< mathiH 4 >

1 tataH paraM yIzuH pratArakENa parIkSitO bhavitum AtmanA prAntaram AkRSTaH
Goortaasaa Ruuxu Ciise cidlada u kaxeeyey in Ibliisku jirrabo.
2 san catvAriMzadahOrAtrAn anAhArastiSThan kSudhitO babhUva|
Oo goortuu afartan maalmood iyo afartan habeen soomanaa, ayuu dabadeed gaajooday.
3 tadAnIM parIkSitA tatsamIpam Agatya vyAhRtavAn, yadi tvamIzvarAtmajO bhavEstarhyAjnjayA pASANAnEtAn pUpAn vidhEhi|
Markaasaa duufiyihii u yimid oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, dhagaxyadan ku dheh, Kibis noqda.
4 tataH sa pratyabravIt, itthaM likhitamAstE, "manujaH kEvalapUpEna na jIviSyati, kintvIzvarasya vadanAd yAni yAni vacAMsi niHsaranti tairEva jIviSyati|"
Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa qoran tahay, Dadku waa inaanu kibis oo keliya ku noolaan, laakiin waa inuu eray walba oo afka Ilaah ka soo baxa ku noolaado.
5 tadA pratArakastaM puNyanagaraM nItvA mandirasya cUPOpari nidhAya gaditavAn,
Markaasaa Ibliisku magaaladii quduuska ahayd geeyey, wuxuuna saaray munaaraddii macbudka
6 tvaM yadizvarasya tanayO bhavEstarhItO'dhaH pata, yata itthaM likhitamAstE, AdEkSyati nijAn dUtAn rakSituM tvAM paramEzvaraH| yathA sarvvESu mArgESu tvadIyacaraNadvayE| na lagEt prastarAghAtastvAM ghariSyanti tE karaiH||
oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, hoos isu tuur, waayo, waa qoran tahay, Malaa'igihiisa ayuu amri doonaa, Oo gacmahooda ayay sare kuugu qaban doonaan, Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.
7 tadAnIM yIzustasmai kathitavAn Etadapi likhitamAstE, "tvaM nijaprabhuM paramEzvaraM mA parIkSasva|"
Ciise wuxuu ku yidhi, Haddana waa qoran tahay, Rabbiga Ilaahaaga ah waa inaanad jirrabin.
8 anantaraM pratArakaH punarapi tam atyunjcadharAdharOpari nItvA jagataH sakalarAjyAni tadaizvaryyANi ca darzayAzcakAra kathayAnjcakAra ca,
Haddana Ibliiskii ayaa buur aad u dheer geeyey, wuxuuna tusay boqortooyooyinka dunida oo dhan iyo ammaantooda.
9 yadi tvaM daNPavad bhavan mAM praNamEstarhyaham EtAni tubhyaM pradAsyAmi|
Wuxuuna ku yidhi, Waxyaalahan oo dhan waan ku siinayaa haddaad sujuuddid oo i caabuddid.
10 tadAnIM yIzustamavOcat, dUrIbhava pratAraka, likhitamidam AstE, "tvayA nijaH prabhuH paramEzvaraH praNamyaH kEvalaH sa sEvyazca|"
Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Shayddaan yahow, bax, waayo, waa qoran tahay, Waa inaad caabuddo Rabbiga Ilaahaaga ah oo waa inaad isaga keliya u adeegto.
11 tataH pratArakENa sa paryyatyAji, tadA svargIyadUtairAgatya sa siSEvE|
Markaasaa Ibliiskii ka tegey, oo waxaa u yimid malaa'igo, wayna u adeegeen.
12 tadanantaraM yOhan kArAyAM babandhE, tadvArttAM nizamya yIzunA gAlIl prAsthIyata|
Maarkuu maqlay in Yooxanaa la qabtay, ayuu Galili ku leexday,
13 tataH paraM sa nAsarannagaraM vihAya jalaghEstaTE sibUlUnnaptAlI EtayOruvabhayOH pradEzayOH sImnOrmadhyavarttI ya: kapharnAhUm tannagaram itvA nyavasat|
oo intuu Naasared ka tegey, wuxuu yimid oo degay Kafarna'um, tan badda agteeda ahayd oo ku jirtay soohdimaha Sebulun iyo Naftaali,
14 tasmAt, anyAdEzIyagAlIli yarddanpArE'bdhirOdhasi| naptAlisibUlUndEzau yatra sthAnE sthitau purA|
inay noqoto wixii nebi Isayos lagaga dhex hadlay, isagoo leh,
15 tatratyA manujA yE yE paryyabhrAmyan tamisrakE| tairjanairbRhadAlOkaH paridarziSyatE tadA| avasan yE janA dEzE mRtyucchAyAsvarUpakE| tESAmupari lOkAnAmAlOkaH saMprakAzitaH||
Dhulka Sebulun iyo dhulka Naftaali, Xagga jidka badda, Webi Urdun shishadiisa, Galili quruumaha ka mid ah,
16 yadEtadvacanaM yizayiyabhaviSyadvAdinA prOktaM, tat tadA saphalam abhUt|
Dadkii fadhiyi jiray gudcurka Ayaa iftiin weyn arkay, Kuwii fadhiyi jiray dalka iyo hooska dhimashadana, Iftiin baa u baxay.
