< Gálatas 2 >
1 Depois, passados quatorze annos, subi outra vez a Jerusalem com Barnabé, levando tambem comigo Tito.
Afar iyo toban sannadood dabadeed ayaan mar kale Yeruusaalem aaday, Barnabasna wuu ila jiray, oo Tiitosna waan kaxaystay.
2 E subi por uma revelação, e lhes expuz o evangelho, que prégo entre os gentios, e particularmente aos que estavam em estima; para que de maneira alguma não corresse ou houvesse corrido em vão
Sidii la iigu muujiyey ayaan u tegey, oo waxaan iyaga hor dhigay injiilka aan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo, laakiinse waxaan gooni ahaan u tusay kuwii sharafta lahaa, si aanan u ahaan mid waxtarla'aan iska ordaya ama hore u orday.
3 Porém nem ainda Tito, que estava comigo, sendo grego, foi constrangido a circumcidar-se;
Laakiin xataa Tiitos oo ila socday, isagoo Gariig ah, laguma qasbin in la gudo
4 E isto por causa dos falsos irmãos que se tinham entremettido, e secretamente entraram a espiar a nossa liberdade, que temos em Christo Jesus, para nos pôrem em servidão:
walaalaha beenta ah oo qarsoodiga lanoogu soo geliyey daraaddood, kuwa noogu soo galay inay basaasaan xorriyaddeenna aynu Ciise Masiix ku haysanno, inay na addoonsadaan.
5 Aos quaes nem ainda por uma hora cedemos com sujeição, para que a verdade do evangelho permanecesse entre vós,
In runta injiilku idinla sii jirto, taas daraaddeed ayaannan saacad qudha u hoos gelin iyaga.
6 E, quanto áquelles que pareciam ser alguma coisa (quaes tenham sido n'outro tempo, não se me dá; Deus não acceita a apparencia do homem) esses, digo, que pareciam ser alguma coisa, nada me communicaram;
Laakiinse kuwii loo maleeyey inay sharaf leeyihiin (wax kastoo ay ahaayeen, waxba igama gelin; waayo, Ilaah dadka wejigiisa uma kala eexdo) waxaan leeyahay, Kuwii sharafta lahaa waxba iguma ay darin.
7 Antes, pelo contrario, quando viram que o evangelho da incircumcisão me estava confiado, como a Pedro o da circumcisão
Laakiinse kolkay arkeen in laygu ammaaneeyey injiilka kuwa buuryoqabka ah, xataa sidii Butros loogu ammaaneeyey injiilka kuwa gudan,
8 (Porque aquelle que operou efficazmente em Pedro para o apostolado da circumcisão esse operou tambem em mim com efficacia para com os gentios),
waayo, kii Butros kaga dhex shaqeeyey sii uu rasuul ugu ahaado kuwa gudan ayaa anna igaga dhex shaqeeyey sii aan dadka aan Yuhuudda ahayn rasuul ugu ahaado,
9 E conhecendo Thiago, Cephas e João, que eram considerados como as columnas, a graça que se me havia dado, deram as dextras de parceria comigo, e a Barnabé, para que nós fossemos aos gentios, e elles á circumcisão;
oo kolkay ogaadeen nimcada lay siiyey, Yacquub iyo Keeyfas iyo Yooxanaa, iyagoo loo sharfay sida tiirar, waxay aniga iyo Barnabas na siiyeen gacanta midigta oo wehelnimada, inaannu annagu u tagno dadka aan Yuhuudda ahayn, iyaguna ay u tagaan kuwa gudan.
10 Recommendando-nos sómente que nos lembrassemos dos pobres: o que tambem procurei fazer com diligencia.
Waxay keliyahoo doonayeen inaannu masaakiinta xusuusanno, taas oo aan ku dadaalayay inaan sameeyo.
11 E, chegando Pedro a Antiochia, lhe resisti na cara, porque era reprehensivel.
Laakiinse Keeyfas kolkuu Antiyokh yimid, waan hor joogsaday, maxaa yeelay, wuu eedaysnaa.
