< Taariikhdii Kowaad 17 >

1 Oo waxay noqotay markii Daa'uud gurigiisii degay, in Daa'uud Nebi Naataan ku yidhi, Bal eeg, anigu waxaan degganahay guri qori kedar ah laga sameeyey, laakiinse sanduuqii axdiga Rabbigu wuxuu yaal daahyo hoostood.
Ikawa baada ya mfalme kuwa katika nyumba yake, akasema kwa Nathani yule nabii, “Angalia, nina ishi katika nyumba iliyo jengwa na mierezi, lakini sanduku la agano la Yahweh lipo kwenye chini ya hema.”
2 Markaasaa Naataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Wax alla wixii qalbigaaga ku jira oo dhan samee, waayo, Ilaah baa kula jira.
Kisha Nathani akasema kwa Daudi, Nenda, fanya yalio moyoni mwako, kwa kuwa Mungu yupo nawe.”
3 Oo isla habeenkaas eraygii Ilaah baa u yimid Naataan oo ku yidhi,
Lakini usiku huo neno la Mungu lilimjia Nathani, nakusema,
4 Tag, oo waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Waxba guri aan dego ha ii dhisin,
“Nenda umwambie Daudi mtumishi wangu, 'Hivi ndivyo Yahweh asemavyo: Hautanijengea nyumba ya kuishi.
5 waayo, guri ma degin ilaa maalintii aan reer binu Israa'iil soo bixiyey iyo tan iyo maantadan, laakiinse teendhaba teendho kalaan uga bixi jiray oo taambuugna mid kalaan uga bixi jiray.
Kwa kuwa sijaishi katika nyumba toka ile siku niliyo ileta Israeli hadi leo. Badala yake, nimeishi ndani ya hema, hema la kukusanyikia, sehemu mbali mbali.
6 Oo meel kasta oo aan kula socday reer binu Israa'iil oo dhan, xaakinnadii reer binu Israa'iil oo aan ku amray inay quudiyaan dadkayga ma midkood baan eray kula hadlay, oo miyaan ku idhi, War maxaad iigu dhisi weydeen guri kedar ah?
Katika sehemu zote nilizo enda na Israeli, niliwai kusema lolote kwa viongozi wa Israeli niliyo wachagua kuwa chunga watu wangu, kwa kusema, “Kwa nini haujanijengea mimi nyumba ya mierezi?””
7 Haddaba waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anaa kaa soo kaxeeyey xeradii idaha iyo idihii aad raacaysay, inaad ahaatid amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil,
“Kisha sasa, mwambie mtumishi wangu Daudi, 'Hili ndilo Yahweh wa majeshi anasema: Nilikuchugua kutoka malishoni, kufuata kondoo, ilikwamba uwe mtawala wa watu wangu Waisraeli.
8 waanan kula jiray meel kastoo aad tagtayba, oo cadaawayaashaadii oo dhanna hortaadaan ka baabbi'iyey. Oo waxaan kuu bixin doonaa magac la mid ah magacyada kuwa waaweyn oo dhulka jooga.
Nimekuwa nawe pote ulipo enda na nimewakata maadui zako wote, na na nitakufanyia jina, kama jina la wakuu wa dunia.
9 Oo dadkayga reer binu Israa'iilna meel baan u dooran doonaa, oo waan ku beeri doonaa, inay meeshooda degganaadaan oo ayan mar dambe dhaqdhaqaaqin, ama ayan ilmaha sharku mar dambe dhibin sidii markii hore,
Nitachagua sehemu ya watu wangu Israeli na nitawapanda hapo, iliwaishi sehemu yao na wasisumbuke tena. Watu wa ovu hawata watesa tena, kama walivyo fanya mwanzo,
10 iyo tan iyo maalintii aan xaakinno ku amray inay dadkayga reer binu Israa'iil u taliyaan. Cadaawayaashaada oo dhanna waan jebin doonaa. Oo weliba waxaan kaloo kuu sheegayaa inuu Rabbigu reer kuu yeeli doono.
kama walivyo kuwa wakifanya toka siku zile nilipo waamuru waamuzi kuwa juu ya watu wangu Waisraeli. Kisha nitawatiisha maadui zako wote. Zaidi sana nina kwambia kwamba mimi, Yahweh, nitakujengea nyumba.
11 Oo markii cimrigaagu dhammaado, oo aad awowayaashaa la jiri doonto sida waajibka ah, ayaan sara kicin doonaa farcankaaga kaa dambeeya oo wiilashaada midkood ahaan doona, oo boqortooyadiisana waan dhisi doonaa.
Itakuja kuwa hapo siku zako zitapo timia za wewe kwenda kwa baba zako, nitainua uzao wako baada yako, na mmoja wa uzao wako nitaimarisha ufalme wake.
12 Oo isna guri buu ii dhisi doonaa, oo xoog baan u yeeli doonaa carshigiisa weligiis.
Yeye atanijengea nyumba, na nitaimarisha kiti chake cha enzi milele.
13 Oo anigu aabbaan u ahaan doonaa, isna wiil buu ii ahaan doonaa, oo anna naxariistayda kama fogayn doono, sidii aan uga fogeeyey kii kaa horreeyey,
Nitakuwa baba kwake, naye atakuwa mwana wangu. Sitaondoa uwaminifu wa Agano langu kwake, kama nilivyo ondoa kwa Sauli, aliye tawala kabla yako.
14 laakiinse waxaan isaga dhex taagi doonaa weligiisba gurigayga iyo boqortooyadayda, oo carshigiisuna weligiis wuu dhisnaan doonaa.
Nitamweka juu ya nyumba yangu na katika ufalme wangu milele, na kiti chake cha enzi kitaimarishwa milele.”
