< 1 Timoteju 1 >

1 Pavel, apostol Jezusa Kristusa po zapovedi Boga, našega Odrešenika in Gospoda Jezusa Kristusa, ki je naše upanje;
Anigoo Bawlos ah oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah amarka Ilaaha Badbaadiyeheenna ah iyo Ciise Masiix oo rajadeenna ah,
2 Timóteju, mojemu lastnemu sinu v veri: ›Milost, usmiljenje in mir od Boga, našega Očeta in Jezusa Kristusa, našega Gospoda.‹
waxaan warqaddan u qorayaa Timoteyos oo xagga iimaanka ku ah wiilkayga runta ah. Nimco iyo naxariis iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix.
3 Kakor sem te rotil, ko sem odšel v Makedonijo, da še ostaneš v Efezu, da bi lahko nekaterim naročil, da ne učijo nobenega drugega nauka,
Sidaan kugu waaniyey markaan Makedoniya tegayay ayaan haatanna kugu waaninayaa inaad Efesos sii joogtid oo aad kuwo ku amartid inayan cilmi kale dadka barin,
4 niti ne dajo pozornosti bajkam in neskončnim rodovnikom, kar prej podpira razprave, kakor [pa] bogaboječe izgrajevanje, ki je v veri. Tako delajte.
ama ayan dhegaysanin sheekooyin iyo abtirsiinyada aan dhammaadka lahayn oo keena su'aalo intay hor marin lahaayeen talada Ilaah oo rumaysadka ku jirta.
5 Torej namen zapovedi je ljubezen iz čistega srca in iz dobre vesti ter iz nehlinjene vere,
Laakiin amarka dhammaadkiisu waa jacayl ka soo baxa qalbi daahir ah iyo niyo wanaagsan iyo rumaysad aan labaweji lahayn.
6 od katere so se nekateri oddaljili in obrnili stran k praznemu blebetanju;
Waxyaalahan qaar baa seegay, oo waxay ku leexdeen hadal aan micne lahayn,
7 želeč biti učitelji postave; [pa] niti ne razumejo kaj govorijo niti o čemer zatrjujejo.
oo waxay doonayaan inay noqdaan macallimiinta sharciga in kastoo ayan garanayn waxay yidhaahdaan ama waxay ku xaqiiqeeyaan.
8 Toda mi vemo, da je postava dobra, če jo človek uporablja zakonito;
Waxaynu og nahay in sharcigu wanaagsan yahay haddii loo isticmaalo si sharciga ku qumman.
9 vedoč to, da postava ni narejena za pravičnega človeka, temveč za nepostavnega in neposlušnega, za brezbožnega in za grešnike, za nesvete in oskrunjene, za morilce očetov in morilce mater, za ubijalce,
Sidaynu u og nahay, sharciga looma samayn nin xaq ah, laakiin waxaa loo sameeyey sharcilaawayaasha, iyo caasiyiinta, iyo cibaadalaawayaasha, iyo dembilayaasha, iyo kuwa aan quduuska ahayn, iyo kuwa nijaasta ah, iyo kuwa aabbahood dila, iyo kuwa hooyadood dila, iyo gacankudhiiglayaasha,
10 za vlačugarje, za tiste, ki sebe omadežujejo z možmi, za ugrabitelje ljudi, za lažnivce, za krivoprisežnike in če je katerakoli druga stvar, ki je nasprotna zdravemu nauku;
iyo kuwa sinaysta, iyo khaniisiinta, iyo kuwa dadka xada, iyo beenlowyada, iyo kuwa beenta ku dhaarta, iyo hadday jiraan wax kaleeto oo ka gees ah cilmiga runta ah,
11 glede na slavni evangelij blagoslovljenega Boga, ki je bil zaupan mojemu varstvu.
oo ah sida injiilka ammaanta Ilaaha barakada leh oo laygu ammaaneeyey.
12 In zahvaljujem se Kristusu Jezusu, našemu Gospodu, ki me je usposobil in me postavil v službo, kajti imel me je za zvestega;
Waxaan ku mahadnaqayaa kan xoogga i siiyey oo ah Rabbigeenna Ciise Masiix, waayo, wuxuu igu tiriyey mid aamin ah intuu hawshiisa ii doortay,
13 ki sem bil prej bogokletnik in preganjalec ter škodljivec. Toda dosegel sem usmiljenje, ker sem to počel nevedno, v nejeveri.
in kastoo aan hore u ahaan jiray mid dadka caaya oo silciya, oo dhiba, laakiin waa la ii naxariistay, waayo, aqoonla'aan baan ku sameeyey, anigoo aan rumaysanayn.
14 Milost našega Gospoda pa je bila silno bogata z vero in ljubeznijo, ki je v Kristusu Jezusu.
Nimcada Rabbigeenna waxay aad iyo aad ula badatay rumaysadka iyo jacaylka ku jira Ciise Masiix.
15 To je zvest izrek in vreden popolnega sprejetja, da je Kristus Jezus prišel na svet, da reši grešnike; od katerih sem jaz vodilni.
Hadalkanu waa run, waana mid istaahila in la wada aqbalo, in Ciise Masiix dunida u yimid inuu badbaadiyo dembilayaasha anoo ah kan ugu daran.
16 Vendar sem zaradi tega razloga dosegel usmiljenje, da bi Jezus Kristus lahko vnaprej na meni pokazal vso potrpežljivost za vzor tem, ki naj bi odslej verovali vanj za večno življenje. (aiōnios g166)
Laakiin sababtaas daraaddeed waa la ii naxariistay in, anigoo ah kan ugu daran, Ciise Masiix iga muujiyo dulqaadashadiisa oo dhan, inaan masaal u noqdo kuwa hadda dabadeed isaga rumaysan doona inay nolol weligeed ah helaan. (aiōnios g166)
17 Torej Kralju, večnemu, nesmrtnemu, nevidnemu, edinemu modremu Bogu, bodi čast in slava na veke vekov. Amen. (aiōn g165)
Boqorka daa'imiska ah, oo aan dhiman karin, oo aan la arki karin, oo ah Ilaaha keligiis ah, maamuus iyo ammaanu ha u ahaadeen weligiis iyo weligiis. Aamiin. (aiōn g165)
18 To naročilo sem zaupal tebi, sin Timótej, glede na prerokbe, ki so izšle poprej o tebi, da boš po njih lahko bojeval dober boj;
Wiilkaygii Timoteyosow, waxaan kugu ammaanaynayaa amarkan oo ah sidii waxyaalihii hore laguugu sheegay, inaad iyaga dagaal wanaagsan ku dagaallantid,
19 in obdržiš vero in dobro vest; ki so jo nekateri zavrgli in glede vere storili brodolom.
adigoo haysta iimaan iyo qalbi wanaagsan. Waxyaalahaas dadka qaarkood way iska tuureen, oo waxay iimaankooda ka dhigeen sida doonni burburtay.
20 Od katerih sta Himénaj in Aleksander; ki sem ju izročil Satanu, da bi se lahko naučila ne preklinjati.
Waxaana ka mid ah Humenayos iyo Aleksanderos, oo aan Shayddaan u dhiibay si ay u bartaan inayan wax caayin.

< 1 Timoteju 1 >