< 1 Коринћанима 12 >
1 А за духовне дарове нећу вам, браћо, затајити.
Walaalayaalow, dooni maayo inaad jaahil ka ahaataan waxa ku saabsan hadiyadaha Ruuxa ka yimaada.
2 Знате да, кад бејасте незнабошци, идосте к идолима безгласним, како вас вођаху.
Waad og tihiin in, markaad dad aan Ilaah aaminin ahaan jirteen, laydin geeyn jiray sanamyada aan hadli karin, si laydinku geeyn jirayba.
3 Зато вам дајем на знање да нико ко духом Божијим говори неће рећи: Анатемате Исуса; и нико не може Исуса Господом назвати осим Духом Светим.
Sidaa daraaddeed waxaan idin ogeysiinayaa inaan nin Ruuxa Ilaah ku hadlaa odhanaynin, Ciise waa inkaaran yahay, oo aan ninna odhan karin, Ciise waa Rabbi, inuu Ruuxa Quduuska ah ku hadlo mooyaane.
4 Дарови су различни, али је Дух један.
Waxaa jira hadiyado kala cayn ah, laakiin waa isku Ruux.
5 И различне су службе, али је један Господ.
Waxaana jira adeegid kala cayn ah, waana isku Rabbi.
6 И различне су силе, али је један Бог који чини све у свему.
Waxaana jira shuqullo kala cayn ah, laakiin waa isku Ilaah, kan dhammaan wax walba kaga dhex shaqeeya.
7 А у свакоме се појављује Дух на корист;
Laakiin mid kasta waxaa muujinta Ruuxa loo siiyaa waxtar.
8 Јер једном се даје Духом реч премудрости; а другом реч разума по истом Духу;
Mid waxaa laga siiyaa xagga Ruuxa hadal xigmad ah, mid kalena hadal aqoon ah siduu isku Ruuxu doonayo.
9 А другом вера, тим истим Духом; а другом дар исцељивања, по том истом Духу;
Mid kale Ruuxu rumaysad buu siiyaa, mid kalena hadiyado wax lagu bogsiiyo ayuu isku Ruuxu siiya.
10 А другом да чини чудеса, а другом пророштво, а другом да разликује духове, а другом различни језици, а другом да казује језике.
Mid kalena shuqullo cajaa'ib leh, mid kalena wax sii sheegidda, mid kalena kalasoocidda ruuxyada, mid kalena afaf kala cayn ah, mid kalena afafka fasiriddooda.
11 А ово све чини један и тај исти Дух раздељујући по својој власти свакоме како хоће.
Isku Ruuxa oo keliya ayaa ka shaqeeya waxyaalahaas oo dhan, isagoo siduu doonayo mid mid wax ugu qaybinaya.
12 Јер као што је тело једно и уде има многе, а сви уди једног тела, премда су многи, једно су тело: тако и Христос.
Haddaba sida jidhku mid keliya u yahay, oo uu xubno badan u leeyahay, oo xubnaha oo dhan ee jidhka ay jidh keliya u yihiin, in kastoo ay badan yihiin, Masiixuna waa sidaas oo kale.
13 Јер једним духом ми се сви крстисмо у једно тело, били Јевреји, или Грци, или робови, или сами своји; и сви се једним Духом напојисмо.
Waayo, Ruux qudha ayaa dhammaanteen jidh qudha inagu baabtiisay, haddaynu nahay Yuhuud ama Gariig, ama addoommo ama kuwa xor ah, oo waxaa laynaga waraabiyey Ruux qudha.
14 Јер тело није један уд, него многи.
Waayo, jidhku xubin qudha ma aha ee waa xubno badan.
15 Ако каже нога; ја нисам рука, нисам од тела; еда ли зато није од тела?
Hadday cagtu tidhaahdo, Anigu gacan ma ihi, taas aawadeed jidhka ka mid ma ihi, taasu sabab u noqon mayso inaanay jidhka ka mid ahayn.
16 И ако каже ухо; ја нисам око, нисам од тела; еда ли зато није од тела? Кад би све тело било око, где је чувење?
