< 1 Yooxanaa 4 >
1 Gacaliyayaalow, ha rumaysanina ruux walba, laakiin ruuxyada tijaabiya si aad u hubsataan inay kuwa Ilaah yihiin; waayo, nebiyo badan oo been ah ayaa u soo baxay dunida.
Beloved, believe not every spirit; but prove the spirits, whether they are from God: for many false prophets have gone out into the world.
2 Taasaad ku garanaysaan Ruuxa Ilaah; ruux walba oo qirta in Ciise Masiix jidh ku yimid, waa ku Ilaah.
By this you know the Spirit of God: every spirit that confesses that Jesus Christ came in the flesh, is from God:
3 Oo ruux walba oo aan qiran Ciise Masiix ku Ilaah ma aha; oo kanuna waa ruuxa kan Masiixa ka geesta ah oo aad maqasheen inuu imanayo, imminkana duniduu ku jiraa.
and whatever spirit confesses not that Jesus Christ came in the flesh, is not from God: and this is the spirit of antichrist, of which you have heard that it comes, and is now already in the world.
4 Carruurtiiyey, kuwa Ilaah baad tihiin, oo iyagaad ka adkaateen; maxaa yeelay, Ka idinku jira ayaa ka weyn ka dunida ku jira.
You are of God, little children, and have overcome them; because he that is in you, is greater than he that is in the world.
5 Iyagu waa kuwa dunida; oo taas aawadeed waxay ka hadlaan waxa dunida, oo duniduna way maqashaa.
They are of the world: therefore, they speak of the world, and the world hears them.
6 Innaguna kuwa Ilaah baynu nahay; ka Ilaah yaqaan waa ina maqlaa; oo ka aan kan Ilaah ahaynna inama maqlo. Taasaynu ku garanaynaa ruuxa runta ah iyo ruuxa qaladka ah.
We are of God: he that knows God, hears us: he that is not of God, does not hear us: by this we know the spirit of truth, and the spirit of error.
7 Gacaliyayaalow, aynu isjeclaanno; waayo, Ilaah baa leh jacaylka; oo mid walba oo jecel, wuxuu ka dhashay Ilaah, Ilaah buuna yaqaan.
Beloved, let us love one another; for love is of God: and every one that loves, has been begotten of God, and knows God.
8 Oo ka aan jeclaynina Ilaah ma yaqaan; waayo, Ilaah waa jacayl.
He that loves not, does not know God; for God is love.
9 Ilaah baa Wiilkiisa keliya oo dhashay dunida u soo diray si aynu ugu noolaanno isaga, oo taasaa jacaylka Ilaah laynoogu muujiyey.
In this the love of God was manifested toward us, that God sent his only-begotten Son into the world, that we might live through him.
10 Oo taas jacayl baa ku jira, mana aha inaynu Ilaah jeclayn, laakiinse isagaa ina jeclaaday, oo wuxuu Wiilkiisa u soo diray si uu kafaaraggudka dembiyadeenna u noqdo.
In this is love; not that we loved God, but that he loved us, and sent his Son to be the expiation for our sins.
11 Gacaliyayaalow, haddii Ilaah sidaa inoo jeclaaday, waa inaynu isjeclaanno.
Beloved, if God so loved us, we also ought to love one another.
12 Cidina Ilaah ma arkin marnaba. Haddii aynu isjeclaanno, Ilaah wuu inagu jiraa, oo jacaylkiisu wuu inagu dhan yahay.
No one has seen God at any time. If we love one another, God dwells in us, and his love is perfected in us.
13 Ruuxiisuu ina siiyey oo taasaynu ku garanaynaa inaynu ku sii jirno isaga, isaguna inagu sii jiro.
By this we know that we dwell in him, and he in us, because he has given us of his Spirit.
14 Innagu waynu aragnay oo waxaynu markhaati u furaynaa in Aabbuhu Wiilka soo diray si uu Badbaadiyaha dunida u noqdo.
And we have seen, and we do testify, that the Father sent the Son to be the Savior of the world.
15 Ku alla kii qirta inuu Ciise yahay Wiilka Ilaah, Ilaah baa ku sii jira isaga, isaguna wuu ku sii jiraa Ilaah.
Whoever confesses that Jesus is the Son of God, God dwells in him, and he in God.
16 Oo innaguna waan garanaynaa oo waan rumaysan nahay jacaylka Ilaah inoo qabo. Ilaah waa jacayl; oo kii ku sii jiraa jacaylka, Ilaah buu ku sii jiraa, Ilaahna isaguu ku sii jiraa.
And we have known and believed the love which God has for us. God is love; and he that dwells in love, dwells in God, and God in him.
17 Taasaa jacaylku kaamil inoogu noqday si aynu kalsoonaan u lahaanno maalinta xisaabta; maxaa yeelay, siduu isagu yahay ayaynu innaguna dunidan ku nahay.
By this is our love made perfect, that we may have boldness in the day of judgment; because, as he is, so are we in this world.
18 Jacaylku baqdin ma leh, laakiin jacaylka kaamilka ahi baqdinta dibadduu u saaraa, waayo, baqdintu ciqaab bay leedahay. Oo kii baqaana kaamil kuma noqdo jacaylka.
There is no fear in love; but perfect love casts out fear, because fear has torment: he that fears is not made perfect in love.
19 Waynu jecel nahay isaga, waayo, isagaa hore inoo jeclaaday.
We love him, because he first loved us.
20 Haddii qof yidhaahdo, Ilaah waan jeclahay, oo uu walaalkiis neceb yahay, waa beenaaleh, maxaa yeelay, kan aan jeclayn walaalkii uu arko sidee buu u jeclaan karaa Ilaaha uusan arag?
If any man say, I love God, and yet hate his brother, he is a liar: for he that loves not his brother, whom he has seen, how can he love God whom he has not seen?
21 Oo waxaynu isaga ka haysannaa qaynuunkan, kaas oo ah, Kii Ilaah jecel, walaalkiina ha jeclaado.
And this commandment we have from him: That he that loves God, must love his brother also.