< Числа 17 >
1 И сказал Господь Моисею, говоря:
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
2 скажи сынам Израилевым и возьми у них по жезлу от колена, от всех начальников их по коленам, двенадцать жезлов, и каждого имя напиши на жезле его;
Reer binu Israa'iil la hadal, oo iyaga ulo ka qaad. Qabiil kastaba ul ka qaad; amiirradooda oo dhan sida ay qabiilooyinkoodu kala yihiin laba iyo toban ulood ka kala qaad. Oo nin walba magiciisa ushiisa ku qor.
3 имя Аарона напиши на жезле Левиином, ибо один жезл от начальника колена их должны они дать;
Usha reer Laawi waxaad ku qortaa magaca Haaruun. Qabiilooyinkooda madaxdooda mid kastaaba waa inuu ul lahaadaa.
4 и положи их в скинии собрания, пред ковчегом откровения, где являюсь Я вам;
Oo waa inaad iyaga hor dhigtaa maragga teendhada shirka ku yaal, taasoo ah meesha aan idinkula kulmo.
5 и кого Я изберу, того жезл расцветет; и так Я успокою ропот сынов Израилевых, которым они ропщут на вас.
Oo markaas ninkii aan doorto ushiisu way magooli doontaa, oo anna hortayda waan ka joojin doonaa gunuuska ay reer binu Israa'iil adiga kuu gunuusaan.
6 И сказал Моисей сынам Израилевым, и дали ему все начальники их, от каждого начальника по жезлу, по коленам их двенадцать жезлов, и жезл Ааронов был среди жезлов их.
Markaasaa Muuse reer binu Israa'iil la hadlay, oo amiirradoodii oo dhammu waxay isagii siiyeen ulo, oo amiir kastaaba mid buu siiyey siday qabiilooyinkoodu ahaayeen, intaasu waxay ahayd laba iyo toban ulood; oo ushii Haaruunna ulahooday ku dhex jirtay.
7 И положил Моисей жезлы пред лицом Господа в скинии откровения.
Markaasaa Muuse ulihii dhigay Rabbiga hortiisa teendhadii maragga gudaheeda.
8 На другой день вошел Моисей и Аарон в скинию откровения, и вот, жезл Ааронов, от дома Левиина, расцвел, пустил почки, дал цвет и принес миндали.
Maalintii dambe waxaa noqotay in Muuse galay teendhadii maragga, oo bal eeg, wuxuu arkay ushii Haaruun oo reer Laawi oo magooshay; way magooshay, wayna ubxisay, oo waxay dhashay yicib bisil.
9 И вынес Моисей все жезлы от лица Господня ко всем сынам Израилевым. И увидели они это и взяли каждый свой жезл.
Markaasaa Muuse ulihii ka soo qaaday Rabbiga hortiisa oo wuxuu u keenay reer binu Israa'iil oo dhan, oo way fiiriyeen oo nin waluba ushiisii buu qaatay.
10 И сказал Господь Моисею: положи опять жезл Ааронов пред ковчегом откровения на сохранение, в знамение для непокорных, чтобы прекратился ропот их на Меня, и они не умирали.
Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Usha Haaruun dib ugu celi maragga hortiisa in iyada loo haysto calaamo ka gees ah dadka caasiya, inaad iga joojisid gunuuskooda ay ii gunuusaan, yaanay iyagu dhimane.
11 Моисей сделал это; как повелел ему Господь, так он и сделал.
Oo sidaasaa Muuse yeelay. Sidii Rabbigu isaga ugu amray ayuu u sameeyey.
12 И сказали сыны Израилевы Моисею: вот, мы умираем, погибаем, все погибаем!
Markaasay reer binu Israa'iil Muuse la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen, War bal eeg, waannu baabba'aynaa, oo waannu halligmaynaa, kulligayo waannu wada halligmaynaaye.
13 всякий, приближающийся к скинии Господней, умирает: не придется ли всем нам умереть?
Mid kasta oo soo dhowaada oo u soo dhowaadaa taambuugga Rabbiga wuu dhiman doonaa. Haddaba kulligayo miyaannu wada baabba'aynaa?