< 4 Мојсијева 6 >

1 Још рече Господ Мојсију говорећи:
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 Реци синовима Израиљевим, и кажи им: Кад човек или жена учини завет назирејски, да буде назиреј Господу,
Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin ama naagu galo nidar khaas ah, kaasoo ah nidarka Nadiirka, inuu Rabbiga gooni isugu sooco,
3 Нека се уздржава од вина и силовитог пића, и нека не пије оцта винског ни оцта од силовитог пића нити каквог пића од грожђа и нека не једе грожђа ни новог ни сувог.
waa inuu ka fogaadaa khamri iyo wax lagu sakhraamoba. Waa inuusan cabbin khamri khalkiis ama wax lagu sakhraamo khalkood, oo waa inuusan cabbin dheecaanka canabka, uusanna cunin canab cusub ama sabiib toona.
4 Докле год траје његово назирејство нека не једе ништа од винове лозе, ни зрна ни љуске.
Maalmaha isa-soociddiisa oo dhan waa inuusan cunin innaba wax laga sameeyey canab tan iyo inta hoose iyo diirka sare.
5 Докле траје његово назирејство, нека му бритва не пређе преко главе; докле се не наврше дани за које се учинио назиреј Господу, нека буде свет и нека оставља косу на глави својој.
Maalmaha uu nidarka isa-soociddiisa qabo oo dhan waa inaan mandiil madaxiisa la marin. Ilamaa uu dhammaystiro maalmihii uu Rabbiga goonida isugu soocay waa inuu quduus ahaadaa oo timaha madaxiisana waa inuu daystaa.
6 Докле трају дани за које се учинио назиреј Господу, нека не приступа к мртвацу.
Oo maalmaha uu Rabbiga gooni isugu sooco oo dhan waa inuusan meyd u soo dhowaan.
7 Ни за оцем својим ни за матером својом ни за братом својим ни за сестром својом, нека се за њима не скврни кад умру; јер је назирејство Бога његовог на глави његовој.
Oo waa inuusan isu nijaasayn aabbihiis ama hooyadiis ama walaalkiis ama walaashiis markay dhintaan; waayo, waxaa isaga saaran soociddii uu Ilaah isu soocay.
8 Докле год траје назирејство његово, свет је Господу.
Oo maalmaha isa-soociddiisa oo dhan ayuu quduus u yahay Rabbiga.
9 Ако ли би ко умро до њега на пречац, те би оскврнио назирејство главе његове, нека обрије главу своју у дан чишћења свог, седми дан нека је обрије.
Oo haddii nin agtiisa kedis ugu dhinto oo uu isagu nijaaseeyo madaxiisii uu gooni u soocay, markaas waa inuu madaxiisa xiiraa maalinta daahirintiisa; maalinta toddobaad waa inuu xiiraa.
10 А осми дан нека донесе две грлице или два голубића свештенику на врата шатора од састанка.
Oo maalinta siddeedaad waa inuu laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar wadaadka ugu keenaa iridda teendhada shirka.
11 И свештеник нека зготови од једног жртву за грех а од другог жртву паљеницу, и нека га очисти од оног што је згрешио код мртваца; тако ће посветити главу његову у тај дан.
Oo markaas wadaadku waa inuu mid u bixiyaa qurbaan dembi, midka kalena qurbaan la gubo, oo waa inuu isaga u kafaaro gudaa, waayo, wuu ku dembaabay meyd, oo isla maalintaas waa inuu madaxiisa quduus ka dhigaa.
12 И нека одели Господу дане назирејства свог, и донесе јагње од године за кривицу; а пређашњи дани пропадају, јер му се оскврнило назирејство.
Oo waa inuu Rabbiga gooni isugu soocaa maalmaha isa-soociddiisa oo dhan, oo waa inuu qurbaan xadgudub u keenaa wan gu jir ah, laakiinse waa inaan maalmihii hore loo tirin, maxaa yeelay, isa-soociddiisii way nijaasowday.
13 А ово је закон за назиреје: кад се наврше дани назирејства његовог, нека дође на врата шатора од састанка.