17 anantaraM yIzuH susaMvAdaM pracArayan EtAM kathAM kathayitum ArEbhE, manAMsi parAvarttayata, svargIyarAjatvaM savidhamabhavat|
Markaas dabadeed Ciise wuxuu bilaabay inuu wax ku wacdiyo oo yidhaahdo, Toobadkeena, waayo, boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.
18 tataH paraM yIzu rgAlIlO jaladhEstaTEna gacchan gacchan Andriyastasya bhrAtA zimOn arthatO yaM pitaraM vadanti EtAvubhau jalaghau jAlaM kSipantau dadarza, yatastau mInadhAriNAvAstAm|
Markuu badda Galili ag marayay wuxuu arkay laba walaalo ah, Simoon kii Butros la odhan jiray iyo Andaros oo ahaa walaalkiis, iyagoo shabag badda ku tuuraya, waayo, waxay ahaayeen kalluumaystayaal.
19 tadA sa tAvAhUya vyAjahAra, yuvAM mama pazcAd AgacchataM, yuvAmahaM manujadhAriNau kariSyAmi|
Oo wuxuu ku yidhi, I soo raaca, waxaan idinka dhigayaa kuwa dadka jillaabta.
20 tEnaiva tau jAlaM vihAya tasya pazcAt AgacchatAm|
Markiiba intay shabagyadii ka tageen, ayay raaceen isagii.
21 anantaraM tasmAt sthAnAt vrajan vrajan sivadiyasya sutau yAkUb yOhannAmAnau dvau sahajau tAtEna sArddhaM naukOpari jAlasya jIrNOddhAraM kurvvantau vIkSya tAvAhUtavAn|
Markuu meeshaas hore uga socday wuxuu arkay laba kale oo walaalo ah, Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa, iyagoo aabbahood doonnida kula jira oo shabagyadoodii hagaajinaya, wuuna u yeedhay.
22 tatkSaNAt tau nAvaM svatAtanjca vihAya tasya pazcAdgAminau babhUvatuH|
Markiiba doonnidii iyo aabbahood way ka soo tageen oo way raaceen.
23 anantaraM bhajanabhavanE samupadizan rAjyasya susaMvAdaM pracArayan manujAnAM sarvvaprakArAn rOgAn sarvvaprakArapIPAzca zamayan yIzuH kRtsnaM gAlIldEzaM bhramitum Arabhata|
Ciise ayaa Galili oo dhan ku wareegay, isagoo sunagogyadooda wax ku baraya oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyaya oo bukaan oo dhan iyo cudur oo dhan bogsiinaya dadka dhexdiisa.
24 tEna kRtsnasuriyAdEzasya madhyaM tasya yazO vyApnOt, aparaM bhUtagrastA apasmArargINaH pakSAdhAtiprabhRtayazca yAvantO manujA nAnAvidhavyAdhibhiH kliSTA Asan, tESu sarvvESu tasya samIpam AnItESu sa tAn svasthAn cakAra|
Warkiisuna waa gaadhay Suuriya oo dhan, oo waxay u keeneen kuwii bukay oo dhan, oo cudurro kala cayncayn ah iyo silic qabay, iyo kuwo jinni qaba, iyo kuwo suuxdin qaba, iyo kuwa curyaan ah, wuuna bogsiiyey.
25 EtEna gAlIl-dikApani-yirUzAlam-yihUdIyadEzEbhyO yarddanaH pArAnjca bahavO manujAstasya pazcAd Agacchan|
Waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili iyo Dekabolis iyo Yeruusaalem iyo Yahuudiya iyo Webi Urdun shishadiisa.

< mathiH 4 >