< Taariikhdii Kowaad 15 >

1 Markaasaa Daa'uud wuxuu magaaladii Daa'uud ka dhistay guryo, oo sanduuqii Ilaahna meel buu u hagaajiyey, teendhona buu u dhisay.
Bayan Dawuda ya yi gine-gine wa kansa a Birnin Dawuda, sai ya shirya wuri domin akwatin alkawarin Allah, ya kuma kafa tenti dominsa.
2 Markaasaa Daa'uud yidhi, Waa inaan ninna qaadin sanduuqa Ilaah reer Laawi mooyaane, waayo, Rabbigu iyaguu u doortay inay qaadaan sanduuqa Ilaah, iyo inay isaga u adeegaan weligood.
Sa’an nan Dawuda ya ce, “Babu wani sai ko Lawiyawa kaɗai za su ɗauka akwatin alkawarin Allah, gama Ubangiji ya zaɓe su su ɗauka akwatin alkawarin Ubangiji su kuma yi hidima a gabansa har abada.”
3 Oo Daa'uud reer binu Israa'iil oo dhan wuxuu ku soo wada ururiyey Yeruusaalem in sanduuqii Rabbiga la keeno meeshiisii uu u hagaajiyey.
Dawuda ya tattara dukan Isra’ila a Urushalima don su haura da akwatin alkawarin Ubangiji zuwa wurin da aka shirya dominsa.
4 Oo haddana Daa'uud wuxuu soo wada ururiyey reer Haaruun iyo reer Laawi.
Ya tattara zuriyar Haruna a wuri ɗaya da kuma Lawiyawa.
5 Kuwii reer Qohaad waxay ahaayeen Uurii'eel oo madax ahaa, iyo walaalihiis oo ahaa boqol iyo labaatan nin,
Daga zuriyar Kohat, Uriyel shugaba da dangi 120;
6 kuwii reer Meraariina, Casaayaah oo madax ahaa, iyo laba boqol iyo labaatan nin oo walaalihiis ahaa,
daga zuriyar Merari Asahiya shugaba da dangi 220;
7 kuwii reer Gershoomna, Yoo'eel oo madax ahaa, iyo boqol iyo soddon nin oo walaalihiis ahaa,
daga zuriyar Gershom, Yowel shugaba da dangi 130;
8 kuwii reer Eliisaafaanna, Shemacyaah oo madax ahaa, iyo laba boqol oo nin oo walaalihiis ahaa,
daga zuriyar Elizafan, Shemahiya shugaba da dangi 200;
9 kuwii reer Xebroonna, Elii'eel oo madax ahaa, iyo siddeetan nin oo walaalihiis ahaa,
daga zuriyar Hebron, Eliyel shugaba da dangi 80;
10 kuwii reer Cusii'eelna, Cammiinaadaab oo madax ahaa, iyo boqol iyo laba iyo toban nin oo walaalihiis ahaa.
daga zuriyar Uzziyel, Amminadab shugaba da dangi 112.
11 Markaasaa Daa'uud u yeedhay Saadooq iyo Aabyaataar oo wadaaddada ahaa, iyo kuwii reer Laawi oo ahaa Uurii'eel, iyo Casaayaah, iyo Yoo'eel, iyo Shemacyaah, iyo Elii'eel, iyo Cammiinaadaab,
Sa’an nan Dawuda ya kira Zadok da Abiyatar, firistoci, tare da Uriyel, Asahiya, Yowel, Shemahiya, Eliyel da Amminadab, Lawiyawa.
12 oo wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin madaxdii qolooyinka reer Laawi, haddaba idinka iyo walaalihiinba isdaahiriya si aad sanduuqii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ugu soo qaaddaan meeshii aan u hagaajiyey.
Ya ce musu, “Ku ne kawunan iyalan Lawiyawa; ku da’yan’uwanku Lawiyawa, sai ku tsarkake kanku ku hauro da akwatin alkawarin Ubangiji, Allah na Isra’ila, zuwa wurin da na shirya dominsa.
13 Maxaa yeelay, indinku markii hore ma aydnaan qaadin, oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaaheenna ahu degdeg inoogu qabtay, waayo, sidii qaynuunku ahaa wax kuma aynan weyddiin.
