< Isus Navin 3 >
1 I usta Isus ujutru rano, i kretoše se od Sitima i doðoše do Jordana on i svi sinovi Izrailjevi, i noæiše ondje a ne prijeðoše.
Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo Shitiim way ka guureen, oo Webi Urdun yimaadeen, isagii iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo halkaasay degeen intaanay gudbin ka hor.
2 A poslije tri dana proðoše upravitelji kroz oko,
Oo saddex maalmood dabadeed saraakiishii xeraday dhex mareen,
3 I zapovjediše narodu govoreæi: kad vidite kovèeg zavjeta Gospoda Boga svojega i sveštenike Levite gdje ga nose, poðite i vi s mjesta svojega i idite za njim.
oo waxay dadkii ku amreen oo ku yidhaahdeen, Markaad aragtaan sanduuqii axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah, iyo wadaaddada reer Laawi oo isaga sida waa inaad meeshiinna ka guurtaan, oo daba gashaan isaga.
4 Ali neka bude daljina izmeðu vas i njega do dvije tisuæe lakata; bliže do njega ne primièite se, da biste poznali put kojim æete iæi, jer još nikada nijeste išli tijem putem.
Oo weliba waa in meel bannaan oo qiyaasteedu dhan tahay laba kun oo dhudhun idiin dhexaysaa idinka iyo sanduuqa. Ha u soo dhowaanina isaga, si aad u ogaataan jidkii aad mari lahaydeen; waayo, idinku hadda ka hor ma aydaan marin jidkan.
5 I Isus reèe narodu: osveštajte se, jer æe sjutra uèiniti Gospod èudesa meðu vama.
Markaasaa Yashuuca wuxuu dadkii ku yidhi, Quduus iska dhiga, waayo, berri Rabbigu wuxuu dhexdiinna ku samayn doonaa waxyaalo yaab leh.
6 Potom reèe Isus sveštenicima govoreæi: uzmite kovèeg zavjetni, i idite pred narodom. I uzeše kovèeg zavjetni i poðoše pred narodom.
Oo Yashuuca wadaaddadii buu la hadlay, oo ku yidhi, Sanduuqa axdiga qaada, oo dadka ka hor gudba. Kolkaasay waxay qaadeen sanduuqii axdiga, oo dadkiina way ka hor mareen.
7 A Gospod reèe Isusu: danas te poèinjem uzvišavati pred svijem Izrailjem da poznadu da æu i s tobom biti kao što sam bio s Mojsijem.
Markaasaa Rabbigu Yashuuca ku yidhi, Maantaan bilaabayaa inaan kugu weyneeyo reer binu Israa'iil hortooda, inay ogaadaan in sidii aan Muuse ula jiray, aan adigana kuula jiri doono.
8 Zato ti zapovjedi sveštenicima koji nose kovèeg zavjetni, i reci: kad doðete na kraj vode Jordana, stanite u Jordanu.
Oo waa inaad amartaa wadaaddada sanduuqa axdiga sida, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markii aad gaadhaan biyaha Webi Urdun qarkooda waa inaad Webi Urdun isdhex taagtaan.
9 I reèe Isus sinovima Izrailjevim: pristupite ovamo, i èujte rijeèi Gospoda Boga svojega.
Markaasaa Yashuuca wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Kaalaya halkan, oo maqla erayada Rabbiga Ilaahiinna ah.
10 Potom reèe Isus: po ovom æete poznati da je Bog živi posred vas, i da æe doista odagnati ispred vas Hananeje i Heteje i Jeveje i Ferezeje i Gergeseje i Amoreje i Jevuseje:
Oo Yashuuca wuxuu yidhi, Sidan baad ku ogaan doontaan in Ilaaha nool idin dhex joogo, iyo inuu shakila'aan hortiinna ka eryi doono reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Xiwi, iyo reer Feris, iyo reer Girgaash, iyo reer Amor, iyo reer Yebuus.
11 Evo, kovèeg zavjeta Gospoda svoj zemlji poæi æe pred vama preko Jordana.
Bal eega, Rabbiga dhulka oo dhan sanduuqiisii axdiga ayaa idin hor maraya xagga Webi Urdun dhexdiisa.
12 Zato sada izberite dvanaest ljudi iz plemena Izrailjeva, po jednoga èovjeka iz svakoga plemena.
Haddaba sidaas daraaddeed laba iyo toban nin ka soo bixiya qabiilooyinka reer binu Israa'iil, qabiil walba nin.
13 I èim sveštenici noseæi kovèeg zavjeta Gospoda Gospoda svoj zemlji stanu nogama svojim u vodi Jordanskoj, voda æe se u Jordanu rastupiti, te æe voda koja teèe ozgo stati u gomilu.
Oo markii wadaaddada sida sanduuqa Rabbiga ah Rabbiga dhulka oo dhan ay calaacalaha cagahoodu taabtaan biyaha Webi Urdun, ayaa biyaha Webi Urdun kala go'i doonaan, kuwaasoo ah biyaha kor ka imanaya, oo markaasay meel istaagi doonaan iyagoo tuulan.
14 I kad se podiže narod iz šatora svojih da prijeðe preko Jordana, i sveštenici ponesoše kovèeg zavjetni pred narodom,
Oo markii dadku ka tegey teendhooyinkooda si ay Webi Urdun uga gudbaan aawadeed, iyadoo ay ka horreeyaan wadaaddada sida sanduuqii axdiga,
15 I kad oni što nošahu kovèeg doðoše do Jordana, i sveštenici noseæi kovèeg okvasiše noge svoje na kraju vode jer je Jordan pun preko bregova svojih za cijelo vrijeme žetve
oo markii kuwa sanduuqa sida ay soo gaadheen Webi Urdun, oo wadaaddada sida sanduuqa ay cagahoodu galeen biyaha qarkooda, (waayo, xilliga waxgoosashada oo dhan Webi Urdun qararkiisa oo dhan buu buuxdhaafaa)
16 Ustavi se voda što tecijaše ozgo, i stade u jednu gomilu vrlo nadaleko, od grada Adama, koji je kraj Zaretana; a što tecijaše dolje u more kraj polja, more slano, oteèe sasvijem; i narod prelažaše prema Jerihonu.
ayay biyaha kor ka imanayay istaageen, iyagoo tuulan, oo meel aad u fog bay istaageen oo u dhow magaalada la yidhaahdo Aadaam oo ku ag taal Saaretaan. Kuwii hoos u kacay xagga badda Caraabaah, taasoo ah Badda Cusbada leh, iyana kulligood waa go'een; oo dadkii wuxuu u gudbay meel ku toosan Yerixoo.
17 A sveštenici koji nošahu kovèeg zavjeta Gospodnjega stajahu na suhu usred Jordana tvrdo, i sav Izrailj iðaše po suhu, dokle sav narod ne prijeðe preko Jordana.
Oo wadaaddadii siday sanduuqii axdiga Rabbiga waxay istaageen dhul engegan oo Webi Urdun dhexdiisa ah, oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku gudbeen dhul engegan, ilaa ay quruuntii oo dhammu ka wada gudubtay Webi Urdun.