< Књига пророка Осије 2 >

1 Реците браћи својој: Народе мој; и сестрама својим: Помилована.
Waxaad wiilasha walaalihiinna ah ku tidhaahdaan, Cammii, gabdhaha walaalihiinna ahna waxaad ku tidhaahdaan, Ruxaamaah.
2 Прите се с матером својом, прите се, јер ми није жена, нити сам јој ја муж; нека одбаци курварства своја од лица свог, и прељубе своје од дојака својих,
Hooyadiin barya, ee barya, waayo, iyadu ma aha afadaydii, oo aniguna ma ahi ninkeedii. Oo wejigeeda ha ka fogayso dhillanimadeeda, oo sinadeedana ha ka fujiso naasaheeda dhexdooda,
3 Да је не бих свукао голу и учинио је каква је била онај дан кад се родила, и да је не бих поставио да буде као пустиња и обратио је да буде као земља сасушена, и уморио је жеђу.
si aanan iyada u qaawin, oo aanan uga dhigin sidii maalintii ay dhalatay, oo aanan uga dhigin sidii meel cidla ah, oo aanan uga dhigin sidii dhul engegan, oo aanan harraad ugu dilin.
4 И нећу се смиловати на децу њену, јер су копилад.
Haah, oo carruurteeda uma aan naxariisan doono, waayo, waa dhillo carruurteed.
5 Јер се мати њихова курва, срамоти се родитељка њихова; јер говори: Ићи ћу за милосницима својим који ми дају хлеб мој и воду моју, вуну моју и лан мој, уље моје и пиће моје.
Waayo, hooyadood waa dhillowday, oo tii iyaga uuraysatay waxay samaysay wax ceeb weyn ah, waayo, waxay tidhi, Anigu waan daba gelayaa kuwa i caashaqa ee i siiya kibistayda iyo biyahayga, iyo suufkayga, iyo waxayga linenka ah, iyo saliiddayda, iyo cabniinkayga.
6 Зато ево ја ћу јој заградити пут трњем и зазидаћу зидом да не нађе стаза својих.
Haddaba bal eeg, anigu jidkaaga waxaan ku awdi doonaa qodxan, oo deyr baan iyada hor dhigi doonaa, si ayan dhabbaheedii u helin.
7 И трчаће за својим милосницима, али их неће стигнути; и тражиће их, али их неће наћи; па ће рећи: Идем да се вратим к првом мужу свом, јер ми беше боље онда него сада.
Oo iyana waxay daba geli doontaa kuwa iyada caashaqi jiray, laakiinse ma ay gaadhi doonto. Way doondooni doontaa, laakiinse innaba ma ay heli doonto. Kolkaasay odhan doontaa, Waxaan ku noqon doonaa ninkaygii hore, waayo, markaasaa iiga roonayd siday haatan tahay.
8 Јер она не зна да сам јој ја давао жито и вино и уље, и умножавао јој сребро и злато, од ког начинише Вала.
Waayo, iyadu ma ay ogayn inaan anigu siiyey hadhuudhka, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo inaan iyada ku badiyey lacag iyo dahab ay iyagu Bacal ugu isticmaali jireen.
9 Зато ћу узети натраг жито своје, кад буде време, и вино своје, кад буде време, и узећу вуну своју и лан свој, којим би покривала голотињу своју.
Haddaba sidaas daraaddeed anigu hadhuudhkayga wakhtigiisa waan ceshan doonaa, oo khamrigaygana xilligiisa waan ceshan doonaa, oo suufkayga iyo waxayga linenka ah ee cawradeeda dedi lahaana waan ka qaadi doonaa.
10 И открићу ругобу њену пред милосницима њеним, и нико је неће избавити из моје руке.
Oo haatan waxaan soo bandhigi doonaa ceebteeda iyadoo ay u jeedaan kuwa iyada caashaqi jiray, oo ninna iyada kama samatabbixin doono gacantayda.
11 И укинућу сваку радост њену, светковине њене, младине њене и суботе њене и све празнике њене.
Oo weliba farxaddeeda oo dhanna waan wada joojin doonaa, tan ciidaheeda, iyo bilaheeda cusub, iyo sabtiyadeeda, iyo shirarkeedaba.
12 И потрћу чокоте њене и смокве, за које говори: Плата су ми, што ми дадоше милосници моји; и обратићу их у шуму да их једе зверје пољско.
