< 1 Kraljevima 11 >

1 Ali car Solomun ljubljaše mnoge žene tuðinke osim kæeri Faraonove, Moavke, Amonke, Edomke, Sidonke i Hetejke,
Oo Boqor Sulaymaan wuxuu jeclaaday naago badan oo qalaad, oo aan gabadhii Fircoon ahayn, naagahaas oo ahaa reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Edom, iyo reer Siidoon, iyo reer Xeed.
2 Od onijeh naroda za koje bješe rekao Gospod sinovima Izrailjevijem: ne idite k njima i oni da ne dolaze k vama, jer æe zanijeti srce vaše za svojim bogovima. Za njih prionu Solomun ljubeæi ih.
Oo quruumahaasuna waxay ahaayeen kuwii Rabbigu reer binu Israa'iil ku yidhi, Idinku ha dhex gelina, iyana yaanay idin soo dhex gelin, waayo, hubaal qalbiyadiinna waxay u jeedinayaan xagga ilaahyadooda; oo Sulaymaan kuwaasuu caashaq u qabtay.
3 Te imaše žena carica sedam stotina, i tri stotine inoèa; i žene njegove zanesoše srce njegovo.
Oo wuxuu lahaa toddoba boqol oo naagood oo marwooyin ah, iyo saddex boqol oo naagood oo addoommo ah; oo naagihiisiina qalbigiisii way sii jeediyeen.
4 I kad ostarje Solomun, žene zanesoše srce njegovo za tuðim bogovima; i srce njegovo ne bi cijelo prema Gospodu Bogu njegovu kao što je bilo srce Davida oca njegova.
Oo markii Sulaymaan gaboobay ayaa naagihiisii qalbigiisii u jeediyeen ilaahyo kale xaggood; oo qalbigiisuna kuma qummanayn xagga Rabbiga Ilaahiisa ahaa sidii qalbigii aabbihiis Daa'uud ahaa oo kale.
5 I Solomun hoðaše za Astarotom, boginjom Sidonskom, i za Melhomom, gadom Amonskim.
Waayo, Sulaymaan wuxuu raacay Cashtored oo ahayd ilaahaddii reer Siidoon, iyo Milkom oo ahaa karaahiyadii ay reer Cammoon caabudi jireen.
6 I èinjaše Solomun što bješe zlo pred Gospodom, i ne hoðaše sasvijem za Gospodom kao David otac njegov.
Oo Sulaymaan wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo dhammaantiis ma uu raacin Rabbiga sidii aabbihii Daa'uud.
7 Tada sagradi Solomun visinu Hemosu, gadu Moavskom, na gori prema Jerusalimu, i Molohu gadu Amonskom.
Markaasaa Sulaymaan wuxuu meel sare uga dhisay buurtii Yeruusaalem ku hor tiil Kemoosh oo ahaa karaahiyadii reer Moo'aab, iyo Molokh oo ahaa karaahiyadii reer Cammoon.
8 Tako uèini svijem ženama tuðinkama, te kaðahu i prinošahu žrtve svojim bogovima.
Oo sidaasuu ugu wada sameeyey naagihiisii qalaadaa oo dhan kuwaasoo uunsi u shidi jiray, allabarina u bixin jiray ilaahyadooda.
9 A Gospod se razgnjevi na Solomuna što se odvrati srce njegovo od Gospoda Boga Izrailjeva, koji mu se bješe javio dva puta.
Oo Rabbigu Sulaymaan buu u cadhooday, maxaa yeelay, qalbigiisii ayaa ka jeestay Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ah, oo isaga labada jeer u muuqday,
10 I bješe mu zapovjedio da ne ide za drugim bogovima, a on ne održa što mu Gospod zapovjedi.
oo ku amray wax ku saabsan waxan kuwaasoo ah inuusan raacin ilaahyo kale; laakiinse isagu ma uu xajin wixii Rabbigu ku amray.
11 I reèe Gospod Solomunu: što se to naðe na tebi, i nijesi držao zavjeta mojega ni uredaba mojih, koje sam ti zapovjedio, zato æu otrgnuti od tebe carstvo i daæu ga sluzi tvojemu.
Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu Sulaymaan ku yidhi, Waxan aad samaysay aawadiis ayaan boqortooyada kaaga xoogayaa, oo waxaan siinayaa addoonkaaga, maxaa yeelay, ma aadan xajin axdigaygii iyo qaynuunnadaydii aan kugu amray.
