< Књига пророка Јеремије 5 >
1 Прођите по улицама јерусалимским, и видите сада и разберите и потражите по улицама његовим, хоћете ли наћи човека, има ли ко да чини што је право и да тражи истину, па ћу опростити.
Bal jidadka Yeruusaalem hore iyo dib ugu orda, oo bal fiiriya, oo garta, oo meelaheeda balballaadhanna ka doondoona nin qudha oo caddaalad sameeya oo runta doondoona, oo haddaad ka heli kartaanna iyada waan cafiyi doonaa.
2 Ако и говоре: Тако да је жив Господ! Опет се криво куну.
Oo weliba in kastoo ay yidhaahdaan, Waa iga Rabbiga nool, sida xaqiiqada ah been bay ku dhaartaan.
3 Господе! Не гледају ли очи Твоје на истину! Бијеш их, али их не боли; сатиреш их, али неће да приме науке, тврђе им је лице од камена, неће да се обрате.
Rabbiyow, indhahaagu runta sow ma fiiriyaan? Iyaga wax baad ku dhufatay, laakiinse innaba kama ay xumaan, oo waad baabbi'isay, laakiinse way diideen inay edeb qaataan. Wejigoodiina waxay ka dhigeen wax dhagax ka sii adag, oo inay soo noqdaanna way diideen.
4 И ја рекох: Сиромаси су, лудо раде, јер не знају пут Господњи, закон Бога свог.
Markaasaan idhi, Sida xaqiiqada ah kuwanu waa masaakiin, oo waa nacasyo, waayo, Rabbiga jidkiisa iyo qaynuunka Ilaahooda toona garan maayaan.
5 Идем к властељима, и њима ћу говорити, јер они знају пут Господњи, закон Бога свог; али и они изломише јарам, покидаше свезе.
Waxaan u tegi doonaa ragga waaweyn, oo waan la hadli doonaa, waayo, iyagu Rabbiga jidkiisa iyo qaynuunka Ilaahooda way yaqaaniin. Laakiinse kuwanu dhammaantood harqoodkii way jebiyeen, oo xadhkihiina way kala gooyeen.
6 За то ће их побити лав из шуме, вук ће их вечерњи потрти, рис ће вребати код градова њихових, ко год изиђе из њих биће растргнут, јер је много греха њихових и силни су одмети њихови.
Oo sidaas daraaddeed waxaa iyaga dili doona libaax kaynta ka soo baxay, oo waxaa baabbi'in doonta yeyda fiideed. Oo magaalooyinkoodana waxaa gaagaatami doona shabeel, oo ku alla kii halkaas ka soo baxaba waa la kala dildillaacsan doonaa, maxaa yeelay, xadgudubyadoodu waa tiro badan yihiin, oo dibunoqoshadoodiina waa sii korodhay.
7 Како ћу ти опростити то? Синови твоји оставише мене, и куну се онима који нису богови. Како их наситих, стадоше чинити прељубу, и у кућу курвину стичу се гомилом.
Sidee baan kuu saamixi karaa? Carruurtaadii way iga tageen, oo waxay ku dhaarteen kuwa aan ilaahyo ahayn, oo markaan dherdhergiyey dabadeed ayay sinaysteen, oo iyagoo guutooyin ah ayay guryihii dhillooyinka ku soo urureen.
8 Јутром су кад устају као товни коњи, сваки рже за женом ближњег свог.
Waxay la mid noqdeen sidii fardo aroortii la barqiyey, oo midkood kastaaba wuxuu ka daba dananay naagtii deriskiisa.
9 За то ли нећу походити? Вели Господ, и душа моја неће ли се осветити таквом народу?
Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruuntii tan oo kale ah?
10 Изађите му на зидове и развалите, али немојте сасвим затрти, скините му преворнице, јер нису Господње.
Derbiyadeeda fuula oo dumiya, laakiinse ha wada baabbi'inina. Laamaheedana qaada, waayo, kuwii Rabbiga ma aha.
11 Јер ме сасвим изневери дом Израиљев и дом Јудин, вели Господ.
Waayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba khiyaano bay igula macaamiloodeen, ayaa Rabbigu leeyahay.
12 Ударише у бах Господу и рекоше: Није тако, неће нас зло задесити, и нећемо видети мача ни глади.
Rabbiga way dafireen, oo waxay yidhaahdeen, Isagu ma jiro. Masiibo nagu dhici mayso, oo seef iyo abaar midna arki mayno.
13 А ти пророци отићи ће у ветар, и речи нема у њима, њима ће бити тако.
Oo nebiyaduna dabayl bay noqon doonaan, oo eraygu iyaga kuma jiro, oo sidaasaa iyaga lagu samayn doonaa.
14 Зато овако вели Господ Господ над војскама: Кад тако говорите, ево ја ћу учинити да речи моје у устима твојим буду као огањ, а овај народ дрва, те ће их спалити.
Oo sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Erayadan aad ku hadasheen aawadood bal ogaada, ereyga afkaaga ku jira dab baan ka dhigi doonaa, oo dadkanna waxaan ka dhigi doonaa xaabo, oo isna wuu wada baabbi'in doonaa dhammaantood.
15 Гле, ја ћу довести на вас народ из далека, доме Израиљев, вели Господ, народ јак, народ стар, народ коме језика нећеш знати нити ћеш разумети шта говори;
Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, bal ogaada, quruun baan meel fog idinkaga keeni doonaa, oo taasu waa quruun xoog badan, oo waa quruun tan iyo waa hore jirtay, oo waa quruun aydaan afkeeda aqoon, oo aydaan innaba garanayn wax alla waxay yidhaahdaanba.
