahno, Dembi ma lihin, nafsaddeenna ayaynu khiyaanaynaa, oo runtuna inaguma jirto.
Коли говоримо, що гріха не маємо, то самі себе обманюємо, і нема правди в нас.
9 Haddaynu dembiyadeenna qiranno, isagu waa aamin iyo caaddil inuu dembiyadeenna inaga cafiyo, oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan.
Коли визнаєм гріхи наші, то Він вірний і праведний, щоб простив нам гріхи, і очистив нас од всякої неправди.
10 Haddaynu nidhaahno, Ma aynu dembaabin, waxaynu Ilaah ka dhignaa beenaaleh, oo ereygiisa inaguma jiro.
Коли кажімо, що ми не згрішили, то й слова Його нема в нас.