12 Ali za tvojega vijeka neæu to uèiniti radi Davida oca tvojega; nego æu ga otrgnuti iz ruku sina tvojega,
Habase yeeshee, intaad nooshahay saas yeeli maayo, aabbahaa Daa'uud aawadiis; laakiinse waxaan ka xoogayaa wiilkaaga.
13 Ali neæu otrgnuti svega carstva; jedno æu pleme dati sinu tvojemu radi Davida sluge svojega i radi Jerusalima, koji izabrah.
Oo weliba boqortooyada oo dhan ka wada xoogi maayo, laakiinse qabiil ayaan wiilkaaga siinayaa, addoonkayga Daa'uud aawadiis iyo Yeruusaalem oo aan doortay aawadeed.
14 I podiže Gospod protivnika Solomunu, Adada Idumejca, koji bijaše od carskoga roda u Idumeji.
Markaasaa Rabbigu wuxuu Sulaymaan ku kiciyey cadow, kaasoo ahaa Hadad oo reer Edom ahaa, oo ka soo farcamay boqorka Edom.
15 Jer kad David bijaše u Idumeji i Joav vojvoda doðe da pokopa pobijene, pobi sve muškinje u Idumeji.
Markii Daa'uud Edom joogay, oo Yoo'aab oo ahaa sirkaalkii ciidankuna halkaas u tegey inuu soo aaso dadkii la laayay, kuwaasoo ahaa wixii lab ahaa ee uu Edom ku wada laayay oo dhan;
16 Jer Joav osta ondje šest mjeseca sa svijem Izrailjem dokle ne pobi sve muškinje u Idumeji.
(waayo, Yoo'aab iyo reer binu Israa'iil oo dhammu halkaasay iska joogeen intii lix bilood ah, ilaa uu wada jaray wixii lab ahaa ee Edom joogay oo dhan; )
17 Tada uteèe Adad s nekoliko Idumejaca sluga oca svojega, i otide u Misir; a Adad bješe tada dijete.
waxaa cararay Hadad iyo dhawr reer Edom ah oo ahaa addoommadii aabbihiis inay tagaan dalka Masar, oo Hadadna kolkaas weli inan yar buu ahaa.
18 I otišavši iz Madijama doðoše u Faran; i uzevši sa sobom ljudi iz Farana doðoše u Misir k Faraonu caru Misirskom, koji mu dade kuæu i odredi mu hranu, a dade mu i zemlje.
Oo waxay ka ambabbexeen Midyaan, oo Faaraan tageen; oo rag bay Faaraan ka sii kaxaysteen, oo waxay yimaadeen dalkii Masar, kolkaasay u tageen Fircoon oo ahaa boqorkii Masar, oo isna wuxuu siiyey guri, cuntona joogtuu uga dhigay, dhulna wuu siiyey.
19 I Adad naðe veliku milost u Faraona, te ga oženi sestrom žene svoje, sestrom carice Tahpenese.
Hadadna raallinimo weyn buu ka helay Fircoon, oo xataa wuxuu u guuriyey naagtiisii walaasheed, taasoo la dhalatay boqoraddii Taxfenees.
20 I sestra Tahpenesina rodi mu sina Genuvata, kojega othrani Tahpenesa u dvoru Faraonovu, i bješe Genuvat u dvoru Faraonovu meðu sinovima Faraonovijem.
Oo Taxfenees walaasheed waxay isagii u dhashay wiilkiisii Genubad, kaasoo ay Taxfenees guriga Fircoon kaga gudhisay, oo Genubad guriga Fircoon ayuu joogi jiray, isagoo la jooga Fircoon wiilashiisa.
21 A kad Adad èu u Misiru da je David poèinuo kod otaca svojih i da je umro Joav vojvoda, reèe Adad Faraonu: pusti me da idem u svoju zemlju.
Oo markii Hadad Masar ku maqlay in Daa'uud dhintay oo la seexday awowayaashiis, Yoo'aab oo sirkaalkii ciidanka ahaana dhintay ayuu Fircoon ku yidhi, I sii daa aan dalkaygii tagee.
22 A Faraon mu reèe: a šta ti je malo kod mene, te hoæeš da ideš u svoju zemlju? A on reèe: ništa; ali me pusti.
Markaasaa Fircoon ku yidhi, War intaad ila joogtay maxaad iga weyday oo aad u doonaysaa inaad dalkaagii tagto? Isna wuxuu ugu jawaabay, Waxba; laakiinse i sii daa aan tagee.
23 Podiže mu Bog još jednoga protivnika, Rezona sina Elijadina, koji bješe pobjegao od gospodara svojega Adadezera cara Sovskoga.
