< Исаия 51 >

1 Послушайте Меня, стремящиеся к правде, ищущие Господа! Взгляните на скалу, из которой вы иссечены, в глубину рва, из которого вы извлечены.
Kuwiinna xaqnimada raaca oo Rabbiga doondoonow, bal i maqla. Bal eega dhagaxii laydinka gooyay iyo godkii laydinka soo qoday.
2 Посмотрите на Авраама, отца вашего, и на Сарру, родившую вас: ибо Я призвал его одного и благословил его, и размножил его.
Bal eega aabbihiin Ibraahim, iyo Saarahdii idin dhashay, waayo, markuu mid qudha ahaa ayaan u yeedhay, waanan barakeeyey, oo tarmiyey.
3 Так, Господь утешит Сион, утешит все развалины его и сделает пустыни его, как рай, и степь его, как сад Господа; радость и веселие будет в нем, славословие и песнопение.
Waayo, Rabbigu Siyoon wuu u qalbi qabowjiyey, oo meelaheeda baabba'ay oo dhanna wuu u qalbi qabowjiyey, cidladeedana wuxuu ka dhigay sidii Ceeden oo kale, oo lamadegaankeedana sidii beertii Rabbiga oo kale, oo dhexdeedana waxaa laga heli doonaa farxad iyo rayrayn, iyo mahadnaqid iyo cod heeseed.
4 Послушайте Меня, народ Мой, и племя Мое, приклоните ухо ко Мне! ибо от Меня произойдет закон, и суд Мой поставлю во свет для народов.
Dadkaygow, i maqla, oo quruuntaydoy, dhegta ii dhiga, waayo, sharci baa iga soo bixi doona, oo caddaaladdaydana waxaan ka dhigi doonaa inay dadyowga iftiin u noqoto.
5 Правда Моя близка; спасение Мое восходит, и мышца Моя будет судить народы; острова будут уповать на Меня и надеяться на мышцу Мою.
Xaqnimadaydii way soo dhowdahay, badbaadintaydiina way soo baxday, oo gacmahayguna dadyowgay u garsoori doonaan, gasiiraduhuna anigay i sugi doonaan, oo gacantayday isku hallayn doonaan.
6 Поднимите глаза ваши к небесам, и посмотрите на землю вниз: ибо небеса исчезнут, как дым, и земля обветшает, как одежда, и жители ее также вымрут; а Мое спасение пребудет вечным, и правда Моя не престанет.
Bal indhihiinna samooyinka ku taaga, oo haddana dhulka hoose fiiriya, waayo, samooyinku sida qiiq oo kale bay u libdhi doonaan, oo dhulkuna sida dhar buu u duugoobi doonaa, oo kuwa degganuna sidaas oo kalay u dhiman doonaan, laakiinse badbaadintaydu weligeedba way sii waari doontaa, oo xaqnimadayduna weligeed ma dhammaan doonto.
7 Послушайте Меня, знающие правду, народ, у которого в сердце закон Мой! Не бойтесь поношения от людей, и злословия их не страшитесь.
Kuwiinna xaqnimada yaqaanow, dadka sharcigaygu qalbigooda ku jirow, bal i maqla. Dadka canaantiisa ha ka cabsanina, caydiisana ha ka qalbi jabina.
8 Ибо, как одежду, съест их моль и, как волну, съест их червь; а правда Моя пребудет вовек, и спасение Мое - в роды родов.
Waayo, aboor baa sida dhar oo kale u cuni doona, oo dixiri baa sida dhogor oo kale u cuni doona, laakiinse xaqnimadaydu weligeedba way sii waari doontaa, oo badbaadintayduna tan iyo ab ka ab way sii jiri doontaa.
9 Восстань, восстань, облекись крепостью, мышца Господня! Восстань, как в дни древние, в роды давние! Не ты ли сразила Раава, поразила крокодила?
Gacanta Rabbigoy, toos oo toos, oo xoog yeelo, oo u toos sidii waayihii hore, iyo sidii qarniyadii hore. Miyaadan ahayn tii Rahab googooysay oo bahalbadeeddii mudday?
10 Не ты ли иссушила море, воды великой бездны, превратила глубины моря в дорогу, чтобы прошли искупленные?
Miyaadan ahayn tii engejisay baddii ahayd biyihii moolka dheeraa? Sow ma aad tihid tii badda moolkeeda jidka ka samaysay in kuwa la soo furtay ay ku gudbaan?
11 И возвратятся избавленные Господом и придут на Сион с пением, и радость вечная над головою их; они найдут радость и веселье: печаль и вздохи удалятся.
