< 1 Yooxanaa 2 >

1 Carruurtaydiiyey, waxaan waxyaalahan idiinku soo qorayaa si aydnaan u dembaabin; oo qof uun hadduu dembaabo, waxaynu xagga Aabbaha ku leennahay Dhexdhexaadiye, waana Ciise Masiix kan xaqa ah.
Дїточки мої, се пишу вам, щоб не грішили; а коли хто згрішить, заступника маємо перед Отцем, Ісуса Христа праведника.
2 Oo isaguna wuxuu dembiyadeenna u yahay kafaaraggudka; oo kuweenna oo keliya uma aha ee weliba wuxuu u yahay dembiyada dunida oo dhan.
А Він вблаганнє за гріхи наші; не за наші ж тільки, а також цілого сьвіта.
3 Oo taas ayaynu ku garanaynaa inaynu naqaan isaga, haddaynu qaynuunnadiisa adkayno.
А по тому знаємо, що ми пізнали Його, коли заповідї Його хоронимо.
4 Kan yidhaahda, Waan aqaan isaga, oo aan qaynuunnadiisa adkayn, waa beenaaleh, oo runtu kuma jirto isaga.
Хто говорить: Я пізнав Його, а заповідей Його не хоронить, той ложник, і в тому нема правди,
5 Laakiin kan ereygiisa adkeeya, runtii, Ilaah jacaylkiisu wuu ku dhan yahay isaga. Taas aynu ku garanaynaa inaynu isaga ku jirno.
хто ж хоронить слово Його, істино у тому любов Божа звершена. По тому знаємо, що ми в Ньому.
6 Kan yidhaahda, Isagaan ku jiraa, waa inuu u socdaa siduu isagu u socday.
Хто говорить, що в Ньому пробував, повинен, яко ж Той ходив, і він так ходити.
7 Gacaliyayaalow, qaynuun cusub idiin soo qori maayo, laakiin waxaan idiin soo qorayaa qaynuun hore oo aad tan iyo bilowgii haysateen. Qaynuunkii hore waa hadalkii aad bilowgii maqasheen.
Брати, не заповідь нову пишу вам, а заповідь стару, котру маєте з почину; заповідь стара, се слово, котре ви чули з почину.
8 Oo weliba qaynuun cusub ayaan idiin soo qorayaa, kaas oo isaga iyo idinkaba run idinku dhex ah, maxaa yeelay, gudcurku waa dhammaanayaa, oo nuurka runta ahuna imminkuu iftiimayaa.
Знов заповідь нову пишу вам, що єсть правдиве і в Ньому і в вас: що темрява переходить, а сьвітло правдиве вже сьвітить.
9 Kan yidhaahda, Nuurkaan ku jiraa, oo walaalkiis neceb, wuxuu ku jiraa gudcurka ilaa imminkada.
Хто говорить, що він в сьвітлї, а ненавидить брата свого, той в темряві аж досі.
10 Kan walaalkii jecel, nuurkuu ku jiraa, oo wax lagu xumaado kuma jiro isaga.
Хто любить брата свого, в сьвітлї пробуває, і поблазнї у ньому нема;
11 Laakiin kan walaalkii neceb, gudcurkuu ku jiraa, oo gudcurkuu ku socdaa, oo garan maayo meeshuu marayo, waayo, gudcurkaa indhihiisa tiray.
хто ж ненавидить брата свого, той в темряві, і в темряві ходить, і не знає де йде, бо темрява осліпила очі його.
12 Wax baan idiin soo qorayaa, carruurtiiyey, maxaa yeelay, dembiyadiinnii waa laydinka cafiyey magiciisa aawadiis.
Пишу вам, дїточки, що оставляють ся вам гріхи задля імени Його.
13 Aabbayaashow, wax baan idiin soo qorayaa, maxaa yeelay, waad garanaysaan kan tan iyo bilowgii jira. Ragga dhallinyarada ahow, wax baan idiin soo qorayaa, maxaa yeelay, idinku kan sharka ah ayaad ka adkaateen. Carruurtaydiiyey, wax baan idiin soo qoray, maxaa yeelay, Aabbaha waad garanaysaan.
Пишу вам, батьки, що ви пізнали Того, котрий (єсть) від почину. Пишу вам, молодята, що ви подужали лукавого. Пишу вам, дїти, що ви пізнали Отця.
14 Aabbayaashow, wax baan idiin soo qoray, maxaa yeelay, waad garanaysaan kan tan iyo bilowgii jira. Ragga dhallinyarada ahow, wax baan idiin soo qoray, maxaa yeelay, waad xoog weyn tihiin, oo ereyga Ilaah baa idinku jira, oo kan sharka ah ayaad ka adkaateen.
Писав я вам, батьки, що ви пізнали Того, що від почину. Писав я вам, молодята, що ви сильні, і слово Боже у вас пробував, і що подужали лукавого.
15 Dunida iyo waxyaalaha dunida ku jira toona ha jeclaanina. Qof uun hadduu dunida jeclaado, jacaylka Aabbuhu kuma jiro isaga.
