< Књига пророка Јеремије 14 >

1 Реч Господња која дође Јеремији о суши.
Kanu waa Eraygii Rabbiga ee abaarta ku saabsanaa ee Yeremyaah u yimid.
2 Јуда тужи, и врата су му жалосна; леже на земљи у црно завити; вика из Јерусалима подиже се.
Dadka dalka Yahuudah way barooranayaan, irdahoodii way jilceen, oo iyagoo ooyaya ayay dhulka fadhiyaan, oo Yeruusaalem qayladeeduna kor bay u kacaysaa.
3 Највећи између њих шаљу најмање на воду; дошавши на студенце не налазе воде, враћају се с празним судовима својим, стиде се и сраме се и покривају главу своју.
Oo kuwooda waaweyn ayaa yaryarkooda biyo u soo dira, oo waxay yimaadaan ceelasha, biyona kama ay helaan, oo weelashooda oo madhan ayay dib ula soo noqdaan, oo intay ceeboobaan oo qasmaan ayay madaxa hagoogtaan.
4 Земља је испуцала, јер не беше дажда на земљи; зато се тежаци стиде и покривају главу своју.
Dhulkii wuu dildillaacay, waayo, roob kuma di'in, oo taas darteed raggii beerta qodan jiray ayaa ceebooba, oo madaxay hagoogtaan.
5 И кошута у пољу оставља младе своје, јер нема траве.
Oo xataa deeradii duurkay ku dhashaa, oo ilmaheedana way dayrisaa, maxaa yeelay, meeshaasu caws ma leh innaba.
6 И дивљи магарци стојећи на висовима вуку у се ветар као змајеви, очи им ишчилеше, јер нема траве.
Oo dameerdibadeedyadana waxay istaagaan meelaha dhaadheer, oo waxay u hinraagaan sida dawacooyin oo kale. Indhahoodii way madoobaanayaan, maxaa yeelay, doog bay waayaan.
7 Кад безакоња наша сведоче на нас, Господе, учини ради имена свог; јер је много одмета наших, Теби сагрешисмо.
Rabbiyow, in kastoo ay xumaatooyinkayagu nagu marag furayaan, magacaaga aawadiis wax u samee, waayo, dibunoqoshadayadu way badan tahay, oo adigaannu kugu dembaabnay.
8 Надо Израиљева! Спаситељу његов у невољи! Зашто си као туђин у овој земљи и као путник који се сврати да преноћи?
Rajadii reer binu Israa'iilow, Badbaadiyahoodii wakhtiga ay dhibaataysan yihiinow, bal maxaad dalka dhexdiisa ugu noqonaysaa qariib iyo sidii nin socdaal ah oo u soo leexda inuu habeen ku hoydo?
9 Зашто си као уморан човек, као јунак, који не може избавити? Та, Ти си усред нас, Господе, и име је Твоје призвано на нас; немој нас оставити.
Bal maxaad u noqonaysaa sidii nin amankaagay, iyo sidii nin xoog badan oo aan waxba badbaadin karin? Laakiinse Rabbiyow, adigu waad na dhex joogtaa, oo annana magacaagaa naloogu yeedhaa, haddaba ha naga tegin.
10 Овако говори Господ за народ овај: Мило им је да се скитају, не устављају ноге своје, зато нису мили Господу; сада ће се опоменути безакоња њихова и походиће грехе њихове.
Rabbigu wuxuu dadkan ka leeyahay, Waxay jeclaadeen inay warwareegaan, oo cagahoodana ma ay celin, sidaas daraaddeed Rabbigu iyaga ma aqbalo. Haatan wuu soo xusuusan doonaa xumaantoodii, oo dembiyadoodana wuu ciqaabi doonaa.
11 Потом рече ми Господ: Не моли се за тај народ да би му било добро.
Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dadkan wax wanaagsan ha ugu ducayn.
12 Ако ће и постити, нећу услишити вике њихове; и ако ће принети жртве паљенице и дар, неће ми то угодити, него мачем и глађу и помором поморићу их.
Markay soomaan qayladooda innaba ma aan maqli doono, oo markay qurbaan la gubo iyo qurbaan hadhuudh ah ii soo bixiyaanna innaba ma aan aqbali doono, laakiinse waxaan iyaga ku baabbi'in doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo.
13 Тада рекох: Ох, Господе Господе, ево, пророци им говоре: Нећете видети мача, и неће бити глади у вас, него ћу вам дати мир поуздан на овом месту.
Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, nebiyadiiba waxay ku yidhaahdaan, Seef arki maysaan, abaaruna idinku dhici mayso, laakiinse waxaan meeshan idinku siin doonaa nabad hubaal ah.
14 А Господ ми рече: Лаж пророкују ти пророци у моје име, нисам их послао, нити сам им заповедио, нити сам им говорио; лажне утваре и гатање и ништавило и превару срца свог они вам пророкују.
Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Nebiyadu wax been ah ayay magacayga ku sii sheegaan. Anigu sooma aan dirin, soomana aan amrin, lamana aan hadlin innaba. Waxay idiin sii sheegaan riyo been ah, iyo faal, iyo wax aan waxba ahayn, iyo khiyaanadii qalbigooda.
15 Зато овако вели Господ за пророке који пророкују у моје име, а ја их нисам послао, и говоре: Неће бити мача ни глади у овој земљи: од мача и глади изгинуће ти пророци.
Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu nebiyadaas ka leeyahay, Nebiyada magacayga wax ku sii sheega, oo aanan soo dirin, laakiinse yidhaahda, Seef iyo abaar toona dalkan dhexdiisa laguma arki doono, waxaa baabbi'in doona seef iyo abaar.
16 А народ овај, коме они пророкују, биће поваљан по улицама јерусалимским од глади и мача, и неће бити никога да их погребе, њих, жене њихове и синове њихове и кћери њихове; тако ћу излити на њих злоћу њихову.
Oo dadka ay wax u sii sheegaanna waxaa lagu tuuri doonaa jidadka Yeruusaalem, waana abaar iyo seef daraaddood, oo ciduna ma ay xabaali doonto iyaga, iyo naagahooda, iyo wiilashooda, iyo gabdhahoodaba, waayo, waxaan iyaga ku soo dejin doonaa xumaantoodii oo dhan.
17 Реци им дакле ову реч: Нека очи моје лију сузе дању и ноћу и нека не престају, јер девојка, кћи мог народа сатре се веома, од ударца прељутог.
Waxaad iyaga ku tidhaahdaa erayadan, Habeen iyo maalinba indhahayga ilmo ha ka hoorto, oo yaanay marnaba joogsan, waayo, dadkayga oo ah sida gabadh bikrad ah nabar weyn baa ku dhacay iyo dhaawac aad iyo aad u xun.
18 Ако изиђем у поље, ето побијених мачем; ако уђем у град, ето изнемоглих од глади; јер и пророк и свештеник отидоше у земљу коју не знају.
Haddaan duurka tago waxaan arkaa kuwa seef lagu laayay, oo haddaan magaalada galona waxaa arkaa kuwa gaajo la buka, waayo, nebiyadii iyo wadaaddadiiba dalkay ku dhex warwareegaan iyagoo aan aqoon lahayn.
19 Еда ли си сасвим одбацио Јуду? Еда ли је омрзао души Твојој Сион? Зашто си нас ударио тако да нам нема лека? Чекасмо мир, али нема добра; и време да оздравимо, а гле, страх.
Rabbiyow, aslanba dalka Yahuudah ma nacday? Naftaadu Siyoon ma karahday? Bal maxaad wax noogu dhufatay oo aannu u bogsan waynay? Nabad baannu filanaynay, laakiinse wax wanaagsanina ma iman, oo waxaannu filanaynay wakhti caafimaad leh, laakiinse waxaa noo timid cabsi keliya!
20 Признајемо, Господе, злоћу своју, безакоње отаца својих, згрешили смо Ти.
Rabbiyow, annagu waannu aqoonsannaa sharnimadayada iyo xumaantii awowayaashayoba, waayo, waannu kugu dembaabnay.
21 Немој нас одбацити ради имена свог; немој наружити престола славе своје, опомени се завета свог с нама, немој га укинути.
Magacaaga aawadiis waan ku baryayaaye, Ha na karaahsan oo arshigii sharaftaadana ha sharafjebin, bal na soo xusuuso, oo ha nagu axdi furin.
22 Има ли међу таштинама у народа који да даје дажд? Или небеса, дају ли ситан дажд? Ниси ли Ти то, Господе Боже наш? Зато Тебе чекамо, јер Ти чиниш све то.
Sanamyada beenta ah oo quruumaha miyaa lagu arkaa mid roob keeni kara? Amase samooyinku miyey iska soo tiixi karaan? Rabbiyow Ilaahayagow, sow adigu ma tihid kan kara? Sidaas daraaddeed adiga uun baan ku sugaynaa, waayo, adigaa sameeyey waxyaalahaas oo dhan.

< Књига пророка Јеремије 14 >