< 1 Yooxanaa 3 >

1 Bal ogaada siduu yahay jacaylka Aabbuhu ina siiyey, taasoo ah in laynoogu yeedho carruurta Ilaah, oo saasaynu nahay. Sidaa aawadeed dunidu ina garan mayso, maxaa yeelay, isagaba ma ay garanaynin.
Behold, how great love the Father has bestowed on us, that we should be called the children of God! For this reason, the world knows us not, because it knew him not.
2 Gacaliyayaalow, imminka waxaynu nahay carruurta Ilaah; oo weli waxaynu noqon doonno lama muujin, laakiin waxaynu og nahay in goortuu muuqdo aynu noqon doonno sidiisa oo kale, waayo, waynu arki doonnaa isaga siduu yahay.
Beloved, now are we the children of God, and it does not yet appear what we shall be: but we know that, when he shall appear, we shall be like him; for we shall see him as he is.
3 Oo mid kasta oo waxyaalahaas ka rajeeyaa isaga, naftiisuu daahiriyaa siduu isaguba daahir u yahay.
And every one that has this hope in Him purifies himself, even as He is pure.
4 Kii kasta oo dembi falaa wuxuu falaa caasinimo; oo dembigu wuxuu yahay caasinimo.
Every one that works sin, works also transgression of law: and sin is transgression of law.
5 Oo idinku waad og tihiin in isagu u muuqday inuu dembiyadeenna inaga qaado, oo isagu dembi ma leh.
And you know that he was manifested, that he might take away our sins; and in him there is no sin.
6 Ku alla kii isaga ku sii jiraa, ma dembaabo; ku alla kii dembaabaa ma uu arkin isaga, oo weliba ma yaqaan isaga.
Whoever abides in him, sins not. Whoever sins, has neither seen him nor known him.
7 Carruurtiiyey, yaan cidi idin khiyaanayn; kii xaqnimo falaa waa xaq siduu isaguba xaq u yahay.
Little children, let no one deceive you: he that works righteousness is righteous, even as he is righteous.
8 Kii dembi falaa wuxuu yahay kan Ibliiska; oo Ibliisku tan iyo bilowgii ayuu dembaabayay. Taas aawadeed ayuu Wiilka Ilaah u muuqday inuu baabbi'iyo shuqullada Ibliiska.
He that works sin is of the devil, for the devil sins from the beginning: for this purpose was the son of God manifested, that he might destroy the works of the devil.
9 Ku alla kii Ilaah ka dhashay dembi ma falo; maxaa yeelay, Ilaah dabiicaddiisu way ku sii jirtaa isaga; oo ma dembaabi karo, waayo, wuxuu ka dhashay Ilaah.
Whoever has been begotten of God does not work sin; because his seed remains in him: and he can not sin, because he has been begotten of God.
10 Tan ayay carruurta Ilaah iyo carruurta Ibliisku ku kala muuqdaan; ku alla kii aan xaqnimo falin ma aha kan Ilaah, oo waxaa la mid ah kan aan walaalkii jeclayn.
By this the children of God are manifest, and the children of the devil. Whoever does not work righteousness is not of God; neither is he that loves not his brother.
11 Oo kanu waa warkii aad tan iyo bilowgii maqlayseen, kaasoo ah inaynu isjeclaanno,
For this is the message that you have heard from the beginning, that we should love one another.
12 oo aynaan ahaanin sida Qaabiil oo ahaa kan sharka leh oo walaalkii dilay. Oo muxuu u dilay? Waayo, shuqulladiisu waxay ahaayeen shar, oo kuwii walaalkiisna xaq bay ahaayeen.
Not as Cain, who was of the wicked one, and slew his brother: and for what reason did he slay him? because his own works were evil, and his brother’s, righteous.
13 Walaalayaalow, ha la yaabina haddii ay dunidu idin neceb tahay.
Wonder not, my brethren, if the world hates you.
14 Waxaynu og nahay inaynu dhimashada ka soo gudubnay oo aynu u soo gudubnay nolosha, maxaa yeelay, walaalaha ayaynu jecel nahay. Oo ka aan walaalkii jeclayn, dhimashaduu ku sii hadhaa.
We know that we have passed from death to life, because we love the brethren: he that loves not his brother, abides in death.
15 Ku alla kii walaalkii neceb waa dhiigqabe, oo idinkuna waad og tihiin inaanu dhiigqabena lahayn nolosha weligeed ah oo ku sii jiraysa. (aiōnios g166)
Whoever hates his brother, is a murderer: and you know that no murderer has eternal life abiding in him. (aiōnios g166)
16 Taasaynu jacaylka ku garanaynaa, waayo, isagu naftiisuu u bixiyey aawadeen; oo innaguna waa inaynu nafteenna u bixinno walaalaheen.
By this we know the love of Christ, because he laid down his life for us: and we ought to lay down our lives for the brethren.
17 Laakiin kan leh xoolaha dunidan, oo arka walaalkiis oo baahan, oo qalbigiisa ka xidha, sidee baa jacaylka Ilaah ugu jiraa isaga?
Whoever has this world’s goods, and sees his brother have need, and shuts his heart against him, how dwells the love of God in him?
18 Carruurtaydiiyey, yeynan ku jeclaanin hadalka iyo afka toona, laakiin camalka iyo runta aan ku jeclaanno.
My little children, let us not love in word, nor in tongue, but in deed, and in truth.
19 Oo taasaynu ku garan doonnaa inaynu kuwa runta nahay, oo aynu isaga hortiisa qalbigeenna kaga dhiiro gelin doonnaa
And by this we know that we are of the truth; and we shall have our hearts at rest before him:
20 xagga wax alla wixii qalbigeennu inagu eedeeyo, maxaa yeelay, Ilaah waa ka weyn yahay qalbigeenna, oo wax walbaba wuu og yahay.
for if our heart condemn us, we know that God is greater than our heart, and knows all things.
21 Gacaliyayaalow, haddii aan qalbigeennu ina eedayn, kalsoonaan ayaynu ku leennahay xagga Ilaah.
Beloved, if our heart condemn us not, we have confidence toward God,
22 Oo wax kastoo aynu ka barinno waynu ka helnaa, maxaa yeelay, qaynuunnadiisa ayaynu xajinnaa, oo waxaynu falnaa waxa isaga ka farxiya.
and whatever we ask, we receive from him, because we keep his commandments, and do the things that are pleasing in his sight.
23 Oo kanu waa qaynuunkiisa, kaasoo ah inaynu rumaysanno magaca Wiilkiisa Ciise Masiix ah, oo aynu isjeclaanno, siduu qaynuunka inoo siiyey.
And this is his commandment: That we should believe on the name of his Son Jesus Christ, and love one another, as he gave us commandment.
24 Oo kii xajiya qaynuunnadiisa, wuu ku sii jiraa isaga, isaguna wuu ku sii jiraa. Oo saasaynu ku garanaynaa inuu isagu inagu sii jiro xagga Ruuxa uu ina siiyey.
And he that keeps his commandments abides in him, and he in him. And by this we know that he abides in us, by the Spirit which he has given us.

< 1 Yooxanaa 3 >