< Psalmi 104 >
1 Blagosiljaj, dušo moja, Gospoda! Gospode, Bože moj, velik si veoma, obukao si se u velièanstvo i krasotu.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan. Rabbiyow Ilaahayow, aad baad u weyn tahay, Oo waxaad huwan tahay murwad iyo haybad.
2 Obukao si svjetlost kao haljinu, razapeo nebo kao šator;
Waxaad sida maro u huwataa nuur, Oo samooyinkana waxaad u kala bixisaa sida daah oo kale.
3 Vodom si pokrio dvorove svoje, oblake naèinio si da su ti kola, ideš na krilima vjetrnijem.
Waxa qolkaaga saqafka u hayana waxaad dhigtaa biyaha dhexdooda, Daruurahana waxaad ka dhigataa gaadhifaras, Oo waxaad ku kor socotaa dabaysha baalasheeda,
4 Èiniš vjetrove da su ti anðeli, plamen ognjeni da su ti sluge.
Waxaad dabaysha ka dhigataa wargeeyayaashaada, Oo waxaad midiidinyadaada ka dhigataa dab ololaya,
5 Utvrdio si zemlju na temeljima njezinim, da se ne pomjesti va vijek vijeka.
Adigaa dhigay aasaaska dhulka, Si aanu weligiis u dhaqdhaqaaqin.
6 Bezdanom kao haljinom odjenuo si je; na gorama stoje vode.
Waxaad ku dabooshay mool sidii dhar oo kale, Biyihiina waxay joogsadeen buuraha korkooda.
7 Od prijetnje tvoje bježe, od gromovnoga glasa tvojega teku.
Canaantaadii ayay ku carareen, Oo codkii onkodkaaga ayay haddiiba ka baxsadeen,
8 Izlaze na gore i slaze u doline, na mjesto koje si im utvrdio.
Waxay kor u fuuleen buuraha, oo waxay hoos ugu dhaadheceen dooxooyinka, Ilaa meeshii aad u samaysay.
9 Postavio si meðu, preko koje ne prelaze, i ne vraæaju se da pokriju zemlju.
Waxaad iyaga u dhigtay xudduud aanay soo dhaafin, Si aanay mar kale u noqon oo aanay dhulka u daboolin.
10 Izveo si izvore po dolinama, izmeðu gora teku vode.
Isagu dooxooyinka wuxuu ku soo daayaa ilo, Iyana waxay durduraan buuraha dhexdooda,
11 Napajaju sve zvijeri poljske; divlji magarci gase žeðu svoju.
Waxay waraabiyaan xayawaanka duurka jooga oo dhan, Oo dameerdibadeedyaduna way harraad beelaan.
12 Na njima ptice nebeske žive; kroz grane razliježe se glas njihov.
Haadda samadu iyagay ag degganaadaan, Oo waxay ka dhex gabyaan laamaha.
13 Napajaš gore s visina svojih, plodima djela tvojih siti se zemlja.
Buuraha wuxuu ka waraabiyaa qolalkiisa, Dhulkuna wuxuu ka dheregsan yahay midhihii shuqulladaada.
14 Daješ te raste trava stoci, i zelen na korist èovjeku, da bi izvodio hljeb iz zemlje.
Isagu wuxuu ka dhigaa in dooggu xoolaha u soo baxo, Oo geedaha yaryarna wuxuu u soo bixiyey in dadku ku isticmaalo, Inuu dhulka cunto ka soo bixiyo,
15 I vino veseli srce èovjeku, i lice se svijetli od ulja, i hljeb srce èovjeku krijepi.
Iyo khamri ka farxiya dadka qalbigiisa, Iyo saliid uu wejiga ku dhaashado, Iyo kibis qalbiga dadka xoogaysa.
16 Site se drveta Božija, kedri Livanski, koje si posadio.
Rabbiga dhirtiisu waa dheregsan tahay, Kuwaas oo ah geedaha kedar la yidhaahdo oo Lubnaan oo uu isagu beeray,
17 Na njima ptice viju gnijezda; stanak je rodin na jelama.
Kuwaas oo ah meesha shimbirruhu buulkooda ay ka samaystaan, Xuurtuna gurigeeda waxay ka kor dhisataa geedaha waaweyn.
