< Матеј 19 >

1 И кад сврши Исус речи ове, отиде из Галилеје, и дође у околине јудејске преко Јордана.
Waxaa dhacay in, goortuu Ciise hadalladan dhammeeyey, uu Galili ka tegey, oo wuxuu yimid soohdimaha Yahuudiya, oo Webi Urdun ka shisheeya.
2 И за Њим идоше људи многи и исцели их онде.
Waxaana soo raacay dad aad u badan, oo halkaas ayuu ku bogsiiyey iyaga.
3 И приступише к Њему фарисеји да Га кушају, и рекоше Му: Може ли човек пустити жену своју за сваку кривицу?
Markaasaa Farrisiintii u timid, iyagoo jirrabaya, oo waxay ku yidhaahdeen, Ma xalaal baa in nin sabab kasta naagtiisa ku furo?
4 А Он одговарајући рече им: Нисте ли читали да је Онај који је у почетку створио човека мужа и жену створио их?
Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin, Kii bilowgii uumay iyaga wuxuu ka dhigay lab iyo dhaddig,
5 И рече: Зато оставиће човек оца свог и матер, и прилепиће се к жени својој, и биће двоје једно тело.
oo wuxuu yidhi, Sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa, oo labaduba waxay noqonayaan isku jidh?
6 Тако нису више двоје, него једно тело; а шта је Бог саставио човек да не раставља.
Sidaa darteed haatan iyagu laba ma aha, laakiin waa isku jidh. Haddaba wixii Ilaah isku xidhay, ninna yaanu kala furin.
7 Рекоше Му: Зашто дакле Мојсије заповеда да се да књига распусна, и да се пусти?
Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Haddaba Muuse muxuu u amray in warqaddii furniinta iyada la siiyo oo la furo?
8 Рече им: Мојсије је вама допустио по тврђи вашег срца пуштати своје жене; а из почетка није било тако.
Wuxuu ku yidhi, Maxaa yeelay, Muuse wuxuu idiinku fasaxay inaad naagihiinna furtaan qalbi engegnaantiinna aawadeed, laakiin bilowgii sidaas ma ay ahayn.
9 Него ја вама кажем: Ако ко пусти своју жену, осим за курварство, и ожени се другом, чини прељубу; и који узме пуштеницу чини прељубу.
Waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii naagtiisa ku fura wax aan sino ahayn, oo mid kale guursadaa, wuu sinaystaa. Oo kii guursada tii la furay wuu sinaystaa.
10 Рекоше Му ученици Његови: Ако је тако човеку са женом, није се добро женити.
Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Haddii nin xaalkiisu sidan yahay xagga naagtiisa, in la guursadaaba ma wanaagsana.
11 А Он рече им: Не могу сви примити те речи до они којима је дано.
Laakiin wuxuu ku yidhi, Dadka oo dhammu ereygan ma wada aqbali karaan, kuwii la siiyey mooyaane.
12 Јер има ушкопљеника који су се тако родили из утробе материне; а има ушкопљеника које су људи ушкопили; а има ушкопљеника који су сами себе ушкопили царства ради небеског. Ко може примити нека прими.
Waayo, waxaa jira bohommo sidaas kaga dhashay uurkii hooyadood, oo waxaa jira bohommo dadku dhufaanay, oo waxaa jira bohommo isaga dhigay bohommo boqortooyada jannada aawadeed. Kii hadalkan aqbali karaa, ha aqbalo.
13 Тада приведоше к Њему децу да метне руке на њих, и да се помоли Богу; а ученици забрањиваху им.
Markaasaa ilmo yaryar loo keenay inuu gacmiihiisa saaro oo uu u duceeyo, laakiin xertii ayaa canaanatay.
14 А Исус рече: Оставите децу и не забрањујте им долазити к мени; јер је таквих царство небеско.
Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ilmaha daaya oo ha u diidina inay ii yimaadaan, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada jannada.
15 И метнувши на њих руке отиде оданде.
Gacmihiisa ayuu saaray iyaga, markaasuu meeshaas ka tegey.