Oo kanu waa sharciga Nadiirka ku saabsan; markii maalmihii isa-soociddiisu ay dhammaystirmaan waa in isaga la keenaa iridda teendhada shirka,
14 И нека донесе за жртву Господу јагње мушко од године здраво за жртву паљеницу, и јагње женско од године здраво за грех, и овна здравог за жртву захвалну.
oo waa inuu qurbaankiisa Rabbiga u bixiyaa. Wan yar oo gu jir ah oo aan iin lahayn waa inuu qurbaan la gubo u bixiyaa, oo uu sabeen gu jir ah oo aan iin lahaynna qurbaan dembi u bixiyaa, oo wan weyn oo aan iin lahaynna qurbaanno nabaadiino u bixiyaa,
15 И котарицу хлебова пресних, колача од белог брашна замешаних с уљем, и погача пресних намазаних уљем, с даром њиховим и с наливом њиховим.
iyo dambiil ah kibis aan khamiir lahayn taasoo ah moofo ah bur saliid lagu daray iyo canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay, iyo qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ah.
16 А то ће свештеник принети пред Господом и учинити жртву за грех његов и жртву његову паљеницу.
Oo markaas wadaadku waa inuu iyaga Rabbiga hortiisa keenaa, oo waa inuu bixiyaa qurbaankiisa dembiga iyo qurbaankiisa la gubo.
17 А овна ће принети на жртву захвалну Господу с котарицом пресних хлебова; принеће свештеник и дар његов и налив његов.
Oo waa inuu Rabbiga allabari ah qurbaanno nabaadiino ugu bixiyaa wanka iyo dambiisha kibista aan khamiirka lahayn. Oo weliba wadaadku waa inuu bixiyaa qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ah.
18 Тада назиреј нека обрије главу свог назирејства на вратима шатора од састанка; и узевши косу назирејства свог нека је метне у огањ који је под жртвом захвалном.
Oo Nadiirku waa inuu madaxii isa-soociddiisa ku xiiraa iridda teendhada shirka agteeda oo markaas waa inuu qaadaa timihii madaxii isa-soociddiisa, oo waa inuu ku shubaa dabka ka hooseeya allabariga qurbaannada nabaadiinada ah.
19 И свештеник нека узме плеће кувано од овна и један колач пресан из котарице и једну погачу пресну, и нека метне на руке назиреју, пошто обрије назирејство своје.
Oo markaas wadaadku waa inuu qaadaa wanka garabkiisa karsan, oo dambiishana ha ka soo bixiyo xabbad moofo ah oo aan khamiir lahayn iyo xabbad canjeero ah oo aan khamiir lahayn, oo iyaga ha saaro gacanta Nadiirka markuu madaxii isa-soociddiisa xiiro dabadeed.
20 И свештеник нека обрће те ствари на жртву обртану пред Господом; то је светиња, која припада свештенику осим груди обртаних и плећа подигнутог; а после тога назиреј може пити вино.
Oo wadaadku waa inuu ruxruxaa iyaga inay ahaadaan qurbaan lagu ruxruxo Rabbiga hortiisa. Intaasu waa u quduus wadaadka oo sakaarka la ruxruxo iyo bowdada sare loo qaadona way raacaan, oo markaas dabadeed Nadiirku khamri wuu cabbi karaa.
21 То је закон за назиреја који се заветује, и то је принос његов Господу за назирејство његово, осим оног што би више могао учинити; какав му буде завет којим се заветује, тако нека учини осим закона свог назирејства.
Kaasu waa sharciga Nadiirkii nidar gala, iyo qurbaankiisa uu Rabbiga ugu bixiyo isa-soociddiisa, iyo weliba wixii uu isagu heli karo; oo isagu siduu nidarkiisa u nidray waa inuu u sameeyaa, sidii sharciga isa-soociddiisa.
22 Још рече Господ Мојсију говорећи:
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
23 Реци Арону и синовима његовим и кажи: Овако благосиљајте синове Израиљеве говорећи им:
Haaruun iyo wiilashiisa la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Idinku waa inaad sidan reer binu Israa'iil ugu ducaysaan, oo waxaad midkood kasta ku tidhaahdaan,
24 Да те благослови Господ и да те чува!
Rabbigu ha ku barakeeyo, oo ha ku dhawro.
25 Да те обасја Господ лицем својим и буде ти милостив!
Rabbigu wejigiisa ha kugu iftiimiyo, oo ha kuu roonaado.
26 Да Господ обрати лице своје к теби и даде ти мир!
Rabbigu jaahiisa kor ha kuugu qaado, oo nabadna ha ku siiyo.
27 И нека призивају име моје на синове Израиљеве, и ја ћу их благословити.
Oo sidaas waa inay magacayga u saaraan reer binu Israa'iil, oo anna iyaga waan barakayn doonaa.

< 4 Мојсијева 6 >