< 1 Korintos 1 >

1 Bawlos oo loogu yeedhay inuu doonistii Ilaah ku ahaado rasuulkii Ciise Masiix, iyo walaalkeen Soostenees,
ܦܘܠܘܤ ܩܪܝܐ ܘܫܠܝܚܐ ܕܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܒܨܒܝܢܗ ܕܐܠܗܐ ܘܤܘܤܬܢܤ ܐܚܐ
2 waxaannu warqaddan u qoraynaa kiniisadda Ilaah ee Korintos ku taal, kuwa quduus lagaga dhigay Ciise Masiix ee loogu yeedhay quduusiin, iyo kuwa meel kasta jooga oo ku barya magaca Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Rabbigooda iyo keennaba.
ܠܥܕܬܐ ܕܐܠܗܐ ܕܒܩܘܪܢܬܘܤ ܩܪܝܐ ܘܩܕܝܫܐ ܕܒܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܡܩܕܫܝܢ ܘܠܟܠܗܘܢ ܐܝܠܝܢ ܕܩܪܝܢ ܫܡܗ ܕܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܒܟܠ ܐܬܪ ܕܝܠܗܘܢ ܘܕܝܠܢ
3 Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheen ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
ܛܝܒܘܬܐ ܥܡܟܘܢ ܘܫܠܡܐ ܡܢ ܐܠܗܐ ܐܒܘܢ ܘܡܢ ܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ
4 Mar kasta Ilaahay ayaan idiinku mahadnaqaa, nimcadii Ilaah ee Ciise Masiix laydinku siiyey aawadeed.
ܡܘܕܐ ܐܢܐ ܠܐܠܗܝ ܒܟܠܙܒܢ ܚܠܦܝܟܘܢ ܥܠ ܛܝܒܘܬܐ ܕܐܠܗܐ ܕܐܬܝܗܒܬ ܠܟܘܢ ܒܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ
5 Maxaa yeelay, wax walba hodan buu idinkaga dhigay, ha ahaato hadal walba iyo aqoon walbaba,
ܕܒܟܠ ܡܕܡ ܥܬܪܬܘܢ ܒܗ ܒܟܠ ܡܠܐ ܘܒܟܠ ܝܕܥܬܐ
6 sida laydiinku adkeeyey maraggii Masiixa loo furay;
ܐܝܟ ܕܤܗܕܘܬܗ ܕܡܫܝܚܐ ܐܫܬܪܪܬ ܒܟܘܢ
7 si aan hadiyadiinna idiinka dhinmin intaad sugaysaan muujinta Rabbigeenna Ciise Masiix;
ܕܠܐ ܐܬܒܨܪܬܘܢ ܒܚܕܐ ܡܢ ܡܘܗܒܬܗ ܐܠܐ ܡܤܟܝܢ ܐܢܬܘܢ ܠܓܠܝܢܗ ܕܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ
8 kan haddana idinku adkayn doona ilaa dhammaadka, inaad eedla'aataan maalinta Rabbigeenna Ciise Masiix.
ܕܗܘ ܢܫܪܪܟܘܢ ܥܕܡܐ ܠܐܚܪܝܬܐ ܕܕܠܐ ܪܫܝܢ ܬܗܘܘܢ ܒܝܘܡܗ ܕܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ
9 Ilaah waa aamin, kan xaggiisa laydiinku yeedhay xidhiidhka Wiilkiisa Ciise Masiix ee Rabbigeenna ah.
ܡܗܝܡܢ ܗܘ ܐܠܗܐ ܕܒܐܝܕܗ ܐܬܩܪܝܬܘܢ ܠܫܘܬܦܘܬܐ ܕܒܪܗ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܡܪܢ
10 Walaalayaalow, waxaan magaca Rabbigeenna Ciise Masiix idinkaga baryayaa inaad dhammaantiin isku wax ku wada hadashaan, iyo inaydnaan kala qaybsamin, laakiin inaad ku dhammaataan isku maan iyo isku talo.
