< ၁ ပိတရး 2 >

1 သရွွာန် ဒွေၐာန် သရွွာံၑ္စ ဆလာန် ကာပဋျာနီရ္ၐျား သမသ္တဂ္လာနိကထာၑ္စ ဒူရီကၖတျ
Haddaba sidaas daraaddeed iska wada fogeeya xumaan oo dhan, iyo khiyaano oo dhan, iyo labawejiilenimo, iyo hinaaso, iyo cay oo dhan,
2 ယုၐ္မာဘိး ပရိတြာဏာယ ဝၖဒ္ဓိပြာပ္တျရ္ထံ နဝဇာတၑိၑုဘိရိဝ ပြကၖတံ ဝါဂ္ဒုဂ္ဓံ ပိပါသျတာံ၊
oo sida carruur dhallaan ah u jeclaada caanaha ruuxa ee saafiga ah, si aad ugu kortaan xagga badbaadada,
3 ယတး ပြဘု ရ္မဓုရ ဧတသျာသွာဒံ ယူယံ ပြာပ္တဝန္တး၊
haddii aad dhadhamiseen in Rabbigu raxmad leeyahay,
4 အပရံ မာနုၐဲရဝဇ္ဉာတသျ ကိန္တွီၑွရေဏာဘိရုစိတသျ ဗဟုမူလျသျ ဇီဝတ္ပြသ္တရသျေဝ တသျ ပြဘေား သန္နိဓိမ် အာဂတာ
kaas oo aad u imanaysaan, oo ah dhagax nool, oo dadku diiday, laakiin xagga Ilaah laga doortay oo qaali ah.
5 ယူယမပိ ဇီဝတ္ပြသ္တရာ ဣဝ နိစီယမာနာ အာတ္မိကမန္ဒိရံ ခြီၐ္ဋေန ယီၑုနာ စေၑွရတောၐကာဏာမ် အာတ္မိကဗလီနာံ ဒါနာရ္ထံ ပဝိတြော ယာဇကဝရ္ဂော ဘဝထ၊
Idinkuna sida dhagaxyo noolnool ayaa waxaa laydinka dhisayaa guri ruux ah inaad ahaataan wadaaddo quduus ah si aad xagga ruuxa uga bixisaan allabariyo uu Ilaah ku aqbalo Ciise Masiix.
6 ယတး ၑာသ္တြေ လိခိတမာသ္တေ, ယထာ, ပၑျ ပါၐာဏ ဧကော 'သ္တိ သီယောနိ သ္ထာပိတော မယာ၊ မုချကောဏသျ ယောဂျး သ ဝၖတၑ္စာတီဝ မူလျဝါန်၊ ယော ဇနော ဝိၑွသေတ် တသ္မိန် သ လဇ္ဇာံ န ဂမိၐျတိ၊
Maxaa yeelay, waxaa Qorniinku leeyahay, Bal eega, waxaan Siyoon dhex dhigayaa dhagax geeseed oo weyn, oo la doortay, oo qaali ah, Oo kii isaga rumaystaa ma ceeboobi doono.
7 ဝိၑွာသိနာံ ယုၐ္မာကမေဝ သမီပေ သ မူလျဝါန် ဘဝတိ ကိန္တွဝိၑွာသိနာံ ကၖတေ နိစေတၖဘိရဝဇ္ဉာတး သ ပါၐာဏး ကောဏသျ ဘိတ္တိမူလံ ဘူတွာ ဗာဓာဇနကး ပါၐာဏး သ္ခလနကာရကၑ္စ ၑဲလော ဇာတး၊
Haddaba sidaas daraaddeed qaalinimada waxaa leh idinkoo ah kuwa rumaysan, laakiinse xagga kuwa aan rumaysnayn, Dhagaxii kuwa wax dhisa ay diideen, Wuxuu noqday madaxa rukunka;
8 တေ စာဝိၑွာသာဒ် ဝါကျေန သ္ခလန္တိ သ္ခလနေ စ နိယုက္တား သန္တိ၊
iyo Dhagax lagu turunturoodo oo ah dhadhaab lagu xumaado; waayo, waxay ku turunturoodaan ereyga, maxaa yeelay, ma addeecsana; taas oo ah wixii loo xugmay.