16 Коме је тул као гроб отворен, сви су јаки.
Gabooyahoodu waa sida qabri af bannaan, oo kulligoodna waa wada rag xoog leh.
17 И појешће летину твоју и хлеб твој, што синови твоји и кћери твоје хтеше јести, појешће овце твоје и говеда твоја, појешће винову лозу твоју и смокве твоје, и мачем ће затрти тврде градове твоје у које се уздаш.
Oo iyagu waxay dhammayn doonaan waxaad beeraha ka goosataan iyo kibistiinna, oo waxay dhammayn doonaan wiilashiinna iyo gabdhihiinna, oo waxay dhammayn doonaan adhyihiinna iyo lo'diinnaba, oo waxay dhammayn doonaan canabkiinna iyo berdihiinnaba, oo magaalooyinkiinna deyrka leh oo aad isku hallaynaysaanna seef bay la dhici doonaan.
18 Али ни тада, вели Господ, нећу вас сасвим затрти.
Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Habase ahaatee, anigu wakhtigaas idin wada baabbi'in maayo.
19 Јер кад кажете: Зашто нам чини Господ Бог наш све ово? Тада им реци: Како остависте мене и служисте туђим боговима у земљи својој, тако ћете служити туђинцима у земљи која није ваша.
Oo markay yidhaahdaan, Rabbiga Ilaahayaga ahu bal muxuu waxyaalahan oo dhan noogu sameeyey? Kolkaas waxaad ku tidhaahdaa, Sidaad Rabbiga uga tagteen, oo aad ilaahyo qalaad dalkiinna ugu dhex adeegteen, sidaas oo kalaad shisheeyayaal ugu dhex adeegi doontaan dal aan kiinna ahayn.
20 Јавите ово у дому Јаковљевом, и огласите у Јуди, говорећи:
Waxan dadka Yacquub ka dhex sheega, oo dadka Yahuudah ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan,
21 Чујте ово, луди и безумни народе, који имате очи, а не видите, који имате уши, а не чујете.
Dadka nacasyada ahu oo aan waxgarashada lahayn, oo indhaha leh laakiinse aan waxba arkin, oo dhegaha leh laakiinse aan waxba maqlinow, bal haatan waxan maqla:
22 Мене ли се нећете бојати? Вели Господ; од мене ли нећете дрхтати? Који поставих песак мору за међу вечном наредбом, и неће прећи преко ње; ако му и устају вали, неће надјачати, ако и буче, неће је прећи.
Rabbigu wuxuu leeyahay, War miyeydaan iga cabsanayn? Oo miyeydaan hortayda ku gariirayn? Waayo, anigu waxaan ahay kii cammuudda badda uga dhigay soohdinta, oo amar weligiis ah bixiyey inayan soo dhaafin, oo in kastoo ay mawjadaheedu aad u dhacaan, innaba kama ay adkaan karaan, oo in kastoo ay guuxaanna marna sooma ay dhaafi karaan.
23 Али је у народа овог срце упорно и непокорно; одступише и отидоше.
Laakiinse dadkanu waxay leeyihiin qalbi fallaagoobaya oo caasiyoobay, way fallaagoobeen oo way iska tageen.
24 Нити рекоше у срцу свом: Бојмо се Господа Бога свог, који нам даје дажд рани и позни на време, и чува нам недеље одређене за жетву.
Oo innaba qalbigooda iskama ay yidhaahdaan, War haatan aynu ka cabsanno Rabbiga Ilaaheenna ah oo roobka hore iyo kan dambeba xilligiisa ina siiya, oo toddobaadyada beergoosashada loo go'ay inoo haya.
25 Безакоња ваша одвраћају то, и греси ваши одбијају добро од вас.
Xumaatooyinkiinna ayaa waxyaalahan idinka celiyey, oo dembiyadiinna ayaa waxyaalo wanwanaagsan idinka diiday.
26 Јер се налазе у народу мом безбожници, који вребају као птичари кад се притаје, мећу замке да хватају људе.
Waayo, dadkayga dhexdiisa waxaa laga helaa niman shar ah. Waxay u gabbadaan sida kuwa wax dabta, oo intay dabin u qoolaan ayay dad qabsadaan.
27 Као крлетка пуна птица тако су куће њихове пуне преваре; зато посташе велики и обогатише.
Sida qafas shimbirro ka buuxaan oo kale ayaa guryahooda khiyaano uga buuxdaa, oo sidaas daraaddeed ayay u weynaadeen oo u taajiroobeen.
28 Угојише се, сјају се, мимоилазе зло, не чине правде ни сирочету, и опет им је добро, и не дају правице убогима.
Aad bay u buurnaadeen oo cayileen, oo xataa falimaha sharka ahna aad bay u badiyaan, ma garsooraan oo agoontana uma ay muddacaan si ay u barwaaqoobaan, oo masaakiintana xaqooda uma ay sameeyaan.
29 Зато ли нећу походити? Вели Господ, и душа моја неће ли се осветити таквом народу?
Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruuntii tan oo kale ah?
30 Чудо и страхота бива у земљи.
Wax baas oo yaab miidhan ah ayaa dalka lagu dhex sameeyey.
31 Пророци пророкују лажно, и свештеници господују преко њих, и народу је мом то мило. А шта ћете радити на последак?
Nebiyadii waxay sii sheegaan wax been ah, oo wadaaddadiina waxay wax ku xukumaan iyaga taladooda, oo dadkaygiina saasay jecel yihiin, laakiinse bal maxaad ugudambaysta samayn doontaan?