ܒܥܐ ܐܢܐ ܕܝܢ ܡܢܟܘܢ ܐܚܝ ܒܫܡܗ ܕܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܕܬܗܘܐ ܚܕܐ ܡܠܬܐ ܠܟܠܟܘܢ ܘܠܐ ܢܗܘܝܢ ܒܟܘܢ ܦܠܓܘܬܐ ܐܠܐ ܬܗܘܘܢ ܓܡܝܪܝܢ ܒܚܕܐ ܬܪܥܝܬܐ ܘܒܚܕ ܪܥܝܢܐ
11 Walaalahayow, dadkii Khalo'ee ayaa iiga kiin warramay in ilaaqi idin dhex taal.
ܫܠܚܘ ܠܝ ܓܝܪ ܥܠܝܟܘܢ ܐܚܝ ܡܢ ܒܝܬ ܟܠܐܐ ܕܚܪܝܢܐ ܐܝܬ ܒܝܢܬܟܘܢ
12 Tan waxaan ula jeedaa midkiin inuu leeyahay, Waxaan ka mid ahay kuwa Bawlos; mid kalena, Kuwa Abolloos; mid kalena, Kuwa Keeyfas; mid kalena, Kuwa Masiix.
ܗܕܐ ܕܝܢ ܐܡܪ ܐܢܐ ܕܐܝܬ ܡܢܟܘܢ ܕܐܡܪ ܐܢܐ ܕܦܘܠܘܤ ܐܢܐ ܘܐܝܬ ܕܐܡܪ ܐܢܐ ܕܐܦܠܘ ܐܢܐ ܘܐܝܬ ܕܐܡܪ ܐܢܐ ܕܟܐܦܐ ܐܢܐ ܘܐܝܬ ܕܐܡܪ ܐܢܐ ܕܡܫܝܚܐ ܐܢܐ
13 Masiixu miyuu qaybsamaa? Bawlos miyaa iskutallaabta laydiinku qodbay? Ama ma waxaa laydinku baabtiisay magaca Bawlos?
ܕܠܡܐ ܐܬܦܠܓ ܠܗ ܡܫܝܚܐ ܐܘ ܠܡܐ ܦܘܠܘܤ ܐܙܕܩܦ ܥܠ ܐܦܝܟܘܢ ܐܘ ܒܫܡܗ ܕܦܘܠܘܤ ܥܡܕܬܘܢ
14 Waxaan Ilaah ugu mahadnaqayaa inaanan midkiinna baabtiisin, Kirisbos iyo Gayus maahee
ܡܘܕܐ ܐܢܐ ܠܐܠܗܝ ܕܠܐܢܫ ܡܢܟܘܢ ܠܐ ܐܥܡܕܬ ܐܠܐ ܠܟܪܝܤܦܘܤ ܘܠܓܐܝܘܤ
15 inaanu ninna odhan, Waxaa laydinku baabtiisay Bawlos magiciisa.
ܕܠܐ ܐܢܫ ܢܐܡܪ ܕܒܫܡܝ ܐܥܡܕܬ
16 Waxaan kaloo baabtiisay kuwii guriga Istefanas joogay. Weliba garan maayo inaan qaar kale baabtiisay iyo in kale.
ܐܥܡܕܬ ܕܝܢ ܐܦ ܠܒܝܬܗ ܕܐܤܛܦܢܐ ܬܘܒ ܕܝܢ ܠܐ ܝܕܥ ܐܢܐ ܐܢ ܠܐܢܫ ܐܚܪܝܢ ܐܥܡܕܬ
17 Waayo, Masiixu iima uu soo dirin inaan dad baabtiiso, laakiin wuxuu ii soo diray inaan dadka injiilka ku wacdiyo, ee ma aha inaan ku hadlo xigmadda hadalka, waaba intaasoo iskutallaabta Masiixa la caaqibo tiraaye.