9 ကိန္တု ယူယံ ယေနာန္ဓကာရမဓျာတ် သွကီယာၑ္စရျျဒီပ္တိမဓျမ် အာဟူတာသ္တသျ ဂုဏာန် ပြကာၑယိတုမ် အဘိရုစိတော ဝံၑော ရာဇကီယော ယာဇကဝရ္ဂး ပဝိတြာ ဇာတိရဓိကရ္တ္တဝျား ပြဇာၑ္စ ဇာတား၊
Laakiinse idinku waxaad tihiin jinsi la doortay, iyo wadaaddada boqorka, iyo quruun quduus ah, iyo dad Ilaah iska leeyahay, inaad ogeysiisaan wanaagga kan gudcurka idiinka yeedhay oo idiinku yeedhay xagga nuurkiisa yaabka leh.
10 ပူရွွံ ယူယံ တသျ ပြဇာ နာဘဝတ ကိန္တွိဒါနီမ် ဤၑွရသျ ပြဇာ အာဓွေ၊ ပူရွွမ် အနနုကမ္ပိတာ အဘဝတ ကိန္တွိဒါနီမ် အနုကမ္ပိတာ အာဓွေ၊
Idinku waagii hore dad ma aydin ahayn, laakiinse haatan waxaad tihiin dadka Ilaah, idinku markii hore naxariis ma aydin helin, laakiinse haatan naxariis baad hesheen.
11 ဟေ ပြိယတမား, ယူယံ ပြဝါသိနော ဝိဒေၑိနၑ္စ လောကာ ဣဝ မနသး ပြာတိကူလျေန ယောဓိဘျး ၑာရီရိကသုခါဘိလာၐေဘျော နိဝရ္တ္တဓွမ် ဣတျဟံ ဝိနယေ၊
Gacaliyayaalow, waxaan idiin baryayaa, idinkoo ah sidii qariib iyo dad sodcaal ah, inaad ka fogaataan damacyada jidhka oo nafta la dagaallama.
12 ဒေဝပူဇကာနာံ မဓျေ ယုၐ္မာကမ် အာစာရ ဧဝမ် ဥတ္တမော ဘဝတု ယထာ တေ ယုၐ္မာန် ဒုၐ္ကရ္မ္မကာရိလောကာနိဝ ပုန ရ္န နိန္ဒန္တး ကၖပါဒၖၐ္ဋိဒိနေ သွစက္ၐုရ္ဂောစရီယသတ္ကြိယာဘျ ဤၑွရသျ ပြၑံသာံ ကုရျျုး၊
Quruumaha dhexdooda dabiicad wanaagsan ku dhaqma, in meeshii ay wax xun idinkaga sheegi lahaayeen sidii idinkoo ah kuwo xumaan fala, ay shuqulladiinna wanaagsan oo ay arkaan Ilaah ku ammaanaan maalinta booqashada.
13 တတော ဟေတော ရျူယံ ပြဘောရနုရောဓာတ် မာနဝသၖၐ္ဋာနာံ ကရ္တၖတွပဒါနာံ ဝၑီဘဝတ ဝိၑေၐတော ဘူပါလသျ ယတး သ ၑြေၐ္ဌး,
Rabbiga daraaddiis u addeeca amar kasta oo dadka, ama ha ahaado boqorka ka sarreeya dadka oo dhan,
14 ဒေၑာဓျက္ၐာဏာဉ္စ ယတသ္တေ ဒုၐ္ကရ္မ္မကာရိဏာံ ဒဏ္ဍဒါနာရ္ထံ သတ္ကရ္မ္မကာရိဏာံ ပြၑံသာရ္ထဉ္စ တေန ပြေရိတား၊
amase taliyayaasha uu isagu u soo diray inay ka aargutaan kuwa xumaanta sameeya oo ay ammaanaan kuwa samaanta fala.
15 ဣတ္ထံ နိရ္ဗ္ဗောဓမာနုၐာဏာမ် အဇ္ဉာနတွံ ယတ် သဒါစာရိဘိ ရျုၐ္မာဘိ ရ္နိရုတ္တရီကြိယတေ တဒ် ဤၑွရသျာဘိမတံ၊
Waayo, Ilaah doonistiisu waxa weeye inaad samafalid ku aamusiisaan jaahilnimada nacasyada,
16 ယူယံ သွာဓီနာ ဣဝါစရတ တထာပိ ဒုၐ္ဋတာယာ ဝေၐသွရူပါံ သွာဓီနတာံ ဓာရယန္တ ဣဝ နဟိ ကိန္တွီၑွရသျ ဒါသာ ဣဝ၊
idinkoo xor ah oo aan xorriyaddiinna ugu isticmaalayn sidii jubbad aad xumaanta ku qarisaan, laakiinse sidii idinkoo ah addoommo Ilaah.