Hadday dhegtu tidhaahdo, Anigu isha ma ihi, taas aawadeed jidhka ka mid ma ihi, taasu sabab u noqon mayso inaanay jidhka ka mid ahayn.
17 А кад би све било чувење, где је мирисање?
Haddii jidhka oo dhammu il wada ahaan lahaa, meeye dhegihii wax lagu maqli lahaana? Hadduu dhammaan dhego wada ahaan lahaa, meeh sankii wax lagu urin lahaana?
18 Али Бог постави све уде у телу како је кога хтео.
Haatanse Ilaah baa siduu doonayay xubnaha middood kastaba jidhka ugu hagaajiyey.
19 А кад би сви били један уд, где је тело?
Hadday dhammaan ahaan lahaayeen xubin qudha, meeh jidhkii?
20 Сад су пак многи уди, а једно тело.
Haatanse waa xubno badan laakiin waa jidh qudha.
21 Али око не може рећи руци: Не требаш ми; или опет глава ногама: Не требате ми.
Ishu gacanta kuma odhan karto, Kuuma baahni; madaxuna cagaha kuma odhan karo, Idiinma baahni.
22 Него још који се уди тела чине да су најслабији најпотребнији су.
Xataa xubnaha jidhka oo loo maleeyo inay u itaal yar yihiin, iyaga qudhooda waa loo baahan yahay,
23 И који нам се чине да су најсрамотнији на телу, на оне ударамо највећу част;
oo kuwa jidhka oo aynu u malayno inay u maamuus yar yihiin, kuwaas ayaynu ka sii maamuusnaa kuwa kale, oo xubnaheenna cawrada ah baa ka xurmo badan kuwa kale.
24 И непоштени наши уди највеће поштење имају; а поштени уди не требају. Али Бог сложи тело и најхуђем уду даде највећу част,
Xubnaheenna aan cawrada ahaynse waxba uma baahna. Laakiin Ilaah baa jidhka isku hagaajiyey isagoo tan ugu daran maamuus badan siinaya,
25 Да не буде распре у телу, него да се уди једнако брину један за другог.
inaan jidhku qaybsanaan, laakiin in xubiniba xubinta kale u welwesho.
26 И ако страда један уд, с њим страдају сви уди; а ако ли се један уд слави, с њим се радују сви уди.
Haddii xubin qudha xanuunsato, xubnaha oo dhammu way la xanuunsadaan. Haddii xubin la maamuuso, xubnaha oo dhammu way la farxaan.
27 А ви сте тело Христово, и уди међу собом.
Idinku waxaad tihiin jidhka Masiix iyo xubno ka mid ah.
28 И једне дакле постави Бог у цркви прво апостоле, друго пророке, треће учитеље, а потом чудотворце, онда дарове исцељивања, помагања, управљања, различне језике.
Ilaah markii hore kiniisadda qaar wuxuu uga dhigay rasuullo, markii labaadna qaar kale nebiyo, markii saddexaadna qaar kale macallimiin, dabadeedna qaar cajaa'ibyo sameeya, qaarna kuwo leh hadiyado wax lagu bogsiiyo, qaarna kaalmeeyayaal, qaarna taliyayaal, iyo qaar afaf kala cayn ah ku hadla.
29 Еда ли су сви апостоли? Еда ли су сви пророци? Еда ли су сви учитељи? Еда ли су сви чудотворци?
Dhammaan ma wada rasuullo baa? Dhammaan ma wada nebiyo baa? Dhammaan ma wada macallimiin baa? Dhammaan ma wada cajaa'ibyo sameeyayaal baa?
30 Еда ли сви имају дарове исцељивања? Еда ли сви говоре језике? Еда ли сви казују?
Dhammaan ma wada leeyihiin hadiyado wax lagu bogsiiyo? Dhammaan ma ku hadlaan afaf kala cayn ah? Dhammaan wax ma fasiraan?
31 Старајте се, пак, за веће дарове; па ћу вам још бољи пут показати.
Laakiin aad u doona hadiyadaha u waaweyn. Oo weliba waxaan idin tusayaa jid kan ka sii wanaagsan.