18 Gore visoke divokozama, kamen je utoèište zeèevima.
Buuraha dhaadheer waxaa leh riyaha dibadda, Dhagaxyada waaweynuna waxay gabbaad u yihiin walooyinka.
19 Stvorio si mjesec da pokazuje vremena, sunce poznaje zapad svoj.
Isagu dayaxa wuxuu u sameeyey xilliyo, Oo qorraxduna dhicitinkeeda way taqaan.
20 Stereš tamu, i biva noæ, po kojoj izlazi sve zvijerje šumsko;
Waxaad samaysaa gudcur, oo habeen baa yimaada, Markaasay xayawaanka duurku soo wada baxaan.
21 Lavovi rièu za plijenom, i traže od Boga hrane sebi.
Libaaxyada aaranka ahu waxay u ciyaan ugaadhsigooda, Cuntadoodana waxay ka sugaan xagga Ilaah.
22 Sunce grane, i oni se sakrivaju i liježu u lože svoje.
Oo kolkii qorraxdu soo baxdana way noqdaan, Oo waxay iska seexdaan godadkooda.
23 Izlazi èovjek na posao svoj, i na rad svoj do veèera.
Dadku waa u soo baxaa shuqulkiisa Iyo hawshiisa ilaa tan iyo fiidka.
24 Kako je mnogo djela tvojih, Gospode! Sve si premudro stvorio; puna je zemlja blaga tvojega.
Rabbiyow, shuqulladaadu tiro badanaa! Kulligoodna xigmad baad ku samaysay, Dhulka waxaa ka buuxa hodantinimadaada.
25 Gle, more veliko i široko, tu gmižu bez broja, životinja mala i velika;
Halkoo waxaa ku taal bad weyn oo ballaadhan, Gudaheedana waxaa ku jira waxyaalo gurguurta oo aan la tirin karin, Iyo xayawaan waaweyn iyo kuwo yaryarba.
26 Tu laðe plove, krokodil, kojega si stvorio da se igra po njemu.
Halkaas waxaa ku socda doonniyo, Oo waxaa halkaas yaal bahal badeed oo Lewiiyaataan la odhan jiray oo aad u abuurtay inuu ku dhex cayaaro.
27 Sve tebe èeka, da im daješ piæu na vrijeme.
Kuwaas oo dhammu adigay kaa sugaan, Inaad cuntadooda siiso wakhti ku habboon.
28 Daješ im, primaju; otvoriš ruku svoju, site se dobra.
Oo waxaad iyaga siiso ayay isu soo urursadaan, Gacantaadaad furtaa oo waxay ka dhergaan waxyaalo wanaagsan.
29 Odvratiš lice svoje, žaloste se; uzmeš im duh, ginu, i u prah svoj povraæaju se.
Wejigaagaad qarisaa, oo way dhibtoodaan, Naftoodaad ka qaaddaa oo way dhintaan, Oo waxay ku noqdaan ciiddoodii.
30 Pošlješ duh svoj, postaju, i ponavljaš lice zemlji.
Waxaad soo dirtaa ruuxaaga, kolkaasay iyagu abuurmaan, Dhulkana waad cusboonaysiisaa.
31 Slava Gospodu uvijek; nek se veseli Gospod za djela svoja!
Rabbiga ammaantiisu ha sii raagto weligeedba, Oo Rabbigu ha ku reyreeyo shuqulladiisa.
32 On pogleda na zemlju, i ona se trese; dotakne se gora, i dime se.
Isagu dhulkuu eegaa, oo wuu gariiraa, Wuxuu taabtaa buuraha, oo way qiiqaan.
33 Pjevaæu Gospodu za života svojega; hvaliæu Boga svojega dok sam god.
Intaan noolahay oo dhan ayaan Rabbiga u gabyi doonaa, Oo Ilaahay ayaan ammaan ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
34 Neka mu bude mila besjeda moja! veseliæu se o Gospodu.
Fikirkaygu isaga ha u macaanaado, Rabbigaan ku rayrayn doonaa.
35 Neka nestane grješnika sa zemlje, i bezbožnika neka ne bude više! Blagosiljaj, dušo moja, Gospoda! Aliluja!
Dembilayaashu dhulka ha ka baabbe'een, Oo kuwa sharka lahuna yaanay mar dambe sii jirin. Naftaydoy, Rabbiga ammaan. Rabbiga ammaana.