< 1 Korintos 7 >

1 Waxyaalahaad ii soo qorteen xaggooda, Waxaa nin u wanaagsan inuusan qof dumar ah taaban.
ⲁ̅ⲉⲧⲃⲉ ⲛⲉⲛⲧⲁⲧⲉⲧⲛⲥϩⲁⲓⲥⲟⲩ ⲇⲉ ⲛⲁⲓ ⲛⲁⲛⲟⲩⲥ ⲙⲡⲣⲱⲙⲉ ⲉⲧⲙϫⲱϩ ⲉⲥϩⲓⲙⲉ
2 Laakiin si aan loo sinaysan, nin kastaa afadiisa oo qudha ha haysto, naag kastaana ninkeeda oo qudha ha haysato.
ⲃ̅ⲉⲧⲃⲉ ⲙⲡⲟⲣⲛⲉⲓⲁ ⲇⲉ ⲙⲁⲣⲉ ⲡⲟⲩⲁ ⲡⲟⲩⲁ ϫⲓ ⲛⲁϥ ⲛⲧⲉϥⲥϩⲓⲙⲉ ⲁⲩⲱ ⲙⲁⲣⲉ ⲧⲟⲩⲉⲓ ⲧⲟⲩⲉⲓ ϫⲓ ⲛⲁⲥ ⲙⲡⲉⲥϩⲁⲓ
3 Ninku afada waxa ku qumman ha siiyo, sidaas oo kale afaduna ninka waxa ku qumman ha siiso.
ⲅ̅ⲡϩⲟⲟⲩⲧ ⲙⲁⲣⲉϥϯ ⲙⲡⲉⲧⲉⲣⲟϥ ⲛⲧⲉϥⲥϩⲓⲙⲉ ϩⲟⲙⲟⲓⲱⲥ ⲇⲉ ⲧⲕⲉⲥϩⲓⲙⲉ ⲙⲁⲣⲉⲥϯ ⲙⲡⲉⲧⲉⲣⲟⲥ ⲙⲡⲉⲥϩⲁⲓ
4 Afadu jidhkeeda uma taliso, laakiin ninkaa u taliya, sidaas oo kale ninku jidhkiisa uma taliyo, laakiin afadaa u talisa.
ⲇ̅ⲧⲉⲥϩⲓⲙⲉ ⲟⲙⲡϫⲟⲉⲓⲥ ⲁⲛ ⲙⲡⲉⲥⲥⲱⲙⲁ ⲁⲗⲗⲁ ⲡⲉⲥϩⲁⲓ ⲡⲉ ϩⲟⲙⲟⲓⲱⲥ ⲇⲉ ⲙⲡϩⲁⲓ ⲟⲙⲡϫⲟⲉⲓⲥ ⲁⲛ ⲙⲡⲉϥⲥⲱⲙⲁ ⲁⲗⲗⲁ ⲧⲉϥⲥϩⲓⲙⲉ ⲧⲉ
5 Ha isdiidina, wakhti aad ku heshiisaan inaad soon iyo tukasho u goosataan mooyaane, oo aad haddana isu timaadaan, si aan Shayddaanku idiin duufin iscelinla'aantiinna aawadeed.
ⲉ̅ⲙⲡⲣϥⲉϭ ⲛⲉⲧⲛⲉⲣⲏⲩ ⲉⲓⲙⲏⲧⲓ ϩⲛ ⲟⲩϣⲱⲛⲃ ⲡⲣⲟⲥ ⲟⲩⲟⲉⲓϣ ϫⲉ ⲉⲧⲉⲧⲛⲉⲥⲣϥⲉ ⲉⲡⲉϣⲗⲏⲗ ⲁⲩⲱ ⲟⲛ ⲛⲧⲉⲧⲛⲉⲓ ⲉⲧⲟⲩⲉⲛ ⲛⲉⲧⲛⲉⲣⲏⲩ ϫⲉ ⲛⲛⲉ ⲡⲥⲁⲧⲁⲛⲁⲥ ⲡⲉⲓⲣⲁⲍⲉ ⲙⲙⲱⲧⲛ ⲉⲧⲃⲉ ⲧⲉⲧⲛⲙⲛⲧⲁⲧⲁⲙⲁϩⲧⲉ
6 Laakiin taas fasax ahaan ayaan u leeyahay ee amrise maayo.
ⲋ̅ⲡⲁⲓ ⲇⲉ ⲉⲓϫⲱ ⲙⲙⲟϥ ⲕⲁⲧⲁ ⲟⲩⲥⲩⲛⲅⲛⲱⲙⲏ ⲛⲕⲁⲧⲁ ⲟⲩⲉϩⲥⲁϩⲛⲉ ⲁⲛ
7 De waxaan jeclaan lahaa in nimanka oo dhammu ay sidayda oo kale yihiin. Laakiin nin kastaaba hadiyad gooni ah ayuu Ilaah ka helaa, midkan sidan, kaasna sidaas.
