< Jana 19 >

1 Wtedy Piłat wziął Jezusa i ubiczował [go].
Markaasaa Bilaatos haddaba Ciise watay oo karbaashay,
2 A żołnierze upletli koronę z cierni, włożyli mu ją na głowę i ubrali go w purpurowy płaszcz.
askartiina taaj ayay qodxan uga taxeen, oo madaxiisay saareen, oo waxay u geliyeen dhar guduudan.
3 I mówili: Witaj, królu Żydów! I policzkowali go.
Markaasay u yimaadeen oo ku yidhaahdeen, Nabad Boqorka Yuhuuddow, wayna dharbaaxeen.
4 Piłat znowu wyszedł na zewnątrz i powiedział do nich: Oto wyprowadzam go do was na zewnątrz, abyście wiedzieli, że nie znajduję w nim żadnej winy.
Bilaatos haddana dibadduu u baxay oo ku yidhi iyaga, Eega, isagaan idiin soo bixinayaa inaad ogaataan inaanan eed ku helin.
5 Wtedy Jezus wyszedł na zewnątrz w cierniowej koronie i w purpurowym płaszczu. I powiedział do nich Piłat: Oto człowiek!
Ciise haddaba ayaa dibadda u soo baxay isagoo sita taajkii qodxanta ahaa iyo dharkii guduudnaa, oo Bilaatos ayaa ku yidhi iyaga, Bal eega ninka.
6 A gdy naczelni kapłani i [ich] słudzy zobaczyli go, zawołali: Ukrzyżuj, ukrzyżuj [go]! Piłat powiedział do nich: Wy go weźcie i ukrzyżujcie, bo ja nie znajduję w nim żadnej winy.
Sidaa daraaddeed markii wadaaddadii sare iyo saraakiishii arkeen, ayay qayliyeen iyagoo leh, Iskutallaabta ku qodob, iskutallaabta ku qodob. Bilaatos ayaa ku yidhi, Idinku wata, oo iskutallaabta ku qodba, waayo, anigu eed kuma aan heline.
7 Żydzi mu odpowiedzieli: My mamy prawo i według naszego prawa powinien umrzeć, bo czynił siebie Synem Bożym.
Yuhuuddii ayaa ugu jawaabtay, Sharci baannu leennahay, sharcigaas xaggiisana waa inuu dhinto, waayo, wuxuu iska dhigay Wiilka Ilaah.
8 A gdy Piłat usłyszał te słowa, [jeszcze] bardziej się zląkł.
Haddaba Bilaatos markuu hadalkaas maqlay, aad buu u sii baqay,
9 I wszedł znowu do ratusza, i zapytał Jezusa: Skąd ty jesteś? Lecz Jezus nie dał mu odpowiedzi.
oo haddana wuxuu galay guriga taliyaha oo ku yidhi Ciise, Xaggee baad ka timid? Laakiin Ciise jawaabna uma uu celinin.
10 Wtedy Piłat powiedział do niego: Nie [chcesz] ze mną rozmawiać? Nie wiesz, że mam władzę ukrzyżować cię i mam władzę cię wypuścić?
Sidaa daraaddeed Bilaatos ayaa ku yidhi, Miyaanad ila hadlayn? Miyaanad ogayn inaan leeyahay amar aan kugu sii daayo iyo amar aan iskutallaabta kugu qodbo?
11 Jezus odpowiedział: Nie miałbyś żadnej władzy nade mną, gdyby ci [jej] nie dano z góry. Dlatego ten, który mnie tobie wydał, ma większy grzech.
Ciise ayaa ugu jawaabay, Amarna iguma aad lahaateen haddaan xagga sare lagaa siin. Sidaa daraaddeed kii ii soo kaa gacangeliyey ayaa kaa dembi weyn.
12 Odtąd Piłat starał się go wypuścić. Żydzi jednak wołali: Jeśli go wypuścisz, nie jesteś przyjacielem cesarza. Każdy, kto się czyni królem, sprzeciwia się cesarzowi.
Taas dabadeed Bilaatos wuxuu doonayay inuu sii daayo, laakiin Yuhuuddii ayaa qaylisay iyagoo leh, Haddaad ninkan sii daysid, Kaysar saaxiibkiis ma ihid. Nin kasta oo boqor iska dhigaba, wuxuu ku caasiyaa Kaysar.
13 Gdy więc Piłat usłyszał te słowa, wyprowadził Jezusa na zewnątrz i usiadł na krześle sędziowskim, na miejscu zwanym Litostrotos, a po hebrajsku Gabbata.
Haddaba Bilaatos markuu hadalladaas maqlay, ayuu Ciise dibadda u soo saaray, oo wuxuu ku fadhiistay kursiga xukumaadda, meesha la yidhaahdo Sallaxa Dhagaxa ah oo af Cibraanigana lagu yidhaahdo Gabbata.
14 A był to dzień przygotowania Paschy, około godziny szóstej. I powiedział [Piłat] do Żydów: Oto wasz król!
Haddaba waxay ahayd Maalintii Diyaargarayskii Kormaridda, abbaaraha saacaddii lixaad. Oo wuxuu Yuhuudda ku yidhi, Bal eega boqorkiinna.
