< От Матфея 22 >
1 Иисус, продолжая говорить им притчами, сказал:
Ciise ayaa u jawaabay oo mar kale masaallo kula hadlay, oo wuxuu yidhi,
2 Царство Небесное подобно человеку царю, который сделал брачный пир для сына своего
Boqortooyada jannada waxay la mid tahay sidii boqor wiilkiisa aroos u dhigay.
3 и послал рабов своих звать званых на брачный пир; и не хотели придти.
Addoommadiisii ayuu u diray inay u yeedhaan kuwa arooska loogu yeedhay, mana ay doonaynin inay yimaadaan.
4 Опять послал других рабов, сказав: скажите званым: вот, я приготовил обед мой, тельцы мои и что откормлено, заколото, и все готово; приходите на брачный пир.
Haddana addoommo kale ayuu diray oo wuxuu ku yidhi, Kuwii loo yeedhay waxaad ku tidhaahdaan, Bal eega, cuntadaydii waan diyaargareeyey, dibiyadaydii iyo neefafkaygii buurbuurnaana waa la qalay, wax walubana waa diyar, ee arooska kaalaya.
5 Но они, пренебрегши то, пошли, кто на поле свое, а кто на торговлю свою;
Laakiin way fududaysteen, oo iska tageen, mid beertiisuu aaday, mid kalena wuxuu aaday baayacmushtarigiisii.
6 прочие же, схватив рабов его, оскорбили и убили их.
Kuwii kalena addoommadiisii ayay qabteen, wayna caayeen oo dileen.
7 Услышав о сем, царь разгневался, и, послав войска свои, истребил убийц оных и сжег город их.
Laakiin boqorkii markuu maqlay wuu cadhooday, oo askartiisii buu u diray oo baabbi'iyey kuwaasoo dhiig qabay, magaaladoodiina wuu gubay.
8 Тогда говорит он рабам своим: брачный пир готов, а званые не были достойны;
Markaasuu addoommadiisii ku yidhi, Arooskii waa diyaar, kuwii loo yeedhayse ma ay istaahilin.
9 итак пойдите на распутия и всех, кого найдете, зовите на брачный пир.
Haddaba taga meesha jidadka ku kala leexdaan, oo in alla intaad heshaan arooska ugu yeedha.
10 И рабы те, выйдя на дороги, собрали всех, кого только нашли, и злых и добрых; и брачный пир наполнился возлежащими.
Markaasaa addoommadaas jidadkay u baxeen, oo ay soo ururiyeen kuwii ay heleen oo dhan, kuwii sharka lahaa iyo kuwii wanaagsanaaba; gurigii arooskana waxaa laga buuxiyey marti.
11 Царь, войдя посмотреть возлежащих, увидел там человека, одетого не в брачную одежду,
Laakiin boqorkii kolkuu soo galay inuu martida eego, wuxuu meesha ku arkay nin aan dharkii arooska qabin,
12 и говорит ему: друг! как ты вошел сюда не в брачной одежде? Он же молчал.
oo wuxuu ku yidhi, Saaxiibow, sidee baad halkan u soo gashay adigoo aan dharkii arooska qabin? Wuuna iska aamusay.
13 Тогда сказал царь слугам: связав ему руки и ноги, возьмите его и бросьте во тьму внешнюю; там будет плач и скрежет зубов;
Markaasaa boqorkii wuxuu midiidinyadii ku yidhi, Lugaha iyo gacmaha ka xidha, oo gudcurka dibadda ah ku tuura; halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
14 ибо много званых, а мало избранных.
Waayo, kuwo badan baa loo yeedhay, laakiin kuwo yar baa la doortay.
15 Тогда фарисеи пошли и совещались, как бы уловить Его в словах.
Markaasaa Farrisiintii baxeen, oo waxay ka wada hadleen si ay hadalkiisa ugu qabtaan.
16 И посылают к Нему учеников своих с иродианами, говоря: Учитель! мы знаем, что Ты справедлив, и истинно пути Божию учишь, и не заботишься об угождении кому-либо, ибо не смотришь ни на какое лице;
Waxay xertoodii ula soo direen Herodosiinta, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waannu og nahay inaad run tahay, oo aad dadka jidka Ilaah run ku bartid, oo aanad ninna u eexan, waayo, dadka wejigooda ma eegtid.
17 итак скажи нам: как Тебе кажется? позволительно ли давать подать кесарю или нет?
Haddaba noo sheeg waxay kula tahay, Ma xalaal baa in cashuur Kaysar la siiyo ama inaan la siin?
18 Но Иисус, видя лукавство их, сказал: что искушаете Меня, лицемеры?
Laakiin Ciise ayaa sharkoodii gartay, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad ii jirrabaysaan, labawejiilayaal yahow?
19 покажите Мне монету, которою платится подать. Они принесли Ему динарий.
I tusa lacagta cashuurta. Kolkaasay u keeneen dinaar.
20 И говорит им: чье это изображение и надпись?
Wuxuu ku yidhi, Yaa leh masawirkan iyo qorniinkan?
21 Говорят Ему: кесаревы. Тогда говорит им: итак отдавайте кесарево кесарю, а Божие Богу.