Domin ku, Lawiyawa ba ku haura da shi da farko ba ne ya sa Ubangiji Allahnmu ya husata a kanmu. Ba mu tambaye shi game da yadda za mu yi shi a hanyar da aka ƙayyade ba.”
14 Haddaba sidaas daraaddeed ayaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi isdaahiriyeen inay soo qaadaan sanduuqii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
Saboda haka firistoci da Lawiyawa suka tsarkake kansu don su hauro da akwatin alkawarin Ubangiji, Allah na Isra’ila.
15 Markaasaa reer Laawi garbaha ku qaadeen sanduuqii Ilaah iyagoo ulihiisii ku sida, sidii Muuse amray oo uu eraygii Rabbigu ahaa.
Sai Lawiyawa suka ɗauki akwatin alkawarin Allah da sanduna a kafaɗunsu, kamar yadda Musa ya umarta bisa ga maganar Ubangiji.
16 Markaasaa Daa'uud madaxdii reer Laawi ku yidhi, Walaalihiin rag ka dhex doorta inay ahaadaan niman gabayaa ah oo sita alaabtii muusikada, oo ah shareerado, iyo kataarado, iyo suxuun laysku garaaco, oo aad ha uga dhawaajiyeen oo farxad aawadeed codka kor ha u qaadeen.
Dawuda ya faɗa wa shugabannin Lawiyawa su sa’yan’uwansu su zama mawaƙa don su rera waƙoƙi masu farin ciki, da kayayyakin bushe-bushe, da kaɗe-kaɗe, molaye, garayu da ganguna.
17 Sidaas daraaddeed reer Laawi waxay doorteen Heemaan oo ahaa ina Yoo'eel iyo walaalihiis oo ahaa Aasaaf ina Berekyaah, oo walaalahood reer Meraariina waxay ka doorteen Eetaan ina Quushaayaah,
Saboda haka Lawiyawa suka zaɓi Heman ɗan Yowel, da Asaf ɗan Berekiya daga cikin’yan’uwansu. Daga iyalin Merari kuma aka zaɓi Etan ɗan Kushahiya.
18 oo iyaga waxaa la jiray walaalahood oo ahaa darajadii labaad, waxayna ahaayeen Sekaryaah, iyo Been, iyo Yacasii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Cunnii, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Macaseeyaah, iyo Matityaah, iyo Eliifeleehuu, iyo Miqneeyaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo dhammaantood wada ahaa iridjoogayaal.
Tare da su kuma’yan’uwansa da suke biye bisa ga matsayi. Wato, Zakariya, Ya’aziyel, Shemiramot, Yehiyel, Unni, Eliyab, Ben, Ma’asehiya, Mattitiya, Elifelehu, Miknehiya, Obed-Edom da Yehiyel, matsaran ƙofofi.
19 Sidaas daraaddeed kuwii gabayaagii ahaa oo ahaa Heemaan, iyo Aasaaf, iyo Eetaan waxay siteen suxuun naxaas ah oo laysku garaaco si ay aad ugaga dhawaajiyaan,
Mawaƙan nan Heman, Asaf da Etan, ne za su buga kugen tagulla.
20 oo Sekaryaah, iyo Casii'eel, iyo Shemiiraamood iyo Yexii'eel, iyo Cunnii, iyo Elii'aab, iyo Macaseeyaah, iyo Benaayaahna waxay siteen shareerado si ay ugu dhuftaan wax Calaamood lagu luuqeeyo,
Zakariya, Aziyel, Shemiramot, Yehiyel, Unni, Eliyab, Ma’asehiya da Benahiya, ne za su kaɗa molaye masu murya sama-sama, bisa ga alamot.
21 oo Matityaah, iyo Eliifeleehuu, iyo Miqneeyaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel, iyo Casasyaahna waxay siteen kataarado ay ku hoggaamiyaan wax Shemiiniid lagu luuqeeyo.
Mattitiya, Elifelehu, Miknehiya, Obed-Edom, Yehiyel da Azaziya, ne za su ja garayu masu murya ƙasa-ƙasa bisa ga sheminit.
