< Taariikhdii Kowaad 11 >

1 Markaasaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay Daa'uud ugu soo shireen Xebroon, oo waxay ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu nahay laftaada iyo jidhkaaga.
Kisha Waisraeli wote walikuja Hebroni kwa Daudi na kusema, “Angalia, sisi ni nyama na mifupa yako.
2 Waagii hore markii Saa'uul boqorka ahaa adiguu ahaa kii reer binu Israa'iil dibadda u bixin jiray oo gudaha soo gelin jiray, oo Rabbiga Ilaahaaga ahuna wuxuu kugu yidhi, Adigu waxaad quudin doontaa dadkayga reer binu Israa'iil, oo amiir baanad u ahaan doontaa dadkayga reer binu Israa'iil.
Katika wakati uliopita, Sauli alipoo kuwa mfalme juu yetu, ni wewe uliye ongoza jeshi la Israeli. Yahweh Mungu wako alisema kwako, 'utawachunga watu wangu wa Isaraeli, na utakuwa mtawala wa watu wangu wa Israeli”'.
3 Sidaas aawadeed odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay boqorkii ugu yimaadeen Xebroon, oo Daa'uudna wuxuu iyagii axdi kula dhigtay Xebroon Rabbiga hortiisa; oo iyana waxay Daa'uud u boqreen inuu ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya, siduu ahaa Eraygii Rabbiga oo uu u soo dhiibay Samuu'eel.
Kwaiyo wazee wote wa Israeli wakamjia mfalme huko Hebroni, na Daudi akafanya agano nao mbele ya Yahweh. Wakampaka mafuta Daudi kuwa mfalme wa Israeli. Kwa namna hii, neno la Yahweh lilo nenwa na Samweli likawa kweli.
4 Markaasaa Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay tageen Yeruusaalem (taasoo ah Yebuus), oo halkaasna waxaa joogay dadkii dalka degganaa oo ahaa reer Yebuus.
Daudi na Israeli yote wakaenda Yerusalemu (yani, Yebusi). Sasa Wayebusi, wakazi wa nchi, walikuwa pale.
5 Markaasaa dadkii Yebuus degganaa waxay Daa'uud ku yidhaahdeen, Adigu halkan soo geli maysid. Habase yeeshee Daa'uud waa qabsaday qalcaddii Siyoon, oo taasuna waa magaaladii Daa'uud.
Wakazi wa yebusi wakamwabia Daudi, “Hautakuja humu.” Lakini Daudi alichukuwa ngome ya Sayuni, mji wa Daudi.
6 Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Ku alla kii marka hore reer Yebuus laayaa wuxuu noqon doonaa madax iyo sirkaal. Oo waxaa markii hore baxay Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, oo isagii ayaa waxaa laga dhigay madax.
Daudi alisema, “Yeyote atakaye washambulia Wayebusi wa kwanza atakuwa mkuu wa jeshi” kwaiyo Yoabu mwana wa Zeruia akashambulia wa kwanza, hivyo akafanywa mkuu wa jeshi.
7 Oo Daa'uudna qalcaddii ayuu degay, oo sidaas daraaddeed waxaa loo bixiyey magaaladii Daa'uud.
Daudi akaanza kuishi katika hiyo ngome. Kwaiyo wakaiita mji wa Daudi.
8 Oo wuxuu dhisay magaalada hareeraheedii, iyo tan iyo Millo wareeggeeda. Oo Yoo'aabna wuxuu cusboonaysiiyey magaalada inteedii kale.
Akaimarisha mji kutoka Milo na hadi mpaka ukuta unao zunguka. Yoabu akaimairisha mji wote uliyo baki.
9 Oo Daa'uudna aad iyo aad buu u sii xoogaystay, waayo, waxaa isaga la jiray Rabbigii ciidammada.
Daudi akawa mkuu na mkuu kwa sababu Yahweh wa Majeshi alikuwa naye.
10 Haddaba kuwanu waa kuwii u horreeyey ee nimankii xoogga badnaa oo Daa'uud haystay, kuwaasoo ismuujiyey inay isaga iyo boqortooyadiisa aad iyo aad ula jiraan si ay boqor uga dhigtaan iyadoo reer binu Israa'iil oo dhammu ay la wada jiraan, siduu ahaa Eraygii Rabbiga oo reer binu Israa'iil ku saabsanaa.
