< Књига пророка Јеремије 3 >
1 Говоре: Ако ко пусти жену своју, и она отишавши од њега уда се за другог, хоће ли се онај вратити к њој? Не би ли се сасвим оскврнила она земља? А ти си се курвала с многим милосницима; али опет врати се к мени, вели Господ.
Waxaa la yidhaahdaa, Haddii nin naagtiisa iska furo, oo ay ka tagto isaga, oo ay nin kale naagtiis noqoto, kii qabi jiray miyuu iyada u soo noqdaa? Miyaan dalkaasu aad u nijaasoobayn? Laakiinse adigu waxaad ka dhillaysatay saaxiibbo badan, oo haddana miyaad ii soo noqon doontaa? ayaa Rabbigu leeyahay.
2 Подигни очи своје к висинама, и погледај где се ниси курвала; на путевима си седела чекајући их као Арапин у пустињи, и оскврнила си земљу курварством својим и злоћом својом.
Bal indhaha kor u qaad oo waxaad fiirisaa meelaha dhaadheer, oo bal eeg. Miyey jirtaa meel aan lagula seexan? Adoo iyaga sugaya ayaad jidadka ag fadhiisatay sidii Carab cidlada jooga, oo waxaad dalkii ku nijaasaysay dhillanimadaada iyo sharkaagaba.
3 Зато се уставише дажди, и не би позног дажда; али у тебе беше чело жене курве, и не хте се стидети.
Sidaas daraaddeed tiixyadii waa la joojiyey, oo roobkii dambena waa la waayay, weliba waxaad yeelatay dhillo jaaheed, oo inaad xishootana waad diidday.
4 Хоћеш ли одселе викати к мени: Оче мој, Ти си вођ младости моје?
Haatan sow iguma qayshan, Aabbahayow, adigu waxaad tahay saaxiibkii yaraantaydii?
5 Хоће ли се срдити једнако? Хоће ли се гневити до века? Ето, говориш, а чиниш зло колико год можеш.
Miyuu weligiisba sii cadhaysnaan doonaa? Oo miyuu cadhadiisa ilaa ugudambaysta sii haysanayaa? Bal eeg, waxaad ku hadashay oo samaysay waxyaalo shar ah in alla intii aad kartayba.
6 Још ми рече Господ за времена цара Јосије: Јеси ли видео шта учини одметница, Израиљ? Како одлази на свако високо брдо и под свако зелено дрво, и курва се онде.
Weliba wakhtigii Boqor Yoosiyaah Rabbigu wuxuu kaloo igu yidhi, War miyaad aragtay waxa boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay ay samaysay? Iyadu waxay tagtay buur kasta oo dheer dusheed iyo geed kasta oo doog ah hoostiis, oo halkaasay ku dhillowday.
7 И, пошто учини све то, рекох: Врати се к мени; али се не врати; и то виде неверница, сестра њена, Јуда.
Oo iyadu markay waxyaalahaas oo dhan samaysay dabadeed ayaan waxaan is-idhi, Way ii soo noqon doontaa, laakiinse iyadu sooma noqon. Oo walaasheedii boqortooyadii Yahuudah oo sirreyda ahaydna waxaas way aragtay.
8 И свиде ми се за све то што учини прељубу одметница Израиљ да је пустим и дам јој књигу распусну; али се не побоја неверница сестра јој Јуда, него отиде, те се и она прокурва.
Boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay way sinaysatay, oo taas daraaddeed ayaan iyadii furay oo waxaan siiyey warqaddii furniinkeeda, oo waxaan arkay in walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd innaba aanay weli cabsan, laakiinse iyana ay tagtay oo dhillowday.
9 И срамотније курвањем својим оскврни земљу, јер чињаше прељубу с каменом и с дрветом.
Oo waxay noqotay inuu dalkii ku nijaasoobay fudaydkii dhillanimadeeda, oo iyana way ka sinaysatay dhagxan iyo geedo.
10 И код свега тога не врати се к мени неверница сестра јој Јуда свим срцем својим, него лажно, говори Господ.
Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd in kastoo ay waxyaalahaas oo dhan aragtay haddana qalbigeeda oo dhan iiguma ay soo noqon, laakiinse waxay iigu soo noqotay si isyeelyeelid ah.
11 За то ми рече Господ: Одметница Израиљ оправда се више него неверница Јуда.
Oo haddana waxaa Rabbigu igu yidhi, Boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay way iscaddaysay inay ka xaq badan tahay boqortooyada Yahuudah ee sirreyda ah.
12 Иди и вичи ове речи к северу, и реци: Врати се, одметнице Израиљу, вели Господ, и нећу пустити да падне гнев мој на вас, јер сам милостив, вели Господ, нећу се гневити до века.
Tag, oo erayadan xagga woqooyi u naadi, oo waxaad tidhaahdaa, Boqortooyada Israa'iil ee dib u noqotayay, soo noqo, maxaa yeelay, weji cadhaysan kugu eegi maayo, waayo, waan naxariis badnahay, oo cadhadaydana weligay sii haysan maayo, ayaa Rabbigu leeyahay.
13 Само познај безакоње своје, да си се одметнула Господу Богу свом, те си тумарала к туђима под свако дрво зелено, и нисте слушали глас мој, вели Господ.
