< 2 Samuelova 16 >

1 A kad David prijeðe malo preko vrha, gle, Siva, momak Mefivostejev, srete ga, sa dva magarca natovarena, na kojima bješe dvjesta hljebova i sto grozdova suhih i sto gruda smokava i mijeh vina.
Oo Daa'uud markuu in yar dhaafay jiirta dusheedii waxaa u yimid Siibaa oo ahaa midiidinkii Mefiiboshed, isagoo wada laba dameer oo kooraysan, oo dushoodana waxaa u saarnaa laba boqol oo xabbadood oo kibis ah, iyo boqol rucubood oo sabiib ah, iyo boqol rucubood oo midho xagaa ah, iyo sibraar khamri ah.
2 I reèe car Sivi: šta æe ti to? A Siva mu reèe: magarci su za èeljad carevu, da jašu, a hljebovi i voæe da jedu momci, a vino da pije ko se umori u pustinji.
Markaasaa boqorkii wuxuu Siibaa ku yidhi, War waxyaalahan maxaad ula jeeddaa? Oo Siibaana wuxuu yidhi, Dameeraha waxaan u keenay in boqorka reerkiisu fuulaan; kibista iyo midhahana waxaan u keenay in ragga dhallinyarada ahu cunaan; khamrigana waxaan u keenay in ku alla kii cidlada ku itaal darnaadaa uu cabbo.
3 A car mu reèe: a gdje je sin tvoga gospodara? Reèe Siva caru: eno ga, ostao je u Jerusalimu, jer reèe: danas æe mi dom Izrailjev vratiti carstvo oca mojega.
Markaasaa boqorkii ku yidhi, Meeh wiilkii sayidkaagu? Siibaana boqorkii buu ku yidhi, Yeruusaalem buu ku hadhay, oo wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil maantay ii soo celin doonaan boqortooyadii aabbahay.
4 Tada reèe car Sivi: evo, tvoje je sve što je bilo Mefivostejevo. A Siva reèe: klanjam ti se, da naðem milost pred tobom, care gospodaru!
Markaasaa boqorkii wuxuu Siibaa ku yidhi, Bal eeg, Mefiiboshed wixiisa oo dhan adigaa iska leh. Oo Siibaana wuxuu yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, waan ku sujuudayaa hortaada; aan raallinimo kaa helo.
5 I doðe car David do Vaurima; a gle, izide odande jedan od roda doma Saulova, po imenu Simej, sin Girin, i iduæi psovaše.
Oo Boqor Daa'uudna markuu Baxuuriim yimid, waxaa ku soo baxay nin ay Saa'uul isku cid ahaayeen, oo magiciisa la odhan jiray Shimcii ina Geeraa. Wuu soo baxay, isagoo habaartamaya intuu soo socday.
6 I bacaše se kamenjem na Davida i na sluge cara Davida, kojemu i s desne i s lijeve strane bijaše sav narod i svi junaci.
Oo dhagxan buuna ku tuuray Daa'uud iyo addoommadii Boqor Daa'uud oo dhanba, oo dadkii oo dhan iyo raggii xoogga lahaa oo dhammuna waxay joogeen midigtiisa iyo bidixdiisaba.
7 A Simej ovako govoraše psujuæi: odlazi, odlazi, krvopijo i zlikovèe!
Oo Shimcii markuu habaartamayay wuxuu lahaa, Naga tag, nin yahow dhiigga qabaa, oo naga tag, nin yahow waxmataraha ihi!
8 Obrati Gospod na tebe sve krvi doma Saulova, na èije si se mjesto zacario, i predade Gospod carstvo u ruke Avesalomu sinu tvojemu; eto te sada u tvom zlu, jer si krvopija.
Rabbigu waa ku kor saaray reer Saa'uul dhiiggoodii oo dhan, Saa'uulkaasoo aad meeshiisii xukumayso; oo Rabbigu boqortooyadii gacantuu u geliyey wiilkaaga Absaaloom; oo bal eeg, adiga belaayadaadii baa kula tagtaye, maxaa yeelay, waxaad tahay nin dhiig qaba.
9 Tada reèe caru Avisaj sin Serujin: zašto da psuje ovaj mrtvi pas cara gospodara mojega? Idem da mu skinem glavu.
Markaasaa Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay wuxuu boqorkii ku yidhi, War eeygan dhintay muxuu kuu habaarayaa, boqorow, sayidkaygiiyow? Waan ku baryayaaye, i daa intaan u tago aan madaxa ka gooyee.
10 Ali car reèe: šta je vama do mene, sinovi Serujini? neka psuje; jer mu je Gospod rekao: psuj Davida. Pa ko smije kazati: zašto tako èiniš?
Kolkaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Kuwiinna ay Seruuyaah dhashayow, bal maxaa inoo dhexeeya? Hadduu habaartamay, oo Rabbigu ku yidhi, Daa'uud soo habaar, bal yaa ninkan ku odhan kara, War maxaad saas u yeeshay?