15 Haddaba siday erayadaas oo dhan iyo tusniintaas oo dhammu ahaayeen ayaa Naataan kula hadlay Daa'uud.
Nathani akanena haya kwa Daudi na kumtaarifu, na akamwambia kuhusu maono yote.
16 Markaasaa Boqor Daa'uud gudaha galay oo Rabbiga hor fadhiistay, oo wuxuu yidhi, Rabbow Ilaahow, bal yaan ahay? Reerkayguna waa maxay oo aad halkan ii soo gaadhsiisay?
Kisha Daudi mfalme akaenda ndani na kuketi mbele za Yahweh; akasema, “Mimi ni nani, Yahweh Mungu, na familia yangu ni nini, hadi unilete umbali huu?
17 Oo waxanu hortaada wuu ku yaraa, Ilaahow, laakiinse waxaad kaloo ka sii hadashay reerkaygu wuxuu wakhti dheer noqon doono, anoo addoonkaaga ah, oo weliba Rabbow Ilaahow, waxaad iiga fikirtay sidii nin darajo weyn leh.
Hili lilikuwa jambo dogo machoni pako, Mungu. Umezungumzia familia ya mtumishi wako kwa muda mrefu ujao, na umenionyesha vizazi vijavyo, Yahweh Mungu.
18 Bal maxaan kaloo kugu odhan karaa taasoo ku saabsan cisadii aad ii samaysay anoo addoonkaaga ah? Waayo, waad i garanaysaa.
Nini zaidi mimi, Daudi, niseme? Umemheshimu mtumishi wako. Umemtambua kwa kipekee mtumishi wako.
19 Rabbow, aniga daraadday, iyo qalbigaaga siduu yahay, ayaad waxyaalahan waaweyn oo dhan u samaysay, inaad waxyaalahan waaweyn oo dhan wada muujiso.
Yahweh, kwa ajili ya mtumishi wako, na kutimiza kusudi lako, umefanya hili ilikudhihirisha matendo yako makuu.
20 Rabbiyow, mid kula mid ahu ma jiro, oo adiga mooyaane Ilaah kale ma jiro, siday ahaayeen kulli wixii aannu dhegahayaga ku maqalnay oo dhammu.
Yahweh, hakuna aliye kama wewe, na hakuna Mungu zaidi yako, kama tulivyo sikia mara zote.
21 Bal quruuntee baa dunida joogta oo la mid ah dadkaaga reer binu Israa'iil, kuwaasoo adiga qudhaadu aad soo furatay inay dad kuu ahaadaan iyo inaad magac isugu yeesho waxyaalo waaweyn oo cabsi badan, markaad quruumaha ka eriday dadkaaga hortiisa, kuwaasoo aad ka soo furatay dalkii Masar?
Ni taifa gani duniani kama watu wako Israeli, ambaye wewe, Mungu, uliwaokoa kutoka Misri iliwawe watu wako, kujifanyia jina lako kwa matendo makuu na yahajabu? Uliondoa mataifa mbele za watu wako, uliye waokoa kutoka Misri.
22 Waayo, dadkaaga reer binu Israa'iil waxaad ka dhigtay inay dadkaaga ahaadaan weligood, oo Ilaahood baad noqotay, Rabbiyow.
Ulifanya Israeli watu wako milele, na wewe, Yahweh, ukawa Mungu wao.
23 Haddaba Rabbow, eraygii aad ku hadashay oo igu saabsanaa anoo addoonkaaga ah, oo ku saabsanaa reerkayga, weligaa adkee oo sidaad ku hadashay yeel.
Hivyo sasa, Yahweh, ile ahadi uliyo iweka kuhusu mtumishi wako na nyumba yake itimizwe milele. Fanya kama ulivyo nena.
24 Oo magacaaguna ha xoogaysto oo ha weynaado weligiis, hana la yidhaahdo, Rabbiga ciidammadu waa Ilaaha reer binu Israa'iil, isagu wuxuu Ilaah u yahay reer binu Israa'iil, oo anoo addoonkaaga Daa'uud ah reerkaygu hortaaduu ku dhisan yahay.
Jina lako na litukuzwe milele na kuwa kuu, ili watu waseme, 'Yahweh wa majeshi ni Mungu wa Israeli,' na nyumba yangu, mimi Daudi, mtumishi wako ikiwa imeimarishwa mbele zako.
25 Waayo, Ilaahayow, anoo addoonkaaga ah wax baad ii muujisay, oo waxaad igu tidhi, Reer baan kuu dhisi doonaa, sidaas daraaddeed waan ku dhiirranahay inaan baryadan hortaada kugu baryo.
Kwa kuwa wewe, Mungu wangu, umedhihirisha kwa mtumishi wako utamjengea nyumba. Hiyo ndio sababu, mimi mtumishi wako, nimepata ujasiri wa kuomba kwako.
26 Haddaba Rabbiyow, adigu waxaad tahay Ilaah, oo waxan wanaagsan baad ii ballanqaadday, anoo addoonkaaga ah,
Sasa, Yahweh, wewe ni Mungu, na umefanya hii ahadi nzuri kwa mtumishi wako:
27 oo waxaad ku faraxday inaad barakaysid reerkayga anoo addoonkaaga ah, inuu weligiisba hortaada ku sii raago, waayo, Rabbiyow, adigu waad barakaysay, oo wuu barakaysan yahay weligiis.
Sasa imekupendeza kubariki nyumba ya mtumishi wako, iliiendelee milele mbele zako. Wewe, Yahweh, umeibariki, na itabarikiwa milele.”

< Taariikhdii Kowaad 17 >