< Псалтирь 32 >
1 Блажени, ихже оставишася беззакония, и ихже прикрышася греси.
Waxaa barakaysan kii xadgudubkiisa la cafiyey, oo dembigiisa la daboolay.
2 Блажен муж, емуже не вменит Господь греха, ниже есть во устех его лесть.
Waxaa barakaysan ninkii aanu Rabbigu dembi ku tirin, Oo ruuxiisa aanay khiyaano ku jirin.
3 Яко умолчах, обетшаша кости моя, от еже звати ми весь день,
Markii aan iska aamusay, lafahaygii way gaboobeen, Maxaa yeelay, maalintii oo dhan baan cabaadayay.
4 яко день и нощь отяготе на мне рука Твоя: возвратихся на страсть, егда унзе ми терн.
Waayo, habeen iyo maalinba gacantaadu way igu cuslayd, Oo qoyaankaygii wuxuu u beddelmay sidii engegga diraacda. (Selaah)
5 Беззаконие мое познах и греха моего не покрых, рех: исповем на мя беззаконие мое Господеви: и Ты оставил еси нечестие сердца моего.
Dembigaygii adigaan kuu qirtay, oo xumaantaydiina ma aan qarin, Waxaan idhi, Xadgudubkayga waxaan u qiranayaa Rabbiga, Oo adna waad iga cafiday xumaanta dembigayga. (Selaah)
6 За то помолится к Тебе всяк преподобный во время благопотребно: обаче в потопе вод многих к нему не приближатся.
Taas daraaddeed mid kastoo cibaado lahu ha ku soo baryo wakhti lagu heli karo, Hubaal markii biyaha badanu dhulka qarqiyaan, isaga sooma ay gaadhi doonaan.
7 Ты еси прибежище мое от скорби обдержащия мя: радосте моя, избави мя от обышедших мя.
Waxaad tahay meeshaan ku dhuunto, oo dhib baad iga ilaalin doontaa, Oo waxaad igu wareejin doontaa gabayadii samatabbixinta. (Selaah)
8 Вразумлю тя, и наставлю тя на путь сей, в оньже пойдеши: утвержу на тя очи Мои.
Waan ku hanuunin doonaa oo waxaan ku bari doonaa jidka aad ku socon lahayd, Oo waxaan kula talin doonaa iyadoo ay ishaydu kula jirto.
9 Не будите яко конь и меск, имже несть разума: броздами и уздою челюсти их востягнеши, не приближающихся к тебе.
Ha noqonina sida faraska ama baqalka aan garaadka lahayn, Kuwaasoo hoggaankoodu yahay xakame iyo birtiisa in lagu hayo, Haddii kalese innaba kuu soo dhowaan maayaan.
10 Многи раны грешному: уповающаго же на Господа милость обыдет.
Kii shar leh waxaa ku dhici doona waxyaalo badan oo murug leh, Laakiinse kii Rabbiga isku halleeya waxaa ku wareegsanaan doona naxariis.
11 Веселитеся о Господе и радуйтеся праведнии, и хвалитеся, вси правии сердцем.
Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa oo reyreeya, Oo inta qalbigoodu qumman yahayow, kulligiin farxad la dhawaaqa.