Hawa walikuwa viongozi Daudi aliyo kuwa nao, waliyo jionyesha imara katika ufalme wake, pamoja na Israeli, kumfanya mfalme, kutii neno la Yahweh kuhusu Israeli.
11 Oo tanuna waa tiradii raggii xoogga badnaa oo Daa'uud haystay: Yaashaabcaam oo ahaa reer Xakmoonii oo ahaa ka ugu horreeya soddonka, isagu wuxuu warankiisa u qaaday saddex boqol oo nin, oo isku mar buuna laayay.
Hii ni orodha ya wanajeshi shupavu wa Daudi. Yashobeami, mwana wa Mhakimoni, alikuwa mkuu wa kikosi cha thelathini. Aliwaua wanaume mia tatu na mkuki wake katika sehemu moja.
12 Oo isaga dabadiisna waxaa jiray Elecaasaar ina Doodoo, oo ahaa reer Axoo'ax, oo isna wuxuu ahaa saddexdii nin oo xoogga badnaa midkood.
Baada ya yeye alikuwa Eleazari mwana wa Dodo, Mahohi, aliyekuwa mmoja wa wanaume watatu hodari.
13 Oo isagu wuxuu Daa'uud la joogay Fasdammiim, oo halkaasna waxaa dagaal ugu soo ururay reer Falastiin, meeshaas oo ahayd dhul beero ah oo shaciir ka buuxo, oo dadkiina way ka carareen reer Falastiin hortooda.
Alikuwa na Daudi huko Pasidamimu, na pale Wafilisti wakakusanyika pamoja kwa mapambano, ambapo palikuwa na uwanja wa ngano na jeshi liliwakimbia Wafilisti.
14 Oo beertii bay isdhex taageen oo daafaceen, wayna laayeen reer Falastiin, oo Rabbiguna wuxuu iyagii ku badbaadiyey guul weyn.
Walisimama katikati ya uwanja. Wakautetea na kuwakata Wafilisti na Yahweh akawaokoa na ushindi mkubwa.
15 Oo soddonkii ugu horreeyey saddex ka mid ah ayaa hoos ugu dhaadhacay dhagixii weynaa ee Daa'uud joogay, oo waxay galeen godkii Cadullaam, oo ciidankii reer Falastiinna waxay soo degeen dooxadii Refaa'iim.
Kisha watatu wa viongozi thelathini wakashuka chini kwenye mwamba wa Daudi, katika pango la Adulamu. Jeshi la Wafilisti walieka kambi katika bonde la Refaim.
16 Oo markaas Daa'uud wuxuu ku jiray dhufayskii, oo ciidankii reer Falastiin xeradooduna waxay ahayd Beytlaxam.
Kwa wakati huo Daudi alikuwa katika ngome yake, pangoni, Wafilisti walikita kambi yao Bethilehemu.
17 Oo Daa'uudna intuu biyo u xiisooday ayuu yidhi, Waxaan jeclaan lahaa in biyo layga siiyo ceelka Beytlaxam, ee iridda ku ag yaal!
Daudi alikuwa na kiu ya maji na akasema, “Laiti mtu akanipatia maji ya kunywa kutoka kisima kilicho Bethilehemu, kisima kilicho pembeni mwa lango!”
18 Markaasaa saddexdii ayaa dhex maray ciidankii reer Falastiin, oo waxay biyo ka soo dhaamiyeen ceelkii Beytlaxam ee iridda ku ag yiil, oo intay soo qaadeen ayay Daa'uud u keeneen, laakiinse Daa'uud wuu diiday inuu cabbo biyahaas, Rabbiguuse u daadshay.
Hawa wanaume hodari watatu wakatoboa kupita jeshi la Wafilisti na kuchota maji kwenye kisima cha Bethilehemu, kisima pembeni mwa lango. Wakachukuwa maji na kumletea Daudi, lakini alikataa kunywa. Badala yake, akamwaga chini kwa Yahweh.
19 Oo wuxuu yidhi, Anigu inaan saas yeelo Ilaahaygu ha ii diido, ma waxaan cabbaa dhiiggii nimankan naftooda biimeeyey? Waayo, iyagu biyahan waxay ku keeneen naftoodii oo halis ku jirta. Sidaas daraaddeed wuu diiday inuu cabbo. Oo saddexdii nin oo xoogga badnaana saasay yeeleen.