ⲍ̅ϯⲟⲩⲱϣ ⲅⲁⲣ ⲉⲧⲣⲉ ⲣⲱⲙⲉ ⲛⲓⲙ ϣⲱⲡⲉ ⲛⲧⲁϩⲉ ⲁⲗⲗⲁ ⲟⲩⲛⲧⲉ ⲡⲟⲩⲁ ⲡⲟⲩⲁ ⲟⲩⲭⲁⲣⲓⲥⲙⲁ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲓⲧⲙ ⲡⲛⲟⲩⲧⲉ ⲟⲩⲁ ⲙⲉⲛ ϩⲓⲛⲁⲓ ⲕⲉⲧ ⲇⲉ ⲛⲧⲉⲓϩⲉ
8 Laakiin anigu waxaan kuwa aan guursan iyo carmallada laga dhintay ku leeyahay, Waa u roon tahay iyaga inay sidayda oo kale sii ahaadaan,
ⲏ̅ϯϫⲱ ⲇⲉ ⲙⲙⲟⲥ ⲛⲛⲉⲧⲉⲙⲛⲧⲟⲩ ⲥϩⲓⲙⲉ ⲙⲛ ⲛⲉⲭⲏⲣⲁ ϫⲉ ⲛⲁⲛⲟⲩⲥ ⲛⲁⲩ ⲉϭⲱ ⲛⲧⲁϩⲉ ϩⲱ
9 laakiin hadday iscelin kari waayaan, ha guursadeen; waayo, waxaa dhaanta inay guursadaan intay guban lahaayeen.
ⲑ̅ⲉϣⲱⲡⲉ ⲇⲉ ⲉⲛⲥⲉⲛⲁⲉϣⲉⲅⲕⲣⲁⲧⲉⲩⲉ ⲁⲛ ⲙⲙⲟⲟⲩ ⲙⲁⲣⲟⲩϫⲓ ⲛⲁⲛⲟⲩ ϫⲓ ⲅⲁⲣ ⲉϩⲟⲩⲉⲣⲱⲕϩ
10 Laakiin kuwa guursaday waxaan ku amrayaa, kan amrayaa aniga ma aha laakiin waa Rabbiga, Afadu yaanay ninkeeda ka tegin.
ⲓ̅ⲛⲉⲛⲧⲁⲩϫⲓ ⲇⲉ ϯⲡⲁⲣⲁⲅⲅⲉⲓⲗⲉ ⲛⲁⲩ ⲁⲛⲟⲕ ⲁⲛ ⲁⲗⲗⲁ ⲡϫⲟⲉⲓⲥ ⲉⲧⲙⲧⲣⲉ ⲧⲉⲥϩⲓⲙⲉ ⲡⲱⲣϫ ⲉⲡⲉⲥϩⲁⲓ
11 Laakiin hadday ka tagto, ha iska guur la'aato ama ninkeedii ha la heshiiso; oo ninkuna yaanu afadiisa ka tegin.
ⲓ̅ⲁ̅ⲉϣⲱⲡⲉ ⲇⲉ ⲉⲥϣⲁⲛⲡⲱⲣϫ ⲙⲁⲣⲉⲥϭⲱ ⲛⲧⲉⲓϩⲉ ⲏ ⲛⲥϩⲱⲧⲡ ⲉⲡⲉⲥϩⲁⲓ ⲁⲩⲱ ⲡϩⲟⲟⲩⲧ ⲉⲧⲙⲧⲣⲉϥⲕⲱ ⲛⲥⲱϥ ⲛⲧⲉϥⲥϩⲓⲙⲉ
12 Kuwa kale anigu waxaan ku leeyahay ee ma aha Rabbiga, Hadduu mid walaal ah qabo afo aan rumaysanayn, oo ayna raalli ka tahay inay la joogto, yaanu ka tegin.