15 Lecz oni zawołali: Strać, strać! Ukrzyżuj go! Piłat ich zapytał: Waszego króla [mam] ukrzyżować? Naczelni kapłani odpowiedzieli: Nie mamy króla poza cesarzem.
Sidaa daraaddeed waxay ku qayliyeen, Kaxee, kaxee, iskutallaabta ku qodob. Markaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi, Boqorkiinna miyaan iskutallaabta ku qodbaa? Wadaaddadii sare ayaa ugu jawaabay, Boqor ma lihin Kaysar maahee.
16 Wtedy im go wydał, żeby go ukrzyżowano. Wzięli więc Jezusa i wyprowadzili go.
Markaasuu haddaba u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.
17 A on, niosąc swój krzyż, wyszedł na miejsce zwane [Miejscem] Czaszki, a po hebrajsku Golgotą;
Wayna kaxeeyeen Ciise. Markaas isagoo sita iskutallaabta ayuu u kacay meeshii Dhakada la yidhaahdo, oo af Cibraaniga lagu odhan jiray Golgota,
18 Gdzie go ukrzyżowali, a z nim dwóch innych z obu stron, pośrodku zaś Jezusa.
meeshaasay iskutallaabaha ku qodbeen isaga iyo laba kale, midba gees, Ciisena dhexda.
19 Sporządził też Piłat napis i umieścił na krzyżu. A było napisane: Jezus z Nazaretu, król Żydów.
Bilaatosna wax buu qoray oo ku dhejiyey iskutallaabta dusheeda, waxaana ku qorraa, CIISIHII REER NAASARED, BOQORKA YUHUUDDA.
20 Napis ten czytało wielu Żydów, bo miejsce, gdzie ukrzyżowano Jezusa, było blisko miasta. A było [to] napisane po hebrajsku, po grecku i po łacinie.
Haddaba Yuhuudda badideed ayaa qorniinkaas akhriday, waayo, meeshii Ciise iskutallaabta lagaga qodbay waa u dhowayd magaalada, oo qorniinkii wuxuu ku qorraa af Cibraaniga iyo af Roomaaniga iyo af Gariigga.
21 Wtedy naczelni kapłani żydowscy powiedzieli do Piłata: Nie pisz: Król Żydów, ale że on mówił: Jestem królem Żydów.
Sidaa daraaddeed wadaaddadii sare oo Yuhuudda waxay Bilaatos ku yidhaahdeen, Ha qorin, Boqorka Yuhuudda, laakiin qor, Kanaa yidhi, Waxaan ahay Boqorka Yuhuudda.
22 Piłat odpowiedział: Co napisałem, [to] napisałem.
Bilaatos ayaa ugu jawaabay, Waxaan qoray ayaan qoray.
23 A gdy żołnierze ukrzyżowali Jezusa, wzięli jego szaty i podzielili na cztery części, każdemu żołnierzowi część. [Wzięli] też tunikę, a tunika ta nie była szyta, [ale] od góry cała tkana.
Haddaba askartii markay Ciise iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaateen oo ay afar meelood ka dhigeen, askari waliba meel buu qaatay, khamiiskiina way qaateen. Khamiiskii meella kama tollayn dusha iyo hoosta.
24 Mówili więc między sobą: Nie rozcinajmy jej, ale rzućmy losy o to, do kogo ma należeć; aby się wypełniło Pismo, które mówi: Podzielili między siebie moje szaty, a o moje ubranie rzucali losy. To właśnie zrobili żołnierze.
Sidaa daraaddeed waxay isku yidhaahdeen, Yeynan kala jeexin, laakiin aan u saami ridanno kii heli doona, inuu noqdo Qorniinka oo leh, Iyagu waxay qaybsadeen dharkaygii. Khamiiskaygiina way u saami riteen. Haddaba waxyaalahaas askartii baa samaysay.
25 A przy krzyżu Jezusa stały jego matka i siostra jego matki, Maria, [żona] Kleofasa, i Maria Magdalena.
Waxaa Ciise iskutallaabtiisa ag taagnaa hooyadiis, iyo habaryartiis, Maryan afadii Kaloobaas, iyo Maryan tii reer Magdala.
26 Gdy więc Jezus zobaczył matkę i ucznia, którego miłował, stojącego obok, powiedział do swojej matki: Kobieto, oto twój syn.
Sidaa daraaddeed Ciise markuu arkay hooyadiis iyo kii xerta ahaa oo uu jeclaa oo ag taagan, ayuu hooyadiis ku yidhi, Islaan yahay, waa kaa wiilkaagii.
27 Potem powiedział do ucznia: Oto twoja matka. I od tej godziny uczeń [ten] wziął ją do siebie.
Markaasuu kii xerta ahaana ku yidhi, Waa taa hooyadaa. Oo saacaddaas dabadeed kii xerta ahaa ayaa gurigiisii u kaxeeyey.