ܠܐ ܓܝܪ ܫܕܪܢܝ ܡܫܝܚܐ ܠܡܥܡܕܘ ܐܠܐ ܠܡܤܒܪܘ ܠܐ ܒܚܟܡܬ ܡܠܐ ܕܠܐ ܢܤܬܪܩ ܙܩܝܦܗ ܕܡܫܝܚܐ
18 Waayo, hadalka ku saabsan iskutallaabtu waa u nacasnimo kuwa lumaya, laakiin waa u xoogga Ilaah kuweenna badbaadaya.
ܡܠܬܐ ܓܝܪ ܕܙܩܝܦܐ ܠܐܒܝܕܐ ܫܛܝܘܬܐ ܗܝ ܠܢ ܕܝܢ ܠܐܝܠܝܢ ܕܚܝܝܢܢ ܚܝܠܐ ܗܝ ܕܐܠܗܐ
19 Maxaa yeelay, waxaa qoran, Xigmadda kuwa xigmadda leh waan baabbi'in doonaa, Oo garashada kuwa garashada leh ayaan diidi doonaa.
ܟܬܝܒ ܓܝܪ ܕܐܘܒܕ ܚܟܡܬܐ ܕܚܟܝܡܐ ܘܐܓܠܘܙ ܬܪܥܝܬܐ ܕܤܟܘܠܬܢܐ
20 Meeh kan xigmadda lihi? Meeh kan culimmada ka mid ahi? Meeh kan wakhtigan muranka badani? Ilaah miyaanu nacasnimo ka dhigin xigmadda dunida? (aiōn g165)
ܐܝܟܐ ܗܘ ܚܟܝܡܐ ܐܘ ܐܝܟܐ ܗܘ ܤܦܪܐ ܐܘ ܐܝܟܐ ܗܘ ܕܪܘܫܐ ܕܥܠܡܐ ܗܢܐ ܠܐ ܗܐ ܐܫܛܝܗ ܐܠܗܐ ܚܟܡܬܗ ܕܥܠܡܐ ܗܢܐ (aiōn g165)
21 Dunidu Ilaah kuma ay garanaynin xigmaddeeda, laakiin Ilaah xigmaddiisa aawadeed ayuu ku farxay inuu kuwa rumaysta ku badbaadiyo nacasnimadii wacdiga.
ܡܛܠ ܓܝܪ ܕܒܚܟܡܬܗ ܕܐܠܗܐ ܠܐ ܝܕܥ ܥܠܡܐ ܒܚܟܡܬܐ ܠܐܠܗܐ ܨܒܐ ܐܠܗܐ ܕܒܫܛܝܘܬܐ ܕܟܪܘܙܘܬܐ ܢܚܐ ܠܐܝܠܝܢ ܕܡܗܝܡܢܝܢ
22 In kastoo ay Yuhuuddu calaamooyin doonaan oo Gariigtuna ay xigmad doonaan,
ܡܛܠ ܕܝܗܘܕܝܐ ܐܬܘܬܐ ܫܐܠܝܢ ܘܐܪܡܝܐ ܚܟܡܬܐ ܒܥܝܢ
23 annaguse waxaannu dadka ku wacdinnaa Masiix oo iskutallaabta lagu qodbay, oo u ah xagga Yuhuudda wax lagu turunturoodo, xagga Gariigtana u ah nacasnimo.
ܚܢܢ ܕܝܢ ܡܟܪܙܝܢܢ ܡܫܝܚܐ ܟܕ ܙܩܝܦ ܬܘܩܠܬܐ ܠܝܗܘܕܝܐ ܘܠܐܪܡܝܐ ܫܛܝܘܬܐ
24 Xagga kuwa loo yeedhayse, ha ahaadeen Yuhuudda ama Gariigta, Masiix baa u ah xoogga Ilaah iyo xigmadda Ilaah.
ܠܗܢܘܢ ܕܝܢ ܕܩܪܝܢ ܝܗܘܕܝܐ ܘܐܪܡܝܐ ܡܫܝܚܐ ܚܝܠܐ ܕܐܠܗܐ ܘܚܟܡܬܐ ܕܐܠܗܐ
25 Waayo, nacasnimada Ilaah waa ka xigmad badan tahay xigmadda dadka, oo itaaldarrada Ilaahna waa ka itaal badan tahay itaalka dadka.
