< 1 Korintos 3 >

1 Anna, walaalayaalow, idiinlama aan hadli karin sida idinkoo ruuxa raaca, laakiin idinkoo jidhka raaca sida kuwo ilmo yaryar ah oo ku jira Masiix.
И аз, братие, не могох вам глаголати яко духовным, но яко плотяным, яко младенцем о Христе.
2 Waxaan idin siiyey caano ee idinma aan siin cunto, waayo, weli ma aydaan cuni karin, haatanna weli ma aad kartaan.
Млеком вы напоих, а не брашном: ибо не у можасте, но ниже еще можете ныне,
3 Maxaa yeelay, weli jidhkaad raacdaan, waayo, intii xaasidnimo iyo ilaaq dhexdiinna ku jiraan, miyaanaydin jidhka raacsanayn oo sida dadka miyaanaydin u soconayn?
еще бо плотстии есте. Идеже бо в вас зависти и рвения и распри, не плотстии ли есте и по человеку ходите?
4 Waayo, markii mid yidhaahdo, Anigu waxaan ka mid ahay kuwa Bawlos, mid kalena, Anna Abolloos, miyaanaydin dad ahayn?
Егда бо глаголет кто: аз убо есмь Павлов, другий же: аз Аполлосов: не плотстии ли есте?
5 Haddaba muxuu yahay Abolloos? Bawlosna muxuu yahay? Waxay yihiin midiidinyadii aad xaggooda ku rumaysateen, oo mid kasta sida Rabbigu u siiyey isaga.
Кто убо есть Павел? Кто же ли Аполлос? Но точию служителие, имиже веровасте, и комуждо якоже Господь даде.
6 Anigu waan beeray, Abolloosna wuu waraabiyey, laakiin Ilaah baa koriyey.
Аз насадих, Аполлос напои, Бог же возрасти:
7 Taa aawadeed waxba ma aha kan beeraa, ama kan waraabiyaa, laakiin waa Ilaah kan koriyaa.
темже ни насаждаяй есть что, ни напаяяй, но возращаяй Бог.
8 Kan beeraa iyo kan waraabiyaa waa isku mid, laakiin mid kastaa wuxuu heli doonaa abaalkiis siday hawshiisu ahayd.
Насаждаяй же и напаяяй едино еста: кийждо же свою мзду приимет по своему труду.
9 Waxaannu nahay kuwa Ilaah la shaqeeya, idinkuna waxaad tihiin beerta Ilaah iyo Ilaah dhismihiisa.
Богу бо есмы споспешницы: Божие тяжание, Божие здание есте.
10 Sida dhise xigmad leh waxaan aasaaskii ku dhigay nimcadii Ilaah i siiyey, oo mid kalena wuu ka dul dhisayaa. Laakiin mid kastaa ha ka fiirsado siduu uga dul dhisayo.
По благодати Божией данней мне, яко премудр архитектон основание положих, ин же назидает: кийждо же да блюдет, како назидает.
11 Waayo, ninna ma dhigi karo aasaas kale kan la dhigay mooyaane oo ah Ciise Masiix.
Основания бо инаго никтоже может положити паче лежащаго, еже есть Иисус Христос.
12 Laakiin nin hadduu aasaaska ku dul dhiso dahab, ama lacag, ama dhagaxyo qaali ah, ama qoryo, ama caws, ama bal,
Аще ли кто назидает на основании сем злато, сребро, камение честное, дрова, сено, тростие,
13 nin kasta shuqulkiisa ayaa la muujin doonaa. Waayo, maalintu way caddayn doontaa, maxaa yeelay, dab baa lagu muujiyaa, waayo, nin kasta shuqulkiisa caynkuu yahay dabka ayaa tijaabin doona.
когождо дело явлено будет: день бо явит, зане огнем открывается: и когождо дело, яковоже есть, огнь искусит.
14 Nin uun haddii shuqulkiisuu ku dul dhisay hadho, abaal buu heli doonaa.
(И) егоже аще дело пребудет, еже назда, мзду приимет:
15 Nin uun haddii shuqulkiisu gubto, wuu khasaari doonaa, isaga qudhiisuse wuu badbaadi doonaa, laakiin sidii wax dab laga soo baxshay oo kaluu u badbaadi doonaa.
(а) егоже дело сгорит, отщетится: сам же спасется, такожде якоже огнем.
16 Miyaanaydin garanaynin inaad tihiin macbudkii Ilaah oo uu Ruuxa Ilaah idinku jiro?
Не весте ли, яко храм Божий есте, и Дух Божий живет в вас?
17 Nin uuni hadduu macbudka Ilaah kharribo, isaga Ilaah baa kharribi doona, waayo, macbudkii Ilaah waa quduus, kaad idinku tihiin.
Аще кто Божий храм растлит, растлит сего Бог: храм бо Божий свят есть, иже есте вы.
18 Ninna yuusan iskhiyaanayn. Haddii nin dhexdiinna joogaa uu u malaynayo inuu wakhtigan xigmad leeyahay, doqon ha noqdo si uu xigmad u yeesho. (aiōn g165)
Никтоже себе да прельщает: аще кто мнится мудр быти в вас в веце сем, буй да бывает, яко да премудр будет. (aiōn g165)
19 Waayo, xigmadda dunidan doqonnimay la tahay Ilaah. Waayo, waxaa qoran, Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa,
Премудрость бо мира сего буйство у Бога есть, писано бо есть: запинаяй премудрым в коварстве их.
20 oo haddana, Rabbigu waa garanayaa tashiyada kuwa xigmadda leh inayan waxba tarin.
И паки: Господь весть помышления человеческа, яко суть суетна.
21 Taa aawadeed ninna yaanu dadka ku faanin. Waayo, wax walba idinkaa leh,
Темже никтоже да хвалится в человецех, вся бо ваша суть:
22 ha ahaadeen ama Bawlos, ama Abolloos, ama Keeyfas, ama dunida, ama nolosha, ama dhimashada, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, dhammaan idinkaa leh.
аще Павел, или Аполлос, или Кифа, или мир, или живот, или смерть, или настоящая, или будущая, вся ваша суть:
23 Idinkuna kuwa Masiix baad tihiin, Masiixuna waa kan Ilaah.
вы же Христовы, Христос же Божий.

< 1 Korintos 3 >