< Rute 2 >

1 E tinha Noemi um parente de seu marido, homem poderoso e rico, da família de Elimeleque, o qual se chamava Boaz.
Oo Nimco waxaa ninkeedii qaraabo u ahaan jiray nin xoog badan oo xoolo leh oo reer Eliimeleg ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Bocas.
2 E Rute a moabita disse a Noemi: Rogo-te que me deixes ir ao campo, e colherei espigas atrás daquele a cujos olhos achar favor. E ela lhe respondeu: Vai, filha minha.
Markaasaa Ruud tii reer Moo'aab waxay Nimco ku tidhi, Bal i daa aan beerta tagee, oo kii iga raalli noqda, intaan raaco, aan hadhuudh ka soo xaabxaabee. Oo iyana waxay ku tidhi, Gabadhaydiiyey, tag.
3 Foi, pois, e chegando, tirou espigas no campo atrás dos ceifeiros: e aconteceu porventura, que o terreno era de Boaz, o qual era da parentela de Elimeleque.
Markaasay tagtay, oo markay timid, kuwii beerta gooynayay ayay dabadood beertii xaabxaabtay. Oo nasiibkeeduna waxaa weeye inay timaado beertii uu lahaa Bocas oo ahaa reer Eliimeleg.
4 E eis que Boaz veio de Belém, e disse aos ceifeiros: O SENHOR seja convosco. E eles responderam: O SENHOR te abençoe.
Oo bal eeg, Bocas baa wuxuu ka yimid Beytlaxam, oo wuxuu ku yidhi kuwii beerta gooynayay, Rabbigu ha idinla jiro. Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Rabbigu ha ku barakeeyo.
5 E Boaz disse a seu criado o supervisor dos ceifeiros: De quem é esta moça?
Markaasaa Bocas wuxuu ku yidhi midiidinkiisii madaxda u ahaa kuwii beerta gooynayay, Gabadhanu waa ina ayo?
6 E o criado, supervisor dos ceifeiros, respondeu e disse: É a moça de Moabe, que voltou com Noemi dos campos de Moabe;
Markaasaa midiidinkii kuwii beerta gooynayay madaxda u ahaa wuxuu Bocas ugu jawaabay, Waa gabadhii reer Moo'aab ee Nimco kala soo noqotay waddankii reer Moo'aab.
7 E disse: Rogo-te que me deixes colher e juntar atrás dos ceifeiros entre os feixes; entrou, pois, e está desde pela manhã até agora, menos um pouco que se deteve em casa.
Oo waxay igu tidhi, Waan ku baryayaaye aan beerta xaabxaabo, oo aan kuwa beerta gooynaya dabadood xidmooyinka wax ka dhex urursado. Taas aawadeed way timid, oo wax bay urursanaysay subaxdii ilaa haatan, in yar oo ay guriga ku maqnayd mooyaane.
8 Então Boaz disse á Rute: Ouve, filha minha, não vás a tirar espigas em outro campo, nem passes daqui: e aqui estarás com minhas moças.
Markaasaa Bocas wuxuu Ruud ku yidhi, Sow maqli maysid, gabadhaydiiyey? Ha tegin oo ha xaabxaabin beer kale, oo halkanna ha sii dhaafin, laakiinse halkan gabdhahayga u dhow iska joog.
9 Olha bem o campo que colherem, e segue-as: porque eu mandei aos moços que não te toquem. E se tiveres sede, vai aos vasos, e bebe da água que os moços tirarem.
Oo waxaad fiirisaa beerta ay gooynayaan, oo iyaga iska daba gal. Miyaanan ragga dhallinyarada ah ku amrin inaanay ku taaban? Oo markaad oontidna xagga weelasha tag oo ka soo cab biyaha ragga dhallinyarada ahu soo dhaamiyeen.
10 Ela então baixando seu rosto inclinou-se à terra, e disse-lhe: Por que achei favor em teus olhos para que tu me reconheças, sendo eu estrangeira?
Markaasay wejiga u dhacday, oo dhulka ugu foororsatay, oo waxay isagii ku tidhi, Maxaad raalli iigu noqotay, oo aad ii garatay, anoo ah mid qalaad?
11 E respondendo Boaz, disse-lhe: Por certo se me declarou tudo o que fizeste com tua sogra depois da morte de teu marido, e que deixando teu pai e tua mãe e a terra de onde nasceste, vieste a um povo que não conheceste antes.
Markaasaa Bocas u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Dhammaan waa lay wada tusay, kulli wixii aad u samaysay soddohdaa ilaa markii ninkaagii dhintay, iyo sidii aad uga soo kacday aabbahaa iyo hooyadaa, iyo dalkii aad ku dhalatay, oo aad u timid dad aadan hadda ka hor aqoon.
12 O SENHOR recompense tua obra, e tua remuneração seja cheia pelo SENHOR Deus de Israel, que vieste para cobrir-te debaixo de suas asas.
Haddaba Rabbigu shuqulkaaga ha kaaga abaalgudo, oo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo aad baalashiisa hoostooda magan gashay ha ku siiyo abaalgud dhan.