Не любіте ж сьвіта, анї того, що в сьвітї. Коли хто любить сьвіт, нема любови Отцївської у ньому;
16 Maxaa yeelay, waxaa dunida ku jira oo dhan oo ah damaca jidhka, iyo damaca indhaha, iyo faanka nolosha, xagga Aabbaha kama yimaadaan ee waxay ka yimaadaan xagga dunida.
все бо, що в сьвітї, - хотїннє тїла і хотїннє очей, і гордощі сьвітові, - не з Отця а зо сьвіта.
17 Oo duniduna way idlaanaysaa, iyo damaceeduba; laakiin kan doonista Ilaah yeelaa wuu jirayaa weligiis. (aiōn g165)
І сьвіт перейде, і хотїннє його; хто ж чинить волю Божу, пробуває по вік. (aiōn g165)
18 Carruurtiiyey, waa saacaddii u dambaysay, oo sidaad maqasheen inuu kan Masiixa ka geesta ahi imanayo, weliba imminka kuwa badan oo Masiixa ka gees ah ayaa kacay, taa aawadeed ayaynu ku garanaynaa inay saacaddii u dambaysay tahay.
Дїти, остання година настала; і яко ж чули ви, що антихрист прийде, а тепер многі антихристи постали, то й звідтіля знаємо, що остання година.
19 Way inaga baxeen, laakiin kuweennii ma ay ahayn; hadday kuweennii ahaayeen, way inala joogi lahaayeen; laakiin way inaga baxeen oo taasaa caddaynaysa inaanay kulligood inaga mid ahayn.
Зміж нас вийшли, тільки не були зміж нас; бо коли б були зміж нас, то остали б з нами; тільки ж відступили вони, щоб явилось, що не всі наші.
20 Laakiin idinku waxaad leedihiin subkid ka timid Kan Quduuska ah, oo wax walba waad taqaaniin.
І ви помазаннє маєте від Сьвятого, і знаєте все.
21 Wixii aan idiin soo qoray uma aan soo qorin aqoonla'aantiinna xagga runta aawadeed, laakiin waxaan u soo qoray aqoonta aad runta taqaaniin iyo inaanay beenina runta ka iman aawadood.
Не писав я вам, наче б ви не знали правди, а що знаєте її, і що всяка брехня не від правди.
22 Waa kuma beenaaluhu, kan dafira inuu Ciise yahay Masiixa mooyaane? Isagu waa kan Masiixa ka geesta ah, waana kan dafira Aabbaha iyo Wiilkaba.
Хто ложник, як не той, хто відрікаєть ся, що Ісус не Христос? Сей антихрист, хто відрікаєть ся Отця і Сина.
23 Ku alla kii Wiilka inkiraa, ma leh Aabbaha; laakiin kan Wiilka qirtaa Aabbuhuu leeyahay.
Всякий, хто відрікаєть ся Сина, той і Отця не має.
24 Haddaba idinku waxaad tan iyo bilowgii maqlayseen ha idinku sii jiro. Haddii wixii aad tan iyo bilowgii maqlayseen idinku sii jiro, idinkuna waxaad ku sii jiri doontaan Wiilka iyo Aabbaha.
Ви ж, що чули від почину, те нехай в вас пробував; коли в вас пробувати ме, що ви від почину чули, то й ви будете пробувати у Синї і в Отці.
25 Oo kanu waa ballankii uu inoogu ballanqaaday oo ah nolosha weligeed ah. (aiōnios g166)
А се обітниця, котру обіцяв нам, - життє вічне. (aiōnios g166)
26 Waxaan idiin soo qoray waxyaalahan ku saabsan kuwa idin khiyaanaynaya.
Се писав я вам про тих, що підманюють вас.
27 Subkidda aad ka hesheen isaga way idinku sii jirtaa; oo uma baahnidin in cidina wax idin barto; laakiin sida subkiddiisu wax walba idiin barto, oo ay run u tahay, beenna aanay u ahayn, waa inaad siday wax idiin bartay ugu sii jirtaan.
Та помазаннє, котре ви прйняли від Нього, в вас пробував, і не потрібуєте, щоб хто учив вас; а як те саме помазавше навчає вас про все, і воно правдиве й не брехня, то яко ж воно навчало вас, пробувайте в тому.
28 Oo imminka, carruurtiiyey, ku sii jira isaga; in kolkuu muuqdo aynu kalsoonaan doonno oo aynaan wakhtiga imaatinkiisa ka xishoonin inaynu hor tagno.
Так, дїточки, пробувайте в Ньому, щоб, коли явить ся, була у нас одвага, і не осоромились перед Ним при Його приході.
29 Haddaad og tihiin inuu xaq yahay, waxaad weliba ogaataan in mid walba oo xaqnimo falaa uu isaga ka dhashay.
Коли знаєте, що Він праведний, то знайте, що всякий, хто робить правду, від Нього родив ся.

< 1 Yooxanaa 2 >