Kisha akasema, “Yahweh, iwe mbali na mimi, kwamba ni yanywe haya maji. Je ninywe damu ya wanaume walio hatarisha maisha yao?” Kwa sababu wameeka maisha ya hatarini, akakataa kunywa. Haya ni mambo wanaume hodari watatu walio fanya.
20 Oo saddexdoodana waxaa madax u ahaa Abiishay oo ahaa Yoo'aab walaalkiis, waayo, isagu wuxuu warankiisa u qaaday saddex boqol oo nin, wuuna laayay, saddexdiina magac buu ku lahaa.
Abishai kaka wa Yoabu, alikuwa kiongozi wa watatu. Alitumia mkuki wake dhidi ya watu mia tatu na kuwaua. Ametajwa pamoja na wale watatu.
21 Oo isagu labada kaleba wuu ka ciso badnaa, oo waxaa looga dhigay sirkaal, habase yeeshee saddexdii hore ma uu gaadhin.
Kati ya wale watatu, yeye alipewa heshima mara mbili na akawa kiongozi wao. Japo hakuwa mmoja wa miongoni mwao.
22 Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo uu dhalay nin xoog weyn oo reer Qabse'eel ahu, kaasoo sameeyey falimo waaweyn wuxuu dilay labadii wiil oo Arii'eel kii reer Moo'aab, oo haddana wuu tegay oo libaax buu god ku dhex dilay wakhtiga barafka,
Benaia mwana wa Yehoiada alikuwa mwanaume mwenye nguvu aliye fanya mambo makuu. Aliua wana wawili wa Arieli wa Moabu. Pia alishuka chini ya shimo na kumuua simba wakati theluji ikianguka.
23 oo wuxuu kaloo dilay nin Masri ah oo ahaa nin aad u dheer, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun, oo Masriguna wuxuu gacanta ku haystay waran le'eg dharsameeyaha looxiisa, oo isna wuxuu ula tegey ul, oo warankii ka dhufsaday gacantii Masriga, oo isagii ku dilay warankiisii.
Alimua hadi Mmisri, mwanaume mwenye mita mbili na theluthi moja. Mmisri alikuwa na mkuki kama gongo la mshonaji, lakini alimfuata chini na fimbo tu. Akakamata mkuki katika mkono wa Mmisri na kumuua na mkuki wake.
24 Oo waxyaalahan waxaa sameeyey Benaayaah oo ahaa ina Yehooyaadaac, oo isna saddexdii nin ee xoogga badnaa magac buu ku lahaa.
Benaia mwana wa Yehoiada alifanya haya matukio, na akatajwa miongoni mwa wale wanaume hodari watatu.
25 Oo bal eeg, isagu wuu ka ciso badnaa soddonka, laakiinse ma uu gaadhin saddexdii hore, oo Daa'uudna wuxuu isaga madax uga dhigay lataliyayaashiisii.
Alisifika zaidi ya wale wanajeshi thelathini kwa ujumla, lakini hakuwa pewa hadhi ya wale wanajeshi watatu hodari. Daudi alimueka kiongozi wa walinzi wake.
