< Taariikhdii Kowaad 5 >

1 Oo kuwanuna waa wiilashii Ruubeen kaasoo ahaa curadkii Israa'iil, (laakiinse isagu wuxuu nijaaseeyey gogoshii aabbihiis oo sidaas daraaddeed curadnimadiisii waxaa la siiyey wiilashii Yuusuf ina Israa'iil, oo abtiriskiisiina laguma tirin xagga curadnimadiisii.
’Ya’yan Ruben maza ɗan farin Isra’ila (shi ne ɗan fari, amma sa’ad da ya ƙazantar da gadon auren mahaifinsa, sai aka ba wa’yancin ɗan farinsa wa’ya’yan Yusuf maza ɗan Isra’ila; don kada a lissafta shi a tarihin zuriya bisa ga matsayin haihuwarsa,
2 Yahuudah walaalihiis wuu ka xoog badnaa, oo isaga xaggiisuu amiirku ka yimid, laakiinse curadnimada waxaa iska lahaa Yuusuf: )
ko da yake Yahuda shi ne mafi ƙarfi cikin’yan’uwansa kuma mai mulki ya fito daga gare shi,’yancin zaman ɗan fari na Yusuf ne),
3 oo wiilashii Ruubeen oo ahaa curadkii Israa'iil waxay ahaayeen Xanoog, iyo Falluu, iyo Xesroon, iyo Karmii.
’ya’yan Ruben ɗan farin Isra’ila maza su ne, Hanok, Fallu, Hezron da Karmi.
4 Farcankii Yoo'eelna wuxuu ahaa Shemacyaah oo dhalay Juuj, oo isna dhalay Shimcii, oo isna dhalay Miikaah,
Zuriyar Yowel su ne, Shemahiya, Gog, Shimeyi,
5 oo isna dhalay Re'aayaah, oo isna dhalay Bacal,
Mika, Reyahiya, Ba’al,
6 oo isna dhalay Be'eeraah, oo ahaa kii boqorkii Ashuur oo Tilgad Filneser la odhan jiray uu maxaabiis ahaanta u kaxaystay, oo isna wuxuu ahaa amiirkii reer Ruubeen.
da Beyera, wanda Tiglat-Fileser sarkin Assuriya ya ɗauka zuwa zaman bauta. Beyera shi ne shugaban mutanen Ruben.
7 Oo qolooyiinkii walaalihiis ahaa markii abtiriskii dhalashadooda la tiriyey waxay ahaayeen duqii Yecii'eel iyo Sekaryaah,
Danginsu bisa ga iyalansu da aka jera bisa ga tarihin zuriyarsu su ne, Yehiyel shi ne sarki, akwai Zakariya,
8 iyo Belac oo ahaa ina Caasaas ina Shemac oo ahaa ina Yoo'eel oo degganaan jiray Carooceer, iyo xataa tan iyo Nebo iyo Bacal Mecoon,
da Bela ɗan Azaz. Azaz ɗan Shema daga dangin Yowel. Yowel ya yi zama a yankin Arower har zuwa Nebo da Ba’al-Meyon.
9 oo xagga barina wuxuu degganaan jiray tan iyo xataa meesha laga galo cidlada markii laga soo bilaabo Webi Yufraad, maxaa yeelay, xoolahoodii ayaa ku tarmay dalkii Gilecaad.
Ta waje gabas sun zauna a ƙasar har zuwa bakin hamadan da ya nausa zuwa Kogin Yuferites, domin dabbobinsu sun ƙaru a Gileyad.
10 Oo wakhtigii Saa'uul ayay la dagaallameen reer Hagrii'iim, oo iyaga gacantooda ku baabba'ay, oo iyana waxay degeen teendhooyinkoodii ku dhex yiil dalkii Gilecaad bari ka xigay oo dhan.
A zamanin Shawulu zuriyar Ruben sun yi yaƙi da Hagirawa, suka ci su da yaƙi, suka zauna a wuraren zaman Hagirawan ko’ina a dukan yankin gabashin Gileyad.
11 Oo waxaa meel iyaga ka soo hor jeedda, oo ah dalka Baashaan iyo tan iyo Salkaah degganaa wiilashii Gaad
Mutanen Gad sun zauna kusa da mutanen Ruben a Bashan, har zuwa Saleka.
12 kuwaasoo ahaa Yoo'eel oo madax ahaa, iyo Shaafaam oo ahaa kii labaad, iyo Yacnay, iyo Shaafaad, waxay wada joogeen Baashaan,
Yowel shi ne babba, sai Shafan na biyu, sa’an nan Yanai da Shafat, su ne tushen Bashan.
13 oo walaalahood oo ay isku reer ahaayeen waxay ahaayeen Miikaa'eel, iyo Meshullaam, iyo Shebac, iyo Yooray, iyo Yackaam, iyo Siica, iyo Ceeber, oo waxay ahaayeen toddoba.
Danginsu, bisa ga iyalai su ne, Mika’ilu, Meshullam, Sheba, Yorai, Yakan, Ziya da Eber, su bakwai ne duka.
14 Oo kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii Abiixayil ina Xuurii, oo ahaa ina Yaaroo'ax, oo ahaa ina Gilecaad, oo ahaa ina Miikaa'eel, oo ahaa ina Yeshiishay, oo ahaa ina Yaxdoo, oo ahaa ina Buus;
Waɗannan su ne’ya’yan Abihayil ɗan Huri, ɗan Yarowa, ɗan Gileyad, ɗan Mika’ilu, ɗan Yeshishai, ɗan Yado, ɗan Buz.
