< Taariikhdii Kowaad 24 >

1 Oo kooxihii reer Haaruunna waa kuwan. Wiilashii Haaruun waxay ahaayeen Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar.
Makundi vya kazi kulingana na uzao wa Aroni yalikuwa haya: Nadabu, Abihu, Eleazari na Ithamari.
2 Laakiinse Naadaab iyo Abiihuuba aabbahood way ka hor dhinteen, oo carruurna ma ay lahayn, haddaba sidaas daraaddeed hawshii wadaadnimada waxaa samayn jiray Elecaasaar iyo Iitaamaar.
Nadabu na Abihu walikufa kabla ya baba yao kufa. Walikuwa hawana watoto, kwahiyo Eleazari na Ithamari walitumika kama makuhani.
3 Oo Daa'uud oo ay la jiraan Saadooq oo ahaa reer Elecaasaar iyo Axiimeleg oo ahaa reer Iitaamaar ayaa iyagii u kala qaybiyey sidii hawshoodu kala ahayd.
Daudi pamoja na Zadoki, uzao wa Eleazari, na Ahimeleki, uzao wa Ithamari, waliwagawanya katika makundi yao ya kazi kama makuhani.
4 Oo reer Elecaasaar waxaa laga dhex helay niman madax ah oo ka badan intii reer Iitaamaar laga helay, oo iyagii sidanaa loo kala qaybiyey, reer Elecaasaar waxaa ku jiray lix iyo toban nin, oo qolooyin madax u ah, oo reer Iitaamaarna waxaa ku jiray siddeed, sidii qolooyinkoodu kala ahaayeen.
Kulikuwa na wanaume viongozi zaidi kati ya uzao wa Eleazari kuliko kati ya uzao wa Ithamari, kwahiyo waligawanya uzao wa Eleazari katika makundi kumi na sita. Walifanya hivyo na viongozi wa ukoo na uzao wa Ithamari. Magawanyo haya yalikuwa nane kwa idadi, sambamba na koo zao.
5 Oo sidanaa iyagii saami loogu kala qaybiyey, oo caynba caynkii kale waa lagu daray, waayo, waxaa jiray amiirro meesha quduuska ah, iyo amiirro Ilaah oo ahaa reer Elecaasaar iyo reer Iitaamaar labadaba.
Waliwagawanya bila upendeleo kwa kura, kwa kuwa walikuwa waamuzi watakatifu na waamuzi wa Mungu, kutoka pande zote uzao wa Eleazari na uzao wa Ithamari.
6 Oo Shemacyaah ina Netaneel oo karraanigii ahaa, oo ahaa reer Laawi ayaa iyagii ku hor qoray boqorkii, iyo amiirradii, iyo wadaadkii Saadooq, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, iyo madaxdii qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi ahaa, in reer loo qaado reer Elecaasaar, reerna loo qaado reer Iitaamaar.
Shemaia mwana wa Nethaneli mwandishi, Mlawi, aliandika majina yao mbele ya mfalme, muamuzi, kuhani Zadoki, Ahimeleki mwana wa Abiathari, na viongozi wa makuhani na familia za Walawi. Ukoo mmoja ulichaguliwa kwa kura kutoka uzao wa Eleazari, na kisha uliofata utachaguliwa kutoka uzao wa Ithhamari.
7 Haddaba saamigii kowaad wuxuu u soo baxay Yehooyaariib, kii labaadna Yedacyaah,
Kura ya kwanza ilienda kwa Yehoiaribu, ya pili kwa Yedaia,
8 kii saddexaadna Haarim, kii afraadna Secoriim,
ya tatu kwa Harimu, ya nne kwa Seorimu,
9 kii shanaadna Malkiiyaah, kii lixaadna Miyaamin,
ya tano kwa Malikija, ya sita kwa Mijamini,
10 kii toddobaadna Haqoos, kii siddeedaadna Abiiyaah,
ya saba kwa Hakozi, ya nane kwa Abija,
11 kii sagaalaadna Yeeshuuca, kii tobnaadna Shekaanyaah,
ya tisa kwa Yeshua, ya kumi kwa Shekania,
12 kii kow iyo tobnaadna Eliyaashiib, kii laba iyo tobnaadna Yaaqiim,
ya kumi na moja kwa Eliashibu, ya kumi na mbili kwa Yakimu,
13 kii saddex iyo tobnaadna Xufaah, kii afar iyo tobnaadna Yeshebe'aab,
ya kumi na tatu kwa Hupa, ya kumi na nne kwa Yesheheabu,
14 kii shan iyo tobnaadna Bilgaah, kii lix iyo tobnaadna Immeer,
ya kumi na tano kwa Biliga, ya kumi na sita kwa Imma,
15 kii toddoba iyo tobnaadna Xeesiir, kii siddeed iyo tobnaadna Hafisees,
ya kumi na saba kwa Heziri, ya kumi na nane kwa Hapizezi,
16 kii sagaal iyo tobnaadna Fetaxyaah, kii labaatanaadna Yexesqeel,
ya kumi na tisa kwa Pethaia, ya ishirini kwa Yehezikeli,
17 kii kow iyo labaatanaadna Yaakiin, kii laba iyo labaatanaadna Gaamuul,
ya ishirini na moja kwa Yakini, ya ishirini na mbili kwa Gamuli,
18 kii saddex iyo labaatanaadna Dalaayaah, kii afar iyo labaatanaadna Macasyaah.
ya ishirini na tatu kwa Delaia, na ya ishirini na nne kwa Maazia.