Waxay ku yidhaahdeen, Kaysar baa leh. Markaasuu ku yidhi, Haddaba Kaysar siiya wixii Kaysar leeyahay, Ilaahna siiya wixii Ilaah leeyahay.
22 Услышав это, они удивились и, оставив Его, ушли.
Oo goortay taas maqleen, way yaabeen, wayna iska daayeen oo ka tageen.
23 В тот день приступили к Нему саддукеи, которые говорят, что нет воскресения, и спросили Его:
Maalintaas waxaa u yimid Sadukiin kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto. Oo waxay weyddiiyeen,
24 Учитель! Моисей сказал: если кто умрет, не имея детей, то брат его пусть возьмет за себя жену его и восстановит семя брату своему;
oo ku yidhaahdeen, Macallimow, Muuse wuxuu yidhi, Haddii nin dhinto isagoo aan carruur lahayn, walaalkiis waa inuu naagtiisa dumaalo oo uu carruur walaalkiis u dhalo.
25 было у нас семь братьев; первый, женившись, умер и, не имея детей, оставил жену свою брату своему;
Waxaa nala jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey ayaa guursaday, wuuna dhintay, dhalna ma lahayn, wuxuuna naagtiisii uga tegey walaalkiis.
26 подобно и второй, и третий, даже до седьмого;
Sidaas oo kalaa ku dhacday kii labaad, iyo kii saddexaad ilaa kii toddobaad.
27 после же всех умерла и жена;
Markay wada dhinteen dabadeed naagtiina waa dhimatay.
28 итак, в воскресении которого из семи будет она женою? ибо все имели ее.
Haddaba wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay toddobadoodii kee bay naagtiisii ahaan doontaa? Waayo, kulligood way wada guursadeen iyada.
29 Иисус сказал им в ответ: заблуждаетесь, не зная Писаний, ни силы Божией,
Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waad qaldan tihiin oo garan maysaan Qorniinka iyo xoogga Ilaah.
30 ибо в воскресении не женятся, не выходят замуж, но пребывают, как Ангелы Божии на небесах.
Waayo, wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay dabadeed, layskuma guursado, guurna layskuma siiyo, laakiin waxay yihiin sida malaa'igaha Ilaah oo jannada ku jira.
31 А о воскресении мертвых не читали ли вы реченного вам Богом:
Laakiin xagga sarakicidda kuwii dhintay miyaydnaan akhriyin wixii Ilaah idinkula hadlay, markuu yidhi,
32 Я Бог Авраама, и Бог Исаака, и Бог Иакова? Бог не есть Бог мертвых, но живых.
Anigu waxaan ahay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub? Isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool.
33 И, слыша, народ дивился учению Его.
Dadkii badnaa goortay taas maqleen ayay waxbariddiisii ka yaabeen.
34 А фарисеи, услышав, что Он привел саддукеев в молчание, собрались вместе.
Laakiin Farrisiintii goortay maqleen inuu Sadukiintii aamusiiyey ayay isu yimaadeen.
35 И один из них, законник, искушая Его, спросил, говоря:
Oo midkood oo sharciga yaqaan ayaa wax weyddiiyey, isagoo jirrabaya, oo wuxuu ku yidhi,
36 Учитель! какая наибольшая заповедь в законе?
Macallimow, qaynuunkee baa sharciga uga weyn?
37 Иисус сказал ему: возлюби Господа Бога твоего всем сердцем твоим и всею душею твоею и всем разумением твоим:
Kolkaasuu ku yidhi isaga, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo caqligaaga oo dhan.
38 сия есть первая и наибольшая заповедь;
Kanu waa qaynuunka ugu weyn oo ugu horreeya.
39 вторая же, подобная ей: возлюби ближнего твоего, как самого себя;
Ku labaad oo u ekina waa kan. Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada.
40 на сих двух заповедях утверждается весь закон и пророки.
Sharcigii oo dhan iyo nebiyadiiba waxay sudhan yihiin labadan qaynuun.
41 Когда же собрались фарисеи, Иисус спросил их:
Kolkii Farrisiintii isu yimaadeen ayaa Ciise wax weyddiiyey,
42 что вы думаете о Христе? чей Он Сын? Говорят Ему: Давидов.
oo wuxuu ku yidhi, Yuu idinla yahay Masiixu? Waa ina ayo? Kolkaasay ku yidhaahdeen, Waa ina Daa'uud.
43 Говорит им: как же Давид, по вдохновению, называет Его Господом, когда говорит:
Wuxuu ku yidhi, Haddaba Daa'uud sidee buu Ruuxa ugaga yeedhay Rabbi? isagoo leh,
44 сказал Господь Господу моему: седи одесную Меня, доколе положу врагов Твоих в подножие ног Твоих?
Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso, Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.
45 Итак, если Давид называет Его Господом, как же Он сын ему?
Haddaba Daa'uud hadduu ugu yeedhay isaga Sayid, sidee buu wiilkiisa u yahay?
46 И никто не мог отвечать Ему ни слова; и с того дня никто уже не смел спрашивать Его.
Ninna hadal uguma jawaabi karin, oo maalintaas dabadeed ninna kuma dhicin inuu mar dambe wax weyddiiyo.