11 Još reèe David Avisaju i svijem slugama svojim: eto, moj sin, koji je izašao od bedara mojih, traži dušu moju, a kako neæe ovaj sin Venijaminov? Ostavite ga neka psuje, jer mu je Gospod zapovjedio.
Daa'uudna wuxuu ku yidhi Abiishay, iyo addoommadiisii oo dhanba, Bal eega, wiilkaygii iga soo baxay ayaa doonaya inuu nafta iga qaado; haddaba intee in ka badan ayaa ninkan reer Benyaamiin igu samaynayaa? Haddaba ninkan iska daaya, ha iska habaartamee; waayo, Rabbigaa saas ku amray.
12 Da ako Gospod pogleda na nevolju moju, i vrati mi Gospod dobro za psovku njegovu današnju.
Mindhaa Rabbigu intuu dhibaatadayda eego ayuu wanaag iigu beddeli doonaa habaarkuu maanta igu habaaray.
13 I tako David sa svojim ljudima iðaše svojim putem; a Simej iðaše pokraj gore prema njemu jednako psujuæi i bacajuæi se kamenjem na nj, i podižuæi prah.
Sidaas daraaddeed Daa'uud iyo raggiisiiba jidkii bay mareen, Shimciina wuxuu maray buurtii agtiisa ahayd dhinaceeda, oo intuu sii socdayna Daa'uud buu habaarayay, oo dhagxan ku tuurayay, ciidna wuu ku soo saydhayay.
14 I doðe car i sav narod što bijaše s njim, umorni, i odmoriše se ondje.
Oo boqorkii iyo dadkii isaga la jiray oo dhammu waxay yimaadeen iyagoo daalay; halkaasuuna ku nastay.
15 A Avesalom i sav narod Izrailjev doðoše u Jerusalim, i Ahitofel s njim.
Markaasaa Absaaloom iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dhammu Yeruusaalem yimaadeen, iyagoo uu Axiitofel la socdo.
16 A kad Husaj Arhijanin prijatelj Davidov doðe k Avesalomu, reèe Husaj Avesalomu: da živi car! da živi car!
Oo kolkii Xuushay kii reer Arkii oo Daa'uud saaxiibkiis ahaa uu Absaaloom u yimid ayaa Xuushay Absaaloom ku yidhi, Boqorku ha noolaado, boqorku ha noolaado.
17 A Avesalom reèe Husaju: taka li je ljubav tvoja prema prijatelju tvojemu? zašto nijesi otišao s prijateljem svojim?
Markaasaa Absaaloom wuxuu Xuushay ku yidhi, Ma sidatanaad ugu roonaanaysaa saaxiibka? Maxaadse saaxiibkaa u raaci weyday?
18 A Husaj reèe Avesalomu: ne; nego koga je izabrao Gospod i ovaj narod i svi Izrailjci, njegov æu biti i kod njega æu ostati.
Xuushayna wuxuu Absaaloom ku yidhi, Saas ma aha; laakiinse kii Rabbiga, iyo dadkan, iyo reer binu Israa'iil oo dhammu doorteen ayaa i lahaanaya, oo isagaan la joogayaa.
19 Svrh toga, kome bih služio? eda li ne sinu njegovu? kako sam služio ocu tvojemu, tako æu i tebi.
Oo haddana, bal yaan u adeegaa? Sow wiilkiisa ma aha? Sidaan aabbahaa ugu adeegi jiray oo kale ayaan haatanna adiga kuugu adeegayaa.
20 A Avesalom reèe Ahitofelu: svjetuj šta æemo èiniti.
Markaasaa Absaaloom wuxuu Axiitofel ku yidhi, Bal ka tali waxaan samayn lahayn.
21 A Ahitofel reèe Avesalomu: lezi s inoèama oca svojega, koje je ostavio da mu èuvaju kuæu, pa kad èuje sav Izrailj kako si se omrazio s ocem svojim, osiliæe ruka svjema koji su s tobom.
Oo Axiitofelna wuxuu Absaaloom ku yidhi, Waxaad u tagtaa naagaha addoommaha ah ee aabbahaa, ee uu uga tegey inay guriga dhawraan; oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay maqli doonaan in aabbahaa ku karahsaday; dabadeedna inta kula jirta oo dhan gacmahoodu way xoogaysan doonaan.
22 Tada razapeše Avesalomu šator na krovu, i Avesalom leže s inoèama oca svojega na vidiku svjemu Izrailju.
Sidaas daraaddeed Absaaloom teendhay uga dhiseen guriga dushiisa, oo Absaaloomna wuxuu u tegey naagihii addoommaha ahaa ee aabbihiis, iyadoo ay reer binu Israa'iil oo dhammu u jeedeen.
23 I svjet koji davaše Ahitofel u ono vrijeme bijaše kao da bi ko Boga upitao; taki bijaše svaki svjet Ahitofelov i u Davida i u Avesaloma.
Oo waayahaasna taladii Axiitofel ku talin jiray waxay ahayd sidii Ilaah hadalkiisa markii Ilaah wax la weyddiisto oo kale; oo Axiitofel taladiisuna saasay la ahayd Daa'uud iyo Absaaloomba.

< 2 Samuelova 16 >