ⲓ̅ⲃ̅ϯϫⲱ ⲇⲉ ⲙⲙⲟⲥ ⲙⲡⲕⲉⲥⲉⲉⲡⲉ ⲁⲛⲟⲕ ⲙⲡϫⲟⲉⲓⲥ ⲁⲛ ϫⲉ ⲉϣⲱⲡⲉ ⲟⲩⲥⲟⲛ ⲉⲩⲛⲧⲁϥ ⲙⲙⲁⲩ ⲛⲟⲩⲥϩⲓⲙⲉ ⲛⲁⲡⲓⲥⲧⲟⲥ ⲁⲩⲱ ⲉⲥⲟⲩⲱϣ ⲉϭⲱ ⲛⲙⲙⲁϥ ⲙⲡⲣⲧⲣⲉϥⲗⲟ ϩⲁⲣⲟⲥ
13 Oo afadii nin aan rumaysanayni qabo oo isna raalli ka yahay inuu la joogo, yaanay ninkeeda ka tegin.
ⲓ̅ⲅ̅ⲁⲩⲱ ⲉϣⲱⲡⲉ ⲟⲩⲥϩⲓⲙⲉ ⲉⲩⲛⲧⲁⲥ ⲙⲙⲁⲩ ⲛⲟⲩϩⲁⲓ ⲛⲁⲡⲓⲥⲧⲟⲥ ⲉϥⲟⲩⲱϣ ⲉϭⲱ ⲛⲙⲙⲁⲥ ⲙⲡⲣⲧⲣⲉⲥⲗⲟ ϩⲁ ⲡϩⲁⲓ
14 Waayo, ninka aan rumaysanayni wuxuu quduus ku noqdaa xagga naagta, oo naagta aan rumaysanaynina waxay quduus ku noqotaa xagga ninka rumaysan, haddii kale carruurtiinna wasakh bay ahaan lahaayeen, laakiin haatan waa quduus.
ⲓ̅ⲇ̅ⲁϥⲧⲃⲃⲟ ⲅⲁⲣ ⲛϭⲓ ⲡϩⲁⲓ ⲛⲁⲡⲓⲥⲧⲟⲥ ϩⲛ ⲧⲉⲥϩⲓⲙⲉ ⲁⲩⲱ ⲁⲥⲧⲃⲃⲟ ⲛϭⲓ ⲧⲉⲥϩⲓⲙⲉ ⲛⲁⲡⲓⲥⲧⲟⲥ ϩⲙ ⲡⲥⲟⲛ ⲉϣϫⲉ ⲙⲡⲉ ⲉⲓⲉ ⲛⲉⲧⲛϣⲏⲣⲉ ϩⲉⲛⲁⲕⲁⲑⲁⲣⲧⲟⲛ ⲛⲉ ⲧⲉⲛⲟⲩ ⲇⲉ ⲥⲉⲟⲩⲁⲁⲃ
15 Laakiin haddii kan aan rumaysanayni tago, ha iska tago. Waxaas oo kale walaalka ama walaashu uma xidhxidhna. Ilaah wuxuu inoogu yeedhay nabad.
ⲓ̅ⲉ̅ⲉϣϫⲉ ⲡⲁⲡⲓⲥⲧⲟⲥ ⲇⲉ ⲛⲁⲡⲱⲣϫ ⲙⲁⲣⲉϥⲡⲱⲣϫ ⲉⲛϥⲟ ⲁⲛ ⲛϩⲙϩⲁⲗ ⲛϭⲓ ⲡⲥⲟⲛ ⲏ ⲧⲥⲱⲛⲉ ϩⲛ ⲛⲉⲉⲓϩⲱⲃ ⲛⲧⲉⲓⲙⲓⲛⲉ ⲛⲧⲁⲡϫⲟⲉⲓⲥ ⲅⲁⲣ ⲧⲁϩⲙⲛ ϩⲛ ⲟⲩⲉⲓⲣⲏⲛⲏ
16 Waayo, sidee baad ku garanaysaa, naag yahay, inaad ninkaaga badbaadin doonto iyo in kale? Ama sidee baad ku garanaysaa, nin yahow, inaad naagtaada badbaadin doonto iyo in kale?
