< 1 Korintos 16 >
1 Haddaba sidaan u amray kiniisadihii Galatiya, inay wax u ururshaan quduusiinta, idinkuna sidaas oo kale yeela.
ᎾᏃ ᎦᏟᏐᏗ ᎨᏒ ᎤᎾᏓᏅᏘ ᎤᎾᎵᏍᏕᎸᏙᏗ ᎤᎬᏩᎵ, ᎾᏍᎩᏯ ᏥᎦᏥᏁᏤᎸᎢ ᏧᎾᏁᎶᏗ ᏚᎾᏓᏡᎬ ᎨᎴᏏᏱ, ᎾᏍᎩᏯ ᏂᏣᏛᏁᎮᏍᏗ.
2 Maalinta ugu horraysa ee toddobaadka midkiin kastaa meel wax ha dhigo oo ha hayo wixii lagu barwaaqeeyey, si markaan imaado aan waxba loo ururin.
ᎢᎬᏱᏱ ᎢᎦ ᏑᎾᏙᏓᏆᏍᏗ ᎨᏒ ᎢᏥᏏᏴᏫᎭ ᎢᏣᏓᏁᎸᏍᎨᏍᏗ ᎾᏍᎩᏯ ᏄᏍᏛ ᎤᏁᎳᏅᎯ ᎢᏥᏁᏉᎡᎸᎢ, ᎾᏍᎩᏃ ᏞᏍᏗ ᏫᏥᎷᏨᎭ ᎩᎳ ᏫᎦᏟᏐᏗ ᏱᎨᏎᏍᏗ.
3 Oo markaan imaado, kuwaad u bogteen ayaan warqado u dhiibi doonaa, oo waxaan u diri doonaa inay hadiyaddiinna Yeruusaalem geeyaan.
ᏫᏥᎷᏨᏃ ᎾᏍᎩ Ꮎ ᎣᏏᏳ ᏗᏥᏰᎸᏅᎯ, ᎾᏍᎩ ᏗᎦᏥᏯᎨᏅᏗᏍᏗ ᎨᏎᏍᏗ ᎪᏪᎵ, ᎾᏍᎩ ᎠᏂᏰᎩ ᏥᎷᏏᎵᎻ ᏂᎯ ᎢᏣᎵᏍᎪᎸᏔᏅᎯ.
4 Oo hadday ila noqoto inaan aniguna tago, way i raaci doonaan.
ᎢᏳ ᎠᎴ ᏚᏳᎪᏕᏍᏗ ᎾᏍᏉ ᎠᏴ ᎠᏇᏅᏍᏗᏱ, ᎾᏍᎩ ᏓᏲᏤᏅᏍᏔᏂ.
5 Markaan Makedoniya soo maro dabadeed ayaan idiin iman doonaa, waayo, Makedoniya waan soo marayaa.
ᎠᎴ ᏮᏓᏨᎷᏤᎵ, ᎹᏏᏙᏂ ᎠᏰᎵ ᎠᎩᎶᏒᎯ ᎨᏎᏍᏗ; ᎹᏏᏙᏂᏰᏃ ᎠᏰᎵ ᎠᎩᎶᎯᏍᏗᏱ ᏂᎦᎵᏍᏗᎭ.
6 Mindhaa cabbaar baan idinla joogi doonaa, xataa xilliga qabowga oo dhan, si aad iigu ambabbixisaan meel alla meeshaan tegi doono.
ᎠᎴ ᏫᎬᏆᏕᏗ ᏱᏂᎦᎩ, ᎠᎴ ᎾᏍᏉ ᏯᏆᎪᎳᏗᏴ ᎢᏤᎲᎢ, ᎾᏍᎩ ᏍᎩᏯᏘᏅᏍᏗᏱ ᎦᎢᏒ ᎢᎸᎯᏢ ᏫᏥᎦᏛᎢ.
7 Waayo, dooni maayo inaan hadda idin arko markaan sii socdo, maxaa yeelay, waxaan rajaynayaa inaan cabbaar idinla joogo, haddii Rabbigu idmo.
ᎥᏝᏰᏃ ᏯᏆᏚᎵ ᎪᎯ ᎨᏒ ᎦᎢᏒ ᎢᏨᎪᏩᏛᏗᏱ; ᎠᏎᏃ ᎤᏚᎩ ᎠᏋᎭ ᎢᎸᏍᎩ ᎢᎪᎯᏛ ᎢᏨᏯᏕᏁᏗᏱ, ᎢᏳᏃ ᎤᎬᏫᏳᎯ ᎣᏏᏳ ᏳᏰᎸᏅ.
8 Laakiin waxaan sii joogayaa Efesos ilaa maalinta Bentekoste.
ᎡᏈᏌᏍᎩᏂ ᎨᏙᎮᏍᏗ ᎯᏍᎦᏍᎪᎯᏁ ᎢᎦ ᎢᏯᏍᏗ.
