< Taariikhdii Kowaad 16 >

1 Oo iyana sanduuqii Ilaah gudahay soo geliyeen, oo dhex dhigeen teendhadii Daa'uud u dhisay, oo waxay Ilaah hortiisa ku bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.
人々神の契約の櫃を舁いりて之をダビデがその爲に張たる幕屋の中に置ゑ而して燔祭と酬恩祭を神の前に献げたり
2 Oo Daa'uudna markuu dhammeeyey qurbaankii la gubayay iyo qurbaannadii nabaadiinada ee uu bixinayay ayuu dadkii ugu duceeyey magicii Rabbiga.
ダビデ燔祭と酬恩祭を献ぐることを終しかばヱホバの名をもて民を祝し
3 Oo markaasuu reer binu Israa'iil oo dhan, nin iyo naagba, mid kasta siiyey xabbad kibis ah, iyo cad hilib ah, iyo fud sabiib ah.
イスラエルの衆庶に男にも女にも都てパン一箇肉一片乾葡萄一塊を分ち與へたり
4 Oo kuwii reer Laawi qaarkoodna wuxuu u doortay inay ka adeegaan sanduuqa Rabbiga hortiisa, iyo inay xusuustaan oo ku mahadnaqaan oo ammaanaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil,
ダビデまたレビ人を立てヱホバの契約の櫃の前にて職事をなさしめ又イスラエルの神ヱホバを崇め讃めかつ頌へしめたり
5 kuwaasoo ahaa Aasaaf oo kii kowaad ahaa, iyo Sekaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yecii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Matityaah, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo haysan jiray shareerado iyo kataarado, oo Aasaafna wuxuu aad uga dhawaajin jiray suxuun laysku garaaco.
伶長はアサフその次はゼカリヤ、ヱイエル、セミラモテ、ヱヒエル、マツタテヤ、エリアブ、ベナヤ、オベデエドム、ヱイエルこれは瑟と琴とを弾じアサフは鐃鈸を打鳴し
6 Oo Benaayaah iyo Yaxasii'eel oo wadaaddo ahaana turumbooyin ayay had iyo goorba ku haysan jireen sanduuqii axdiga Ilaah hortiisa.
また祭司ベナヤとヤハジエルは喇叭をとりて恒に神の契約の櫃の前に侍れり
7 Oo maalintaas ayaa Daa'uud markii ugu horraysay ku amray inay Aasaaf iyo walaalihiis Rabbiga ku mahadnaqaan.
當日ダビデ始めてアサフとその兄弟等を立てヱホバを頌へしめたり其言に云く
8 Rabbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.
ヱホバに感謝しその名をよびその作たまへることをもろもろの民輩の中にしらしめよ
9 Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.
ヱホバにむかひてうたへヱホバを讃うたへそのもろもろの奇しき跡をかたれ
10 Ku faana magiciisa quduuska ah, Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.
そのきよき名をほこれヱホバをたづぬるものの心はよろこぶべし
11 Rabbiga iyo xooggiisa doondoona, Oo weligiinba wejigiisa doondoona.
ヱホバとその能力とをたづねよ恒にその聖顔をたづねよ
12 Xusuusta shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey, Iyo cajaa'ibyadiisii iyo xukummadii afkiisa,
その僕イスラエルの裔よヤコダの子輩よそのえらびたまひし所のものよそのなしたまへる奇しき跡とその異事とその口のさばきとを心にとむれ
13 Kuwiinna farcanka addoonkiisii Israa'iilow, Kuwiisa uu doortay oo reer Yacquub ahow.
その僕イスラエルの裔よヤコダの子輩よそのえらびたまひし所のものよそのなしたまへる奇しき跡とその異事とその口のさばきとを心にとむれ
14 Isagu waa Rabbiga Ilaaheenna ah, Xukummadiisiina waxay ku jiraan dhulka oo dhan.
彼はわれらの神ヱホバなりそのおほくの審判は全地にあり
15 Bal idinku weligiin xusuusta axdigiisa, Kaasoo ah hadalkiisii uu dadkii kun qarni ku amray;
なんぢらたえずその契約をこころに記よ此はよろづ代に命じたまひし聖言なり
16 Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay, Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,
アブラハムとむすびたまひし契約イサクに與へたまひし誓なり
17 Oo isla kaas wuxuu u adkeeyey oo qaynuun uga dhigay Yacquub, Oo Israa'iilna wuxuu uga dhigay axdi weligiis jiraya,
之をかたくしヤコブのために律法となしイスラエルのためにとこしへの契約となして
18 Oo wuxuu ku yidhi, Dalka Kancaan waxaan kuu siinayaa Inuu ahaado qaybtii dhaxalkiinna,
言たまひけるは我なんぢにカナンの地をたまひてなんぢらの嗣業の分となさん
19 Markaad dad tiro yar ahaydeen, Oo aad aad u yaraydeen, qariibna dalka ku ahaydeen.
この時なんぢらの數おほからず甚すくなくしてかしこにて旅人となり
20 Oo iyaguna quruunba quruun bay uga baxeen. Oo intay boqortooyo ka tageen ayay dad kale u gudbeen.
この國よりかの國にゆきこの國よりほかの民にゆけり
21 Isagu ninna uma oggolaanin inuu wax yeelo, Haah, oo daraaddood ayuu boqorro u canaantay,
人のかれらを虐ぐるをゆるしたまはずかれらの故によりて王たちを懲しめて
22 Oo wuxuu ku yidhi, Ha taabanina kuwayga subkan, Oo nebiyadaydana waxba ha yeelina.
宣給くわが受膏者たちにふるるなかれわが預言者たちをそこなふなかれ
23 Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya, Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin.
全地よヱホバにむかひて謳へ日ごとにその拯救をのべつたへよ
24 Ammaantiisana quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulladiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.