ⲓ̅ⲋ̅ⲟⲩ ⲅⲁⲣ ⲡⲉⲧⲉⲣⲉ ⲥⲟⲟⲩⲛ ⲙⲙⲟϥ ⲧⲉⲥϩⲓⲙⲉ ⲙⲏ ⲧⲉⲛⲁϣⲧⲟⲩϫⲉ ⲡⲟⲩϩⲁⲓ ⲁⲩⲱ ⲟⲩ ⲡⲉⲧⲕⲥⲟⲟⲩⲛ ⲙⲙⲟϥ ⲡϩⲁⲓ ⲙⲏ ⲕⲛⲁϣⲧⲟⲩϫⲉ ⲧⲉⲕⲥϩⲓⲙⲉ
17 Hase ahaatee, mid kastaa ha u socdo sidii Rabbigu ugu qaybshay iyo sidii Ilaah mid kasta ugu yeedhay. Oo sidaasaan kiniisadaha oo dhan ku amraa.
ⲓ̅ⲍ̅ⲉⲓⲙⲏ ⲛⲑⲉ ⲉⲛⲧⲁ ⲡϫⲟⲉⲓⲥ ⲧⲉϣ ⲡⲟⲩⲁ ⲡⲟⲩⲁ ⲙⲙⲟⲥ ⲡⲟⲩⲁ ⲡⲟⲩⲁ ⲛⲑⲉ ⲉⲛⲧⲁ ⲡⲛⲟⲩⲧⲉ ⲧⲁϩⲙⲉϥ ⲙⲁⲣⲉϥⲙⲟⲟϣⲉ ⲙⲙⲟⲥ ⲁⲩⲱ ⲧⲁⲓ ⲧⲉ ⲑⲉ ⲉϯⲧⲱϣ ⲙⲙⲟⲥ ϩⲛ ⲛⲉⲕⲕⲗⲏⲥⲓⲁ ⲛⲓⲙ
18 Nin gudan ma loo yeedhay? Gudniinla'aan yaanu noqon. Nin aan gudnayn ma loo yeedhay? Yaan la gudin.
ⲓ̅ⲏ̅ⲁⲩⲧⲉϩⲙ ⲟⲩⲁ ⲉϥⲥⲃⲃⲏⲩ ⲙⲡⲣⲧⲣⲉϥϩⲟⲃⲥϥ ⲁⲩⲧⲉϩⲙ ⲟⲩⲁ ⲉϥⲟ ⲛⲁⲧⲥⲃⲃⲉ ⲙⲡⲣⲧⲣⲉϥⲥⲃⲃⲏⲧϥ
19 Gudniintu waxba ma aha; gudniinla'aantuna waxba ma aha, laakiin waxaa waajib ah in la xajiyo qaynuunnada Ilaah.
ⲓ̅ⲑ̅ⲡⲥⲃⲃⲉ ⲟⲩⲗⲁⲁⲩ ⲡⲉ ⲁⲩⲱ ⲧⲙⲛⲧⲁⲧⲥⲃⲃⲉ ⲟⲩⲗⲁⲁⲩ ⲧⲉ ⲁⲗⲗⲁ ⲡϩⲁⲣⲉϩ ⲉⲛⲉⲛⲧⲟⲗⲏ ⲙⲡⲛⲟⲩⲧⲉ ⲡⲉ
20 Nin kastaa sidii loogu yeedhay, ha sii ahaado.
ⲕ̅ⲡⲟⲩⲁ ⲡⲟⲩⲁ ϩⲙ ⲡⲧⲱϩⲙ ⲉⲛⲧⲁⲩⲧⲁϩⲙⲉϥ ⲛϩⲏⲧϥ ⲙⲁⲣⲉϥϭⲱ ⲛϩⲏⲧϥ
21 Ma laguu yeedhay adigoo addoon ah? Dan ha u gelin. Laakiin haddaad karayso inaad xorowdid, waa inaad aqbashid.
ⲕ̅ⲁ̅ⲁⲩⲧⲁϩⲙⲉⲕ ⲉⲕⲟ ⲛϩⲙϩⲁⲗ ⲙⲡⲣⲧⲣⲉϥⲣⲣⲟⲟⲩϣ ⲛⲁⲕ ⲁⲗⲗⲁ ⲕⲁⲛ ⲉϣⲱⲡⲉ ⲟⲩⲛϭⲟⲙ ⲙⲙⲟⲕ ⲉⲣⲣⲙϩⲉ ⲭⲣⲱ ⲛϩⲟⲩⲟ
22 Waayo, kii xagga Rabbiga loogu yeedhay isagoo addoon ah, wuxuu yahay ninka xorta ah ee Rabbiga, sidaas oo kalena kii isagoo xor ah loo yeedhay, wuxuu yahay addoonka Masiix.