9 Waayo, waxaa la ii furay albaab weyn oo shuqul ah, cadaawayaal badanina way jiraan.
ᎡᏉᎯᏳᏰᏃ ᎥᎩᎳᏅᏓᏕᎸ ᎠᎴ ᎤᏣᏘ ᎪᎱᏍᏗ ᎦᎬᏙᏗ, ᎠᎴ ᎤᏂᏣᏔ ᏗᏂᎦᏘᎴᎩ.
10 Timoteyos hadduu yimaado, dhawra, oo cabsila'aan ha idinkula joogo, waayo, wuxuu ka shaqeeyaa shuqulka Rabbiga sidayda oo kale.
ᎢᏳᏃ ᏗᎹᏗ ᏫᎦᎷᏨᎭ, ᎢᏣᎦᏌᏯᏍᏕᏍᏗ ᏂᎦᎾᏰᏍᎬᎾᏉ ᎢᏤᎳᏗᏓᏍᏗᏱ; ᏚᎸᏫᏍᏓᏁᏰᏃ ᎤᎬᏫᏳᎯ ᎤᏤᎵ ᏗᎦᎸᏫᏍᏓᏁᏗ, ᎤᏠᏱᏉ ᎠᏴ.
11 Haddaba ninna yuusan fududaysan isaga. Laakiin nabad ku soo ambabbixiya, ha ii yimaadee, waayo, waxaan filanayaa inuu walaalaha soo raaco.
ᎾᏍᎩ ᎢᏳᏍᏗ ᏞᏍᏗ ᎩᎶ ᏳᏂᏆᏘᎮᏍᏗ; ᏅᏩᏙᎯᏯᏛᏉᏍᎩᏂ ᏤᏣᏂᎩᏍᏔᏅᎭ, ᎾᏍᎩ ᎠᏴ ᎠᎩᎷᏤᏗᏱ; ᏥᎦᏖᏃᎭᏰᏃ ᎤᎷᎯᏍᏗᏱ ᎠᎾᎵᏅᏟ ᎠᏂᎷᏨᎭ.
12 Xagga walaalka Abolloos aad baan u baryay isaga inuu walaalaha sii raaco oo idiin yimaado, laakiin raalli kama uu ahayn inuu haatan yimaado, laakiin wuu iman doonaa markuu nefis helo.
ᎠᏃ ᎠᏉᎳ ᎢᎩᏅᏟ, ᎤᏣᏘ ᏥᏍᏗᏰᏓ ᏫᏥᎷᏤᏗᏱ ᎤᏁᏅᏍᏙᏗᏱ ᎠᎾᎵᏅᏟ; ᎠᏎᏃ ᎥᏝ ᏳᏚᎸ ᎠᏎ ᎪᎯ ᎨᏒ ᎤᏪᏅᏍᏗᏱ; ᏮᏓᎦᎷᏥ ᎠᏗᎾ ᎤᏜᏓᏅᏓᏕᎸᎭ.
13 Soo jeeda, iimaanka ku adkaada, rag ahaada, xoogooba.
ᎢᏥᏯᏫᏍᎨᏍᏗ, ᎤᎵᏂᎩᏛ ᏕᏥᏂᏴᏎᏍᏗ ᎪᎯᏳᏗ ᎨᏒᎢ, ᎢᏥᏍᎦᏯ ᎨᏎᏍᏗ, ᏗᏣᎵᏂᎩᏗᏳ ᎨᏎᏍᏗ.
14 Wax kastoo aad samaysaanba, jacayl ku sameeya.
ᏂᎦᏛ ᏕᏥᎸᏫᏍᏓᏁᎲ ᎠᏓᎨᏳᏗ ᎨᏒ ᎢᏨᏗᏍᎨᏍᏗ.
15 Walaalayaalow, waad garanaysaan kuwa guriga Istefanas jooga inay yihiin midhaha ugu horreeyey ee Akhaya iyo inay isu bixiyeen inay quduusiinta u adeegaan. Waxaan idinka baryayaa
ᎠᎴᏬ ᎢᏓᎵᏅᏟ, ᏕᏥᎦᏔᎭ ᏍᏗᏇᎾ ᏚᏓᏘᎾᎥᎢ, ᎾᏍᎩ ᎢᎬᏱ ᎤᏓᏔᏅᎯ ᎨᏒ ᎠᎦᏯ, ᎠᎴ ᎾᏍᎩ ᏚᎾᏓᏲᏒ ᏧᏂᏍᏕᎸᎯᏓᏍᏗᏱ ᎤᎾᏓᏅᏘ;
16 inaad ka dambaysaan kuwaas oo kale iyo mid kasta oo la shaqeeya oo hawshooda.