19 Kaasu wuxuu ahaa qaynuunkii ay u kala qaybsanaayeen oo ay hawshooda ku qaban jireen, inay gurigii Rabbiga ku soo galaan qaynuunkii iyaga lagu soo dhiibay awowgood Haaruun, sidii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil uu isaga ku amray.
Hii ilikuwa taratibu ya utumishi wao, walipo kuja kwenye nyumba ya Yahweh, wakifuata utaratibu waliopewa na Aruni babu yao, kama Yahweh, Mungu wa Israeli, alivyo waagiza.
20 Oo reer Laawi intii hadhayna waxaa ka mid ahaa kuwan, wiilashii Camraam waxaa ka joogay Shuubaa'eel, wiilashii Shuubaa'eelna waxaa ka joogay Yexdeyaah.
Hawa walikuwa Walawi waliobakia: Wana wa Amiramu, Shebueli; wana wa Shebaeli, Yedeia.
21 Reer Rexabyaahna waxaa wiilashii Rexabyaah ka joogay Yishyaah oo madax ahaa.
Wana wa Rehabia: wana wa Rehabia, Ishia kiongozi.
22 Reer Isehaarna waxaa ka joogay Shelomoo, wiilashii Shelomoodna waxaa ka joogay Yaaxad.
Wa Waizari, Shelomothi; mwana wa Shelomothi, Yahathi.
23 Wiilashii Xebroonna waxaa ka joogay Yeriyaah oo madax ahaa, iyo Amaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yaxasii'eel oo ahaa kii saddexaad, iyo Yeqamcaam oo ahaa kii afraad.
Wana wa Hebroni: Yeria kiongozi, Amaria wapili, Yahazieli watatu, na Yekameamu wanne.
24 Wiilashii Cusii'eelna waxaa ka joogay Miikaah, wiilashii Miikaahna waxaa ka joogay Shaamiir.
Wana wa uzao wa Uzieli ulimjumuisha Mika. Uzao wa Mika ulimjumuisha Shamiri.
25 Oo Miikaah walaalkiisna wuxuu ahaa Yishyaah, wiilashii Yishyaahna waxaa ka joogay Sekaryaah.
Kaka wa Mika alikuwa Ishia. Wana wa Ishia akijumuishwa Zakaria.
26 Wiilashii Meraariina waxaa ka joogay Maxlii iyo Mushii, wiilashii Yacasiyaahna waxaa ka joogay Benoo.
Wana na Merari: Mahli na Mushi. Mwana wa Yaazia, Beno.
27 Wiilashii Meraariina, waxaa reer Yacasiyaah ka joogay Benoo, iyo Shoham, iyo Sakuur, iyo Cibrii.
Wana wa Merari: Yaazia, Beno, Shohamu, Zakuri, na Ibrri.
28 Reer Maxliina waxaa ka joogay Elecaasaar, oo aan waxba wiilal lahayn.
Wana wa Mahili: eleazari, ambaye alikuwa hana wana.
29 Reer Qiishna waxaa ka joogay ina Qiish, oo ahaa Yeraxme'eel.
Wana wa Kishi: Yerameli
30 Reer Mushii waxaa ka joogay Maxlii, iyo Ceeder, iyo Yeriimood. Kuwaasu waxay ahaayeen reer Laawi siday qolooyinkoodu kala ahaayeen.
wana wa Mushi: Mahli, Eda, na yerimothi. Walikuwa walawi, walio orodheshwa na familia zao.
31 Oo kuwanu iyana waxay riteen saami sidii walaalahood reer Haaruun ay yeeleen oo kale, oo waxay ku hor riteen Boqor Daa'uud, iyo Saadooq, iyo Axiimeleg, iyo kuwii madaxda u ahaa qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi. Kan qolooyinkii madaxda u ahaa waxaa lagala mid dhigay sida kuwa walaalkiisa yar.
Wanaume hawa ambao walikuwa vichwa katika nyumba za baba zao na kila wadogo zao, walipiga kura katika uwepo wa Mfalme Daudi, na Zadoki na Ahimeleki, pamoja na viongozi wa familia wa makuhani na Walawi. Walirusha kura kama uzao wa Aroni walivyofanya.

< Taariikhdii Kowaad 24 >