< Исаия 39 >
1 В то время Меродах Валадан, сын Валадана, царь Вавилонский, прислал к Езекии письмо и дары, ибо слышал, что он был болен и выздоровел.
Waagaas Merodag Baladaan oo ahaa ina Baladaan, oo boqorkii Baabuloon ahaa ayaa warqado iyo hadiyad Xisqiyaah u soo diray, waayo, wuxuu maqlay inuu bukay oo haddana bogsaday.
2 И обрадовался посланным Езекия, и показал им дом сокровищ своих, серебро и золото, и ароматы, и драгоценные масти, весь оружейный свой дом и все, что находилось в сокровищницах его; ничего не осталось, чего не показал бы им Езекия в доме своем и во всем владении своем.
Oo Xisqiyaahna aad buu iyagii ugu farxay, oo wuxuu tusay gurigii ay yiilleen waxyaalihiisii qaaliga ahaa, kuwaasoo ahaa lacagtii, iyo dahabkii, iyo uunsigii, iyo saliiddii qaaliga ahayd, iyo gurigiisii hubka oo dhan, iyo kulli waxyaalihii khasnadihiisa ku jiray oo dhan. Oo Xisqiyaah wax uusan iyaga tusin laguma arag gurigiisa iyo dowladdiisa oo dhan.
3 И пришел пророк Исаия к царю Езекии и сказал ему: что говорили эти люди? и откуда они приходили к тебе? Езекия сказал: из далекой земли приходили они ко мне, из Вавилона.
Markaasaa Nebi Ishacyaah u yimid Boqor Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, War nimankanu maxay yidhaahdeen? Xaggee bayse kaaga yimaadeen? Kolkaasaa Xisqiyaah yidhi, Waxay iiga yimaadeen dal fog, kaasoo ah Baabuloon.
4 И сказал Исаия: что видели они в доме твоем? Езекия сказал: видели все, что есть в доме моем; ничего не осталось в сокровищницах моих, чего я не показал бы им.
Markaasuu ku yidhi, Maxay gurigaaga ku arkeen? Oo Xisqiyaah wuxuu ugu jawaabay, Way wada arkeen waxa gurigayga yaal oo dhan, oo khasnadahayga kuma jiraan wax aanan tusin.
5 И сказал Исаия Езекии: выслушай слово Господа Саваофа:
Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga ciidammada.
6 вот, придут дни, и все, что есть в доме твоем и что собрали отцы твои до сего дня, будет унесено в Вавилон; ничего не останется, говорит Господь.
Bal eeg, waxaa iman doona maalmaha waxa gurigaaga yaal oo dhan iyo wixii ay awowayaashaa ilaa maantadan kaydiyeen Baabuloon loo qaadan doono. Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxba ma hadhi doonaan.
7 И возьмут из сыновей твоих, которые произойдут от тебя, которых ты родишь, - и они будут евнухами во дворце царя Вавилонского.
Wiilashaada kaa soo bixi doona, oo aad dhali doontana waa la kaxaysan doonaa, oo iyana waxay ahaan doonaan bohommo jooga daarta boqorka Baabuloon.
8 И сказал Езекия Исаии: благо слово Господне, которое ты изрек; потому что, присовокупил он, мир и благосостояние пребудут во дни мои.
Markaasaa Xisqiyaah wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Erayga Rabbiga oo aad ku hadashay waa wanaagsan yahay. Oo weliba wuxuu kaloo yidhi, Waayo, waxaa jiri doona nabad iyo run intaan noolahay.