22 Oo Kenanyaah oo madax u ahaa reer Laawina wuxuu u sarreeyey gabaygii, oo isagu wuxuu dadkii wax ka baray gabaygii, maxaa yeelay, aad buu u yiqiin.
Kenaniya, shugaban Lawiyawa, shi ne mai bi da waƙoƙi. Wannan hakkinsa ne, gama shi gwani ne a wannan fanni.
23 Oo Berekyaah iyo Elqaanaahna waxay iridjoogayaal u ahaayeen sanduuqii.
Berekiya da Elkana, ne za su zama masu lura da ƙofofi domin akwatin alkawarin.
24 Oo wadaaddadii ahaa Shebanyaah, iyo Yehooshaafaad, iyo Netaneel, iyo Camaasay, iyo Sekaryaah, iyo Benaayaah, iyo Eliiceserna turumbooyin ayay ku hor afuufayeen sanduuqii Ilaah, oo Cobeed Edoom iyo Yexiyaahna iridjoogayaal ayay sanduuqii u ahaayeen.
Shebaniya, Yoshafat, Netanel, Amasai, Zakariya, Benahiya da Eliyezer firistoci, su ne za su busa ƙahoni a gaban akwatin alkawarin Allah. Obed-Edom da Yehiya su ma za su zama masu lura da ƙofofi domin akwatin alkawarin.
25 Sidaas daraaddeed Daa'uud iyo odayaashii reer binu Israa'iil iyo kuwii kun kun u taliyeyba waxay u tageen inay sanduuqii axdiga Rabbiga ka soo qaadaan gurigii Cobeed Edoom iyagoo faraxsan.
Sai Dawuda da dattawan Isra’ila da shugabannin ƙungiyoyi dubu suka haura don su kawo akwatin alkawarin Ubangiji daga gidan Obed-Edom, da farin ciki.
26 Oo markii Ilaah caawiyey kuwii reer Laawi oo qaaday sanduuqii axdiga Rabbiga ayay toddoba dibi iyo toddoba wan ku allabaryeen.
Domin Allah ya taimaki Lawiyawan da suke ɗaukar akwatin alkawarin Ubangiji, aka miƙa hadayar bijimai bakwai da raguna bakwai.
27 Oo Daa'uudna wuxuu xidhnaa dhar aad u wanaagsan, isaga iyo kuwii reer Laawi oo sanduuqa qaaday oo dhan, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo Kenanyaah oo ahaa madaxdii gabayga oo la jiray nimankii gabayaaga ahaa, oo Daa'uudna wuxuu qabay eefod maro wanaagsan ah.
To, fa, Dawuda yana saye da kyakkyawar rigar lilin, kamar yadda dukan Lawiyawa waɗanda suke ɗaukar akwatin alkawarin suka sa, da kuma yadda mawaƙa, da Kenaniya, wanda yake bi da waƙar mawaƙan ya sa. Dawuda kuma ya sa efod lilin.
28 Haddaba reer binu Israa'iil oo dhammu saasay u soo qaadeen sanduuqii axdiga Rabbiga iyagoo dhawaaqaya, oo afuufaya buun iyo turumbooyin, oo ka dhawaajinaya suxuun laysku garaaco, iyo shareerado iyo kataarado.
Sai dukan Isra’ila suka kawo akwatin alkawarin Ubangiji da sowa, da ƙarar ƙahonin raguna da busan ƙahoni, da na ganguna, suna kuma kaɗa molaye da garayu.
29 Oo markii sanduuqii axdiga Rabbigu uu magaaladii Daa'uud imanayay ayay Miikaal oo ahayd ina Saa'uul daaqadda ka eegtay, oo kolkay aragtay Boqor Daa'uud oo cayaaraya ayay qalbiga ka quudhsatay.
Yayinda akwatin alkawarin Ubangiji yake shiga Birnin Dawuda, Mikal’yar Shawulu ta leƙa daga taga. Sa’ad da ta ga Sarki Dawuda yana rawa yana shagali, sai ta rena masa wayo a zuciyarta.

< Taariikhdii Kowaad 15 >