ⲕ̅ⲃ̅ⲡϩⲙϩⲁⲗ ⲅⲁⲣ ⲉⲛⲧⲁⲩⲧⲁϩⲙⲉϥ ϩⲙ ⲡϫⲟⲉⲓⲥ ⲡⲁ ⲡⲉⲗⲉⲩⲑⲉⲣⲟⲥ ⲙⲡϫⲟⲉⲓⲥ ⲡⲉ ϩⲟⲙⲟⲓⲱⲥ ⲡⲣⲙϩⲉ ⲉⲛⲧⲁⲩⲧⲁϩⲙⲉϥ ⲡϩⲙϩⲁⲗ ⲙⲡⲉⲭⲥ ⲡⲉ
23 Qiimo weyn baa laydinku soo iibsaday; addoommada dadka ha noqonina.
ⲕ̅ⲅ̅ⲁⲩϣⲉⲡ ⲧⲏⲩⲧⲛ ϩⲁ ⲟⲩⲁⲥⲟⲩ ⲙⲡⲣϣⲱⲡⲉ ⲛϩⲙϩⲁⲗ ⲛⲣⲱⲙⲉ
24 Walaalayaalow, nin kastaa sidii loogu yeedhay ha sii ahaado, isagoo Ilaah la jira.
ⲕ̅ⲇ̅ⲡⲟⲩⲁ ⲡⲟⲩⲁ ϩⲙ ⲡⲉⲛⲧⲁⲩⲧⲁϩⲙⲉϥ ⲛϩⲏⲧϥ ⲛⲁⲥⲛⲏⲩ ⲙⲁⲣⲉϥϭⲱ ϩⲙ ⲡⲁⲓ ⲛⲛⲁϩⲣⲙ ⲡⲛⲟⲩⲧⲉ
25 Amar bikradaha ku saabsan kama haysto xagga Rabbiga, laakiin waxaan kula talinayaa sida mid Rabbiga naxariis ka helay inuu aamin ahaado.
ⲕ̅ⲉ̅ⲉⲧⲃⲉ ⲙⲡⲁⲣⲑⲉⲛⲟⲥ ⲇⲉ ⲙⲛⲧⲁⲓ ⲟⲩⲉϩⲥⲁϩⲛⲉ ⲙⲙⲁⲩ ⲛⲧⲉ ⲡϫⲟⲉⲓⲥ ϯϯ ⲇⲉ ⲛⲟⲩⲅⲛⲱⲙⲏ ϩⲱⲥ ⲉⲁⲩⲛⲁ ⲛⲁⲓ ϩⲓⲧⲙ ⲡϫⲟⲉⲓⲥ ⲉⲣⲡⲓⲥⲧⲟⲥ
26 Sidaa daraaddeed waxay ila tahay dhibta haatan joogta aawadeed inay u roon tahay nin inuu sii ahaado siduu yahay.
ⲕ̅ⲋ̅ϯⲙⲉⲉⲩⲉ ϭⲉ ϫⲉ ⲛⲁⲛⲟⲩ ⲡⲁⲓ ⲉⲧⲃⲉ ⲧⲁⲛⲁⲅⲕⲏ ⲉⲧϣⲟⲟⲡ ϫⲉ ⲛⲁⲛⲟⲩⲥ ⲙⲡⲣⲱⲙⲉ ⲉϭⲱ ⲛⲧⲉⲓϩⲉ
27 Miyaad naag ku xidhan tahay? Ha doonin inaad ka furnaato. Miyaad naag ka furan tahay? Ha doonin naag.
ⲕ̅ⲍ̅ⲕⲙⲏⲣ ⲉⲥϩⲓⲙⲉ ⲙⲡⲣϣⲓⲛⲉ ⲛⲥⲁⲃⲱⲗ ⲕⲃⲏⲗ ⲉⲃⲟⲗ ⲛⲥϩⲓⲙⲉ ⲙⲡⲣϣⲓⲛⲉ ⲛⲥⲁ ⲥϩⲓⲙⲉ
28 Laakiin haddaad guursatid ma aad dembaabin, bikraduna hadday guursato ma ay dembaabin, laakiin kuwaas oo kale xagga jidhka dhib bay ka heli doonaan, laakiin dhibtaasaan idinka celin lahaa.