もろもろの國のなかにその榮光をあらはしもろもろの民のなかにその奇しきみわざを顯すべし
25 Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano, Isaga waa in laga cabsado in ka sii badan ilaahyada oo dhan.
そはヱホバはおほいなり大にほめたたふべきものなりまたもろもろの神にまさりて畏るべきものなり
26 Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo, Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.
もろもろの民のすべての神はことごとく虚しされどヱホはもろもろの天をつくりたまへり
27 Sharaf iyo haybaduba hortiisay yaalliin, Xoog iyo farxaduna meeshiisay ku jiraan.
尊貴と稜威とはその前にあり能とよろこびとはその聖所にあり
28 Dadka qolooyinkiisow, Rabbiga ammaana, Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaan iyo xoog.
もろもろのたみの諸族よ榮光とちからとをヱホバにあたへよヱホバにあたへよ
29 Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaanta magiciisu mudan yahay, Qurbaan u keena, oo hortiisa kaalaya, Rabbiga ku caabuda quruxda quduusnimada,
その聖名にかなふ榮光をもてヱホバにあたへ献物をたづさへて其前にきたれきよき美はしき物をもてヱホバを拝め
30 Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira. Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin.
全地よその前にをののけ世界もかたくたちて動かさるることなし
31 Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo, Oo quruumaha dhexdooda ha laga yidhaahdo, Rabbigu waa boqor.
天はよろこび地はたのしむべしもろもろの國のなかにいへヱホバは統治たまふ
32 Badda iyo waxa ka buuxaba ha guuxeen, Berriga iyo waxa ku jira oo dhammuna ha farxeen,
海とそのなかに盈るものとはなりどよみ田畑とその中のすべての物とはよろこぶべし
33 Oo markaasay dhirta duurka Rabbiga hortiisa ku gabyi doonaan farxad daraaddeed, Waayo, isagu waa u imanayaa inuu dhulka xukumo.
かくて林のもろもろの樹もまたヱホバの前によろこびうたはんヱホバ地をさばかんとて來りたまふ
34 Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna way sii waartaa weligeedba.
ヱホバに感謝せよそのめぐみはふかくその憐憫はかぎりなし
35 Oo waxaad tidhaahdaan, Ilaaha badbaadadayadow, Na badbaadi, Oo na soo wada ururi oo quruumahana naga samatabbixi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.
汝ら言へ我らの拯救の神よ我らを救ひ我らを取り集め列邦のなかより救ひいだしたまへ我らは聖名に謝しなんぢのほむべき事をほこらん
36 Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, Tan iyo weligiis iyo weligiisba. Markaasaa dadkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Aamiin, oo Rabbigay ammaaneen.
イスラエルの神ヱホバは窮なきより窮なきまでほむべきかなすべての民はアーメンととなへてヱホバを讃稱へたり
37 Kolkaasuu halkaas sanduuqii axdiga Rabbiga hortiisa kaga tegey Aasaaf iyo walaalihiis inay had iyo goor ka adeegaan sanduuqa hortiisa sidii maalin walba shuqulkeeda loo doonayay,
ダビデはアサフとその兄弟等をヱホバの契約の櫃の前に留めおきて契約の櫃の前に常に侍りて日々の事を執行なはせたり
38 isaga iyo Cobeed Edoom oo ay la jiraan siddeed iyo lixdan nin oo walaalahood ah, oo weliba Cobeed Edoom oo ahaa ina Yeduutuun iyo Xosaahna wuxuu uga tegey inay ahaadaan iridjoogayaal.
オベデエドムとその兄弟等は合せて六十八人またヱドトンの子なるオベデエドムおよびホサは司門たり
39 Oo wadaadkii Saadooq iyo wadaaddadii walaalihiis ahaana wuxuu kaga hor tegey taambuuggii Rabbiga oo ku yiil meeshii sare oo Gibecoon,
祭司ザドクおよびその兄弟たる祭司等はギベオンなる崇邱においてヱホバの天幕の前に侍り
40 in had iyo goor subax iyo habeenba meeshii qurbaanka la gubo ay Rabbiga ugu dul bixiyaan qurbaanno la gubo kuwaasoo ahaa sidii dhammaan waxa ku qoran sharciga Rabbiga, oo uu reer binu Israa'iil ku amray.
燔祭の壇の上にて朝夕斷ず燔祭をヱホバに献げ且ヱホバがイスラエルに命じたまひし律法に記されたる諸の事を行へり
41 Oo wuxuu kaloo la reebay Heemaan iyo Yeduutuun iyo kuwii kaloo la doortay oo loo magacaabay inay Rabbiga ku mahadnaqaan, maxaa yeelay, naxariistiisu weligeedba way waartaa.
またヘマン、ヱドトンおよびその餘の選ばれて名を記されたる者等彼らとともにありてヱホバの恩寵の世々限なきを讃まつれり
42 Oo waxaa iyaga la jiray Heemaan iyo Yeduutuun oo haystay turumbooyin iyo suxuun laysku garaaco oo ay leeyihiin kuwa aad wax uga dhawaajiya, iyo alaabtii lagu qaadi jiray gabayadii Ilaah, oo ilma Yeduutuunna wuxuu kaga tegey inay iridda joogaan.
即ちヘマンおよびヱドトンかれらとともに居て喇叭鐃鈸など神の樂器を操て樂を奏せり又ヱドトンの子等は門を守れり
43 Markaasaa dadkii oo dhan qof waluba gurigiisii tegey, oo Daa'uudna wuxuu u noqday inuu reerkiisii u duceeyo aawadeed.
かくて民みな各々その家にかへれり又ダビデはその家族を祝せんとて還りゆけり

< Taariikhdii Kowaad 16 >