16 И гле, неко приступивши рече Му: Учитељу благи! Какво ћу добро да учиним да имам живот вечни? (aiōnios g166)
Oo mid baa intuu yimid ku yidhi, Macallin wanaagsanow, maxaa wanaagsan oo aan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah helo? (aiōnios g166)
17 А Он рече му: Што ме зовеш благим? Нико није благ осим једног Бога. А ако желиш ући у живот, држи заповести.
Wuxuu ku yidhi, Maxaad wax iiga weyddiinaysaa wanaagga? Waxaa jira mid wanaagsan. Haddaad doonaysid inaad nolosha gashid, qaynuunnada dhawr.
18 Рече Му: Које? А Исус рече: Да не убијеш; не чиниш прељубе; не украдеш; не сведочиш лажно;
Wuxuu ku yidhi, Kuwee? Ciise ayaa ku yidhi, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad sinaysan, Wan inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin.
19 Поштуј оца и матер; и љуби ближњег свог као самог себе.
Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay.
20 Рече Му младић: Све сам ово сачувао од младости своје; шта ми још треба?
Ninkii dhallinyarada ahaa ayaa ku yidhi, Kuwaas oo dhan ayaan dhawray. Maxaa weli ii dhiman?
21 Рече му Исус: Ако хоћеш савршен да будеш, иди и продај све што имаш и подај сиромасима; и имаћеш благо на небу; па хајде за мном.
Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad doonaysid inaad samaatid, tag oo iibi waxaad haysatid, oo masaakiinta sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac.
22 А кад чу младић реч, отиде жалостан; јер беше врло богат.
Ninkii dhallinyarada ahaa goortuu hadalkaas maqlay ayuu baxay isagoo calool xun, waayo, wuxuu ahaa mid waxyaalo badan leh.
23 А Исус рече ученицима својим: Заиста вам кажем да је тешко богатоме ући у царство небеско.
Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Nin hodan ah inuu boqortooyada jannada galo waa ku adag tahay.
24 И још вам кажем: Лакше је камили проћи кроз иглене уши него ли богатоме ући у царство Божије.
Haddana waxaan idinku leeyahay, Nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeed ka duso.
25 А кад то чуше ученици, дивљаху се врло говорећи: Ко се дакле може спасити?
Xertii goortay maqleen aad bay u yaabeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Haddaba yaa badbaadi kara?
26 А Исус погледавши на њих рече им: Људима је ово немогуће, а Богу је све могуће.
Ciise intuu eegay ayuu ku yidhi, Waxanu uma suurtoobaan dadka, laakiin wax waluba waa u suurtoobaan Ilaah.
27 Тада одговори Петар и рече Му: Ето ми смо оставили све и за Тобом идемо; шта ће дакле бити нама?
Markaas Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Annagu wax walba waannu ka soo wada tagnay, waana ku raacnay. Maxaannu haddaba heli doonnaa?
28 А Исус рече им: Заиста вам кажем да ћете ви који идете за мном, у другом рођењу, кад седе Син човечији на престолу славе своје, сешћете и ви на дванаест престола и судити над дванаест колена Израиљевих.
Ciise ayaa ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Kuwiinna i soo raacay, wakhtiga cusboonaysiinta, goortii Wiilka Aadanahu carshiga ammaantiisa ku fadhiisto, idinkuna waxaad ku fadhiisan doontaan laba iyo toban carshi, idinkoo xukumaya laba-iyo-tobanka qolo oo Israa'iil.
29 И сваки, који остави куће, или браћу, или сестре, или оца, или матер, или жену, или децу, или земљу, имена мог ради, примиће сто пута онолико, и добиће живот вечни. (aiōnios g166)
Oo mid walba oo ka tegey guryo, ama walaalo, ama aabbe, ama hooyo, ama carruur, ama beero, magacayga aawadiis, wuxuu heli doonaa boqol laab, oo wuxuu dhaxli doonaa nolosha weligeed ah. (aiōnios g166)
30 Али ће многи први бити последњи и последњи први.
Kuwa badan oo hore waa dambayn doonaan, kuwa dambena waa horrayn doonaan.

< Матеј 19 >