15 Axii ina Cabdii'eel oo ahaa ina Guunii madax buu u ahaa reerahoodii.
Ahi ɗan Abiyel, ɗan Guni, shi ne kan iyalinsu.
16 Oo waxay degganaayeen Gilecaad oo Baashaan ku tiil iyo magaalooyinkeedii, iyo Shaaroon agagaarkeedii oo dhan, iyo tan iyo soohdintooda meesha ugu fog.
Mutanen Gad sun zauna a Bashan da ƙauyukan da suke kurkusa da shi, da kuma a dukan makiyayan Sharon har zuwa iyaka inda suka kai.
17 Oo kuwan oo dhan abtiriskooda waxaa la tiriyey wakhtigii Yootam oo boqorkii dalka Yahuudah ahaa iyo wakhtigii Yaaraabcaam oo boqorkii dalka Israa'iil ahaa.
Dukan waɗannan sun shiga tarihin zuriya a lokacin mulkin Yotam sarkin Yahuda da Yerobowam sarkin Isra’ila.
18 Oo reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis raggoodii xoogga lahaa oo awoodda u lahaa inay gaashaan iyo seef qaadaan, iyo inay qaansooyin ganaan, oo dagaalyahannada ahaa waxay ahaayeen afar iyo afartan kun iyo toddoba boqol iyo lixdan nin oo wada awooda inay dagaal u baxaan.
Mutanen Ruben, mutanen Gad da rabin kabilar Manasse sun kasance da mutane 44,760 shiryayyu don aikin soja, jarumawan da za su iya riƙe garkuwa da takobi, waɗanda suke iya yin amfani da baka, waɗanda kuma aka horar don yaƙi.
19 Oo iyagu waxay la dagaallameen reer Hagrii'iim iyo reer Yetuur, iyo reer Naafiish, iyo reer Naadaab.
Suka yi yaƙi da Hagirawa, Yetur, Nafish da Nodab.
20 Oo iyagiina waa looga hiiliyey, markaasaa reer Hagrii'iim waxaa la soo geliyey gacantoodii, iyagii iyo kuwii kale oo la jiray oo dhanba, waayo, intay dagaalka ku jireen ayay Ilaah u qayshadeen, wuuna aqbalay, maxaa yeelay, isagay isku halleeyeen.
Aka taimake su a yaƙin, Allah kuma ya ba da Hagirawa da dukan abokansu gare su, domin sun yi kuka gare shi a lokacin yaƙin. Ya amsa addu’o’insu, domin sun dogara gare shi.
21 Oo waxay iyagii ka dhaceen xoolahoodii kuwaasoo ahaa geel ah konton kun, iyo ido ah laba boqol iyo konton kun, iyo dameerro ah laba kun, iyo dad tiradiisu tahay boqol qof.
Suka ƙwace dabbobin Hagirawa, raƙuma dubu hamsin, tumaki dubu ɗari biyu da hamsin da kuma jakuna dubu biyu. Suka kuma kame mutane dubu ɗari ɗaya,
22 Oo qaar badan baa laga laayay, maxaa yeelay, dagaalku wuxuu ka yimid xag Ilaah. Oo meeshoodii bayna degeen tan iyo waagii maxaabiisnimada.
waɗansu suka mutu, domin yaƙin na Allah ne. Suka zauna a ƙasar har lokacin da aka kai su zaman bauta.
23 Oo qabiilkii reer Manaseh badhkoodna dalkay degeen, oo waxay ku kordheen tan iyo Baashaan, iyo ilaa Bacal Xermoon, iyo tan iyo Seniir, iyo ilaa Buur Xermoon.
Mutanen rabin kabilar Manasse sun yi yawa; suka zauna a ƙasar daga Bashan har zuwa Ba’al-Hermon, wato, zuwa Senir (Dutsen Hermon).
24 Oo kuwii reerahooda madaxda u ahaana waxay ahaayeen Ceefer, iyo Yishcii, iyo Elii'eel, iyo Casrii'eel, iyo Yeremyaah, iyo Hoodawyaah, iyo Yaxdii'eel, oo intaasu waxay wada ahaayeen rag xoog badan oo magac leh oo reerahooda madax u ah.
Waɗannan su ne kawunan iyalansu. Efer, Ishi, Eliyel, Azriyel, Irmiya, Hodawiya da Yadiyel. Su jarumawa ne, sanannu, su ne kuma kawunan iyalansu.
25 Oo iyagu waxay ku xadgudbeen Ilaahii awowayaashood, oo sidii naag ninkeedii ka dhillowday ayay raaceen ilaahyadii dadkii dalka degganaa, oo Ilaah hortooda ku baabbi'iyey.
Amma ba su yi aminci da Allahn kakanninsu ba, suka kuma yi karuwanci ga waɗansu allolin mutanen ƙasar, waɗanda Allah ya hallaka a gabansu.
26 Oo markaasaa Ilaah wuxuu kiciyey boqorkii Ashuur ee Fuul ahaa, kaasoo ahaa boqorkii Ashuur oo Tilgad Filneser ahaa, oo isna iyagii buu kaxaystay xataa reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu iyagii geeyey Xalax, iyo Xaaboor, iyo Haaraa, iyo tan iyo webiga Goosaan, oo halkaasay joogaan ilaa maantadan.
Saboda haka Allah na Isra’ila ya zuga ruhun Ful sarkin Assuriya (wato, Tiglat-Fileser sarkin Assuriya), wanda ya kwashe mutanen Ruben, mutanen Gad da rabin kabilar Manasse zuwa zaman bauta. Ya kwashe su zuwa Hala, Habor, Hara da kuma kogin Gozan, inda suke har wa yau.

< Taariikhdii Kowaad 5 >