< 2 Коринћанима 10 >

1 А сам ја, Павле, молим вас кротости ради и тишине Христове, који сам пред вама понижен према вама, а кад нисам код вас, слободан сам према вама.
Aniga qudhayda oo Bawlos ah waxaan idinku baryayaa qabownimada iyo raxmadda Masiixa, anigoo is-hoosaysiiya markaan dhexdiinna joogo, laakiin xaggiinna geesi ku ah markaan idinka maqnahay.
2 Молим пак да ми не буде потребно кад будем код вас, онако слободан бити као што мислим да смем против неких који мисле за нас да по телу живимо;
Laakiin waxaan idinka baryayaa inaanan anigu markaan joogo geesi ku ahaan hubaashaas aan u malaynayo inaan geesi ku ahaado xagga kuwa nagu tirinaya inaannu sida jidhka ku soconno.
3 Јер ако и живимо по телу, не боримо се по телу.
Maxaa yeelay, in kastoo aannu jidhka ku soconno, sida jidhka uma dagaallanno,
4 Јер оружје нашег војевања није телесно, него силно од Бога на раскопавање градова, да кваримо помисли
waayo, hubka dagaalkayagu ma aha xagga jidhka, laakiin xoog bay leeyihiin Ilaah hortiisa in qalcado lagu dumiyo.
5 И сваку висину која се подиже на познање Божије, и робимо сваки разум за покорност Христу,
Waxaannu baabbi'innaa murannada, iyo wax kasta oo sarreeya oo aqoonta Ilaah iska sarraysiiya, oo fikir kasta maxbuus baannu ka dhignaa, si uu Masiix u addeeco,
6 И у приправности имамо освету за сваку непокорност, кад се изврши ваша покорност.
annagoo u diyaar ah inaannu ka aarsanno caasinimo oo dhan markii ay addeeciddiinnu kaamil noqoto.
7 Гледате ли на оно што вам је пред очима? Ако се ко узда да је Христов нека мисли опет у себи да како је он Христов тако смо и ми Христови.
Waxaad eegaysaan waxa idin hor yaal. Haddii qof uun isku hubo inuu ka mid yahay kuwa Masiix, midkaasi mar kale isaga qudhiisu ha ka fiirsado in, siduu isagu uga mid yahay kuwa Masiix, aannu annaguna uga mid nahay.
8 Јер ако се шта и више похвалим влашћу нашом коју нам даде Господ на поправљање, а не на кварење ваше, нећу се постидети.
Waayo, in kastoo aan si badan ugu faanayo amarkayaga uu Rabbigu noo siiyey inaannu idinku dhisno ee aanu noo siin inaannu idinku duminno, weliba layma ceebayn doono.
9 Али да се не покажем као да вас плашим посланицама;
Tan waxaan u idhi inaanan u ekaan sidii anigoo warqadahayga idinku cabsiinaya.
10 Јер су посланице, вели, тешке и јаке, а кад је телом пред нама, слаб је, и реч његова не ваља ништа.
Waayo, waxay yidhaahdaan, Warqadihiisu culays iyo xoog bay leeyihiin, laakiin joogidda jidhkiisu way tabardaran tahay, oo hadalkiisana waa la fududaystaa.
11 Ово нека помисли такав да какви смо у речи по посланицама кад нисмо код вас, такви смо и у делу кад смо ту.
Kaasoo kale ha ogaado in sidaannu xagga hadalka warqadaha ku nahay markaannu maqan nahay, aannu xagga falimaha ku nahay markaannu joogno.
12 Јер не смемо себе мешати или се поредити с другима који хвале сами себе; али кад сами по себи себе мере и пореде сами себе са собом, не разумевају.
Waayo, kuma dhacno inaannu isku tirinno ama isu ekaysiinno kuwa is-ammaana. Laakiin iyaga qudhooda oo isku qiyaasaya qudhooda oo isu ekaysiinaya qudhooda waa garaadlaawayaal.
13 А ми се нећемо хвалити преко мере, него по мери правила ког нам Бог меру раздели да допремо и до вас.
Isu faanin mayno si qiyaastayada dhaafsiisan, laakiin sida ay tahay qiyaasta Ilaah noo qaybiyey inay qiyaas ahaato, si aannu idiin soo gaadhno.
14 Јер се ми далеко не простиремо, као да не досежемо до вас; јер допресмо и до вас с јеванђељем Христовим,
Waayo, annaga qudhayadu si dhaafsiisan isugu kala bixin mayno sidii annagoo aan idin soo gaadhin; waayo, xataa idinka ayaannu idiinla nimid injiilka Masiix,
15 Не хвалећи се преко мере у туђим пословима, имајући пак наду кад узрасте вера ваша да ћемо се у вама величати по правилу свом изобилно,
annagoo aan si dhaafsiisan uga faanayn hawlihii dadka kale, laakiin rajo u leh intuu rumaysadkiinnu korayo inaannu aad iyo aad ugu weynaan doonno dhexdiinna sida soohdintayada ah,
16 Да у далеким странама од вас проповедимо јеванђеље, и да се не похвалимо оним што је по туђем правилу урађено.
si aannu injiilka ugu wacdinno meelaha idinka shisheeya oo aanan ku faanin waxa laga diyaariyey qof kale soohdintiisa.
17 А који се хвали, Господом нека се хвали.
Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano.
18 Јер онај није ваљан који се сам хвали, него ког Господ хвали.
Ma aha ka qudhiisa ammaana ka loo bogaa, laakiin waa ka uu Rabbigu ammaano.

< 2 Коринћанима 10 >