ܡܛܠ ܕܫܛܝܘܬܗ ܕܐܠܗܐ ܚܟܝܡܐ ܗܝ ܡܢ ܒܢܝܢܫܐ ܘܟܪܝܗܘܬܗ ܕܐܠܗܐ ܚܝܠܬܢܝܐ ܗܝ ܡܢ ܒܢܝ ܐܢܫܐ
26 U fiirsada waxa laydiinku yeedhay, walaalayaalow, sidaan loogu yeedhin qaar badan oo xigmad leh xagga jidhka, ama qaar badan oo xoog leh, ama qaar badan oo gob ah,
ܚܙܘ ܓܝܪ ܐܦ ܩܪܝܬܟܘܢ ܐܚܝ ܕܠܐ ܤܓܝܐܝܢ ܒܟܘܢ ܚܟܝܡܐ ܒܒܤܪ ܘܠܐ ܤܓܝܐܝܢ ܒܟܘܢ ܚܝܠܬܢܐ ܘܠܐ ܤܓܝܐܝܢ ܒܟܘܢ ܒܢܝ ܛܘܗܡܐ ܪܒܐ
27 laakiinse Ilaah wuxuu doortay waxyaalaha nacasnimada ah ee dunida inuu ceebeeyo kuwa xigmadda leh, oo Ilaah baa doortay waxyaalaha itaalka daran inuu ceebeeyo waxyaalaha itaalka leh.
ܐܠܐ ܓܒܐ ܐܠܗܐ ܠܤܟܠܘܗܝ ܕܥܠܡܐ ܕܢܒܗܬ ܠܚܟܝܡܐ ܘܓܒܐ ܟܪܝܗܘܗܝ ܕܥܠܡܐ ܕܢܒܗܬ ܠܚܝܠܬܢܐ
28 Waxyaalaha hoose iyo waxyaalaha la fududaystana Ilaah baa doortay, xataa waxyaalaha aan jirin, inuu waxyaalaha jira wax aan wax tarin ka dhigo,
ܘܓܒܐ ܠܐܝܠܝܢ ܕܒܨܝܪ ܛܘܗܡܗܘܢ ܒܥܠܡܐ ܘܠܡܤܠܝܐ ܘܠܐܝܠܝܢ ܕܠܝܬ ܐܢܘܢ ܕܢܒܛܠ ܠܐܝܠܝܢ ܕܐܝܬܝܗܘܢ
29 si aan qofna ugu faanin Ilaah hortiisa.
ܕܠܐ ܢܫܬܒܗܪ ܟܠ ܒܤܪ ܩܕܡܘܗܝ
30 Laakiin xaggiisa waxaad ku jirtaan Ciise Masiix kan inoo noqday xigmadda xagga Ilaah, iyo xaqnimada, iyo quduusnaanta, iyo madaxfurashada,
ܐܦ ܐܢܬܘܢ ܕܝܢ ܡܢܗ ܐܢܬܘܢ ܒܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܗܘ ܕܗܘܐ ܠܢ ܚܟܡܬܐ ܡܢ ܐܠܗܐ ܘܙܕܝܩܘܬܐ ܘܩܕܝܫܘܬܐ ܘܦܘܪܩܢܐ
31 in sida qoran, Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano.
ܐܝܟ ܕܟܬܝܒ ܕܡܢ ܕܡܫܬܒܗܪ ܒܡܪܝܐ ܢܫܬܒܗܪ

< 1 Korintos 1 >