26 Oo weliba raggii ciidammada ku jiray oo xoogga badnaa waxay ahaayeen Casaaheel oo Yoo'aab walaalkiis ahaa, iyo Elxaanaan oo ahaa ina Doodoo oo reer Beytlaxam ahaa,
Wanaume hodari walikuwa Asaheli kaka wa Yoabu, Elhanani mwana wa Dodo wa Bethilehemu,
27 iyo Shammood oo ahaa reer Xarod, iyo Xeles oo ahaa reer Feloonii,
Shamothi Mherori, Helezi Mpeloni,
28 iyo Ciiraa ina Ciqeesh oo ahaa reer Teqooca, iyo Abiiceser oo ahaa reer Canaatood,
Ira mwana wa Ikeshi Mtekoi, Abi Eza Manathothi,
29 iyo Sibbekay oo ahaa reer Xushaad, iyo Ciilay oo ahaa reer Axoo'ax,
Sibekai Mhushathite, Ilai Mahohite,
30 iyo Maharay oo ahaa reer Netofaah, iyo Xeeled ina Bacanaah oo ahaa reer Netofaah,
Maharai Mnetofathi, Heledi mwana wa Baana Mnetofathite,
31 iyo Iitay ina Riibay oo ahaa reer Gibecaah oo qoladiisu ahayd reer Benyaamiin, iyo Benaayaah oo ahaa reer Fircaatoon,
Itai mwana wa Ribai wa Gibea uzao wa Benjamini, Benaia Mpirathoni,
32 iyo Xuuray oo ka yimid durdurradii Gacash, iyo Abii'eel oo ahaa reer Caraabaah,
Hurai wa mabonde ya Gaashi, Abieli Marbathi,
33 iyo Casmaawed oo ahaa reer Baxuuriim, iyo Elyaxbaa oo ahaa reer Shacalbiim,
Azmavethi Mbaharumi, Eliaba Mshaalboni,
34 iyo ina Haasheem oo ahaa reer Gisonii, iyo Yoonaataan ina Shaagee oo ahaa reer Haraarii,
Mwana wa Hashemu Mgizoni, Yonathani mwana wa Shagee Mhararite,
35 iyo Axiyaam oo ahaa ina Saakaar oo ahaa reer Haraarii, iyo Eliifaal oo ahaa ina Uur,
Ahiamu mwana wa Sacari Mhararite, Elifali mwana wa Uri,
36 iyo Heefer oo ahaa reer Mekeeraatii, iyo Axiiyaah oo ahaa reer Feloonii,
Hefa Mmekarathi, Ahija Mpeloni,
37 iyo Xesroo oo ahaa reer Karmel, iyo Nacaray oo ahaa ina Esbay,
Hezro Mcarmeli, Maarai mwana wa Ezibai,
38 iyo Yoo'eel oo ahaa Naataan walaalkiis, iyo Mibxaar oo ahaa ina Hagrii,
Yoeli kaka wa Nathani, Mibhari mwana wa Hagiri,
39 iyo Seleq oo ahaa reer Cammoon, iyo Naxaray oo ahaa reer Beerod, oo ahaa kii gaashaanka u qaadi jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay,
Zeleki Mamoni, Naharai Mberothi ( mbeba ngao ya Yoabu mwana wa Zeruia),
40 iyo Ciiraa oo ahaa reer Yeter, iyo Gaareeb oo ahaa reer Yeter,
Ira Mithire, Garebu Mithire,
41 iyo Uuriyaah oo ahaa reer Xeed, iyo Soobaad oo ahaa ina Axlay,
Uria Mhiti, Zabadi mwana wa Ahlai,
42 iyo Cadiinaa oo ahaa ina Shiisaa oo ahaa reer Ruubeen, oo weliba madax u ahaa reer Ruubeen iyo soddon isaga la jirtay,
Adina mwana wa Shiza Mreubeni ( kiongozi wa Wareubeni) na thelathini pamoja nae,
43 iyo Xaanaan oo ahaa ina Macakaah, iyo Yooshaafaad oo ahaa reer Mitnii,
Hanani mwana wa Maaka, na Yoshafati Mmithini,
44 iyo Cusiyaa oo ahaa reer Cashteraatii, iyo Shamac, iyo Yecii'eel oo ahaa wiilashii Xootaam oo ahaa reer Carooceer,
Uzia Mashiterathi, Shama na Yeieli wana wa Hothamu Waaroeri,
45 iyo Yediica'eel oo ahaa ina Shimrii, iyo Yooxaa oo ahaa isaga walaalkiis oo qoladoodu ahayd reer Tiisii,
Jediaeli mwana wa Shimri, Joha ( kaka yake Mtize),
46 iyo Elii'eel oo ahaa reer Maxawiim, iyo Yeriibay, iyo Yooshawiyaah oo ahaa wiilashii Elnacam, iyo Yitmaah oo ahaa reer Moo'aab,
Elieli Mmahavi, Yeribai na Yoshavia mwana wa Elnaamu, Ithima Mmoabi,
47 iyo Elii'eel, iyo Coobeed, iyo Yacasii'eel oo ahaa reer Mesobaayaah.
Elieli, Obedi, na Yaasieli Wamezobai.

< Taariikhdii Kowaad 11 >