Waxaa keliya ood aqoonsataa xumaantaada, inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ku xadgudubtay, iyo inaad geed kasta oo doog ah hoostiisa jidadkaaga ugu kala firdhisay shisheeyayaasha, iyo inaadan codkaygii addeecin, ayaa Rabbigu leeyahay.
14 Обратите се, синови одметници, вели Господ, јер сам ја муж ваш, и узећу вас, једног из града и два из породице, и одвешћу вас у Сион.
Carruurtii dib u noqotayay, soo noqda, waayo, waxaan ahay Sayidkiinnii, oo midkiin waxaan kala soo bixi doonaa magaalo, labana waxaan kaloo soo bixi doonaa qolo, oo waxaan idin keeni doonaa Siyoon, ayaa Rabbigu leeyahay.
15 И даћу вам пастире по срцу свом, који ће вас пасти знањем и разумом.
Oo sida qalbigaygu jecel yahay waxaan idiin siin doonaa daajiyayaal, oo iyana waxay idinku daajin doonaan aqoon iyo waxgarasho.
16 И кад се умножите и народите у земљи, онда се, вели Господ, неће више говорити: Ковчег завета Господњег; нити ће им долазити на ум нити ће га помињати, нити ће ходити к њему, нити ће га више оправљати.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas markaad tarantaan oo aad dalka dhexdiisa ku badataan, waxay noqon doontaa inaan mar dambe la odhan, Sanduuqii axdiga Rabbiga, oo lagamana fikiri doono, lamana soo xusuusan doono, lamana soo booqan doono, oo mar dambena lama samayn doono.
17 У то ће се време Јерусалим звати престо Господњи, и сви ће се народи сабрати у њ, к имену Господњем у Јерусалиму, и неће више ићи по мисли срца свог злог.
Oo wakhtigaas waxaa Yeruusaalem lagu magacaabi doonaa carshigii Rabbiga, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ugu soo wada ururi doonaan magaca Rabbiga oo Yeruusaalem yaal, oo iyana mar dambe ma ay daba geli doonaan caasinimada qalbigooda sharka ah.
18 У то ће време дом Јудин ићи с домом Израиљевим, и доћи ће заједно из земље северне у земљу коју дадох у наследство оцима вашим.
Oo wakhtigaas dadka Yahuudah waxay la socon doonaan dadka Israa'iil, oo iyagoo isa soo raaci doona ayay dalka woqooyi ka soo bixi doonaan, waxayna iman doonaan dalkii aan awowayaashiin dhaxalka u siiyey.
19 Али ја рекох: Како бих те поставио међу синове и дао ти земљу жељену, красно наследство мноштва народа? И рекох: Ти ћеш ме звати: Оче мој; и нећеш се одвратити од мене.
Waxaan idhi, Sidee baan wiilasha kuu dhex geeyaa, oo aan dal wacan kuu siiyaa, kaasoo ah dhaxalka ugu wanaagsan ee quruumaha? Oo haddana waxaan idhi, Waxaad igu yeedhi doontaan, Aabbahayow, oo igama aad jeesan doontaan.
20 Доиста као што жена изневери друга свог, тако изневеристе мене, доме Израиљев, вели Господ.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sida xaqiiqada ah naag khaa'inad ahu siday ninkeeda uga tagto oo kale ayaad idinkuna khiyaano igula macaamilooteen.
21 Глас по високим местима нека се чује, плач, молбе синова Израиљевих, јер превратише пут свој, заборавише Господа Бога свог.
Cod baa ka yeedhaya meelaha dhaadheer dushooda, waana oohin iyo baryootankii dadka Israa'iil, waayo, jidkooday qalloociyeen, oo waxay iska illoobeen Rabbigii Ilaahooda ahaa.
22 Вратите се, синови одметници, и исцелићу одмете ваше. Ево, ми идемо к Теби, јер си Ти Господ Бог наш.
Carruurta dib u noqotayay, soo noqda, oo dibunoqoshadiinna ayaan bogsiin doonaa. Bal eeg, haatan waannu kuu nimid, waayo, waxaad tahay Rabbiga Ilaahayaga ah.
23 Доиста, залуду су хумови, мноштво гора; доиста, у Господу је Богу нашем спасење Израиљево.
Sida runta ah waa rajo been ah in badbaadinta kuraha iyo buuraha badan laga sugo. Sida runta ah badbaadadii dadka Israa'iil waxay ka timaadaa Rabbiga Ilaahayaga ah.
24 Јер та срамота прождре труд отаца наших од детињства нашег, овце њихове и говеда њихова, синове њихове и кћери њихове.
Laakiinse tan iyo yaraantayadii waxa ceebta ah ayaa baabba' ka dhigtay wixii awowayaashayo ku hawshoodeen oo dhan, xataa adhyahoodii iyo ishkinkoodii, iyo wiilashoodii iyo gabdhahoodiiba.
25 Лежимо у срамоти својој, и покрива нас руг наш; јер Господу Богу свом грешисмо ми и оци наши од детињства свог до данас, и не слушасмо глас Господа Бога свог.
Ceebtayada aannu la jiifsanno oo sharafdarradayaduna ha na dul saarnaato, waayo, tan iyo yaraantayadii iyo ilaa maantadan la joogo annaga iyo awowayaashayoba waxaannu ku dembaabnay Rabbiga Ilaahayaga ah, oo codkii Rabbiga Ilaahayaga ahna ma aannu addeecin.