28 Potem Jezus, widząc, że już wszystko się wykonało, aby się wypełniło Pismo, powiedział: Pragnę.
Markaas dabadeed Ciise isagoo garanaya wax kasta inay dhammaadeen, in Qorniinku ahaado, ayuu yidhi, Waan harraadsanahay.
29 A stało [tam] naczynie pełne octu. Nasączono więc gąbkę octem, nałożono ją na hizop i podano mu do ust.
Markaas waxaa meeshaas yiil weel khal ka buuxo. Sidaa daraaddeed geed isbonji la yidhaahdo bay khalkii ka buuxiyeen, markaasay kor saareen geed husob la yidhaahdo oo afkiisa ku dhoweeyeen.
30 A gdy Jezus skosztował octu, powiedział: Wykonało się. I schyliwszy głowę, oddał ducha.
Haddaba markii Ciise khalkii qaatay ayuu yidhi, Waa dhammaatay, markaasuu madaxa foororshay oo ruuxii bixiyey.
31 Wtedy Żydzi, aby ciała nie zostały na krzyżu na szabat, ponieważ był dzień przygotowania (bo ten dzień szabatu był wielkim [dniem]), prosili Piłata, aby połamano im golenie i zdjęto [ich].
Sidaa daraaddeed Yuhuuddii, inaan meydadku sabtida iskutallaabaha sii saarnaan, waxay Bilaatos ka baryeen in lugaha laga jebiyo oo meydadka la qaado, waayo, waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, oo maalinta sabtidaas waxay ahayd maalin weyn.
32 Przyszli więc żołnierze i połamali golenie pierwszemu i drugiemu, który z nim był ukrzyżowany.
Haddaba askartii waa timid, oo ay lugaha ka jebiyeen kii hore iyo kii kale oo iskutallaabaha lagula qodbay isaga.
33 Ale gdy przyszli do Jezusa i zobaczyli, że już umarł, nie łamali mu goleni;
Laakiin markay Ciise u yimaadeen oo ay arkeen inuu durba dhintay kama ay jebin lugihii.
34 Lecz jeden z żołnierzy przebił włócznią jego bok i natychmiast wypłynęła krew i woda.
Laakiin mid askartii ka mid ah ayaa dhinaca Ciise waran kaga wareemay, oo markiiba waxaa ka soo baxay dhiig iyo biyo.
35 A ten, który to widział, świadczył [o tym], a jego świadectwo jest prawdziwe [i] on wie, że mówi prawdę, abyście wy wierzyli.
Oo kii arkayna wuu marag furay, maraggiisuna waa run, wuuna garanayaa inuu run sheegayo, inaad idinkuna rumaysataan.
36 Stało się to bowiem, aby się wypełniło Pismo: [Żadna] jego kość nie będzie złamana.
Waayo, waxyaalahaas waxay u dhaceen inuu ahaado Qorniinka leh, Lafihiisa midna la jebin maayo.
37 I znowu [w] innym [miejscu] Pismo mówi: Ujrzą tego, którego przebili.
Oo Qorniin kale wuxuu leeyahay, Way arki doonaan kii ay wareemeen.
38 A potem Józef z Arymatei, który z obawy przed Żydami był potajemnie uczniem Jezusa, prosił Piłata, aby [mógł] zdjąć ciało Jezusa. A Piłat zezwolił. Poszedł więc i zdjął ciało Jezusa.
Waxyaalahaas dabadeed, Yuusuf kii ahaa reer Arimataya, isagoo xer u ah Ciise laakiinse si qarsoon cabsidii uu ka cabsaday Yuhuudda aawadeed, wuxuu Bilaatos ka baryay inuu meydka Ciise qaado. Bilaatosna waa u fasaxay. Sidaa daraaddeed wuu yimid oo meydkiisii qaaday.
39 Przyszedł też Nikodem, który przedtem przyszedł w nocy do Jezusa, niosąc około stu funtów mieszaniny mirry i aloesu.
Oo waxaa kaloo yimid Nikodemos kii markii hore habeennimada u yimid, wuxuuna keenay malmal iyo cuud isku qasan oo qiyaastii boqol rodol ah.
40 Wzięli więc ciało Jezusa i owinęli je w płótna z tymi wonnościami, zgodnie z żydowskim zwyczajem grzebania [zmarłych].
Haddaba waxay qaadeen meydkii Ciise oo ku duudduubeen maryo iyo dhir udgoon siday caadada aasniinta Yuhuuddu ahayd.
41 A na miejscu, gdzie był ukrzyżowany, był ogród, a w ogrodzie nowy grobowiec, w którym jeszcze nikt nie był złożony.
Meeshii isaga iskutallaabta lagu qodbay waxaa ku tiil beer, beerta dhexdeedana waxaa ku tiil xabaal cusub oo aan ninna weli la dhigin.
42 Tam więc położyli Jezusa z powodu żydowskiego dnia przygotowania, bo grób był blisko.
Haddaba Maalintii Diyaargarayska oo Yuhuudda aawadeed ayay meeshaas Ciise u dhigeen, waayo, xabaashii waa dhowayd.

< Jana 19 >