< 1 Yooxanaa 5 >

1 Ku alla kii rumaysta inuu Ciise yahay Masiixa, Ilaah buu ka dhashay; oo ku alla kii jecel kan dhalay, kan isaga ka dhashayna wuu jecel yahay.
凡信耶穌為默西亞的,是由天主所生的;凡愛生他之父的,也必愛那由他所生的。
2 Taasaynu ku garanaynaa inaynu carruurta Ilaah jecel nahay, goortaynu Ilaah jeclaanno oo qaynuunnadiisa xajinno.
幾時我們愛天主,又遵行他的誡命,由此知道我們真愛天主的子女。
3 Waa kan jacaylka Ilaah, kaasoo ah inaynu qaynuunnadiisa xajinno; oo qaynuunnadiisuna ma cusla.
原來愛天主,就是遵行他的誡命,而他的誡命並不沉重,
4 Ku alla kii ka dhashay Ilaah, wuxuu ka adkaadaa dunida, oo waxaa libta ka adkaata dunida ah rumaysadkeenna.
因為凡是由天主所生的,必得勝世界;得勝世界的勝利武器,就是我們的信德。
5 Waa ayo kan dunida ka adkaadaa, kan rumaystaa inuu Ciise yahay Wiilka Ilaah mooyaane?
誰是得勝世界的呢?不是那信耶穌為天主子的人嗎?
6 Kanu waa kii biyo iyo dhiig ku yimid, oo ah Ciise Masiix; biyo keliya kuma iman, laakiin wuxuu ku yimid biyo iyo dhiig.
這位就是經過水及血而來的耶穌基督,他不但以水,而且也是以水及血而來的;並且有聖神作證,因為聖神是真理。
7 Oo waa Ruuxa kan maragga furaa, waayo, Ruuxa waa runta.
原來作證的有三個:
8 Waxaa jira saddex marag fura; waana Ruuxa iyo biyaha iyo dhiigga, oo saddexdaasuna waa isku mid.
就是聖神,水及血,而這三個是一致的。
9 Haddii aynu maragfurka dadka aqbali lahayn, maragfurka Ilaah baa ka weyn, waayo, maragfurka Ilaah waa kan oo ah inuu Wiilkiisa ka marag furay.
人的證據,我們既然接受,但天主的證據更大,因為天主的證據就是他為自己的子作證。
10 Ka Wiilka Ilaah rumaystaa maragguu ku haystaa nafsaddiisa, kii aan Ilaah rumaysanna, wuxuu isaga ka dhigay beenaaleh; maxaa yeelay, wuxuusan rumaysan maraggii uu Ilaah ka marag furay Wiilkiisa.
那信天主子的,在自己內就懷有這證據;那不信天主的,就是以天主為撒謊者,因為他不信天主為自己的子所作的證。
11 Maragguna waa kan, kaas oo ah in Ilaah ina siiyey nolosha weligeed ah, oo ay noloshanu Wiilkiisa ku jirto. (aiōnios g166)
這證據就是天主將永遠的生命賜給了我們,而這生命是在自己的子內。 (aiōnios g166)
12 Kan Wiilka haystaa, noloshuu leeyahay. Kii aan Wiilka Ilaah haysanna nolosha ma leh.
那有子的,就有生命;那沒有天主子的,就沒有生命。
13 Waxyaalahan waxaan idiinku soo qoray, idinka oo rumaystay magaca Wiilka Ilaah, si aad u ogaataan inaad nolosha weligeed ah leedihiin. (aiōnios g166)
我給你們這些信天主子名字的人,寫了這些事,是為叫你們知道:你們已獲有永遠的生命。 (aiōnios g166)
14 Oo tanu waa kalsoonaanta aynu isaga u qabno, taasoo ah haddaynu wax uun doonistiisa ku barinno, isagu wuu ina maqlaa,
我們對天主所懷的依恃之心就是:如果我們按他的旨意求什麼,他必俯聽我們。
15 oo haddaynu og nahay inuu inaga maqlo wax alla wixii aynu ka barinno, waxaynu og nahay inaynu leennahay waxyaalihii aynu isaga ka barinnay.
我們既然知道:我們不拘向他祈求什麼,他會俯聽我們,我們也知道向他所祈求的,必要得到。
16 Haddii qof uun arko walaalkii oo samaynaya dembi aan xagga dhimashada ahayn, waa inuu Ilaah baryo; isaguna noloshuu siin doonaa kuwa samaynaya dembi aan xagga dhimashada ahayn. Waxaa jira dembi xagga dhimashada ah. Oo anigu odhan maayo, Kaas ha ka tukado.
誰若看見自己的弟兄犯了不至於死的罪,就應當祈求,天主必賞賜他生命:這是為那些犯不至於死的罪人而說的;然而有的罪卻是至於死的罪,為這樣的罪,我不說要人祈求。
17 Xaqdarrada oo dhammu waa dembi; oo waxaa jira dembi aan xagga dhimashada ahayn.
任何的不義都是罪過,但也有不至於死的罪過。
18 Waan og nahay in ku alla kii Ilaah ka dhashay aanu dembaabin. Maxaa yeelay, kii ka dhashay Ilaah naftiisuu ilaaliyaa, oo ka sharka lihina ma taabto.
我們知道:凡由天主生的,就不犯罪過;而且由天主生的那一位必保全他,那惡者不能侵犯他。
19 Waxaynu og nahay inaynu kuwa Ilaah nahay, oo ay dunida oo dhammuna ku jirto gacanta ka sharka leh.
我們知道我們屬於天主,而全世界卻屈服於惡者。
20 Waxaynu og nahay in Wiilka Ilaah yimid, oo wuxuu ina siiyey garasho si aynu ugu garanno kan runta ah; innaguna waa ku jirnaa kan runta ah, oo ah Wiilkiisa ee Ciise Masiix ah. Kanu waa Ilaaha runta ah iyo nolosha weligeed ah. (aiōnios g166)
我們也知道天主子來了,賜給了我們理智,叫我們認識那真實者;我們確實是在那真實者內,即在他的子耶穌基督內,他即是真實的天主和永遠的生命。 (aiōnios g166)
21 Carruurtiiyey, sanamyada iska ilaaliya.
孩子們,你們要謹慎,遠避偶像!

< 1 Yooxanaa 5 >