Oo Ilaah haddana wuxuu ku kiciyey cadow kale, oo kaasuna wuxuu ahaa Resoon ina Elyaadaac kaasoo ka cararay sayidkiisii Hadadceser oo boqorkii Soobaah ahaa.
24 I skupiv k sebi ljude posta starješina od èete kad ih David ubijaše; potom otišavši u Damask ostaše ondje i obladaše Damaskom.
Oo rag buu soo urursaday, guutona sirkaal buu u noqday markii Daa'uud kuwii Soobaah laayay; oo Dimishaq bay tageen oo halkaasay iska degeen oo Dimishaq wax ku xukumeen.
25 I bješe protivnik Izrailjev svega vijeka Solomunova, i to osim zla koje èinjaše Adad; i mržaše na Izrailja carujuæi u Siriji.
Oo wakhtigii Sulaymaan noolaa oo dhan cadow buu u ahaa reer binu Israa'iil, oo waxaa kaloo wehliyey belaayadii Hadad ku sameeyey; oo intuu reer binu Israa'iil u karaahsaday ayuu Suuriya boqor u noqday.
26 I Jerovoam sin Navatov Efraæanin iz Saride, èija mati bješe po imenu Seruja žena udovica, sluga Solomunov, podiže se na cara.
Oo waxaa kaloo jiray Yaaraabcaam ina Nebaad oo ahaa reer Efraad oo Sereedaah degganaa, kaasu wuxuu ahaa Sulaymaan addoonkiisa, oo hooyadiis magaceeda waxaa la odhan jiray Seruucaah, waxayna ahayd naag carmal ah, oo isna gacantuu boqorka u qaaday.
27 A ovo bi uzrok zašto se podiže na cara: Solomun graðaše Milon i zaziðivaše prolom grada Davida oca svojega;
Tanu waxa weeye sababtii uu boqorkii gacanta ugu qaaday: Sulaymaan wuxuu dhisay Millo, oo uu hagaajiyey dildillaacii magaaladii aabbihiis Daa'uud.
28 A Jerovoam bijaše krjepak i hrabar; zato videæi Solomun mladiæa da nastaje za poslom postavi ga nad svijem dancima doma Josifova.
Oo ninkii Yaaraabcaamna wuxuu ahaa nin xoog leh; markaasaa Sulaymaan wuxuu arkay in ninka dhallintayaru yahay nin aad u shaqeeya, kolkaasuu madax uga dhigay hawshii reer Yuusuf oo dhan.
29 Pa u to vrijeme kad Jerovoam otide iz Jerusalima, naðe ga na putu Ahija Silomljanin prorok imajuæi na sebi novu haljinu, i bijahu njih dvojica sami u polju.
Oo waagaas waxay noqotay, markii Yaaraabcaam Yeruusaalem ka tegey, inuu Nebi Axiiyaah oo ahaa reer Shiiloh isagii jidka ka helay, oo Axiiyaahna dhar cusub buu qabay, oo labadooda keliya ayaa berrin joogay.
30 I Ahija uze novu haljinu koja bješe na njemu, i razdrije je na dvanaest komada.
Markaasaa Axiiyaah qabsaday dharkii cusbaa oo uu qabay, oo wuxuu u kala jeexjeexay laba iyo toban meelood.
31 I reèe Jerovoamu: uzmi deset komada; jer ovako veli Gospod Bog Izrailjev: evo istrgnuæu carstvo iz ruke Solomunove, i daæu tebi deset plemena.
Kolkaasuu Yaaraabcaam ku yidhi, Toban meelood qaado, waayo, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ah wuxuu leeyahay, Boqortooyada waan ka xoogayaa Sulaymaan, oo toban qabiil ayaan ku siinayaa,
32 Samo æe jedno pleme ostati njemu radi sluge mojega Davida i radi grada Jerusalima, koji izabrah izmeðu svijeh plemena Izrailjevih.
(laakiinse qabiil isagaa u haysanaya addoonkaygii Daa'uud aawadiis, iyo Yeruusaalem oo ah magaaladii aan qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ka doortay aawadeed; )
33 Jer ostaviše mene i pokloniše se Astaroti boginji Sidonskoj i Hemosu bogu Moavskom i Melhomu bogu sinova Amonovijeh, i ne hodiše putovima mojim èineæi što je pravo preda mnom, uredbe moje i zakone moje, kao David otac njegov.
maxaa yeelay, way i dayriyeen, oo waxay caabudeen Cashtored oo ilaahaddii reer Siidoon ah, iyo Kemoosh oo ah ilaahii reer Moo'aab, iyo Milkom oo ah ilaahii reer Cammoon; oo jidadkaygiina kuma ay socon, inay sameeyaan waxa hortayda ku qumman, iyo inay dhawraan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, sidii aabbihiis Daa'uud yeeli jiray oo kale.
