< 1 Коринћанима 2 >

1 И ја дошавши к вама, браћо, не дођох с високом речи или премудрости да вам јављам сведочанство Божије.
Walaalayaalow, anna markaan idiin imid, lama iman hadal wanaaggiis ama xigmad, anoo idinku wacdiyaya maraggii laga furay Ilaah,
2 Јер нисам мислио да знам шта међу вама осим Исуса Христа, и то распетог.
waayo, waxaan goostay inaanan waxba dhexdiinna ka ogaan Ciise Masiix oo ah kan iskutallaabta lagu qodbay maahee.
3 И ја бејах међу вама у слабости, и у страху и у великом дрхтању.
Oo waxaan idinkula joogay itaaldarro, iyo cabsi, iyo gariir badan.
4 И реч моја, и поучење моје не беше у надговорљивим речима људске премудрости, него у доказивању Духа и силе.
Laakiin hadalkayga iyo wacdigayga kuma aan hadlin hadallo sasabasho iyo xigmad ah, laakiin waxaan ku hadlay tusidda Ruuxa iyo xoogga,
5 Да вера ваша не буде у мудрости људској него у сили Божијој.
inaan rumaysadkiinnu ku tiirsanaan xigmadda dadka, laakiin inuu xoogga Ilaah ku tiirsanaado.
6 Али премудрост говоримо која је у савршенима, а не премудрост века овог ни кнезова века овог који пролазе. (aiōn g165)
Waxaannu xigmadda kula hadallaa kuwa garashadu ku dhan tahay, taasoo aan ahayn xigmadda wakhtigan, oo aan ahayn xigmadda madaxda wakhtigan oo ah kuwa la baabbi'in doono; (aiōn g165)
7 Него говоримо премудрост Божију у тајности сакривену, коју одреди Бог пре света за славу нашу; (aiōn g165)
laakiin qarsoonaan ayaannu ugu hadallaa xigmadda Ilaah oo la qariyey, oo Ilaah dunida horteed ka dhigay ammaanteenna aawadeed, (aiōn g165)
8 Које ниједан од кнезова века овог не позна; јер да су је познали, не би Господа славе разапели. (aiōn g165)
tan madaxda wakhtigan midkoodna aanu garanaynin, waayo, hadday garan lahaayeen, iskutallaabta kuma ay qodbeen Rabbiga ammaanta, (aiōn g165)
9 Него као што је писано: Шта око не виде, и ухо не чу, и у срце човеку не дође, оно уготови Бог онима, који Га љубе.
laakiin sida qoran, Waxyaalo aanay ishu arkin, oo aanay dhegtu maqlin, Oo aan qalbiga dadka gelin, Wax kastoo ay yihiinba, Ilaah baa u diyaariyey kuwa isaga jecel.
10 А нама је Бог открио Духом својим; јер Дух све испитује, и дубине Божије.
Innagase Ilaah baa inoogu muujiyey Ruuxa, waayo, Ruuxu wuxuu baadhaa wax kasta, xataa waxyaalaha hoos u dhaadheer oo Ilaah.
11 Јер ко од људи зна шта је у човеку осим духа човечијег који живи у њему? Тако и у Богу шта је нико не зна осим Духа Божијег.
Waayo, dadka dhexdood yaa garanaya nin waxyaalihiisa, ruuxa ninka ku jira mooyaane? Sidaas oo kalena ninna garan maayo waxyaalaha Ilaah, Ruuxa Ilaah mooyaane.
12 А ми не примисмо духа овог света, него Духа који је из Бога, да знамо шта нам је даровано од Бога;
Laakiin innagu ma aynu helin ruuxa dunida laakiinse Ruuxa Ilaah ka yimid, inaynu garanno waxyaalaha uu Ilaah nimco ahaan inoo siiyey.
13 Које и говоримо не речима што је научила човечија премудрост, него шта учи Дух Свети; и духовне ствари духовно радимо.
Waxyaalahaasna ayaannu ku hadalnaa, kumase hadalno hadallo la baro ee ah xigmadda dadka, laakiin waxa Ruuxu baro, annaga oo waxyaalaha ruuxa ah ku simayna waxyaalaha ruuxa ah.
14 А телесни човек не разуме шта је од Духа Божијег; јер му се чини лудост и не може да разуме, јер треба духовно да се разгледа.
Ninka nafta raacaa ma aqbalo waxyaalaha Ruuxa Ilaah, waayo, nacasnimo bay u yihiin, mana garan karo, maxaa yeelay, ruuxa ayaa lagu imtixaamaa.
15 Духовни пак све разгледа, а њега самог нико не разгледа.
Kii ruuxa raacaa wax walbuu imtixaamaa, laakiinse isaga qudhiisa ninna ma imtixaamo.
16 Јер ко позна ум Господњи да Га поучи? А ми ум Христов имамо.
Waayo, yaa gartay maanka Rabbiga inuu wax baro isaga? Laakiin annagu waxaannu leennahay maanka Ciise.

< 1 Коринћанима 2 >