Oo kuwa Rabbigu soo furtay way soo noqon doonaan, iyagoo gabyaya ayay Siyoon iman doonaan, oo madaxoodana farxad weligood ah ayaa saarnaan doonta, oo waxay heli doonaan farxad iyo rayrayn, oo tiiraanyo iyo taahna way carari doonaan.
12 Я, Я Сам - Утешитель ваш. Кто ты, что боишься человека, который умирает, и сына человеческого, который то же, что трава,
Aniga qudhayda weeye kan ku qalbi qaboojiya. Maxaad tahay waadiga nin dhimanaya iyo binu-aadmi sida caws oo kale u baabba'aya ka cabsanayee?
13 и забываешь Господа, Творца своего, распростершего небеса и основавшего землю; и непрестанно, всякий день страшишься ярости притеснителя, как бы он готов был истребить? Но где ярость притеснителя?
Ma waxaad illooday Rabbiga ku sameeyey oo samooyinka kala bixiyey, oo dhulka aasaaskiisa dhigay, oo ma waxaad had iyo goor maalin kasta ka cabsanaysaa kan wax dulma cadhadiisa, sidii isagoo diyaar u ah inuu wax baabbi'iyo? Haddaba bal meeday kan wax dulma cadhadiisu?
14 Скоро освобожден будет пленный, и не умрет в яме и не будет нуждаться в хлебе.
Maxbuuska la masaafuriyey dhaqso baa loo furi doonaa, oo ma uu dhiman doono, yamayskana ma geli doono, cuntadiisana ma uu waayi doono.
15 Я Господь, Бог твой, возмущающий море, так что волны его ревут: Господь Саваоф имя Его.
Laakiinse anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah oo badda isku walaaqa si ay mawjadaheedu u guuxaan. Magiciisa waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada.
16 И Я вложу слова Мои в уста твои, и тенью руки Моей покрою тебя, чтобы устроить небеса и утвердить землю и сказать Сиону: “ты Мой народ”.
Oo erayadaydii ayaan afkaaga geliyey, hooskii gacantaydana waan kugu daboolay si aan samooyinka u kala bixiyo, oo aan aasaaska dhulka u dhigo, oo aan reer Siyoonna ugu idhaahdo, Dadkayga baad tihiin.
17 Воспряни, воспряни, восстань, Иерусалим, ты, который из руки Господа выпил чашу ярости Его, выпил до дна чашу опьянения, осушил.
Yeruusaalemay tii gacanta Rabbiga koobkii cadhadiisa ka cabtayay, toos oo toos, oo sara joogso. Waxaad cabtay koobka lagu dhacdhaco, waadna heensatay.
18 Некому было вести его из всех сыновей, рожденных им, и некому было поддержать его за руку из всех сыновей, которых он возрастил.
Wiilashii ay dhashay oo dhan laguma arko mid iyada haga, oo wiilashii ay korisay oo dhanna laguma arko mid iyada gacanta qabta.
19 Тебя постигли два бедствия, кто пожалеет о тебе? - опустошение и истребление, голод и меч: кем я утешу тебя?
Labadan waxyaalood ayaa kugu dhacay. Bal yaa kuu barooran doona? Baabba' iyo halaag, iyo abaar iyo seef. Haddaba bal sidee baan kuu qalbi qabowjin doonaa?
20 Сыновья твои изнемогли, лежат по углам всех улиц, как серна в тенетах, исполненные гнева Господа, прещения Бога твоего.
Wiilashaadii aad bay u daaleen, waxayna dhinac yaalliin jidadka oo dhan sida biciid dabin ku dhacay. Waxay ka wabxeen cadhadii Rabbiga iyo canaantii Ilaahaaga.
21 Итак выслушай это, страдалец и опьяневший, но не от вина.
Haddaba taada dhibaataysan oo ku sakhraantay wax aan khamri ahaynay, bal waxan maqal:
22 Так говорит Господь твой, Господь и Бог твой, отмщающий за Свой народ: вот, Я беру из руки твоей чашу опьянения, дрожжи из чаши ярости Моей: ты не будешь уже пить их,
Sayidkaaga Rabbiga ah oo ah Ilaahaaga dacwada dadkiisa u muddaca wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan gacantaada ka bixiyey koobka lagu dhacdhaco, kaasoo ah koobka cadhadayda. Adigu mar dambe innaba ma aad cabbi doontid.
23 и подам ее в руки мучителям твоим, которые говорили тебе: “пади ниц, чтобы нам пройти по тебе”; и ты хребет твой делал как бы землею и улицею для проходящих.
Laakiinse waxaan gacanta u gelin doonaa kuwa ku dhiba, oo naftaada ku yidhi, Dhambacaadso aan kugu gudubnee, oo adna kuwii gudbayay ayaad dhabarkaagii uga dhigtay sida dhulka oo kale, iyo sida jidka oo kale.

< Исаия 51 >