< 1 Korintos 2 >
1 Walaalayaalow, anna markaan idiin imid, lama iman hadal wanaaggiis ama xigmad, anoo idinku wacdiyaya maraggii laga furay Ilaah,
Κἀγὼ ἐλθὼν πρὸς ὑμᾶς, ἀδελφοί, ἦλθον οὐ καθ᾽ ὑπεροχὴν λόγου ἢ σοφίας καταγγέλλων ὑμῖν τὸ μαρτύριον τοῦ Θεοῦ.
2 waayo, waxaan goostay inaanan waxba dhexdiinna ka ogaan Ciise Masiix oo ah kan iskutallaabta lagu qodbay maahee.
Οὐ γὰρ ἔκρινα τοῦ εἰδέναι τι ἐν ὑμῖν, εἰ μὴ Ἰησοῦν Χριστόν, καὶ τοῦτον ἐσταυρωμένον.
3 Oo waxaan idinkula joogay itaaldarro, iyo cabsi, iyo gariir badan.
Καὶ ἐγὼ ἐν ἀσθενείᾳ καὶ ἐν φόβῳ καὶ ἐν τρόμῳ πολλῷ ἐγενόμην πρὸς ὑμᾶς.
4 Laakiin hadalkayga iyo wacdigayga kuma aan hadlin hadallo sasabasho iyo xigmad ah, laakiin waxaan ku hadlay tusidda Ruuxa iyo xoogga,
Καὶ ὁ λόγος μου καὶ τὸ κήρυγμά μου οὐκ ἐν πειθοῖς ἀνθρωπίνης σοφίας λόγοις, ἀλλ᾽ ἐν ἀποδείξει πνεύματος καὶ δυνάμεως·
5 inaan rumaysadkiinnu ku tiirsanaan xigmadda dadka, laakiin inuu xoogga Ilaah ku tiirsanaado.
ἵνα ἡ πίστις ὑμῶν μὴ ᾖ ἐν σοφίᾳ ἀνθρώπων, ἀλλ᾽ ἐν δυνάμει Θεοῦ.
6 Waxaannu xigmadda kula hadallaa kuwa garashadu ku dhan tahay, taasoo aan ahayn xigmadda wakhtigan, oo aan ahayn xigmadda madaxda wakhtigan oo ah kuwa la baabbi'in doono; (aiōn )
Σοφίαν δὲ λαλοῦμεν ἐν τοῖς τελείοις· σοφίαν δὲ οὐ τοῦ αἰῶνος τούτου, οὐδὲ τῶν ἀρχόντων τοῦ αἰῶνος τούτου, τῶν καταργουμένων· (aiōn )
7 laakiin qarsoonaan ayaannu ugu hadallaa xigmadda Ilaah oo la qariyey, oo Ilaah dunida horteed ka dhigay ammaanteenna aawadeed, (aiōn )
ἀλλὰ λαλοῦμεν σοφίαν Θεοῦ ἐν μυστηρίῳ, τὴν ἀποκεκρυμμένην, ἣν προώρισεν ὁ Θεὸς πρὸ τῶν αἰώνων εἰς δόξαν ἡμῶν· (aiōn )
8 tan madaxda wakhtigan midkoodna aanu garanaynin, waayo, hadday garan lahaayeen, iskutallaabta kuma ay qodbeen Rabbiga ammaanta, (aiōn )
ἣν οὐδεὶς τῶν ἀρχόντων τοῦ αἰῶνος τούτου ἔγνωκεν· εἰ γὰρ ἔγνωσαν, οὐκ ἂν τὸν Κύριον τῆς δόξης ἐσταύρωσαν· (aiōn )
9 laakiin sida qoran, Waxyaalo aanay ishu arkin, oo aanay dhegtu maqlin, Oo aan qalbiga dadka gelin, Wax kastoo ay yihiinba, Ilaah baa u diyaariyey kuwa isaga jecel.