ⲕ̅ⲏ̅ⲉϣⲱⲡⲉ ⲇⲉ ⲉⲕϣⲁⲛϫⲓ ⲙⲡⲕⲣⲛⲟⲃⲉ ⲁⲩⲱ ⲉⲥϣⲁⲛϫⲓ ⲛϭⲓ ⲧⲡⲁⲣⲑⲉⲛⲟⲥ ⲙⲡⲥⲣⲛⲟⲃⲉ ⲛⲁⲓ ⲇⲉ ⲛⲧⲉⲉⲓⲙⲓⲛⲉ ⲛⲁϣⲉ ⲡⲑⲗⲓⲯⲓⲥ ϩⲛ ⲧⲉⲩⲥⲁⲣⲝ ⲁⲛⲟⲕ ⲇⲉ ϯϯⲥⲟ ⲉⲣⲱⲧⲛ
29 Laakiin waxaan leeyahay, walaalayaalow, wakhtiga waa la soo gaabiyey, hadda kaddib kuwa naagaha qabaa ha ahaadeen sidii iyagoo aan qabin;
ⲕ̅ⲑ̅ⲡⲁⲓ ⲇⲉ ⲉⲓϫⲱ ⲙⲙⲟϥ ⲛⲁⲥⲛⲏⲩ ϫⲉ ⲡⲉⲩⲟⲉⲓϣ ⲛⲟⲗⲕ ⲡⲉ ϫⲉⲕⲁⲥ ϭⲉ ⲛⲕⲟⲟⲩⲉ ⲉⲧⲉⲩⲛⲧⲟⲩ ⲥϩⲓⲙⲉ ⲙⲙⲁⲩ ⲛⲥⲉⲣⲑⲉ ⲛⲛⲉⲧⲉⲙⲛⲧⲁⲩ
30 oo kuwa ooyaana sidii iyagoo aan ooyin, kuwa farxaana sidii iyagoo aan farxin, kuwa wax iibsadaana sidii iyagoo aan waxba lahayn;
ⲗ̅ⲁⲩⲱ ⲛⲉⲧⲣⲓⲙⲉ ϩⲱⲥ ⲉⲛⲥⲉⲣⲓⲙⲉ ⲁⲛ ⲁⲩⲱ ⲛⲉⲧⲣⲁϣⲉ ϩⲱⲥ ⲉⲛⲥⲉⲣⲁϣⲉ ⲁⲛ ⲁⲩⲱ ⲛⲉⲧϣⲱⲡ ϩⲱⲥ ⲉⲛⲥⲉⲁⲙⲁϩⲧⲉ ⲁⲛ
31 kuwa dunidan ku isticmaalaana, sidii iyagoo aan aad ugu isticmaalin, waayo, xaalka dunidan waa idlaanayaa.
ⲗ̅ⲁ̅ⲁⲩⲱ ⲛⲉⲧⲭⲣⲱ ⲙⲡⲉⲉⲓⲕⲟⲥⲙⲟⲥ ϩⲱⲥ ⲉⲛⲥⲉⲭⲣⲱ ⲁⲛ ϥⲛⲁⲡⲁⲣⲁⲅⲉ ⲅⲁⲣ ⲛϭⲓ ⲡⲉⲥⲭⲏⲙⲁ ⲙⲡⲉⲓⲕⲟⲥⲙⲟⲥ
32 Waxaan jeclaan lahaa inaad welwel la'aataan. Kii aan guursanin wuxuu u welwelaa waxyaalaha Rabbiga, siduu Rabbiga uga farxin lahaa.
