< 1 Yooxanaa 1 >

1 Waxaannu idiin soo qoraynaa wax ku saabsan wixii tan iyo bilowgii jiray, oo aannu maqalnay, oo aannu indhahayaga ku aragnay, oo aannu eegnay, oo ay gacmahayagu taabteen oo Ereyga nolosha ah.
China chivena kuma tangilo-chi tu vazuwi, chi tuva voni ni menso etu, chi tuva loli hateni, mi etu mayanza ava kwati- kuya kache nzwi lya vuhalo.
2 Nolosha waa la muujiyey, oo waannu aragnay, waanan u marag furaynaa, oo waxaannu idiinka warramaynaa nolosha weligeed ah, ta Aabbaha la jirtay oo lanoo muujiyey. (aiōnios g166)
Hape, vuhalo vuve zi vankaniswa, mi tuva vu voni, mi twina vupaki vwaza teni. Twi zi vahaza kwenu za vuhalo vu ya kule, vu vena ni Tayo, mi vu ve zibahazwa kwe tu. (aiōnios g166)
3 Wixii aannu aragnay oo aannu maqalnay ayaannu idiinka warramaynaa, si aad idinkuna noo soo wehelisaan; oo wehelnimadeennu waa mid la jirta Aabbaha iyo Wiilkiisa Ciise Masiix ah.
China chitu va voni ni ku zuwa tu chi wamba kwenu nanwe, nji kuti nanwe muve ni chilikani na swe. Chi likani chetu china ni Tayo ni mwana kwe, Jesu Kirisite.
4 Oo waxaannu waxyaalahan idiinku soo qoraynaa si ay farxaddiinnu u buuxsanto.
Hape, tu miñolela izi zintu kwenu nji kuti kusanga kwetu ku izuzilizwe.
5 Warkii aannu ka maqalnay oo aan idiinka warramayno wuxuu yahay, in Ilaah nuur yahay, oo isaga aan gudcur ku jirin innaba.
Uwu nji mulaezo utu va zuwi kwali mi wi ziviswa kwenu: Ireza i seli, mi mwali kakwina nanta chi nzime.
6 Haddaynu nidhaahno, Wehelnimo ayaynu la wadaagnaa isaga, oo aynu gudcurka ku soconno, been baynu sheegnaa, oo runta ma falno.
Heva ni tu wamba kuti twina chilikani na ye mi ni tu yenda mwi chi nzime, tu chenga mi ka tu likanyisi bu niti.
7 Laakiin haddaynu nuurka ku soconno siduu isaguba nuurka ugu jiro, wehelnimo ayaynu isla wada wadaagnaa, oo dhiigga Ciise, oo Wiilkiisa ah, wuxuu inaga nadiifiyaa dembi oo dhan.
Kono haiva ni tu yenda mwi seli sina iye hena mwi seli, twina chilikani ni zumwi ni zumwi, mi malaha a Jesu Mwana kwe a tu joloza ku chivi chonse.
8 Haddaynu nidhaahno, Dembi ma lihin, nafsaddeenna ayaynu khiyaanaynaa, oo runtuna inaguma jirto.
Heva tuwamba kuti katwina chivi, tu li chenga tuvene, mi vu niti ka vwina mwetu.
9 Haddaynu dembiyadeenna qiranno, isagu waa aamin iyo caaddil inuu dembiyadeenna inaga cafiyo, oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan.
Kono ha tuli wamba zivi zetu, u sepahala ni kuluka kuku tu wondela zivi zetu mi ni ku tu joloza mu ku sa luka kwetu konse.
10 Haddaynu nidhaahno, Ma aynu dembaabin, waxaynu Ilaah ka dhignaa beenaaleh, oo ereygiisa inaguma jiro.
Heva nitu ta kuti ka twini ku chita chivi, tu mu panga kuti ave muchengi, mi inzwi lyakwe ka lina mwetu.

< 1 Yooxanaa 1 >