12 Porque, antes que alguns tivessem chegado da parte de Thiago, comia com os gentios; mas, depois que chegaram, se retirou, e se apartou d'elles, temendo aos que eram da circumcisão.
Maxaa yeelay, intaan qaar Yacquub ka iman, Keeyfas wuxuu wax la cuni jiray dad aan Yuhuud ahayn, laakiinse markay yimaadeen, wuu ka soo noqday oo ka soocmay, isagoo kuwa gudan ka cabsanaya.
13 E os outros judeos consentiam tambem na sua dissimulação, de maneira que até Barnabé se deixou levar pela sua dissimulação.
Yuhuudda inteedii kalena sidaas oo kalay labawejiilayaal la ahaayeen isaga, sidaas daraaddeed labawejiilenimadoodii waxay la tagtay xataa Barnabas.
14 Mas, quando vi que não andavam bem e direitamente conforme a verdade do evangelho, disse a Pedro na presença de todos: Se tu, sendo judeo, vives como os gentios, e não como judeo, porque obrigas os gentios a viverem como judeos?
Kolkaan arkay inayan si hagaagsan ugu soconayn runta injiilka, ayaan kulli hortooda Keeyfas ku idhi, Adigoo Yuhuudi ah haddaad u dhaqanto sida dadka aan Yuhuudda ahayn, oo aadan ahaan sida Yuhuudda, sidee baad ugu qasbaysaa dadka aan Yuhuudda ahayn inay u dhaqmaan sida Yuhuudda?
15 Nós somos judeos por natureza e não peccadores d'entre os gentios.
Innagoo jinsigeennu Yuhuud yahay, oo aan ahayn dembilayaal aan Yuhuud ahayn,
16 Sabendo que o homem não é justificado pelas obras da lei, mas pela fé de Jesus Christo, havemos tambem crido em Jesus Christo, para sermos justificados pela fé de Christo, e não pelas obras da lei; porquanto pelas obras da lei nenhuma carne será justificada.
ayaynu weliba garanaynaa inaan nin xaq ku noqon shuqullada sharciga, rumaysadka uu Ciise Masiix ku rumaystay mooyaane, xataa innagu waan rumaysannay Ciise Masiix inaynu xaq ku noqonno rumaysadka Masiix ee ayan ahayn shuqullada sharciga, maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq kuma noqon doono.
17 Pois, se nós que procuramos ser justificados em Christo, nós mesmos tambem somos achados peccadores, é porventura Christo ministro do peccado? De maneira nenhuma.
Laakiinse markaynu doonaynay inaynu Masiix xaq ku noqonno, haddii la helo inaynu qudheennu dembilayaal nahay, Masiix miyuu yahay midiidinka dembiga? Ma suurtowdo!
18 Porque, se torno a vivificar as coisas que já destrui, constituo-me a mim mesmo transgressor.
Waayo, haddaan mar kale dhiso waxyaalihii aan dumiyey, waxaan isku caddaynayaa inaan ahay mid xad gudbay.
19 Porque eu pela lei estou morto para a lei, para viver para Deus.
Anigu sharcigaan ugu dhintay xagga sharciga inaan Ilaah u noolaado.
20 Já estou crucificado com Christo; e vivo, não mais eu, mas Christo vive em mim; e a vida que agora vivo na carne vivo a na fé do Filho de Deus, o qual me amou, e se entregou a si mesmo por mim.
Waxaa iskutallaabta laygula qodbay Masiixa, laakiin weli waan noolahay. Aniga ma aha kan nooli, laakiin Masiix ayaa igu dhex nool, oo nolosha aan haatan jidhka ku dhex noolahay waxaan ku noolahay rumaysadka xagga Wiilka Ilaah, kan i jeclaaday oo naftiisa u bixiyey daraadday.
21 Não aniquilo a graça de Deus; porque, se a justiça provém da lei, segue-se que Christo morreu debalde.
Nimcada Ilaah burin maayo, waayo, haddii xaqnimo sharciga laga helo, Masiix micnela'aan buu u dhintay.