ⲗ̅ⲃ̅ϯⲟⲩⲉϣ ⲧⲏⲩⲧⲛ ⲇⲉ ⲉⲧⲣⲉⲧⲉⲧⲛϣⲱⲡⲉ ⲛⲁⲧⲣⲟⲟⲩϣ ⲡⲉⲧⲉⲙⲛⲧϥ ⲥϩⲓⲙⲉ ϥϥⲓⲣⲟⲟⲩϣ ⲉⲛⲁ ⲡϫⲟⲉⲓⲥ ϫⲉ ⲉϥⲛⲁⲁⲣⲉⲥⲕⲉ ⲙⲡϫⲟⲉⲓⲥ ⲛⲁϣ ⲛϩⲉ
33 Laakiin kii guursaday wuxuu u welwelaa waxyaalaha dunida siduu afadiisa uga farxin lahaa.
ⲗ̅ⲅ̅ⲡⲉⲛⲧⲁϥϫⲓ ⲇⲉ ϥϥⲓⲣⲟⲟⲩϣ ⲉⲛⲁ ⲡⲕⲟⲥⲙⲟⲥ ϫⲉ ⲉϥⲛⲁⲁⲣⲉⲥⲕⲉ ⲛⲧⲉϥⲥϩⲓⲙⲉ ⲛⲁϣ ⲛϩⲉ
34 Afada iyo bikraddu waa kala duwan yihiin. Tii aan la qabinu waxay u welweshaa waxyaalaha Rabbiga si ay quduus uga ahaato xagga jidhka iyo xagga ruuxa. Tii guursatay waxay u welweshaa waxyaalaha dunida si ay ninkeeda uga farxiso.
ⲗ̅ⲇ̅ⲁⲩⲱ ϥⲡⲏϣ ⲁⲩⲱ ⲧⲉⲥϩⲓⲙⲉ ⲉⲧⲉⲙⲛⲧⲥ ϩⲁⲓ ⲙⲛ ⲧⲡⲁⲣⲑⲉⲛⲟⲥ ϥⲓⲣⲟⲟⲩϣ ⲉⲛⲁ ⲡϫⲟⲉⲓⲥ ϫⲉⲕⲁⲥ ⲉⲥⲉϣⲱⲡⲉ ⲉⲥⲟⲩⲁⲁⲃ ϩⲙ ⲡⲉⲥⲥⲱⲙⲁ ⲙⲛ ⲡⲉⲥⲡⲛⲁ ⲧⲉⲛⲧⲁⲥϫⲓϩⲁⲓ ⲇⲉ ϥⲓⲣⲟⲟⲩϣ ⲉⲛⲁ ⲡⲕⲟⲥⲙⲟⲥ ϫⲉ ⲛⲁϣ ⲛϩⲉ ⲉⲥⲛⲁⲁⲣⲉⲥⲕⲉ ⲙⲡⲉⲥϩⲁⲓ
35 Tan waxaan idinku leeyahay waxtarkiinna aawadii ee ma aha inaan qool idin geliyo, laakiin in waxa roon la arko iyo inaad Rabbiga u adeegtaan kalajeedsadla'aan.
ⲗ̅ⲉ̅ⲉⲓϫⲱ ⲇⲉ ⲙⲡⲁⲓ ⲉⲧⲉⲧⲛⲛⲟϥⲣⲉ ϫⲉⲕⲁⲥ ⲁⲛ ⲉⲓⲉϯ ⲛⲟⲩⲉⲗⲱ ⲉϩⲏⲧ ⲧⲏⲩⲧⲛ ⲁⲗⲗⲁ ⲡⲣⲟⲥⲟⲩⲧⲥⲁⲛⲟ ⲙⲛⲧϭⲓⲛⲁϩⲉⲣⲁⲧⲕ ⲉⲡϫⲟⲉⲓⲥ ⲕⲁⲗⲱⲥ ⲁϫⲛⲣⲟⲟⲩϣ
36 Nin uun hadduu u maleeyo inuu wax aan toosnayn ku falayo xagga bikraddiisa, hadday wakhtigii dhallinyaronimadeedii dhaafto oo sidaas loo baahnaado, ha sameeyo wuxuu dooni lahaa. Dembaabi maayo ee ha guursadeen.