ᎢᏨᏔᏲᏎᎭ ᏂᎯ ᏗᏦᎯᏳᏗᏱ ᎾᏍᎩ ᎢᏳᎾᏍᏗ, ᎠᎴ ᎾᏂᎥ ᎢᏧᎳᎭ ᏧᏂᎸᏫᏍᏓᏁᎯ ᎠᎾᎵᏂᎬᏁᎯ.
17 Waxaan ku faraxsanahay imaatinka Istefanas iyo Fortunatos iyo Akhaykos, maxaa yeelay, wixii xaggiinna ka dhinnaa iyagaa dhammaystiray.
ᎦᎵᎡᎵᎦ ᎬᎩᎷᏤᎸ ᏍᏗᏇᎾ ᎠᎴ ᏉᏚᏁᏓ ᎠᎴ ᎠᎦᏱᎦ; ᏂᎯᏰᏃ ᏥᏥᎷᎶᏤᎲᎩ ᎠᏂᎧᎵᏏᏌ ᎾᏍᎩ.
18 Waayo, ruuxayga iyo kiinnaba iyagaa nasiyey. Taa aawadeed aqoonsada kuwaas oo kale.
ᎠᏂᎦᎵᏍᏓᏓᏰᏃ ᎠᏆᏓᏅᏙ, ᎠᎴ ᏂᎯ ᏗᏣᏓᏅᏙ. ᎾᏍᎩ ᎢᏳᏍᏗ ᏕᏥᎸᏉᏕᏍᏗᏉ ᎾᏍᎩ ᎢᏳᎾᏍᏗ.
19 Kiniisadaha Aasiya way idin soo salaamayaan. Akula iyo Bariskillana aad bay idiin soo salaamayaan xagga Rabbiga, iyaga iyo kiniisadda gurigooda ku taalba.
ᏧᎾᏁᎶᏗ ᏚᎾᏓᏡᏩᏗᏒ ᎡᏏᏱ ᏫᎨᏥᏲᎵᎭ. ᎡᏈᎳ ᎠᎴ ᏈᏏᎳ ᎤᏣᏘ ᏫᎨᏥᏲᎵᎭ ᎤᎬᏫᏳᎯ ᏧᎾᏁᎶᏗ ᎤᎾᏓᏲᎵᏍᏗ ᎨᏒᎢ, ᎬᏩᎾᎵᎪᏁᎭ ᏧᎾᏁᎶᏗ ᎤᎾᏓᏡᎬ ᎾᏍᎩ ᎠᏂᏁᎸᎢ.
20 Walaalaha oo dhammu way idin soo salaamayaan. Isku salaama dhunkasho quduus ah.
ᏂᎦᏛ ᎢᏓᎵᏅᏟ ᏫᎨᏥᏲᎵᎭ. ᏕᏣᏓᏲᎵᏍᏗᏍᎨᏍᏗ ᎦᎸᏉᏗᏳ ᏗᏓᏙᏪᏙᎥᏍᏗ ᎨᏒᎢ.
21 Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa.
ᎠᏴ ᏉᎳ ᎠᏆᏓᏲᎵᏍᏗ ᎨᏒ ᎠᏋᏒ ᎠᏉᏰᏂ ᎠᏋᏔᏅᎯ ᎠᏉᏪᎳᏅᎯ.
22 Qof uun hadduusan Rabbiga jeclayn, ha inkaarnaado. Rabbigeennu waa imanayaa.
ᎢᏳᏃ ᎩᎶ ᏄᎨᏳᏒᎾ ᎢᎨᏎᏍᏗ ᎤᎬᏫᏳᎯ ᏥᏌ ᎦᎶᏁᏛ, ᎾᏍᎩ ᎠᏥᏍᎩᏅᏛᎯ ᎨᏎᏍᏗ. ᎤᎬᏫᏳᎯ ᏓᎦᎷᏥ.
23 Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha idinla jirto.
ᎬᏩᎦᏘᏯ ᎤᏓᏙᎵᏍᏗ ᎨᏒ ᎢᎦᏤᎵ ᎤᎬᏫᏳᎯ ᏥᏌ ᎦᎶᏁᏛ ᏕᏥᎧᎿᎭᏩᏗᏙᎮᏍᏗ.
24 Dhammaantiin jacaylkaygu ha idinla jiro xagga Ciise Masiix. Aamiin.
ᎠᏴ ᎠᏆᏓᎨᏳᏗ ᎨᏒ ᏕᏥᎧᎿᎭᏩᏗᏙᎮᏍᏗ ᏂᏥᎥᎢ, ᏥᏌ ᎦᎶᏁᏛ ᎨᏒ ᏅᏗᎦᎵᏍᏙᏗᏍᎨᏍᏗ. ᎡᎺᏅ.