Oo waxaan baabbi'in doonaa geedaheedii canabka ahaa iyo dhirteedii berdaha ahayd oo ay iyadu tidhi, Kuwanu waa kiradaydii ay kuwii i caashaqi jiray i siiyeen. Oo waxaan iyaga ka dhigi doonaa duud, waxaana daaqi doona xayawaanka duurka.
13 И походићу на њој дане валимске, у које им је кадила и китила се обоцима и гривнама, и ишла за својим милосницима, и мене заборавила, говори Господ.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan iyada u taqsiiri doonaa maalmihii ay fooxa Bacaliim u shidday, oo ay isku sharraxday hilqadaheedii iyo dahabkeedii, oo ay daba gashay kuwii iyada caashaqi jiray, anigase ay i illowday.
14 Али ево, ја ћу је примамити и одвешћу је у пустињу, и говорићу с њом лепо.
Haddaba bal eeg, qalbigeedaan soo jiidi doonaa, oo cidladaan iyada keeni doonaa, oo si qabow baan ula hadli doonaa.
15 И даћу јој винограде њене од тог места, и долину Ахор за врата надању, и онде ће певати као за младости своје и као кад је ишла из Мисира.
Oo waxaan iyada halkaas ka siin doonaa beeraheedii canabka ahaa, oo dooxada Caakoorna waxaan uga dhigi doonaa albaab rajo, oo iyana halkaasay ku jawaabi doontaa, sidii waagii ay dhallintayarayd oo kale, iyo sidii maalintii ay dalkii Masar ka soo baxday.
16 И тада ћеш ме, говори Господ, звати: Мужу мој; а нећеш ме више звати: Вале мој.
Oo waxay maalintaas noqon doontaa inaad iigu yeedhid, Ninkaygiiyow, oo aadan mar dambe iigu yeedhin, Bacalkaygiiyow, ayaa Rabbigu leeyahay.
17 Јер ћу уклонити из уста њених имена Валова; и неће им се више помињати имена.
Waayo, afkeeda waan ka fogayn doonaa magacyada Bacaliimta, iyana mar dambe magacooda lama soo qaadi doono.
18 И тада ћу им учинити завет са зверјем пољским и са птицама небеским и с бубинама земаљским; и поломићу лук и мач и рат да их нестане у земљи, и учинићу да леже без страха.
Oo maalintaas waxaan iyaga aawadood axdi ula dhigi doonaa xayawaanka duurka, iyo haadda samada, iyo waxa dhulka gurguurtaba, oo dalka dhexdiisa waan ka baabbi'in doonaa qaansada iyo seefta iyo dagaalkaba, oo waxaan ka dhigi doonaa inay si ammaan ah u jiifsadaan.
19 И заручићу те себи довека, заручићу те себи правдом и судом и милошћу и милосрђем.
Oo waan ku guursan doonaa inaad weligaaba tayda ahaatid. Haah, oo waxaan kugu guursan doonaa xaqnimo, iyo caddaalad, iyo raxmad, iyo naxariis.
20 И заручићу те себи вером, и познаћеш Господа.
Oo xataa waxaan kugu guursan doonaa daacadnimo, oo adna Rabbigaad ogaan doontaa.
21 И тада ћу се одазвати, говори Господ, одазваћу се небесима, а она ће се одазвати земљи.
Oo waxay maalintaas noqon doontaa inaan jawaabo, ayaa Rabbigu leeyahay. Waxaan u jawaabi doonaa samooyinka, oo iyana waxay u jawaabi doonaan dhulka.
22 А земља ће се одазвати житу и вину и уљу, а то ће се одазвати Језраелу.
Oo dhulkuna wuxuu u jawaabi doonaa hadhuudhka, iyo khamriga, iyo saliidda, oo iyaguna waxay u jawaabi doonaan Yesreceel.
23 И посејаћу је себи на земљи, и смиловаћу се на Лорухаму, и рећи ћу Лоамији: Ти си мој народ, и он ће рећи: Боже мој!
Oo anna dhulkaan iyada ku beeran doonaa, oo waan u naxariisan doonaa tii aan naxariista heli jirin, oo kuwo aan dadkayga ahaan jirin ayaan ku odhan doonaa, Idinku dadkaygaad tihiin, oo iyana waxay igu odhan doonaan, Adna waxaad tahay Ilaahayo.

< Књига пророка Осије 2 >