< Књига Исуса Навина 12 >
1 А ово су цареви земаљски које побише синови Израиљеви и земљу њихову освојише с оне стране Јордана к истоку, од потока Арнона до горе Ермона и сву равницу к истоку:
Haddaba kuwanu waa boqorradii dalka, oo ay reer binu Israa'iil laayeen oo ay dalkoodii ka qaateen meel Webi Urdun ka shishaysa oo qorrax ka soo baxa ka xigta, markii laga bilaabo dooxadii Arnoon iyo tan iyo Buur Xermoon, iyo inta banka Caraabaah xagga bari ka xigta oo dhan:
2 Сион цар аморејски који стајаше у Есевону и владаше од Ароира који је на брегу потока Арнона, и од половине потока и половином Галада до потока Јавока, где је међа синова амонских;
oo waxay ahaayeen boqorkii reer Amor oo ahaa Siixon, oo degganaa Xeshboon, oo xukumi jiray Carooceer oo ku tiil dooxadii Arnoon darafteeda, iyo magaaladii ku tiil dooxadii dhexdeeda, iyo Gilecaad badhkeed, iyo tan iyo Webi Yabboq, kaasoo ku yiil soohdintii reer Cammoon,
3 И од равнице до мора хинеротског к истоку, и до мора уз поље, до мора сланог к истоку, како се иде к Ветсимоту, и с југа под гору Фазгу;
iyo bankii Caraabaah iyo tan iyo baddii Kinnered, iyo xagga bari, iyo tan iyo baddii Caraabaah, taas oo ah Badda Cusbada leh, oo bari, ee ku taal jidkii Beytyeshimood, ee xagga koonfureed, ee ka hoosaysay dhaadhacyadii Fisgaah:
4 И сусед му Ог, цар васански, који беше остао од Рафаја и сеђаше у Астароту и у Едрајину,
iyo xuduudkii Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, oo ka hadhay reer Rafaa ee Cashtarod agteeda joogay, Edrecii agteedana joogay.
5 И владаше гором Ермоном и Салхом и свим Васаном до међе гесурске и махатске, и половином Галада до међе Сиона цара есевонског.
Kaasu wuxuu xukumi jiray Buur Xermoon, iyo Salkaah, iyo Baashaan oo dhan, iyo tan iyo soohdinta reer Geshuur iyo kan reer Macakaad iyo Gilecaad badhkeed, iyo xuduudka Siixon oo boqor u ahaa Xeshboon.
6 Њих поби Мојсије слуга Господњи и синови Израиљеви; и ту земљу даде Мојсије, слуга Господњи, у наследство племену Рувимовом и племену Гадовом и половини племена Манасијиног.
Addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa iyo reer binu Israa'iil baa laayay iyagii, oo addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa ayaa reer Ruubeen iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkood hanti ahaan u siiyey.
7 А ово су цареви земаљски које поби Исус са синовима Израиљевим с оне стране Јордана к западу, од Вал-Гада у пољу ливанском па до горе Алака како се иде к Сиру; и ту земљу даде Исус племенима Израиљевим у наследство према деловима њиховим,
Oo kuwanu waa boqorradii Yashuuca iyo reer binu Israa'iil ka laayeen Webi Urdun shishadiisa xagga galbeed ka xigta, markii laga bilaaba Bacal Gaad oo ku tiil dooxadii Lubnaan iyo tan iyo Buur Xaalaaq oo kor u kacsan Seciir; oo Yashuuca wuxuu siiyey qabiilooyinkii reer binu Israa'iil, oo hanti ahaan buu ugu qaybiyey,
8 По горама и по равницама, по пољима и по долинама, и у пустињи и на јужном крају, земљу хетејску, аморејску и хананејску, ферезејску, јевејску и јевусејску:
xagga dalkii buuraha lahaa, iyo dalkii dooxooyinka ahaa, iyo bankii Caraabaah, iyo dhaadhacyadii, iyo cidladii, iyo xagga Koonfureed, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.
9 Цар јерихонски један; цар гајски до Ветиља један;
Oo waa kuwan boqorradii, boqorkii Yerixoo, iyo boqorkii Aacii tii u dhowayd Beytel,
10 Цар јерусалимски један; цар хевронски један;
iyo boqorkii Yeruusaalem, iyo boqorkii Xebroon,
11 Цар јармутски један, цар лахиски један;
iyo boqorkii Yarmuud, iyo boqorkii Laakiish,
12 Цар јеглонски један; цар гезерски један;
iyo boqorkii Cegloon, iyo boqorkii Geser,
13 Цар давирски један; цар гадерски један;
iyo boqorkii Debiir, iyo boqorkii Geder,
14 Цар орамски један; цар арадски један;
iyo boqorkii Xormaah, iyo boqorkii Caraad,
15 Цар од Ливне један; цар одоламски један;
iyo boqorkii Libnaah, iyo boqorkii Cadullaam,
16 Цар макидски један; цар ветиљски један;
iyo boqorkii Maqeedaah, iyo boqorkii Beytel,
17 Цар тифувски један; цар еферски један;
iyo boqorkii Tafuu'ax iyo boqorkii Heefer,
18 Цар афечки један; цар саронски један;
iyo boqorkii Afeeq, iyo boqorkii Lashaaroon,
19 Цар мадонски један; цар асорски један;
iyo boqorkii Maadoon, iyo boqorkii Xaasoor,
20 Цар симрон-меронски један; цар ахсавски један;
iyo boqorkii Shimroon Meroon, iyo boqorkii Akshaaf,
21 Цар танашки један; цар мегидски један;
iyo boqorkii Tacanaag, iyo boqorkii Megiddoo,
22 Цар кедески један; цар јокнеамски код Кармела један;
iyo boqorkii Qedesh, iyo boqorkii Yoqnecaam oo Karmel tiil,
23 Цар дорски у Нафат-Дору један; цар гојимски у Галгалу један;
iyo boqorkii Door oo ku tiil meesha ugu dheer Door, iyo boqorkii quruumaha degganaa Gilgaal,
24 Цар тераски један. Свега тридесет и један цар.
iyo boqorkii Tirsaah. Oo boqorradii oo dhammuna waxay ahaayeen kow iyo soddon.