17 သရွွာန် သမာဒြိယဓွံ ဘြာတၖဝရ္ဂေ ပြီယဓွမ် ဤၑွရာဒ် ဗိဘီတ ဘူပါလံ သမ္မနျဓွံ၊
Dadka oo dhan maamuusa, walaalahana jeclaada, Ilaahna ka cabsada, oo boqorka ciseeya.
18 ဟေ ဒါသား ယူယံ သမ္ပူရ္ဏာဒရေဏ ပြဘူနာံ ဝၑျာ ဘဝတ ကေဝလံ ဘဒြာဏာံ ဒယာလူနာဉ္စ နဟိ ကိန္တွနၖဇူနာမပိ၊
Midiidinyadow, ka cabsada oo ka dambeeya sayidyadiinna, mana aha kuwa wanaagsan oo idiin roon oo keliya, laakiinse xataa kuwa qalloocan.
19 ယတော 'နျာယေန ဒုးခဘောဂကာလ ဤၑွရစိန္တယာ ယတ် က္လေၑသဟနံ တဒေဝ ပြိယံ၊
Waayo, tanu waa wax loo bogo haddii nin niyada xagga Ilaah uga adkaysto dhibaatooyinka, isagoo xaqdarro ku xanuunsanaya.
20 ပါပံ ကၖတွာ ယုၐ္မာကံ စပေဋာဃာတသဟနေန ကာ ပြၑံသာ? ကိန္တု သဒါစာရံ ကၖတွာ ယုၐ္မာကံ ယဒ် ဒုးခသဟနံ တဒေဝေၑွရသျ ပြိယံ၊
Markii aad dembaabtaan, oo laydin garaaco, haddii aad u dulqaadataan, maxay ammaan leedahay? Laakiinse markaad wanaag fashaan oo aad xanuunsataan, haddii aad u dulqaadataan, taasu waa wax Ilaah u bogo.
21 တဒရ္ထမေဝ ယူယမ် အာဟူတာ ယတး ခြီၐ္ဋော'ပိ ယုၐ္မန္နိမိတ္တံ ဒုးခံ ဘုက္တွာ ယူယံ ယတ် တသျ ပဒစိဟ္နဲ ရွြဇေတ တဒရ္ထံ ဒၖၐ္ဋာန္တမေကံ ဒရ္ၑိတဝါန်၊
Waayo, taasu waa wixii laydiinku yeedhay, maxaa yeelay, Masiix baa idiin xanuunsaday, oo wuxuu idinkaga tegey masaal inaad tallaabooyinkiisa raacdaan.
22 သ ကိမပိ ပါပံ န ကၖတဝါန် တသျ ဝဒနေ ကာပိ ဆလသျ ကထာ နာသီတ်၊
Isagu ma uu dembaabin, khiyaanona afkiisa lagama helin.
23 နိန္ဒိတော 'ပိ သန် သ ပြတိနိန္ဒာံ န ကၖတဝါန် ဒုးခံ သဟမာနော 'ပိ န ဘရ္တ္သိတဝါန် ကိန္တု ယထာရ္ထဝိစာရယိတုး သမီပေ သွံ သမရ္ပိတဝါန်၊
Oo isagu markii la caayay, dadkii caayay cay uma uu celin. Markuu xanuunsadayna ninna ma uu cabsiin, laakiinse wuxuu isu dhiibay kan xaqnimada wax ku xukuma.
24 ဝယံ ယတ် ပါပေဘျော နိဝၖတျ ဓရ္မ္မာရ္ထံ ဇီဝါမသ္တဒရ္ထံ သ သွၑရီရေဏာသ္မာကံ ပါပါနိ ကြုၑ ဦဎဝါန် တသျ ပြဟာရဲ ရျူယံ သွသ္ထာ အဘဝတ၊
Oo isagu dembiyadeennii wuxuu ku qaaday jidhkiisii geedka saarnaa, si innagoo dembi kala dhimannay aynu xaqnimo ugu noolaanno. Waxaad ku bogsateen xariijimihii karbaashiddiisii.
25 ယတး ပူရွွံ ယူယံ ဘြမဏကာရိမေၐာ ဣဝါဓွံ ကိန္တွဓုနာ ယုၐ္မာကမ် အာတ္မနာံ ပါလကသျာဓျက္ၐသျ စ သမီပံ ပြတျာဝရ္တ္တိတား၊
Waayo, waxaad u ambanayseen sida ido oo kale, laakiinse haatan waxaad u soo noqoteen Adhijirka iyo Hoggaamiyaha naftiinna.

< ၁ ပိတရး 2 >