ⲗ̅ⲋ̅ⲉϣϫⲉ ⲟⲩⲛ ⲟⲩⲁ ⲇⲉ ϫⲱ ⲙⲙⲟⲥ ϫⲉ ϥϣⲓⲡⲉ ⲉϫⲛ ⲧⲉϥϣⲉⲉⲣⲉ ⲉϣⲱⲡⲉ ⲁⲥⲣⲛⲟϭ ⲁⲩⲱ ⲧⲁⲓ ⲧⲉ ⲑⲉ ⲉⲧϣϣⲉ ⲉϣⲱⲡⲉ ⲡⲉⲧϥⲟⲩⲁϣϥ ⲙⲁⲣⲉϥⲁⲁϥ ⲛϥⲣⲛⲟⲃⲉ ⲁⲛ ⲙⲁⲣⲟⲩϫⲓ
37 Kii qalbigiisa ka adkaysta, isagoo aan la qasbin, laakiin nafsaddiisa u taliya, uuna qalbigiisa ka goostay inuu bikraddiisa iska sii hayo, si wanaagsan buu falaa.
ⲗ̅ⲍ̅ⲡⲉⲛⲧⲁϥⲁϩⲉ ⲇⲉ ⲉⲣⲁⲧϥ ϩⲙ ⲡⲉϥϩⲏⲧ ⲉϥⲧⲁϫⲣⲏⲩ ⲉⲙⲛϩⲧⲟⲣ ⲉⲣⲟϥ ⲟⲩⲛⲧϥ ⲉⲝⲟⲩⲥⲓⲁ ⲇⲉ ⲙⲙⲁⲩ ⲉⲧⲃⲉ ⲡⲉϥⲟⲩⲱϣ ⲙⲙⲓⲛ ⲙⲙⲟϥ ⲁⲩⲱ ⲁϥⲕⲣⲓⲛⲉ ⲙⲡⲁⲓ ϩⲙ ⲡⲉϥϩⲏⲧ ⲉϩⲁⲣⲉϩ ⲉⲧⲉϥϣⲉⲉⲣⲉ ⲕⲁⲗⲱⲥ ϥⲛⲁⲁⲁⲥ
38 Sidaasna kii bikraddiisa u guuriyaa si wanaagsan ayuu falaa, iyo kii bikraddiisa aan u guurinin si ka wanaagsan ayuu falaa.
ⲗ̅ⲏ̅ϩⲱⲥⲧⲉ ⲡⲉⲧⲛⲁϯ ⲧⲉϥϣⲉⲉⲣⲉ ⲛϩⲁⲓ ⲕⲁⲗⲱⲥ ϥⲛⲁⲁⲁⲥ ⲁⲩⲱ ⲡⲉⲧⲉⲛϥⲛⲁⲧⲁⲁⲥ ⲁⲛ ⲉϥⲛⲁⲣⲟⲩϩⲟⲩⲟ
39 Naag waxay ku xidhan tahay ninkeeda intuu nool yahay, laakiin haddii ninku dhinto, waa xor inay guursato kay doonto laakiin xagga Rabbiga oo keliya.
ⲗ̅ⲑ̅ⲧⲉⲥϩⲓⲙⲉ ⲙⲏⲣ ⲉⲡϩⲟⲥⲟⲛ ⲡⲉⲩⲟⲉⲓϣ ⲡⲉⲥϩⲁⲓ ⲟⲛϩ ⲉⲣϣⲁⲛ ⲡⲉⲥϩⲁⲓ ⲇⲉ ⲙⲟⲩ ⲟⲩⲣⲙϩⲏ ⲧⲉ ⲉϩⲙⲟⲟⲥ ⲙⲛ ⲡⲉⲧⲉϩⲛⲁⲥ ⲙⲟⲛⲟⲛ ϩⲙ ⲡϫⲟⲉⲓⲥ
40 Laakiin way ka sii faraxsanaan lahayd hadday iska joogto, siday aniga ila tahay, oo anigu waxaan u malaynayaa inaan Ruuxa Ilaah leeyahay.
ⲙ̅ⲛⲁⲓⲁⲧⲥ ⲇⲉ ⲛϩⲟⲩⲟ ⲉⲥϣⲁⲛϭⲱ ⲛⲧⲉⲉⲓϩⲉ ⲕⲁⲧⲁ ⲧⲁⲅⲛⲱⲙⲏ ϯϫⲱ ⲅⲁⲣ ⲙⲙⲟⲥ ϩⲱ ϫⲉ ⲟⲩⲛⲧⲁⲓ ⲙⲙⲁⲩ ⲙⲡⲉⲡⲛⲁ ⲙⲡⲛⲟⲩⲧⲉ

< 1 Korintos 7 >