34 Ali neæu uzeti carstva iz ruku njegovijeh, nego æu ga ostaviti neka vlada dokle je god živ Davida radi sluge svojega, kojega izabrah, koji je držao zapovijesti moje i uredbe moje.
Habase yeeshee boqortooyada oo dhan ka wada qaadi maayo; laakiinse cimrigiisa oo dhan amiir baan ka dhigayaa addoonkaygii Daa'uud oo aan doortay aawadiis, maxaa yeelay, wuxuu dhawray amarradaydii iyo qaynuunnadaydii.
35 Nego æu uzeti carstvo iz ruku sina njegova, i daæu tebi od njega deset plemena.
Laakiinse boqortooyada waxaan ka qaadayaa wiilkiisa oo adigaan ku siinayaa toban qabiil.
36 A sinu æu njegovu dati jedno pleme da bude vidjelo Davidu sluzi mojemu vazda preda mnom u gradu Jerusalimu, koji izabrah da u njemu namjestim ime svoje.
Oo wiilkiisana waxaan siinayaa qabiil keliya in addoonkaygii Daa'uud had iyo goorba hortayda laambad ku haysto Yeruusaalem dhexdeeda, taasoo ah magaaladii aan u doortay inaan magacayga halkaas dhigo.
37 Tebe æu dakle uzeti da caruješ nad svijem što ti duša želi, i biæeš car nad Izrailjem.
Oo waan ku qaadan doonaa, oo waxaad boqor u ahaan doontaa siday naftaadu doonayso, oo dalka Israa'iilna boqor baad ka noqon doontaa.
38 I ako uzaslušaš sve što ti zapovjedim, i uzideš mojim putovima i ušèiniš što je pravo preda mnom, držeæi uredbe moje i zapovijesti moje, kao što je èinio David sluga moj, biæu s tobom i sazidaæu ti tvrd dom, kao što sam sazidao Davidu, i daæu ti Izrailja.
Oo haddaad maqasho waxa aan kugu amro oo dhan, oo aad jidadkaygana ku socotid, oo aad samaysid waxa hortayda ku qumman, oo aad dhawrtid qaynuunnadayda iyo amarradayda, sidii addoonkaygii Daa'uud yeeli jiray oo kale, ayaan kula jiri doonaa, oo waxaan kuu dhisi doonaa reer ammaan ah, sidii aan Daa'uud ugu dhisay oo kale, oo weliba dalka Israa'iilna adigaan ku siinayaa.
39 I muèiæu sjeme Davidovo za to, ali ne svagda.
Oo taas aawadeed Daa'uud farcankiisa waan dhibayaa laakiinse dhibka ku waarin maayo.
40 Zato tražaše Solomun da ubije Jerovoama; ali se Jerovoam podiže i pobježe u Misir k Sisaku caru Misirskom, i bi u Misiru dok ne umrije Solomun.
Sidaas daraaddeed Sulaymaan wuxuu damcay inuu Yaaraabcaam dilo; laakiinse Yaaraabcaam wuu kacay, oo wuxuu u cararay dalka Masar, oo u tegey Shiishaq oo ahaa boqorkii Masar, oo tan iyo markii Sulaymaan geeriyooday ayuu dalka Masar iska joogay.
41 A ostala djela Solomunova i što je god èinio, i mudrost njegova, nije li to zapisano u knjizi djela Solomunovijeh?
Haddaba Sulaymaan falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xigmaddiisiiba, sow kuma qorna kitaabkii falimaha Sulaymaan?
42 A carova Solomun u Jerusalimu nad svijem Izrailjem èetrdeset godina.
Oo wakhtigii Sulaymaan reer binu Israa'iil oo dhan Yeruusaalem boqorka ugu ahaa wuxuu ahaa afartan sannadood.
43 I poèinu Solomun kod otaca svojih, i bi pogreben u gradu Davida oca svojega; a Rovoam sin njegov zacari se na njegovo mjesto.
Markaasaa Sulaymaan dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii aabbihiis Daa'uud; oo wiilkiisii Rexabcaam ayaa meeshiisii boqor ka noqday.

< 1 Kraljevima 11 >