13 E ela disse: Senhor meu, ache eu favor diante de teus olhos; porque me consolaste, e porque falaste ao coração de tua serva, não sendo eu como uma de tuas criadas.
Kolkaasay tidhi, Sayidow, haddaba raalli iga ahow; waayo, waad i qalbi qaboojisay, oo si raxmad leh ayaad iila hadashay anigoo ah addoontaada, in kastoo aanan addoommahaaga ka mid ahayn.
14 E Boaz lhe disse à hora de comer: Achega-te aqui, e come do pão, e molha teu bocado no vinagre. E sentou-se ela junto aos ceifeiros, e ele lhe deu grãos tostados, e comeu até que se fartou e lhe sobrou.
Oo wakhtigii qadada ayaa Bocas wuxuu ku yidhi, Kaalay halkan, oo kibista wax ka cun, oo cuntadaada ku qoyso khalka. Oo waxay dhinac fadhiisatay kuwii beerta gooynayay, oo waxay siiyeen hadhuudh la saloolay, oo way cuntay, wayna dheregtay, oo wax bayna hambaysay.
15 Levantou-se logo para tirar espigas. E Boaz mandou a seus criados, dizendo: Colha também espigas entre os feixes, e não a envergonheis;
Oo markay u kacday inay beerta soo xaabxaabto ayaa Bocas wuxuu ku amray raggiisii dhallinyarada ahaa, Xataa xidhmooyinka ha ka dhex xaabxaabto, oo hana canaananina.
16 Antes lançareis de propósito dos feixes, e a deixareis que colha, e não a repreendais.
Oo weliba xidhmooyinkana qaar uga soo siiba oo u daaya, ha xaabxaabtee, oo hana dagaalina.
17 E tirou espigas no campo até à tarde, e debulhou o que havia colhido, e foi como um efa de cevada.
Sidaas daraaddeed waxay beertii xaabxaabaysay ilaa fiidkii, oo way tuntay wixii ay soo xaabxaabtay, oo waxay u noqotay in ku dhow eefaah shaciir ah.
18 E tomou-o, e veio à cidade; e sua sogra viu o que havia colhido. Tirou também logo o que lhe havia sobrado depois de farta, e deu-lhe.
Markaasay kor u qaadatay oo magaaladii gashay; oo soddohdeedna way aragtay wixii ay soo xaabxaabtay; oo waxay u soo bixisay oo siisay wixii ay hambaysay markay dheregtay.
19 E disse-lhe sua sogra: Onde tiraste espigas hoje? e onde trabalhaste? Bendito seja o que te reconheceu. E ela declarou à sua sogra o que lhe havia acontecido com aquele, e disse: O nome do homem com quem hoje trabalhei é Boaz.
Markaasaa soddohdeed waxay ku tidhi, Xaggee baad maanta wax ka soo xaabxaabtay? Oo xaggee baad ka shaqaysay? Ha barakaysnaado kii ku gartay. Oo iyana waxay soddohdeed u sheegtay kii ay la shaqaysay, oo waxay ku tidhi, Ninkii aan maanta la shaqeeyey magiciisa waxaa la yidhaahdaa Bocas.
20 E disse Noemi à sua nora: Seja ele bendito do SENHOR, pois que não recusou aos vivos a benevolência que teve para com os finados. Disse-lhe depois Noemi: Nosso parente é aquele homem, e de nossos remidores é.
Markaasaa Nimco waxay ku tidhi gabadhii ay soddohda u ahayd, Rabbigu ha barakeeyo kan aan roonaantiisa ka dayn kuwa nool iyo kuwa dhintayba. Oo Nimco waxay ku tidhi iyadii, Ninku waa noo dhow yahay oo waa xigaalkayo, oo waa qaraabadayada noo dhow midkood.
21 E Rute moabita disse: a mais disto me disse: Junta-te com meus criados, até que tenham acabado toda minha colheita.
Markaasaa Ruud tii reer Moo'aab waxay tidhi, Oo weliba wuxuu igu yidhi, Waa inaad la joogtaa raggayga dhallinyarada ah ilaa ay dhammeeyaan beertayda ay gooynayaan.
22 E Noemi respondeu a Rute sua nora: Melhor é, filha minha, que saias com suas criadas, que não que te encontrem em outro campo.
Markaasaa Nimco waxay ku tidhi gabadhii Ruud oo ay soddohda u ahayd, Gabadhaydiiyey, waa wanaagsan tahay inaad gabdhihiisa raacdid oo aan lagugula kulmin beer kaleto.
23 Esteve, pois, junto com as moças de Boaz tirando espigas, até que a colheita das cevadas e a dos trigos foi acabada; mas com sua sogra habitou.
Sidaas daraaddeed waxay la sii joogtay gabdhihii Bocas inay xaabxaabto beerta ilaa gooyntii shaciirka iyo gooyntii sarreenkuba dhammaadeen, oo waxayna la degganayd soddohdeed.

< Rute 2 >