< 1 Timóteo 2 >
1 Por isso eu te exorto, antes de tudo, que se façam pedidos, orações, intercessões [e] atos de gratidão por todas as pessoas;
Sidaas daraaddeed ugu horraysta waxaan kugu waaninayaa inaad Ilaah u baridid, oo aad u tukatid, oo aad u ducaysid, oo aad u mahadnaqdid dadka oo dhan,
2 pelos reis, e por todos os que estão em posição superior, para que tenhamos uma vida quieta e sossegada, em toda devoção divina e honestidade.
khusuusan boqorrada iyo kuwa amarka lehba, inaynu nolol xasilloon oo nabdaysan ku noolaanno, innagoo si walba cibaado iyo maamuus u leh.
3 Isso é bom e agradável diante de Deus nosso Salvador;
Taasu way wanaagsan tahay, waana mid Ilaaha Badbaadiyeheenna ahu aqbali karo.
4 que quer que todas as pessoas se salvem e venham ao conhecimento da verdade.
Wuxuu doonayaa in dadka oo dhammu badbaado oo ay runta gartaan.
5 Pois [há] um só Deus, e um só Mediador entre Deus e os seres humanos: o humano Cristo Jesus.
Waayo, waxaa jira Ilaah keliya iyo dhexdhexaadiye keliya oo u dhexeeya Ilaah iyo dadka, waana ninka Ciise Masiix ah,
6 Ele mesmo se deu como resgate por todos, [como] testemunho ao seu tempo.
oo naftiisii dadka oo dhan furashadooda u bixiyey, oo wakhtigiisii qummanaa loo markhaati furay.
7 Para isso fui constituído pregador e apóstolo, instrutor dos gentios na fé e na verdade (estou dizendo a verdade, não mentindo).
Taas daraaddeed baa layga dhigay inaan noqdo mid wax wacdiya oo rasuul ah oo macallin dadka aan Yuhuudda ahayn ugu ah iimaan iyo run. Taasu waa runtay, oo been sheegi maayo.
8 Portanto, quero que os homens orem em todo lugar, levantando mãos santas, sem ira nem briga.
Taas daraaddeed waxaan doonayaa in raggu meel walba ku tukado iyagoo gacmo quduus ah kor u qaadaya oo aan cadho iyo muran lahayn.
9 De semelhante maneira, as mulheres se adornem com roupa respeitosa, com pudor e sobriedade, não com tranças, ouro, pérolas, ou roupas caras;
Sidaas oo kalena naaguhu waa inay, iyagoo xishoonaya oo digtoon, isku sharraxaan dhar qof xishood leh ku habboon, oo ayan isku sharraxin timo tidcan, iyo dahab ama luul ama dhar qaali ah.
10 mas sim, com boas obras, como é adequado às mulheres que declaram reverência a Deus.
Laakiinse ha isku sharraxeen shuqullo wanaagsan oo u eg dumarka cibaadada qira.
11 A mulher aprenda quietamente, com toda submissão.
Naagtu aamusnaan wax ha ku barato iyadoo isdambaysiinaysa.
12 Porém não permito que a mulher ensine, nem use de autoridade sobre o marido, mas sim, que esteja em silêncio.
Laakiin naagna u fasixi maayo inay nin wax barto ama ay ka xukun sarrayso, inay aamusnaato mooyaane.
13 Pois primeiro foi formado Adão, depois Eva.
Waayo, markii hore Aadan baa la sameeyey, dabadeedna Xaawa.
14 E Adão não foi enganado; mas a mulher foi enganada, e caiu em transgressão.
Aadanna lama khiyaanayn, laakiin naagtii baa inta la khiyaaneeyey waxay noqotay mid xadgudubtay.
15 Porém ela se salvará tendo parto, se permanecerem na fé, amor, e santificação com sobriedade.
Laakiinse waxay ku badbaadi doontaa carruurdhalidda, hadday ku sii socdaan rumaysad iyo jacayl iyo quduusnaan iyagoo digtoon.