ἀλλὰ καθὼς γέγραπται, Ἃ ὀφθαλμὸς οὐκ εἶδε, καὶ οὖς οὐκ ἤκουσε, καὶ ἐπὶ καρδίαν ἀνθρώπου οὐκ ἀνέβη, ἃ ἡτοίμασεν ὁ Θεὸς τοῖς ἀγαπῶσιν αὐτόν.
10 Innagase Ilaah baa inoogu muujiyey Ruuxa, waayo, Ruuxu wuxuu baadhaa wax kasta, xataa waxyaalaha hoos u dhaadheer oo Ilaah.
Ἡμῖν δὲ ὁ Θεὸς ἀπεκάλυψε διὰ τοῦ πνεύματος αὐτοῦ· τὸ γὰρ πνεῦμα πάντα ἐρευνᾷ, καὶ τὰ βάθη τοῦ Θεοῦ.
11 Waayo, dadka dhexdood yaa garanaya nin waxyaalihiisa, ruuxa ninka ku jira mooyaane? Sidaas oo kalena ninna garan maayo waxyaalaha Ilaah, Ruuxa Ilaah mooyaane.
Τίς γὰρ οἶδεν ἀνθρώπων τὰ τοῦ ἀνθρώπου, εἰ μὴ τὸ πνεῦμα τοῦ ἀνθρώπου τὸ ἐν αὐτῷ; Οὕτω καὶ τὰ τοῦ Θεοῦ οὐδεὶς οἶδεν, εἰ μὴ τὸ πνεῦμα τοῦ Θεοῦ.
12 Laakiin innagu ma aynu helin ruuxa dunida laakiinse Ruuxa Ilaah ka yimid, inaynu garanno waxyaalaha uu Ilaah nimco ahaan inoo siiyey.
Ἡμεῖς δὲ οὐ τὸ πνεῦμα τοῦ κόσμου ἐλάβομεν, ἀλλὰ τὸ πνεῦμα τὸ ἐκ τοῦ Θεοῦ, ἵνα εἰδῶμεν τὰ ὑπὸ τοῦ Θεοῦ χαρισθέντα ἡμῖν.
13 Waxyaalahaasna ayaannu ku hadalnaa, kumase hadalno hadallo la baro ee ah xigmadda dadka, laakiin waxa Ruuxu baro, annaga oo waxyaalaha ruuxa ah ku simayna waxyaalaha ruuxa ah.
Ἃ καὶ λαλοῦμεν, οὐκ ἐν διδακτοῖς ἀνθρωπίνης σοφίας λόγοις, ἀλλ᾽ ἐν διδακτοῖς Πνεύματος Ἁγίου, πνευματικοῖς πνευματικὰ συγκρίνοντες.
14 Ninka nafta raacaa ma aqbalo waxyaalaha Ruuxa Ilaah, waayo, nacasnimo bay u yihiin, mana garan karo, maxaa yeelay, ruuxa ayaa lagu imtixaamaa.
Ψυχικὸς δὲ ἄνθρωπος οὐ δέχεται τὰ τοῦ πνεύματος τοῦ Θεοῦ· μωρία γὰρ αὐτῷ ἐστι, καὶ οὐ δύναται γνῶναι, ὅτι πνευματικῶς ἀνακρίνεται.
15 Kii ruuxa raacaa wax walbuu imtixaamaa, laakiinse isaga qudhiisa ninna ma imtixaamo.
Ὁ δὲ πνευματικὸς ἀνακρίνει μὲν πάντα, αὐτὸς δὲ ὑπ᾽ οὐδενὸς ἀνακρίνεται.
16 Waayo, yaa gartay maanka Rabbiga inuu wax baro isaga? Laakiin annagu waxaannu leennahay maanka Ciise.
Τίς γὰρ ἔγνω νοῦν Κυρίου, ὃς συμβιβάσει αὐτόν; Ἡμεῖς δὲ νοῦν Χριστοῦ ἔχομεν.